TAB iyo XEELAD: Sidee WordPress-ka looga Xannibi Karaa Jawaabaha ay soo diraan Shuftada Internetka (Spam)

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Saturday, June 9, 2012 | 9 Jawaabood

« | »

  • Waxaa website-kayga lagu wareeriyey jawaabo (Comments Spam) ay soo dirayaan shufto, ayagoo ku soo diraya  qaybta jawaabaha  ee WodPress, maxaan iskaga difaacaa?
  • Sidee loo xannibi karaa ‘Comments-ka’ ay soo diraan shuftada internetka?
  • Barnamij noocee ah ayaa website-ka lagaga xannibi karaa Jawaabaha Spam-ka ah?
  • Waxaa qaybta ‘Comments’ ee website-kayga lagu asqaysiiyey spam, maxaan ka sameeyaa?.

Su’aalahaas iyo kuwo la mid ah ayaa waxaa marar badan isoo weydiiyey akhristayaasha AqoonKaal.com, sidaas daraadeed waxaan casharkan ku baran doonaa nidaam ka mid ah farsamada (Tab iyo Xeelad) la adeegsado si WordPress-ka looga xannibo Spam-ka.

Barnaamijka “Akismet”

Waxaa jira  barnaamijyo ama siyaabo badan oo website lagaga xannibo Spam-ka, gaar ahaan Spam lagu soo qorayo qaybta Jawaabaha ee WordPress-ka. Waxaana barnaamij-yadaas kamid ah Akismet, oo ka hortaga jawaabaha ama Comments-ka ay soo diraan shuftada Internetka.

Sidee u shaqeeyaa Barnaamijka “Akismet”

Barnaamijka Akismet waa kalkaaliye (plugin) la socda WordPress-ka, laakiin u baahan in la rakibo, isla markaasna lagu agaasimo fure (Key) khaas ah oo laga samaysan karo websiteka http://akismet.com/wordpress/ .

Haddaba si aad WordPress-ka ugu rakibtid barnaamijka Akismet, raac habkan:

1. Riix batoonka Plugins ee dhanka bidix ee shaashadda laga maareeyo WordPress.

2. Markaas riix linkiga “Activate” ee ku hoos qoran ‘Akismet‘. Halkaas waxay muujinaysaa in barnaamijka Akismet diyaar laga dhigayo si uu ugu rakibmo WordPress’.

3. Markaas riix batoonka ay ku qoran tahay “Activate your Akismet account“.

akiskametka

4. Markaas riix barta “Create a new Akismet Key“. Haddii aad hore u samaysatay furaha (Key) markaas waxaad riixdaa linkiga “I already have a key.”

akiskamat2

  • FG: Haddii aadan haysan furaha (Akismet API key), Lambarkaas si aad u heshid waa in aad booqatid website-ka http://akismet.com/wordpress/ websitekaas oo kuusoo baxaya marka aad riixdid “Create a new Akismet Key” ee shaashadda ka muuqata sawirka sare.
5. Markaas riix batoonka ay ku qoran tahay “Get an Akismet API key” (Waa websiteka  http://akismet.com/wordpress/).
6. Shaashadda xigta waxay suurtagal ka dhiegeysaa inaad akoon kuu gaar ah ka samaysatid  “ WordPress.com“.
  • Buuxi meelaha bannaan ee shaashadda (eeg sawirka hoose), kuna qor email-kaaga, naanays kuu gaar ah iyo fure ama password aan si fudud lagu jabsan karin. (FG: Marka aad buuxineysid foomka meelaha ka bannaan, waxaa muhiim ah in aad ku qortid email sax ah waayo waa meesha uu kuugu soo dhici doona lambar (API key) ee aad ku qori doontid shashadda WordPress-ka. Waxaa kale oo muhiim ah in aad akhridid shuruudaha adeegsiga Akismet,
  • Markaas kaddib guji batoonka “Sign up
 aksimedkaais
7. Shaashadda xigta waxaa ku qoran in aad furaha ku heli kartid lacag ama lacag la’aan. Markaas si aad laca gugu heshid, isla markaasna website-kaaguna uu yahay mid shakhsi ah (personal), markaas riix batoonka ‘Sign Up‘ ee ku hoos qoran qaybta “personal“…
shufto_asign1
8. Shaashadda xigta,  barta ay ka muuqato lacagtu, batoonka yar ee ku dhex yaal u jiid dhanka bidix ilaa lacagtu ka noqoto eber ($0.00/yr), waa haddii aad dooneysid in aad barnaamijka ku adeegsatid lacag la’aan. FG: Haddii aad dooneysid inaad lacag bixisid markaas waxaad dooran kartaa qadarka lacagta ee aad bixineysid. Markaas meelaah bannaan ku qor magacaaga, emailkaaguna halkaas waa ku qoran yahay. Kaddib riix baroonka “Continue“.
aksmy104
9. Waxaa markaas soo bixi doona shaashad kuu muujienysa in ay kuu soo direen email.10. Tallaabada xigta waa in aad furtid emailkaaga. Waxaana kuugu soo dhacay email xambaarsan lambarro iyo xarfo gaar ah (Akismet API key). Koobi ka samaysaa lambarrad iyo xarfaha ku hor qoran barta “Your Akismet API key is:”11. Markaas ku laabo shaashaddii WordPress-ka ee websitekaaga, gaar ahaan qaybtii Akismet (oo linkigeedu ka muuqdo dhanka sare ee shaashadda laga maareeyo WordPress). Markaas meesha bannaan ee ka hooseysa barta “Please enter an API key” ku qor lambaradii iyo xarfaha kuugu soo dhacay emailka.

