HTML & CSS: Xeerka Nooca Farta Qoraalka Website – Casharka 8aad

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Thursday, April 7, 2011 | 5 Jawaabood

« | »

Casharkan waxaan ku baran doonaa xeerarka suurtagalka ka dhiga in la xusho nooca laga dhigayo farta lagu qorayo website-ka, nooceeda, cabirkeeda iyo cabirka loo sameeyo sadarada oo laka durkinayo.

Xeerka farta ee FONT: waa xeer kamid ah kuwa looguadeegsiga badan yahay marka ladhisayo website-ka, waxaana xeerkaas lagu qoraa faylka naqshadaynta (CSS).

Video-ga hoos ka daawo:


Xeerka Farta qoraalka website-ka

Xeerka hoose waxa suurtagal ka dhigayaa in in la xusho cabirka iyo nooca farta qoraalka website-ka.

Xeerarka CSS

[sourcecode language=”css”]

body {
font: 16px/1.5 Verdana, Arial, Helvetica, sans-serif;
}

[/sourcecode]


Macluumaad Dheeraad ah

Farta loo xusho website waa in ay noqoto mid uu aqabalyo browserku, sidaas daraadeed waxaad internetka ka baari kartaa oraahda “browser safe fonts“.

Sidoo kale eeg website-kan oo soo koobay dhawr nooc oo farta qoraalka ah:

http://www.ampsoft.net/

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Halkudheg:

Bookmark and Share

5 Jawaabood

  1. axmed xirsi says:

    masar ayaan joogaa

    ustaad maxamed cali ilaahay aakhiro iyo aduunba hakaa abaal mariyo wanaaga aad noosmaysay .
    macalin casharadaada aad ayaan uga faa iidaystay ,waana kutixanahay ,
    wax walbana sidaad usamaysay ayey iigu hirgaleen marka laga reebo filezila oo error connection ii sheegaya marka taasna anaa hagaajindoona kadibna wixi aan sameeyey ayaan kutusi doonaa .

    CODSI:
    waxaan codsanayaa
    in aad soo dhawayso qoraalka waa loojeedi karaa lakin waxyar oo soodhawayna ayuu rabaa sida inaad zoom geliso natepad++ ayaan kawadaa.

    SU’AAL:

    qofkii casharadaan sifiican ufahma dhamaantoodna wada qaata boqolkiiba intee ayaa ladhihi karaa HTML IYO CSS wuu yaqaanaa?

    mahadsanid 100%

    • Maxamed Cali says:

      A/c: Walaal Axmed Xirsi mahadsanid ducadaada iyo dhiiri gelintaada.

      Arrinta FileZilla waxaad hubisaa furaha (password) iy username iyo magaca website in ay sax u qoran yihiin. Si taxadar leh u hubi, waxaan rajaynayaa in uu kuu shaqeeyo.

      Tan CODSIGA ku saabsan in aan soo dhaweeyo ama ZOOM ku sameeyo Notepad++ insha Allah waan ka fekerayaa in qaabkaasi uu ku siyaadinayo fahamka casharka, anigoo ka taxadaraya in uu ZOOM-ka badan uu qofka daawanaya ka mashquulin karo fahamka, balse waan tijaabin doonaa arrintaas insha Allah.

      Tan SU’AASHA ku saabsan qofkii casharadan wada fahme immisa ayuu ka yaqaan HTML iyo CSS waxaan qiyaasayaa in uu asaas fiican iyo fikrad fiican ka qaadan doono. Waxaana muhiim ah in cilmigu uusan dhammaad lahayn ee markasta la sii kororsan karo. Qaabka aan casharadan ugu talo galay waa in qofkii si wacan u fahma uu yeelan doono asaas wanaagsan oo ku saabsan HTML iyo CSS, insha Allah.

      Markale mahadsanid.

  2. axmed xirsi says:

    ok aad ayan kaaga mahadcelinayaa jawaabta wanaagsan
    iyo duruustaba

    arinta notepad++ aniga wax colays badan iguma hayso
    waan lasocon karaa casharada kaliya waa hadii ay kula
    wanaagsanaato inaad soodhawayso videoga hadi kale wax culays ah male thanx macalin.

  3. muna vip says:

    masha Allah wad mahadsantihiin bahda aqoonkaal alle ha idin dhowro

  4. barre says:

    macalin waad mahadsan tahey.

    casharadan aad ayaan u fahmey, wax weyn ayey ii kordhiyeen, aqoonteydii htmlka iyo csska.
    waad mahadsan tahey macalin sida balaaqada leh ee aad noo fahamsiisey. alle hakaa abaal mariyo. janadii fardowsana hakuugu bedelo. annagana kuwii umadooda ufaaiideeya alle hanaga dhigo.

Qor Jawaabtaada