Webdesign Ku Baro Af-Soomaali: Casharka 2aad

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Tuesday, July 12, 2011 | 21 Jawaabood

« | »

Casharkan waa kii 2aad ee casharro xiriir ah oo ku saabsan naqshadaynta iyo dhismaha muuqaalka guud ee website (Webdesign ku baro Af-Soomaali) oo aad kala socotaan AqoonKaal.com..

Casharadan waxay asaas u yihiin xeerarka suurtagalka ka dhiga in la sameeyo qaabka guud ee uu ku soo baxayo website-ka (ama website layout).

Video-ga hoos ka daawo:

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Halkudheg:

Bookmark and Share

21 Jawaabood

  1. musa says:

    bro waxan raba inan samesto websiteka balse waxa eefirmayn casharka 2aad.marka si oo iigakala go,an sidee ku heli karaa casharka2aad
    waad mahadsantahay

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal video-ga miyaan kuu furmayn? Casharada kale sida kan 3aad makuu furmayaa? Fadlan ii soo sheeg si aan cillada u ogaado meesha ay ka jirto.

  2. musa says:

    wll wa ifurma kan 3aad..lkn kan 2aad.ayan jooga hada..marka sidee kusii wadan karaa…ama anku dawan kara kan2aad
    waadmahadsanthay brada..

    • Maxamed Cali says:

      asc: Walaal waan hubiyey video-ga 2aad wuu shaqaynayaa, ka ee dhaanka midig ee website casharada webdesign qaybta 2aad

  3. Omar says:

    Assalaamu calaykum

    Walaal macallin Maxammed, casharka 2aad ii furmi maayo.. Mar ayuu ii furmay, hawl baa igu timi markaasbaan hakiyey, lkn markii aan inaan mar kale dhegaysto damcay wuu ii furmi waayey.. wuxuu i dhahayaa “sorry, we are unable to play this episode. Casharka aan u jeedaa waa kan http://aqoonkaal.com/html/webdesign-2/. Walaal ilaahay ha ku barakeeyee bal hubi cilladda.

    • Maxamed Cali says:

      ASC: Walaal Cumar markale ayaan dib u daabacay video-ga casharka labaad ee fadlan eeg in uu kuusoo baxayo. Mahadsanid.

  4. Omar says:

    Shukran macallin maxammed.. Khayr Allah ha ku siiyo..sii fiican ayuu u soo baxay..

  5. Yaxye says:

    macalim waad mahadsan tahay. waan fahmay cilada meesha aay iga heysato oo waxey aheyd, xerka CSS-ku waxaan ku isticmaalaayay calaamadaan “()” dib dambe ayaan fahmay in curly brace la iga rabo si uu xeerku u dhaqan galo ‘{}”. aad baan kuugu mahad celinyaa macalin Maxamed. thank you so much. i love you for your concern of educating us. have a lovely day.

  6. dahir says:

    asc macalin waxaan ahay arday waxaan baranayaa (software engineering ) mustabalka dhaw maxaa igu haboon inaan barto waa mid tankale waxaan jecelahay inaan barto (java programing) ma barankaraa anigoon aqoon (c ama c++) mahadsanid macalin igana raali noqo hadaan mowduuca ka baxay

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal Daahir waxaa arkay ayadoo lagu talinayo in haddii la rabo in programming-ka meel sare laga gaaro in lagu bilaabo LOW-LEVEL PROGRAMMING (sida C), markaas ayuu kuu fududaanayaa C++ ama JAVA. Waxaa muhiim ah in aad asaaska hoose ka bilowdid cilmi kasta oo aad baranaysid si marka aad gaartid fasallada sare uu kuugu sahlanaado fahamka si xeel dheer aad u fahmi lahayd qaab dhismeedka guud ahaan cilmigaasi.

      Waxaa muhiim ah in aad talo weydiisid macallimiintaada dugsiga ama machadka aad cilmigaas ka baranaysid maadaama ay ayagu u yeelan karaan khibarad wanaagsan sida ardaygu ku horumari karo marka uu bilaabo JAVA ama barnaamij kale oo ka baxa machadkaas.

