Video: Casharka 3aad ee OpenOffice: Isku dhufashada xisaabta

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Sunday, January 9, 2011 | 14 Jawaabood

« | »

Casharka saddexaad waxa uu ku saabsan yahay adeegsiga hab xisaabeedka kala duwan, sida isku dhufashada iyo qaabka loo adeegsado.

Gaar ahaan waxaan baran doonaa xeerarka asaaska u ah hab xisaabeedka OpenOffice Calc sida:

Xeerka isku dhufashada oo la adeegsado calaamadda * oo ah marka la isla riixo batoonka Teebka (Keyboard-ka) ee SHIFT iyo 8.

Waxa kale oo si  guud mar ku baran doonaa xeerar xisaabeedka sida

  • Isku darka (SHIFT iyo = ) oo  ah calaamadda (+)
  • Kala Jaridda (-)
  • IskuDhufasho (SHIFT iyo *8) oo ah calaamadda (*)
  • isu Qaybin (/)
  • Jibbaar (SHIFT iyo 6) oo ah calaamadda (^)
  • Boqolley (SHIFT iyo 5) oo ah calaamadda (%)

ka daawo Video-ga hoose

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Bookmark and Share

14 Jawaabood

  1. ahmed says:

    a/s/c walaal bada salaan walaal aad ayaad ugu mahadsantahay
    hawshaan balaaran walaal alle ha kaa abaal mariyo walaal
    bacda salaan waxaan ku waydiinayaa casharka 3 marka aan qoro tusaale iskudar =1+2 inter ee aan rabo sadarka hoose waxaa isku darsamaysa
    tiradan oo noqonaysa 1+2 =3 walaal maxaa iga khaldan
    ama sidee u maareeyaa walaal mahadsanid

    • Maxamed Cali says:

      a/s/c walaal marka hore mahadsanid. Haddii aan su’aasha fahmey, waxaa muhiim ah in tiro kasta khaanad gaar ah lagu qoro, tusaale ahaan 1 waxaad ku qortaa khaanad gaar ah, kaddib 2 waxaad ku qortaa khaanad kale, markaas khaanad saddexaad hagaha ku guji si uu isku darku halkaas uga soo baxa marka hore qor = kaddib guji tirada 1, ku xeji isku dar + kaddib calaamadi tirada 2 aad, markaas ayaa waxaa soo bixi doona 3.

      Waxaan rajaynayaa in aad fahamtey. Sidoo kale haddii aad sii daawatid casharada waxaad arki doonaa in uu jiro nidaam sidaas ka fudud, waayo casharkani waa hordhaca hore ee casharada xiriirka ah.

      Mahadsanid

  2. ahmed says:

    a/s/c walaal aad iyo aad ayaad u mahadsantahay walaal alle ha
    kaa abaal mariyo hawshaan balaaran ee aad u hayso bulshada
    somaaliyeed walaal

    mahadsanid

  3. ahmed says:

    a/s/c walaal aad ayaad u mahadsan tahay walaal alle ha kaa
    abaal mariyo hawshaan balaaran walaal waxaan ku waydiinayaa
    tirada boqoleeyda waxaad qortay 0.25 walaal markaas
    waa intee 100 kiiba halkaas ifahansii walaal adoo raali ah
    walaal mahadsanid

    • Maxamed Cali says:

      a/s/c Walaal mahadsanid dhambaalkaaga – tirada boqoleyda ah ee ku xusan casharada waa 2.5% (Taas oo ah 2.5 boqolkiiba oo u dhiganta 0.025. Tiradaas oo asalkii ka soo jeeda 1/40 ama Afartan meelood marka loo qaybiyo meel , taas oo ah 0.025, waxayna noqonaysaa 2.5%. Waana sida loo xisaabiyo sakada.

      Taas macnaheedu waxay tahay haddii aad haysatir kun lacag ah waxaad sako ahaan ka bixineysaa 1 000 * 0.025 = 25

      Waxaan rajaynayaa in aad fahamtey. Mahadsanid.

  4. cabdiraxmaan ismaaciil says:

    ASCWW…..Mudane:maxamed cali aadbaan kaaga mahadcelinayaa,casharkan saddexaad oo ah kii saddexaad ee aan sii dhugto,inta kalena insha allaah waa sii wadaa,adna walaal alle waxaan kaaga rajaynayaa in uu aduun iyo aakhiraba kaa abaalmariyo.dhiirigelin walaalnimo ayaanu kuusoo gudbinaynaa….mahadsanid

  5. Qaran doon says:

    Waa barnaamij aad u wacan, kuna dayasho mudan!!!!!!!!!!!!!!

  6. ismail abdi says:

    aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay dhamaan suurto galiyayaasha hawshan qaaliga ah salaan qaaliya iga gudooma

  7. salaan kadid walaal aad ayaad u mahadsan tahay casharada aad bixiso ee tafatiran waxaan ilaah kaaga bar yaa in uu miisaanka xasanaadka kuu saaro jizaaka laah kheeyr

  8. sharfudiin says:

    asc walaalayaal ajir ALLAHA idinka siiyo dadaalka aad bixineysaan
    waa mahadsantihiin dadaalka sii laba jibaara
    cashiro cusub kusoo dara

  9. mohamed ahmed says:

    aad ayaa u mahadsantihin dhammaan dadka noo soo jeediyay hawshan laakin waxaad iga caawisaan aniga sida loo hubiyo xisabta ku dhufashada mahadsanidin

    • Maxamed Cali says:

      asc walaal su’aasha ii faahfaahi, hubin xisaabeed oo noocee ah ayaad su’aasha ulajeedaa

  10. ahmed baasadiiq says:

    walaal waxaan ku weedinaa in aad isheegto qaabka sakada loo qeebinaayo
    marka aad ganacsi ku jirto alaabta qiimaha ugu fadhiso miyaa sakada ku waajibtaa mise alaabta aad soo iibsaday marka aad sii iibiso faaidada ka heshay marka miyaa lawada qiimeeneesaa
    jwb

  11. cabdixakiin xaashi says:

    asc walal wankusalamay salaan kadib waxan ubahanay walal waxn leyahay tusale ahan dukan dhar ah waxa rabaa shey walba qimaha an kaso bxiyey inan helo mel an kuqoro kadib marki an gado waxa fa ido ah ayada melkalo an kuqoro si uu igu muqdo faidada sheygas nadamkas sidi an ubaran laha ayan raba illaah kheer hakusiyo walal mahadsanid

Qor Jawaabtaada