Webdesign Ku Baro Af-Soomaali: Casharka 3aad

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Thursday, July 14, 2011 | 11 Jawaabood

« | »

Casharkan waa kii 3aad ee casharro xiriir ah oo ku saabsan naqshadaynta iyo dhismaha muuqaalka guud ee website (Webdesign ku baro Af-Soomaali) oo aad kala socotaan AqoonKaal.com..

Casharadan waxay asaas u yihiin xeerarka suurtagalka ka dhiga in la sameeyo qaabka guud ee uu ku soo baxayo website-ka (ama website layout).

Video-ga hoos ka daawo:

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Halkudheg:

Bookmark and Share

11 Jawaabood

  1. buuwaaye says:

    Macalin casharkii saddexaad ayaan sameeyey ee iga saxbo

    http://www.arday.byethost5.com/

  2. macalin marka hore waan ku salamayaa aad ayaana kuugu mahad celinayaa cashiradaada waxtarka leh ee aad ardeyda rabta in ay waxfaa’iidaystaan aad ku siinayso uguna taba rucday waqtigaaga qaalliga ah.

    macalin su’aasha aan rabay in aan ku waydiiyo cashirkan 3aad ee dhismaha webka marka aan sameeyay headerka, content, sidebar, iyo footer. waxaa iska key dhaxgalay sidebarka iyo footerka sidebarkuna ma aadayo dhinaca midigta ah ee waxa uu hoos taganayaa contentiga foootarkuna waxa uu sii dhexgaliyaa sidebarka marka waan isku dayay in aan raaco habka aad cashirka nagu siisay lakin sidaa umbey noqdeen?

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal Ismaaciil Maxamed mahadsanid.

      FOOTER-ka si uu hoos u aado waxaa muhiim ah in qaybta STYLE-ka ee footer-ka waxaad ku dartaa xeerkan:

      clear:both;

  3. Jamal says:

    A.s.c waxan ahay arday mardhow kuso birtay casharadan waan fahmaya casharada HTML&CSS sua’alsha an qabo wa tan ismail ku weydiye. Sidebar iyo footer way is galayan xitan wan istimcale xirka #sidebar{ clear:both;} mana shaqeni hayo maclin. Website an ku towbarto bal firi: http://www.dagahaley.zzl.org

    • Maxamed Cali says:

      ASC: Ugu horayn waxaad kala hoos marisay HEAD iyo BODY, waxaa horeeya HEAD-ka. Tan kale qayb kasta oo bogga sida DHINAC ama SIDEBAR, bidix iwm waxaa la dhex geliyaa DIV, taas oo markaas lagu agaasimo xeerarka CSS.

      Tan kale waxaad hubisaa xeerarka CSS, tusaale ahaan xeer kasta oo CSS ah waxa uu ku dhammaadaa calaamada ama qaansada }, tusaale: xeerka h5{color:#fff000; font-size:1px waxaad ka ilowdey calaamaddaas }

      Waxa kale oo xusid mudan in dabarka hoose ee /BODY waxa keliya oo ka dambeeyaa waa dabarka /HTML, adigu waxaad ka dambaysiisay copyright, kaas oo ka horeeya /BODY-ga.

  4. ayanale says:

    asc walalkay aad ayaad ugumahadsanatahay,runti aad iyo aad ayaad noocawisay ilahay kheer hakusiyo. walal waxaan ahay arday hada bilaabat IT waxaana kuleyahay homework html iyo css, lakin htmlka aad ayaad ufahamay plz hadad fafahin dheeri ah igasinkarto csska aad ayaan kugu mahadnaqi laha.waa mahadsantahay

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal gaar ahaan maxaad u baahan tahay CSS in aad ka ogaatid, waayo waa moqduuc ballaaran.

  5. ayanale says:

    waan fahmay walal mahadsanid ilahay kheer haku siiyo

  6. khalid says:

    asc..walal marka hore aad iyo aad ayaan kaaga mahad celinayaa sida hagar la,aanta ah ee aad umada soomaaliyeed cilmigaaga ugu caawinaysid,walaal waxaan bilaabay casharadan inaan si xidhiidha u dhamaystirto laakiin waxa ii furmi waayay casharkan labaad wuxuu iisoo qorayaa markaan isku dayo inaan galo “sorry,we are unable to play this episode”

    fadlan ma isku dayi kartaa inaad ciladan kasaarto adigoo mahadsan.
    wsc

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal khalid cillada waa ka saaray waayo waxaan Videogaas geliyey Youtube, markii hore wuxuu ku jirey plipTV oo cilladu ka timid linkiga ku xiriirsanaa, hadda waa shaqaynayaa ee fiiri casharka

  7. khalid says:

    asc….walal aad iyo aad ayaad u mahadsantahay…u badalida aad youtube kadhigtay.

    allah waxaan kaaga baryayaa in camalkani noqdo ka kuu sababa inaad jannadiisa gasho…runtii waxaad tahay qof umadda khayr,wanaag iyo horumar la jecel.insha allah halkaa kasii wad ayaan ku leeyahay marwalbana waanu kaaga baaahanahay in aad noo siyaadisid barashada cilmiga computerka adigoo marba dhan ka eegaya. illaa shalayna waxaan ku mashquulsanaa inaan dhamaysto casharadan,hadana waan dhamaytiray muuqaalka websiteka aad tusaalaha inagu siinaysay..

Qor Jawaabtaada