CSS: Hordhac Xeerarka Naqshadaynta Website – Casharka 6aad

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Monday, April 4, 2011 | 17 Jawaabood

« | »

Casharkan waxaan ku baran doonaa hordhac ku saabsan xeerarka CSS (Cascading Style Sheets) oo ah xeerar lagu naqshadeeyo website-ka.

Waxa ugu horeeya oo aan casharkan ku baran doonaa qaabka asaaska ah ee loo qoro xeerarka CSS, waxaan amarkaas baran doonaa sida loo bedelo midabka guud ee website-ka.

Video-ga casharkan hoos ka daawo:


Macluumaad la xiriira casharka 6aad

Casharkan waxaan ku soo baranay sida la isugu xiriiriyo HTML iyo CSS. Xeerka isku xiriirinta iyo xeerarka CSS ee casharku ku saabsan hoos ka eeg.

Xeerarka HTML

[sourcecode language=”html”]

<!DOCTYPE html>
<html dir="ltr" lang="so">
<head>
<title>Cinwaanka Guud ee Websiteka</title>
<link rel="stylesheet" type="text/css" href="style.css" />
</head>

<body>
<h1>Cinwaanada qoraalka</h1>
<p>
Qoraallada la akhrisanayo
</p>
</body>

</html>

[/sourcecode]

Xeerarka CSS

[sourcecode language=”css”]

body {
background-color: #CCCCCC;
}

h1 {
background-color: #0000FF;
}

p {
color: #FF0000;
}

[/sourcecode]


Jawaab Laylis: Casharkii 5aad

Layliskii casharkii 5aan oo ahaa sida loo sameeyo Liiska isku dhafan, waakan xeerku:

[sourcecode language=”html”]

<h3>Si loo sameeyo Website waxaa loo baahan yahay:</h3>
<ol>
<li>In la iibsado Domain – Magaca webka</li>

<li>Markaas waa in Host ama Martigeliye lagu xusho
<ul>
<li>Mugga webka – DISK SPACE</li>
<li>Baaxadda Xogta – BANDWIDTH</li>
<li>Inta email laga samaaysan karo</li>
</ul>
</li>

<li>Markaas waa in webka lagu dhiso
<ul>
<li>Xeeraka HTML, sida:
<ol>
<li>HTML5 iyo</li>
<li>CSS oo ah naqshadaynta</li>
</ol>
</li>
<li>In la adeegsan karo WordPress</li>
</ul>
</li>
<li>Markaas xogtii lagu xawilo Serverka – FTP</li>
<li>Suuq geyn loo sameeyo si loo barto</li>
</ol>

[/sourcecode]

Natiijada Xeerka sare waatan

Natiijada ka soo baxaysa xeerka sare waa liiska hoose oo isku dhafan.

Si loo sameeyo Website waxaa loo baahan yahay:

  1. In la iibsado Domain – Magaca webka
  2. Markaas waa in Host ama Martigeliye lagu xusho
    • Mugga webka – DISK SPACE
    • Baaxadda Xogta – BANDWIDTH
    • Inta email laga samaaysan karo
  3. Markaas waa in webka lagu dhiso
    • Xeeraka HTML, sida:
      1. HTML5 iyo
      2. CSS oo ah naqshadaynta
    • In la adeegsan karo WordPress
  4. Markaas xogtii lagu xawilo Serverka – FTP
  5. Suuq geyn loo sameeyo si loo barto

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Halkudheg:

Bookmark and Share

17 Jawaabood

  1. ahmed says:

    s,c walaal wan idin salamaya marka hore walaal waxan raba in ciwan ad iga saacidesan san u samesan lah marka arintas ayan rabey walaal

    • Maxamed Cali says:

      A/c: Walaal fadlan faahfaahi su’aasha, si aan jawaab ku haboon uga bixino insha Allah.

  2. s-c
    walaal waxaan si fiican ugu xidhiidhsanahay casharada aad halkan ka bixiso ee ku saabsan htmlka. Iyada oo aanan wax dhiba kala kulmin intii cashar ee aan soo qaatey. Hadaba waxaa ii samaysmi la background-color.
    waxaan si fiican u qorayaa dhamaan xeerkii uu lahaa style.css. markaan intaa qoro oo ah isku xidhiidhkii laba notepad ee index.html kuna qoro notepadka index.html. waxaan sidoo kale ku qorayaa notepadkii style.css xeerkii looga baahna in lagu qoro kaasi oo ahaa sidan isna .
    body {
    background-color: #0000ff;
    }
    marka intaa laga tago waan sameeyey dhamaan wixii kale ee loo baahnaa oo ah in meel lagu wada save gareeyo index.html iyo style.css
    bal markaa hadii aad iga caawin karto ii soo sheeg sida aad iiga caawin kart iyo waliba hadii xeerarka wax iga qaldan yihiin.
    walaal waxaan ilaahay kaaga baryayaa in casharadaa aad bixineyso kuu badalo ajar iyo xasanaad
    w-c
    abdihakim ahmed

    • Maxamed Cali says:

      ASC: Walaal Abdihakim Ahmed, marka hore mahadsanid.

