DismeWebsite

Dhismaha Website (oo Lagu Dhisay WordPress)

FG: Website ku dhisan WordPress si laguugu sameeyo fadlan soo rogo (DOWNLOAD) Faylkan (.doc), kaddib su’aalaha ku qoran jawaabtooda u soo dir emailka hoose.

  • Macluumaad ku saabsan waxyaabaha loo baahan yahay si loo dhiso website-ka hoos ka akhri:

Soo Koobid: Website si loo dhiso waxaa loo baahan yahay:

DOMAIN

  • Qeexid: Waxaad u baahan tahay diiwaan gelin magaca website-ka.
  • Qiime: Waa ilaa $10 doolar sannadkiiba.
  • Xaggee: Shirkadaha diiwaan geliya waxaa ka mid ah: GoDaddy, NetworkSolutions, iwm.

HOST

THEME

  • Qeexid: Haddii website-ka lagu dhisayo WordPress waxaad u baahan tahay naqshad ama Muuqaal (Theme) lagu dhiso webka.
  • Qiime: Waxaa lagu helaa qiime ka yar $100 doolar – inkasta oo ay jiraan kuwo kasii qaalisan.
  • Xaggee: Waxaa jira website-yo iibiya Theme-ka sida: Theme Junkie, WPZOOM, WooThemes, Photocrati Theme, iwm.

DESIGN

  • Qeexid: Waxaad markaas u baahan tahay in laguu agaasimo hawlahaas oo dhan, isla markaasna laguu dhiso website shaqaynaya.
  • Qiime: Qiimaha inta badan wuxuu ku xiran yahay hawsha la qabanayo baaxaddeeda iyo waqtiga la gelinayo, waxaana dheer haddii adiga tababar laguu siinayo sidii aad u adeegsan lahayd WordPress.
  • Xaggee: La soo xiriir emailka ama telefoonka hoos ku qoran.

qiimaynwebka

Faahfaahin:

Haddaba, ma dooneysaa in laguu dhiso website? Fadlan akhri macluumaadka faahfaahsan ee hoos ku qoran oo kaa caawinaya arrintaas.

Nooca Website

Ugu horayn waa in aad go’aan ka gaartid nooca uu noqonayo website-kaagu: ganacsi (shirkad, bangi, dukaan, bakhaar, meel gawaarida lagu gado), waxbarasho (dugsi iwm), hay’ad khayri ah ama warar. Taasi waa arrinta ugu horaysa ee meel lagu ogaanayo ka hor inta aan loo qalab qaadan in website la dhiso.

Markaas waa in ay diyaar kuu yihiin macluumaadkii iyo akhbaarta website-ka lagu bilaabi lahaa, sida macluumaad ama xog iyo sawiro la xiriirta mowduuca ubucda u ah website-ka. Markaas si website-ka loo dhiso waxaa loo baahan yahay in la raaco taallaabooyibka hoose:

Diiwaan gelin magaca (Domain)

Tallaabada xigta waa in la diiwaan geliyo magaca Domain-ka.

  • Domain: Website kasta oo la sameynayo waxaa shardi ah in uu lahaado magac u gaar ah oo loo diiwaan geliyo, magacaas gaarka ah ayaa ah Domain-ka.

Waxaa jira shirkado badan laga diiwaan gelin karo magaca (Domain) sida:

Qiimaha lagu diiwaan geliyo waa ilaa dhawr iyo toban doolar sannadkii. Taas oo macnaheedu yahay sannadkiiba mar ayaa la bixin doonaa lacagtaas diiwaan gelinta.

Marti geliye (Hosting)

Waxaa markaas loo baahan yahay shirkad kuu marti gelisa website (hosting)

  • Hosting: Waa shirkado marti geliya ama lagu kaydiyo macluumaadka lagu daabaco website-ka.

Waxaa jira shirkado farabadan oo laga kiraysto booskii website-ka lagu xerayn lahaa, waxaa shirkadahaas ka mid ah:

Sidoo kale waxaad kelmedda “web hosting” ka baari kartaa Bing.com ama Google.com.

Marka la xulanayo shirkada martigeliyaha waxaa laga eegaa inta macluumaad ah ee ay ogol yihiin in lagu xeraysto server-kooda (Disk Space) iyo waxa loo yaqaan (Bandwidth) oo ah inta xog ah ee laga soo rogan karo website-ka iyo tirada booqashada ay ogool yihiin – taas oo ku xiran waxa lagu daabacayo website-ka sida codka oo culays badan qaadanaya.

