About

Kusoo dhawaada AqoonKaal.com

AqoonKaal waa website ku saabsan macluumaadka Computerka iyo Internetka iyo farsamada Technolojiyada oo ku qoran AfSoomaali.

Website AqoonKaal.com waxaad kala soo xiriiri kartaan:

  • Email: aqoonkaal@gmail.com
  • Tel: 1-612-567-7333 (FG. fadlan email iigu soo dir wixii ku saabsan su’aalo la xiriira dhismaha websiteka)

Xarunta AqoonKaal.com waa magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota.


Soo Saaraha AqoonKaal.com

Ugu horayn waxaan u mahad celinayaa Allah, oo ii sahlay, i baray, iina fududeeyey in aan qoraalkan iyo macluumaadka ku jira AqoonKaal.com gaarsiiyo daafaha dunida. Waxaana Allah ka baryaayaa in uu macluumaadkaas aan qoray ka dhigo mid ummadda anfaca.

Magacaygu waa Eng. Maxamed Cali Aaden (AqoonKaal). Farsamada computer-ka markii iigu horeysey waxay ahayd ka hor 1991 oo aan arday ka ahaa Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed ee Muqdisho, oo aan dhigan jirey kulliyada Civil Engineering. Fasalladii aan xilligaas qaadanay waxaa ka mid ahaa fasal khaas u ahaa barashada xogta computerka oo ahaa ELEMENTI DI INFORMATICA (oo la macne ah Computer Science) – Haa  Jaamacaddii Soomaaliya waa lagu baran jirey computerka ka hor 1991!.

Waxaa iigu xigtey 1992-96, xilligaas oo aan fasallo ku saabsan luqadda iyo baarashada adeegsiga computerka ka qaatay Nairobi (xarun computerka laga barto ee xaafadda Islii, jidka 7th street). Gaar ahaan 1996 barnaamijyadii aan bartay waxaa ka mid ah MS-DOS, WordPerfect 5.1 (oo u dhigma Word), Lotus 1-2-3 (oo u dhimga Excel) iyo Dbase III+ (oo u dhigma Access) iyo guud ahaan xirfado la xiriira adeegsiga computerka.

Sannadkii 1997 iyo 1998 ayey ahayd markii aan machadka G.A Wheable Night School ee London Ontario, Canada ka qaatay fasallo ku saabsan barnaamijyada HTML (dhismaha website-ka), Microsoft FrontPage, Information Technology (IT), MS Word, Excel iyo PowerPoint.

Barnaamijka HTML waxa uu xilligaas ahaa farsamo cusub oo lagu dhiso website-ka. Markii aan fasalkaas dhameeyey waxaan qoray casharrada “HTML Ku Baro AfSoomaali”, casharadaas oo laga soo bilaabo 1999 ay arday aad u farabani ka aflaxeen, kana barteen saldhigga sida HTML loogu dhiso website-ka. Allah ayaan arrintaas ku mahadinayaa in casharro aan qoray laga faa’iidey. (Casharadii 1999 ee HTML ka eeg: http://html.aqoonkaal.com)

Adeegsiga Internetka iyo barnaamijyada wax lagu qoro ee computerka, iyo barnaamijyada wax lagu sawiro (sida Photoshop) waxaan aad ugu sii tababartay markii la soo gaarey 1999 xilligaas oo aan jaamacad ka dhiganey London, Canada, halkaas oo aan Civil Engineering ku soo dhamaystiray 2002.

Aqoon kororsiga la xiriira farsamooyinka casriga ah ee computerka waxaan sii watey markii aan imid magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, dabayaaqadii 2002. Ilaa xilligaas barnaamijyada aan aqoon korosiga ku sii siyaadsadey waxaa ka mid ah: PHP, WordPress, HTML5, CSS3, jQuery, JavaScript, Photoshop, GIMP iyo kuwo kale iyo weliba barnaamijyo la xiriira naqshadaynta dhismaha, sida Revit Architecture iyo Revit Structure, waxa kale oo aan gaar ahaan barnaamijka AutoCAD koorsooyin ka qaatay machadka Dunwoody ee Minneapolis.