      Xeerka markii aan eegay umajeedo wax CSS-ka ka khaldan, waan atijaabiyey ka eeg halkan: http://jsfiddle.net/TyBSN/

      Marka walaal hubi guud ahaan sida ay u qoran yihiin xeerarka HTML iyo CSS. Waxaa dhici karta in calaamad yar meel uun ka khaldan tahay.

  3. s-c

    halkaa waxaa ka baxay xeerkii link ee lagu qoraayey index.html kaasi oo aan kuu soo qorey laakiin markaan dib u eegay kuma jiro waxaan filayaa in aanu dhex gali kareyn qoraalkan wuxuu ahaa sidan bal aan mar labaad qoro

  4. Yassin says:

    asc .macalin maxamed aad iyo aad ayaan kugu mahad celinaya bro ilaahne qeyr haka siiyo aqoonta aad la qeybsaneysid walaalahaaga kale aad iyo aadne dhowr cashir oo ku jira webkan aan ugu faaideystay adigane ilaah haku ziyaadiyo aqoontaada .intaas ka dib waxaa dhib igu noqotay in aan wada xiriiriyo htmlka iyo csska marka maxaa cilad ah oo jira aniga waan fahmi waaye sida aad adiga u sameyneesidne waan u sameeye marka bro adigoo aad u mahadsan intaas iga caawi si eey iigu wada shaqeeyaan hal file thankz bro 100%

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal mahadsanid, fadlan xeerka aad qortay halkan kusoo qor si aan kuula eego, ama website-ka aad ku daabacday linkigiisa iisoo qor. Mahadsanid.

  5. abdirazaq says:

    asc,
    masha allah wallahay macallinkan waa rageedii runtii aad baan ula dhacay duruusta uu macallinku bixiyo ee html ka ku saabsan,exactly waa casharada aan iskuulka ku barto si fiicana waa ay ii caawiyeen runtii,macallinka ilahay khayr ha siiyo aad baan ugu mahad celinaa,{qofki mahad celin ilahay ma mahadiyo} jzakkh macallin,waa noo dedaashay,anakuna mustaqbal sidaas oo kale ayaan rajeeneynaa in aan jiilka naga sii danbeeya aan cilmiga u sii gudubno insha allah,aqoonkaal.com na waa one of the best my favoriete websites

  6. C/fataax says:

    Mahadsanid macalin,walaal
    tan xigta aad ayaa ufahmay casharada lkn waxaa is weydiiyay in ee wajib tahay in aa kulli xifdiyo mise faham umbaa loo bahan yahay waxa aa ka wado waa ereyada tusale lazim miyaa inaa xifdiyo

    • Maxamed Cali says:

      ASC Wlaal cilmi kasta oo la baranayo waxaa kow ka ah fahamka, marka aad fahamtid waad sii siyaadsan kartaa, tixraac ahaan ayaadna casharada markaas u adeegsan kartaa marka xeer aad u baahatid.

  7. hanad says:

    Macalin Maxamed Cali aad iyo aad ayaad umahadsantahay runtii waxaan si toos ah ugu xidhanahay ama iisocda barashada casharka HTML eed sida faah faahsan noogu soo gudbineysid. ilaahay waxaan kabarayaynaa inuu maalinta qiyaamo xasanaad iyo ajjir kuugu badalo wanaaga iyo sida xilkasnimada ah eed casharka noogu sharraxdey. Intaa kadib Macalin waxaa kari waayay sida backgroundka iyo colorkaba loo badalo xeerishii aad noo sharraxdey dhammaantood waan qoray, markaa Macalin waxaa iisoo bixi la, midabkii backgroundka ama kii baaragiraafka!
    waxaan isticmaalayaa waa NOTEPAD ee maaha kan hadda aad adigu cashirka noogu sharraxsid ee ah NOTEPAD++:
    Tanlabaad markaan save garaynayo file cusub ee xeerka CSS iima soo baxayso khaanada aad adigu ka raadineysid (cascading style sheets) markaa waxaan ku save gareeyay all files waxaana kabadalay Documment text meesha ay kutaalay ayaan kadhigay all files.
    markaa Macalin adoo mahadsan waxaan jeclaan lahaa inaad meesha wax iga qaldanyihiin iisheegtid.
    Runtii aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in luuqadii Hooyo la iigu sharraxo cashirrada , waayo muhiimada ay leedahay taasi waxaa ogaan kara qofka luuqadaha ajnabiga wax kudhigta.!!
    Marlabaad iyo mar saddexaadba aad ayaad u mahadsantahay Macalin Maxamed Cali.

    • Maxamed Cali says:

      Asc Hanad mahadsanid, arrinta aad xustay waxaan filyaa in cilladu tayay in faylka CSS uusan si sax ah ugu xiriirsanayn HTML-ka, marka halkaas hubi natiijadana iisoosheeg

    • hanad says:

      waad mahadsantahay Macalin Maxamed anigaa wax qaldayay saad sheegtay meesha 0000 ah ayaan oooo kadhigayay hadda waan fahmey aad baad umahadsantahay.

  8. Sumaya says:

    Ascwrwb macalin maxamad marka hore waxaan kaga mahadcelinyaa dadaalka iyo waqtiga aad noo hortay inaa nogu sharaxdo cashiradaan, marka labaad waxaan ku waydinayaa meeshee ka hali karaa colorada oo dhan si aan uga doorta colorka aanrabo

Qor Jawaabtaada