Shirkadahaas martigeliya waa kala qiime duwan yihiin, qaar ayaa ah $10 doolar bilkasta, qaar kale ayaa ah $5 doolar bilkasta. Waxaana badanaa haboon in lacagta loo bixiyo sannadkiiba mar. Tusaale ahaan haddii aad dooratid shirkad bishiiba ah $5 doolar markaas waxaad sannadkiiba bixinaysaa $5×12=$60 doolar. Haddii aad dooratid $10 doolar bishii markaas waxaad sannadkiiba bixin doontaa $10×12=$120 doolar.

Qiimaha sababta uu u kala badan yahay waxaa sal dhig u ah inta macluumaad ama xog ah ee lagu kaydin karo website-ka iyo miisaanka ama culayska la soo dersi doona website marka ay bataan dadka soo booqan doona. Waxa siga gaarka ah loo xisaabaniyaa waa waxa loo yaqaan (Bandwidth).

Halkaas si aad u fahamtid, haddii website-ka aad ku daabaci doontid cod (audio) waxa uu u baahnaan doonaa (Bandwidth) badan.

  • FG. Waxaa suurtagal ah in shirkaddaha marti gelinaya website-ka in ay noqdaan kuwa diiwaan gelinaya magaca Domain-ka, oo ay lacag la’aan kugu siiyaan Domain-ka inta aad ku jirtid Host-tigooda. Waxaase suurtagal ah marka loo baahdo in laga guuro shirkaddaas in ay hawl dheeraad ah u baahan doonto kala wareejinta Domain-ka oo loo rarayo marti-geliye cusub. Sidaas daraadeed ayaa dad badani waxay sameeyaan in ay shirkadaha gaarka ah ee diiwaan gelinta ka samaystaan magaca Domain-ka, kaddibna shirkad kale ka dhigtaan Host.

Dhismaha Website-ka (Design)

Marka website-ka la diiwaan geliyo, isla markaasna la diyaariyo meeshii marti gelin lahayd, tallaabada xigta waa in website-kii la dhiso ama loo sameeyo muuqaal iyo naqshadda. Taas oo inta badan ah hawsha ugu xoogga weyn ee qaab-dhismeedka website-ka. Waxaa lagu dhisi karaa HTML, WordPress iyo barnaamijyoo kale.

  • WordPress: Waa barnaamij marka website-ka lagu rakiobo uu adeegsigiisu sahlan yahay, laakiin waa barnaamij u baahan in markasta laga war hayo oo la cusboonaysiiyo marka nooc cusub oo barnaamijkaas ah uu soo baxo.

WordPress Themes

WordPress waxaa asaas u ah oo muuqaalka u sameeya waxaa loo yaqaan THEME ama naqshad, waxaana jira website-yo badan oo gaar u iibiya muuqaalkaas ama naqshaddaas (WordPress Themes).

Gabagabo

Halkaas waxaan kusoo koobnay tallaabooyinka loo baahan yahay si loo sameeyo website-ka, kuwaas oo ah:

  1. Diiwaan gelin (Domain) – oo u dhiganta sida guri loo diiwaan gelinayo Shati
  2. Marti geliye (Host) – oo u dhigma sida goof (bogcad) la cabiranyo si looga dhiso guri.
  3. Dhisme website-ka (Design) – marka la haysto shatiga iyo goofka waxaa markaas xiga in la dhiso guriga, sidaas oo kale marka la haysto Domain-ka iyo Host ayaa loo qalab qaataa sidii loo dhisi lahaa website-ka.

dhiswebka

Haddaba si website ku dhisan WordPress laguugu sameeyo fadlan soo rogo (DOWNLOAD) Faylkan (.doc), kaddib su’aalaha ku qoran jawaabtooda u soo dir emailka hoose: (FG. Faylku waxa uu ku qoran yahay Microsoft Word (.doc) – ku guji dhanka midig ee mouse-ka (right click), markaas xafid computerka (SAVE LINK AS…), markaas jawaabaha ku qor meelaha u bannaan, kaddib faylka (SAVE), islamarkaas lifaaq ahaan (Attachment) ugu soo dir emailka hoose:

aqoonkaal@gmail.com

ama la soo xiriir: Maxamed Cali
Tel: 1- 612-567-7333
Minneapolis, Minnesota

webdesigning

openofficee

casharada_html



Score Some Savings! $7.49.com from GoDaddy.com WooThemes
affiliate_link

Samson SAC01UPAK USB Microphone and Podcast Package
Samson CO1U USB Condenser Microphone
PS01 – Microphone Pop Filter

FG. Qaar ka mid ah website-yada sare waa Affiliate. Waxaana jira boqolaal website oo kale oo laga diiwaan geliyo Domain-ka ama marti geliya website-yada (hosting) oo laga baari karo halkan: Hostindex, Tophosts, ama Hostsearch, iwm.

AFEEF: Fadlan akhri Afeefta AqoonKaal.com