      Waxaad ku baraarugsanaataa in ardaygu horumar ka gaari karo maadada uu jecel yahay, tusaale ahaan qof jecel cilmiga Sayniska ayaa ka jiba keeni kara cilmigaas, sidoo kale qof jecel Programming-ka ayaa ka jiba keeni kara JAVA iwm. Halkaas waxaan kugu hoga tusaalaynayaa inaad ku dhaqaaqdid cilmiga aad dooneysid in aad baratid sida waqtigu kuugu saamaxo adigoo Allah u talo saaranaya.

  7. ayanale says:

    asc walal aad ayaad ugu ma hadsantahay sida wanagasan ee aad igu fudeydisay barnamujkan, aad ayaad ugu mahaadsantahay run. mida kale walal casharka waan fahmay webkana waan sameyay lakin waxaa igu adkatay inaan is wafajiyo (HTML IYO CSS) taas oo runti aad idhibtay. midakle webkayga waxa uu ka kooban yahay 6 bog, shanta ugu horeesa oo dhan waxan is ticmalay oo kaliya HTML, lakin boga lixaad(6) waxaan raba inaan css ku daro. waan isku dayay lakin waa noqon wayday, xitaa sidaa usuubinayso ayaan usameyay way noqon wayday.
    plz adigo 100kiba 100 mahadsan arintaas iga caawi.

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal dhammaan 6da websiteba hal CSS ayaa loo adeegsan karaa, waayo ujeedada ugu weyn ee CSs ayaaba ah in hal fayl oo ah CSS in lagu xiriiriyo dhammaan bogagga uu ka kooban yahay weebsiteku si markaas haddii loo baahdo in naqshadda wax laga bedelo markaas la bedeli doono hal fayl kaas oo bedelaya intii bog ee ku xiriirsanaa.

    • macalin aniga body css wuxuu igu diidayba inan badalo background ka ee iga caawi

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      Sidee u qortay xeerka halkan daabac si aan kuula eegno

  8. abaadi says:

    Asc macalin maxamed waad ku mahadsantahay casharada iyo sida aad ummada ugu faaiideeyneeyso ALLAH ajar hakaa siiyo, macalin mala heli karaa xeerka la isticmaalaayo kan HTML ka iyo kan CSS ka ayagoo qoraal ah oo daabac maxaa yeelay casharka 2aad ayaan dhaafi lahay kheybta background ka kalarka loo yeelaayo wax iga qaldana waan garan la,ahay

    mahadsanid

    • Maxamed Cali says:

      asc, walaal casharada markii aan duubayey waxaa qorshahaygu ahaa marka la fahmo in markaas qofku qoran karo xeerka , waxaana xoogga saarayey fahamka in la fahmo, mustaqbalka waan ku dadaalaayaa in xeeraka oo qoraal ah aan ku soo daro insha Allah.

  9. abaadir says:

    insha Allah aad ayaad u mahadsantahay walaal waan kaa sugeeynaa hadii Eeebe iddmo

  10. Abdihakim says:

    As/Wr/Wb

    waxaan marka hore kaaga mahadcelinayaa casharadaan hagar la’aanta ah aad na siineysid ,, sida ay faa’iidu u lee yihiin ,

    marka xiga macalin waxaan rabey in aad ii tilmaan sida ay gu xirmayaan index.html iyo style.css,,, waayo markaan wada sameeyey waxaa kaliyoo ii shaqeenaya index.html,, marka intaas baan kaa rabey waan ku mahadsan tahay, illaah hakaa abaal mariyo

  11. jacfar says:

    Macalin allah kheyr haku siiyo,waxa rabay macalin sida liskugu xirayo index.html iyo style css.mida kale macalin calaamadan ” ” markan isticmalyo notebadka sidaad uma qormeyso window 8 isticmaala hadii shift aan lqabto @ ayee noqonee sidee kusameen karaa macalin.shukran

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      Walaal ogaantayda windows 7 iyo 8 waa isku qaab marka laga hadlayo teebka ama keyboard, ee fadlan hubi halkaas

Qor Jawaabtaada