  • FG. Waxaad hubisaa in ay calaamadsan barta ay ku qoran tahay “Auto-delete spam submitted on posts more than a month old.” Waayo jawaabaha shuftadu marka ay ku leexdaan qaybta Spam-ka, waxay markas is masaxayaan bil gudaeed.

12. Kaddib riix batoonkaUpdate Options” si aad u rakibntid furaha Akismet. Waxaa markaas shaashada ku qormi doona “Your key has been verified. Happy blogging!”. tas oo muujinaysa in furaha API Key uu ku rakibmay WordPress-ka. Isla markaasna waxaa shaashadda ka masaxmaya qoraalkii dhanka sare ee ahaa “Akismet is almost ready. “You must enter your Akismet API key for it to work.”

Halkaas marka aad soo gaartid waxaad ku guulaysatey in aad Akismet API Key ku rakibtay Wordress-ka. Taas oo ka qayb qaadan doonta xannibaada Spam-ka.

FG: Haddii ay dhacdo in Spam uu soo dhaafo difaaca Akismet, markaas waxaad riixdaa linkga Spam ee qaybta laga mareeyo Jawaabaha (Comments), taas oo muujineysa in jawaabtaas aad ku astaysay in ay soo direen shufto.

Xakamayn Qaybta Jawaabaha (Comments)

Waxaa xusid mudan muhiimadda ay leedahay in qaybta jawaabaha ee WordPress-ka aan laga dhigin kuwo toos uga soo baxa websiteka. Waa in marka hore la marsiiyo hubin oo maamulka websiteku uu akhriyo kaddibna uu aqbalo/ansixiyo ama diido jawaabaha.

Waxaana qofka jawaabta qoray uu arkayaa “your comment is awaiting moderation“, taas oo u muujinaysa in qoraalka la hubinayo.

Haddaba jawaabaha si looga dhigo kuwo la marsiiyo hubin, raac habkan:

  • Riix barta Settings ee dhanka bidix ee shaashadda WordPress.
  • Kaddib riix linkiga “Discussion“.
  • Markaas calaamadi barta “An administrator must always approve the comment” (Eegsawirka hoose).

Wixii markaas ka dambeeya haddii jawaab lagu qoro website-ka waxay noqoneysaa mid sugta in la aqbalo. Taas oo yarayansa jawaabaa maalaa-yacniga ah iyo kuwa shuftada ama Spam-ka.

Hubin in Websiteka uu aafeeyey Spam

Waxaa jira barnaamijyo kaabayaal ah oo lagu hubiyo in websiteka ay aafaysay shufto, barnaamij-yadaas waxaa ka mid ah:  http://wordpress.org/extend/ plugins/sucuri-scanner/

Sidoo kale waxaa jira websiteyo leh aalad lagu hubiyo websiteka, kuwaas oo website ku samaynaya Scan, waxaana kamid ah websitekan: http://sitecheck.sucuri.net/scanner/

Qeexid: Waa Maxay SPAM?

  • Spam waxa uu noqon karaa qoraallo tirada ka badan oo lagu soo diro qaybta jawaabaha ee WordPress-ka, waxay noqon karaan xaysiis aan loo meel deyin, qoraallo maalaa-yacni ah oo ay soo diraan shuftada Internetka, iyo waxyaabo aan ku haboonayn anshaxa oo lasoo dirayo.

Farsada kale oo lagu xannibo Spam-ka

Sidaan kor ku xusay waxaa jira qaabab badan oo loo xannibi karo Spam-ka lagu soo diro qaybta jawaabaha WordPress-ka. Waxaana hababkaas ka mid ah:

Waxa kale oo la adeegsan karaa xeerar xannibaya SPAM-ka oo lagu qoro faylka .htaccess, sida in la mamnuuco ama la xannibo IP address-ka computerka laga soo diray jawaabta .

Qore: Maxamed Cali (AqoonKaal.com)

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Halkudheg: ,

Bookmark and Share

9 Jawaabood

  1. abdi shakur says:

    waad mahadsantahay … macalinka iyo maamulkaba .. marka xigta waan doonayaa in aan ogaado sida loo sameeyo Spam

  2. abdi elmi says:

    ilaah hakaa abaal mariyo walaal , janadii fardowsana hakuugu bishaareeyo eebaha awoodaleh , maxamed khayrbaan kuu rajaynayaa inshaalaah

  3. mahad says:

    s.c wr wb

    waa cashar qiimo badan waanan ka faa’idaystay inkasoo aanan lahayn website.

    jazaakallahu khayran.

  4. Wad mahadsantahay macalin Maxamed,ALLAH hakaa abaal mariyo.

  5. Cabdishakuur says:

    Walaal maxamed aad baad noogu faa’idaysay jasaaka laahu khayr
    walaalo cashar ma nooga samyn kartaa plugins for security inta ugu manfaca iyo faa’idada badan si aan isaga ilaalino hackers iyo tuugada aadoo isticmaalayaa wordpress
    ilaahay ha ku xafido if iyo aakhiro

  6. Isha says:

    ASCWW waa d mahadsantahay walaal waa cashar qiimo badan. fadkan ma ii sheegi kartaa web haddii aan rabo in aan geliyo youtube bidix ama midig sidii aan u gelin lahaa. Illaahay ha ku gargaaro
    waad mahadsantahay

    • Maxamed Cali says:

      Asc walaal websiteka kudhisan WordPress waxaad adeegsan kartaa widgets ama kalkaaliyaasha si markaas xeerka ama CODE youtube ugu daabacdid bartaas widgetska

  7. khaliif says:

    Macalin waad mahadsan tahay marka Xigta sideen u Delet Gareyn karaa Comments ka dhan ee WordPress.ka

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      Walaal ma waxaad rabtaa in aad baabisid commentiyadii hore mase in aan comment cusub la daabaci karin

Jawaab u qor Cabdishakuur