HTML: Hordhaca Casharrada HTML Ku Baro AfSoomaali

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Tuesday, March 22, 2011 | 30 Jawaabood

« | »

HTML Ku Baro AfSoomaali: Waa casharro ku saabsan dhismaha website-ka ayadoo la adeegsanayo xeerarka asaaska u ah qaab dhismeedka website-ka, casharradaas oo ah Video (ama muuqaal).

Waxaa jiray casharro hore ooku saabsan HTML oo aan qoray sannadkii 1999, casharrdaas oo ahaa qoraal oo ilaa hadda ay dad badani ka faa’iidaystaan, laakiin waxaa codsi iiga yimid akhristayaak in aan casharrada HTML ka dhisgo VIDEO si dad badani uga faa’iidyataan, isnah Allah.

Casharkan ugu horeeya ee ah HORDHAC waxa uu ku saabsan yahay waxyaabaha aad u baahan tahay si aad casharradaas ugu diyaar garowsid, sida:

  1. Notepad++: oo ah barnaamij lacag la’aan ah oo laga soo rogan karo websiteka http://notepad-plus-plus.org/
  2. In aad computer-ka ka dhex samaysid khaanad (Folder) gaar u ah xeerarka HTML
  3. In shaashadda computerka laga dhigo ugu yaraan cabbirka 1024×768 pixels iyo ujeedadda arrintaas ka dambaysa..
  4. In aad email ku rukumatid casharradan, si marka aan cashar cusub aan daabaco uu toos email kuugu soo dirmo, Insha Allah.

Haddaba fadlan daawo Video hoose oo ah hordhaca HTML ku baro AfSoomaali.

FG: Haddii aad joogtid dalka Shiinaha oo Video-ga hoose kuu soo bixi waayo, casharkan ka daawo YouKu (Riix Halkan)

Waxaan rajaynayaa in casharadani noqdaan kuwo faa’iido badan leh, qofka ka aflaxaana uu xirfad heer sare ah u yeesho guud ahaan dhismaha website-ka iyo xirfadaha la xiraara, Insha Allah, ee ha moogaan, waana toddobaadle.


Fidinta Shaashadda Video-ga:

Haddii ay kugu yartahay shashadda Video, si aad u fidisid:

  • Eeg dhanka hoose ee xigta midig ee Video-ga kuu daaran, riix barta u eg shaashadda wareegsan (Eeg sawirka hoose)
  • Markaas Video waxa uu leekaan doonaa shaashadda Computerka
  • Markaas si aad dib ugu laabatid shaashaddii hore Riix batoonka ESC ee computerka, ama isla meeshii mar labaad riix..

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Halkudheg:

Bookmark and Share

30 Jawaabood

  1. faarax says:

    A/C maashaa alaah ajar iyo xanadaad alahakaasiiyo aqoontu waa iftiin ku wii ilaahay ufududeeyo dhamaanteen alla haynaka dhigo AAMIIN AAMIIN AAMIIN

  2. Cabbaas says:

    السلام عليكم
    Aad baad ugu mahadsantahay hordhacan qiimaha leh walaal.
    Isbedalada shaashadaha kama warhayin balse waxbaan halkan ka faaiidey.
    Jazakallah khair walaal, caafimaad iyo aqoon sare baan xagga alle kaaga rajeeyn insha’allah, wixii tala ahna oo kusaabsan website ka ama videowyaashan aadka muhiim u ahana waan kulasoo socodsiin doonaa “haduu eebe idmo”

    وعليكم السلام رحمة الله و بركاته

  3. sakaria says:

    scw walal waxaan jeclaan laha hadii casharo cusub soo kordhaan inaa iigu soo dirtaan emailka
    waana mahasantihiin

  4. abdikarim says:

    War ninyahow wax kaloon kudhaho ma aqaane ilaahay aduun iyo aakhiraba haku liiibaano adiga iyo waalidkaaba

  5. CISMAAN says:

    scw,mahad oodhan rabigaa is kaleh.oo adiga maskaxdaada kusoo riday. in aad adiga afka soomaaliga noogu soo gudbisid aqoontii aad lehey ama illaaheey kugu maneystay.waa u oomaneen in sidaanookale lasameeyo.waayo waxaa jiro dabadan.oo aan aqoonin. afka ingiriiska.marka waxaa waxaa n kudhihi blahaay.sida dadkii oomanaay aad uwaraabisay.adigane meelkastoo aad ka oomantahay allah kaaga waraabiyo

  6. Yassin says:

    asc aadban kugu mahadcelinaya mr maxamed ilaah haku xifdiyo sxb aqoontadane ilah haku zaaidiyo waa markii igu horeysay an so boqdo webkan waxana ka soo racay aaladi youtubeka.waana ku faraxsanahay in aan ku so biiro waliba aan ka faaideysto aqoonta ku saabsan computerka waana hobigeyga in aan wax badan ka barta alada computerka adigane aadban kaga mahadcelinaya ilaah ka sokow howl qiimo leh ayaad umada u heysa ilaah garabkaaga ha noqdo .good job.iyo nasiib wanagsan aan ku leeyahay sxb asc

    • sharmaarke says:

      Asc aad baad u mahadsantihiin waa markii 1aad Ea aan soo booqdo waanad ku mahad santihiin thanks