Waxa kale oo aan sii wadey in aan Afka-Soomaaliga ku tarjumo farsamada la xiriirta barashada Computerka. Arintaas si aan u sii horumariyo waxaan 2006 asaasay website-ka AqoonKaal.com si aan ugu faafiyo cilmiga computerka oo ku qoray Af-Soomaali. Waxaana sannadkii 2010 bilaabay in aan Webcast/Video ka dhigo casharada qaar, kuna faafiyo AqoonKaal.com. Casharrada aan video ka dhigay waxaa ka mid ah barnaamijka hab-xisaabeedka ee OpenOffice (gaar ahaana si weyn looga faa’iidey sidii sakada loogu xisaabin lahaa), HTML & CSS iyo WebDesign ku baro Af-Soomaali. Waxaadna daalacan kartaa barta: http://youtube.com/aqoonkaal

Yoolkaygu waa (Insha Allah): In aan AqoonKaal.com ka dhigo meel ku guulaysata in cilmiga computerka oo Af-Soomaali ku qoran ay gaarsiiso dhammaan Soomaalida meel kasta oo ay dunida ka joogaan, Insha Allah. Islamarkaasna AqoonKaal.com uu ka qayb qaato kobcinta aqoonta iyo horumarinta farsamada casriga ah si dadka Soomaalidu ay u noqdaan mujtamac aqoon iyo xirfad sare u leh cilmiga casriga ah ee qarniga 21aad, kaas oo ku qoran Af-Soomaali.

Gabagabadii, waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa akhristayaasha websiteka Aqoonkaal oo had iyo jeer iisoo dira emailada, igala soo xiriira Facebook ama Twitter #aqoonkaal, ama qaybta Jawaabaha website-ka (Comments), ayagoo had iyo jeer ii sheega in ay ka faa’iideen casharo aan daabaacay, inkasta oo ay dhici karto in dhammaantood aanan dhambaaladooda ugu wada jawaabin ayaan halkan waxaan si caam ah ugu mahad celinayaa qof kasta oo  iigu soo diray dhambaal,  mahad celin iyo dhiiri gelin. Mahadsanidin dhammaantiin.

Intaas waxaa dheer in aan sameeyo naqshadaynta iyo dhismaha websiteyada, kuna dhiso HTML iyo WordPress. Faahfaahin ku saabsan ee ku saabsan waxa looga baahan yahay dhismaha website ka akhri halkan: https://aqoonkaal.com/dismewebsite/

Waxaan idiin rajaynayaa in aad ka faa’iidaan AqoonKaal.com.

Wixii talo iyo tusaalayn ah fadlan iigu soo hagaaji emailka hoose.

La xiriir: Maxamed Cali Aaden
Email: aqoonkaal@gmail.com
Magaalooyinka mataanaha Minneapolis/St.Paul, Minnesota

___________________
AQOONKAAL LLC.
https://aqoonkaal.com/


Qaar kamid ah Casharada ku qoran websiteka AqoonKaal.com:

