CLASS: Waa xeer Naqshad u samaaynaya dhawr meelood – Casharka 10aad

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Saturday, April 9, 2011 | Jawaab

« | »

Casharkan waxaan ku baran doonaa xeerka loo yaqaan Class oo ah xeer suurtagal ka dhiga in dhawr meelood oo bogga (baalka) website dhexdiisa loo sameeyo naqshad isku mid ah.

Tusaale ahaan haddii loo baahdo in dhawr cinwaan oo bogga ah ay yeeshaan midab iyo muuqaal isku mid ah waxaa markaas la adeegsadaa xeerka CLASS oo lagu qorayo HTML, islamarkaasna magac iyo naqshadda waafaqsan lagu qorayo CSS-ka ama faylka naqshadaynta.

Waa xeer aad loo adeegsado, aadna u sahlan marka la fahmo qaab dhismeedkiisa.

Video-ga hoos ka daawo:

Xeerarka CSS

[sourcecode language=”css”]
.xijigure {
color: #FF0000;
background-color: #FFFF00;
}

[/sourcecode]

Xeerarka HTML

[sourcecode language=”html”]
<p class="xijigure">Qoraal ayaa halkan lagu qorayaa…</p>

<p class="xijigure">Qoraal kale </p>

[/sourcecode]

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Halkudheg:

Bookmark and Share

Qor Jawaabtaada