FAVICON.ICO: Sida Loo Sameeyo Astaanta Websiteka ee ku suntan Browserka – Cashar 18aad

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Tuesday, April 19, 2011 | 9 Jawaabood

« | »

Casharkan waxaan ku baran doonaa sida loo sameeyo sawirka astaanta website-ka ee ka muuqata dhanka sare ee Browserada marka la booqdo website-ka. Astaantaas oo ku suntan browserka waxay ka qayb qaadataa hab samida iyo xirfada website-ka.

Casharkan oo kamid ah casharada xiriirka ah ee HTML iyo CSS ku baro Af-Soomaali ee Aqoon Kaal waxaan si gaar ah ugu baran doonaa sida sawirka astaanta ah loo sameeyo, sawirkaas oo cabirkiisa laga dhigo 16 x 16 pixels, waxaan ku samayn doonaa barnaamijka PaintNet, marka aan sawirka samayno waxaan adeegsan doonaa barnaamijka IrfanView oo lacag la’aan ah oo sawirka lagu yarayn karo, isla markaasna ka dhigaya ICO o ah nooca astaanta ee loogu talo galay in ay ka soo baxdo dhanka sare ee shaashadda website-ka.

Video-ga hoos ka daawo:


Macluumaad la xiriira Casharkan

http://www.getpaint.net/ (Barnaamij lagu sameey sawirada)

http://www.irfanview.com/ (Barnaamijka Sawirka ka dhigaya .ICO)

Xeerarka HTML

[sourcecode language=”html”]
<!DOCTYPE html>
<html dir="ltr" lang="so">

<head>
<title>Cinwaanka Guud ee Websiteka</title>
<link rel="shortcut icon" href="/favicon.ico" />
<link rel="stylesheet" href="style.css" />
</head>

<body>
<h2>Cinwaanka mowduuca qoraalka</h2>
<p>Qoraalka website-ka</p>
</body>
</html>
[/sourcecode]



« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Halkudheg:

Bookmark and Share

9 Jawaabood

  1. Jamàl says:

    Salaam,

    Run ahaan waan ku faraxsanahay sida xawliga ah ee ay ku socdaan casharrada AqoonKaal.

    Waxaan u malayn in aysan ahayn waqti sidaas u sii fog markii website-kaan la hir geshay, hadana waxaa arrin loo bogo ah in casharrada halkaan lagu qoraa ay marayaan heer horumarsan (ama “advanced”), oo qofkii arday ah oo ku xirani oo durba ku shaqaysan karo wixii uu ka bartay.

    Su’aal ayaan jeclahay in aan Maxamed Cali weydiiyo; sababta dadka China ku nooli ay ugu qasban yihiin in ay fiidyoowga casharka ka daalacdaan YouKu? Ma jasuuraynta (faafreebka) internet-ka ee dawladda Shiinuhu wadday baa BlipTV saameeyey? Waxaan isku dayey in aan YouKu eego, laakiin ISP-gayga ayaaba xannibay (block gareeyey) 😛

    • Maxamed Cali says:

      A/c: Walaal aad ayaad u mahaadsan tahay, waxaana kaaga mahad celinayaa xiriirkaaga.

      Arrinta dadka jooga Shiinaha si qumman uma daawan karaan BlipTV iyo xitaa Youtube, sababta inkasta oo aanan xaqiiqo ahaan u hubin waxay u muuqataa in YouKu ay la tartansiinayaan Youtube, sidaasna ay YouKu u xawaare badan tahay marka aad joogtid Shiinaha.

      Arday igala soo xiriirtay Shiinaha ayaa ii sheegay in aysan daawan si fudud u daawan karin BlipTV iyo Youtube, sidaas ayaan nuqul casharada ah u geliyaa YouKu si qofkii jooga Shiinaha uu u daawado. Laakiin haddii aad joogtid meel Shiinaha ka baxsan waxa kugu adkaanaya in aad daawatid video ku jira YouKu.

      Afrika weli dhib ayey ku tahay in laga daawado Video, gaar ahaan Soomaaliya, waayo weli waxay isticmaalaan DIAL-UP ama Internet aan wax badan dhaamin taas, waxaa socda qorshe CABLE lagu gelinayo Bariga Afrika markaas ayaan filayaa in uu Soomaaliya gaari doono HIGH-SPEED internet insha Allah.

      Mahadsanid

  2. ahmed says:

    aqoonkaal saaxiibow aad ayaa u mahadsan tahay webkaada maanta lee bartay waa ku xirnaanaa insha allah thanx again.

  3. waad ku mhaadsantahay macalin maxamed cali mashruucan kobcinta aqoonta webka iyo ku kaleba.

  4. jurayj says:

    macalin adoo raali ah casharkan 18aad waan daawan kari waayey wuxu soo qorayaa not found

  5. macalin sidee loo samaynkaraa databse visual basic
    macalin waxaan kaacod sanayaa in aad arintaa aad iga kaalmayso.

  6. Abdirahman says:

    Mahadsanid Macalin lkn sidee uugu samayn karaa hadaan isticmaalayo WordPress adigoo mahadsan

    • Maxamed Cali says:

      marka WordPress la adeegsanayo, islamarkaasna la doonayo in lagu daro FAVICON.ICO, waxaa sida caadiga ah faylka xambaarsan HEADER-ka lagu qoraa xeer la mid ah

      link rel="shortcut icon"
      href="

      php
      echo get_template_directory_uri()

      /images/favicon.ico"

      FG:

      Commentigan ayaan ogolaanaynay xeerarka PHP in toos loogu qoro sidaas daraadeed ogsoonow in xeerka sare ay ka dhiman yihiin xeerka dabarka u ah PHP.

Qor Jawaabtaada