  7. sharmaarke says:

    walaal waxaan idiinka mahad celinayaa aqoonta aad waxnaga siiseen halkalmadna alle hakadhigee waad mahadsan tihiin waxaan idinka salbanayaa casharada danbee cusub inaad Email kayga iigu soo dirtaan Asc

    • Maxamed Cali says:

      ASC walaal qoraallada lagu daabaco AqoonKaal.com si ay emailkaaga toos kuugu soo dhacaan marka la daabaco, waa in aad email ku rukumatid adigoo raacaya linkigan feedburner.google.com/fb/a/mailverify?uri=Aqoonkaal

  8. rooble says:

    macalin marka hore aad iyo aad ayaan kuu salamayaa waxaanan illahay kaaga baryayaa inuu janadii fardowsa ku geeyo ifkana hibo kunolow hadaan u soo daadago su,aashayda waxaan macalin iga hortimiday su,aal taasi oo ah cashirkii koowaad sifiican ayaan u sameeyay kii labaadna waan sameeyay htmlka laakiin sccka ayaa problem iga haystaa colorka iima shaqaynayo cashiradii 2aad iyo 3aad xeerashii csska oo dhan imaba shaqaynayaa macalin kolkaasi waxaan rabaa inaad iga caawiso
    mahadsanid

    • Maxamed Cali says:

      Walaal marka hore hubi in linkiga CSS uu si sax ah ugu xiriirsan yahay bogga HTML-ka, haddii taasi kuu shaqayn weydo fadlan iisoo qor sidaaad u qortay xeerka si aan kuula eego qaabka uu u qoran yahay.

  9. barre says:

    walaal ama macalin, waad ku mahadsan tahey sida sharafta leh ee aad noogu ogolaatey in cilmiga ilaahey kusiiyey aad nala wadaagto oo aad nooga faaiideysid.
    alle miisaankaaga xasanaadka hakuugu kordhiyo.
    walaal waxaan ahey ardey cusub, hadda kadibna waxaan ku taxnaandoonaa casharadan inshaa alaah. alle aniga haii fududeeyo adigana sadaqatul jaariya alle hakaaga dhigo. janadana alle hakugu abaalmariyo.

    cilmigan muddo ayaan raadinayey, maantaanse ku guuleystey in aan helo. waad mahadsan tahey walaal markale.

    asalamu caleykum waraxmatu-laah.

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal barre mahadsanid ducadaada, khayr ayaan adigana Alllah kaaga rajaynayaa. Mahadsanid.

  10. asc.walaal waxaan kaaga mahad celinayaa sida hagar la,aanta ah ee dadkaaga soomalida ah uGu hagar baxday wll waxaan illaahay kaaga baryayaa cimiri dherer iyo caafimaad illahy hakuusiyaadiyo aqoontaada iyo waxaad rabtada.

  11. farhan says:

    aad ayaa u mahadsanthy

  12. eng xaashi says:

    waxan aaan aad ugu mahad naqayaa mudanaha casharadan sida faahfaahsan u dhigayaa

  13. alikalaay says:

    walalayaal aad baan u mahadsantihiin

  14. ilaahay ajar iyo xasanaad ha kaasiiyo casharada aad ku daabacday websitekaaga macha allah dad badan ayaa ka faa’iidaystay markaa waxaan leeyahay jasaa’aka laahu khayran

  15. xamza xasan moh'ed says:

    waxaan rabaa inaan soo download garaysto/ama soo dajisto casharada xeerararka Html ku baro markaan waxaan rabaa in taa lay fududeeyo
    aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin alle ajar iyo xasanaad haydinka siiyo

  16. canduqaadir says:

    asc walaaleyaal waa mxay minaha html ereygaan ayaa i wareeriyey mhdsnidiin

  17. waad ku mahadsantihiin sidaad noogu soo gudbisaan casharaata

  18. Anfac Qasim says:

    asc waa mahadsantihiin qaabka aa cashirada uwadiin

  19. asad says:

    Wad mahadsantahay

  20. Aaad bad u mahadsanthy macalin maxamed cali aad baan oga fa’ideystay casharka waa mid aad ii dhiiri geliyey iina kordhiyey aqoon aad mug u leh

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      Adigaa mudan wanaag oo dhan, waana ku faraxsanahay in aad aqoonkaal cilmi ka kororsatay

  21. CIISE waddani says:

    asc waraxmatullah wbarakatuh
    ugu horeyn waxa mahad leh allaha s.w.c aan nimcadiisa inagaga doonayn ajar iyo abaal toona mahadnaq mooyee, mahad binu aadantinimana waxan usoo jeedinaya aqoonkaal iyo shakhsiy sharafta leh ee u faaideeyey walalahoda afka somaliga ku hadla thanks mar labaad

  22. Engzamzam says:

    asc wall (jazaakalahu khayran jazaa) aad ayaa no cawisay

  23. Nimca abdi abulle says:

    wll waad ku mahadsantihiin sida wanaagsan ee ad casharka noo siisaan waxaan idinka codsan lahaa inaad iga caawisaan sidiin an ku heli lahaa cashiradii hore html.iyo css iyo sida an kula socon karo cashirada cusub ee lasoo dhigo

Qor Jawaabtaada