1-Sidee Loo Diiwaan Gashadaa Magaca Website (Domain)?
2-Sidee Website-ka Loogu Xulan karaa Marti-geliye (Web Host) Wanaagsan.
3-Eray bixin, Qeexid iyo Macne Af-Soomaali ah ee Shaashadda Guud ee WordPress.
4-Sida Codka (MP3) Loo Geliyo WordPress-ka.
5-TAB iyo XEELAD: Sidee WordPress-ka looga Xannibi Karaa.
6-Jawaabaha ay soo diraan Shuftada Internetka (Spam).
7-Sidee Loo Xaddidi karaa Saacadaha aysan Carruurtu Geli Karin Computerka.
8-Sidee Youtube Looga xannibi karaa Aflaanta Anshaxa xun.
9-Sidee Computerka Looga Xanibi karaa Websiteyada Aflaanta Anshaxa Xun.
10-Video: Qaybta 1aad, 2aad, 3aad iyo 4aad: Sidee WordPress loogu 11-sameeyaa Foomka Shaqada ama Foomka Xiriirka.
12Video: Sidee Gmail looga sameeyaa Emailo u khaas ah Websitekaaga.
13-DIGNIIN: Virus halis ah oo Computerada ka Xanibaya Khadka Internetka marka la gaaro July 9, 2012.
14-Video: Sidee si Ammaan ah Qoraallada Loogu xawili karaa Website ayadoo la adeegsanayo FileZilla.
15-Sidee Qoraallada lagu daabaco Website (WordPress) si toos ah ugu soo bixi karaan Facebook?
16-Webdesign Ku Baro Af-Soomaali: Hordhac, Casharka 1aad, 2aad, 3aad, 4aad, 5aad, 6aad, 7aad, 8aad.
17-Tab & Xeelad: Sida Loo Bedelo Video ku duuban DVD.
18-Sida loo Xaqiijiyo in xeerarka HTML & CSS ay sax yihiin – Casharka 22aad.
19-WordPress: Sida Radio Loogu Daro Website ku dhisan WordPress.
20-Noocyada laga dhigo Liiska Taxan, sida Alif-beeto, Xarfo Roman iwm- Casharka 21aad.
21-Image Map: Sida Loo Sameeyo Sawir Khariidadeed – Casharka 20aad.
22-Sida sawir Loogu Dhejiyo Derbiga gadaal ee Shaashadda Webka – Casharka 19aad.
23-FAVICON.ICO: Sida Loo Sameeyo Astaanta Websiteka ee ku suntan Browserka – Cashar 18aad.
24-FLOAT: Sida qoraal ama sawir loo xejiyo Dhinac – Cashar 17aad.
25.Sida Codka Looga Dhexduubo Computerka ama Website, looguna Diro Email. Q.2aad.
26-AQOON KAAL : Sida Cod MP3 ah Loo Duubo Magarafoon, Looguna Xawilo Website – Q.1aad.
27-BORDER: Sida Naqshadda loogu sameeyo derbiga ku wareegsan Qoraalka – Casharka 16aad.
28-PADDING: Xeerka qoraalka ka durkinaya gudaha derbiga ku xeeran – Casharka 15aad.
29-MARGIN: Sida Shaxanka Qoraalka looga Durkiyo Derbiga Shaashadda – Casharka 14aad.
30-SPAN: Sida hal weer ama hal tuduc loogu sameeyo Muuqaal gaar ah – Casharka 13aad.
31-DIV: Sida hal Naqshad loogu sameeyo waax kamid ah bogga – Casharka 12aad.
32-ID: Xeerka Sameeya Naqshad Khaas ah ee bogga – Casharka 11aad
32-CLASS: Waa xeer Naqshad u samaaynaya dhawr meelood – Casharka 10aad.
33-HTML & CSS: Sida Loo Naqshadeeyo Linkiyada – Casharka 9aad.
34-HTML & CSS: Xeerka Nooca Farta Qoraalka Website – Casharka 8aad.
35-HTML & CSS: Sida loo Xusho Midabbada Website -Casharka 7aad.
36-CSS: Hordhac Xeerarka Naqshadaynta Website – Casharka 6aad.
37-Tab & Xeelad: Sida Video loogu daabaco Youtube.
38-HTML: Sida loo sameeyo Liiska Qoraalka – Casharka 5aad.
39-HTML Ku Baro AfSoomaali – Casharka 4aad.
40-HTML: Sida Sawirada Loogu Xiriiriyo Website (Casharka 3aad) – Video.
41-HTML: Sida Loo Sameeyo Linkiyada Website (Casharka 2aad) – Video.
42-FileZilla (FTP): Sida Faylasha loogu Xawilo Website (Video).
43-HTML: Casharka 1aad ee HTML Ku Baro AfSoomaali (Video).
44-Tab & Xeelad: Sida Loo Duubo Shaashadda Computer-ka.
45-HTML: Hordhaca Casharrada HTML Ku Baro AfSoomaali.
46-HTML: Hordhaca Casharrada HTML Ku Baro AfSoomaali.
47-WordPress Plugin: Sida loo sameeyo Suaalaha iyo jawaabaha QUIZ.
48-Video: Casharka 7aad ee OpenOffice: Xisaab Xirka Mashruuc ama Community.
49-Video: Casharka 6aad ee OpenOffice: Sida loo sameeyo Shaxanka ama Chart.
50-Video: Casharka 5aad ee OpenOffice: Xisaabinta Boqolleyda iyo Sakada.
51-Video: Casharka 4aad ee OpenOffice: Nidaaminta iyo Samaynta Warqad Xisaabeed Guud.
52-Video: Casharka 3aad ee OpenOffice: Isku dhufashada xisaabta
53-Video: Casharka 2aad ee OpenOffice: Isku darka xisaabta.
54-Video: OpenOffice – Casharka 1aad: Guud mar Barnaamijka OpenOffice.
55-Video: Hordhac – Xaggee ka soo rogan kartaa Barnaamijka OpenOffice.
56-Ku Soo Dhawaada Website AqoonKaal.com oo dib u habayn lagu sameeyay.
57-Aqoon Kaal: Qaybta waxaan ku daabaci doonaa wixii Video ee la xiriira casharada.
58-Aqoon Kaal: Qaybta Waxaad ku daabaci doonaa macluumaadka Teknoolojiyada.
59-Aqoon Kaal : Macluumaad la xiriira Computerka (Aqoon La’aan Waa Iftiin La’aan).