Video: Hordhac – Xaggee ka soo rogan kartaa Barnaamijka OpenOffice

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Sunday, January 2, 2011 | 16 Jawaabood

« | »

Casharkani waxa uu hordhac u yahay casharro xiriir ah oo ku saabsan Barnaamijka OpenOffice. Gaar ahaan barnaamijka Spreadsheet (Calc) oo u dhigma Excel, oo ah barnaamij lagu maareeyo hab  xisaabeedka fudud ilaa xisaabta heerka ugu saraysa ee lagu kala hago mashaariicda waaweyn.

Haddaba ka hor inta aynaan bilaabin casharrada waxaa lagama maarmaan ah in aad barnaamijka OpenOffice uu kuugu jiro Computer-ka. Haddii aadan haysana aad hadda soo rogatid. Daawo Video ama hoos ka akhri qaabka aad computerka ugu soo xerayneysid barnaamijka:

Halkan Daawo Video hordhaca.

Xaggee laga helaa: OpenOffice?

  • OpenOffice waa Open-Source: Taas oo macanaheedu yahay “Waa Lacag la’aan”, Islamarkaasna xeerka lagu dhisay  waxaa loo heli karaa si furan.
  • Waxaa laga soo rogan karaa website-ka: http://www.openoffice.org/

Waxaad hoos ka daawan kartaa Video ku saabsan qaabka loo soo roganayo barnaamijka OpenOffice.

Halkan ka Daawo Video-ga

  • FG. Markii aan (Download-ka ku samaynayey OpenOffice) waxaan adeegsadey barnaamijka websiyeda lagudaalacdo (Browser-ka) ee loo yaqaan CHROME (www.google.com/chrome). Sidaas daradeedmhaddii aad adeegsaneysid Internet Explorer amaFirefox waxaad arki kartaa shaashad tan aan adeegsadeymwax yar ka duwan, laakiin habka la raacayaa waa isku mid).

Barnaamijka OpenOffice waxa uu ka kooban yahay dhawr barnaamij oo isla socda, waxaana ka mid ah:

  • Spreadsheet: (Calc) oo u dhigma Excel – waana barnaamijka aan casharadan ku baran doono.
  • Text Document: oo u dhigma Word.
  • Presentation: oo u dhimga PowerPoint.
  • iyo dhawr barnaamij oo kale.

Haddaba si aad u soo rogatid booqo website-ka http://www.openoffice.org/

Markaas riix linkiga “I want to download OpenOffice.org” ee shaashadda website-ka.

FG: Waxaa xusid mudan haddii khadka Internetka aad adeegsaneysid uu gaabis yahay in ay kugu qaatado waqti, sidaa daraadeed u sabur, adigoo waqti siinaya.

Marka aad soo rogatid OpenOffice, isla markaasna ku rakibtid computerka, waxaad astaanta ama batoonka barnaamijka ku arki doontaa sagxadda computerka (Desktop). Riix batoonkaas si aad u daartid barnaamijka.

Waxaa markaas kuu muuqan doona shaashadda hoose oo ay ku qoran yihiin barnaamijyada uu ka kooban yahay OpenOffice. Guji ama Riix barta ay ku qoran tahay “Spreasheet”.

Waxaa markaas furmi doona barnaamijka OpenOffice Calc, kaas oo diyaar ku noqon doonaa shaashadda computerka, una diyaar ah in aan adeegsano.

Maxaan u doortay OpenOffice?

  • Sida aan ku xusay hordhaca ku qoran AqoonKaal.com, Qarnigan 21aad waxaa muhiim ah in xirfad loo yeesho adeegsiga computerka,
  • Waxaa markaas muhiim noqotay in la helo cilmigan oo ku qoran AfSoomaali si ay uga bogtaan dadka akhriya ama ku hadla Afka Soomaaliga.
  • Gaar ahaan barnaamijka OpenOffice waa barnaamij faa’iido badan, islamarkaasna ay baahidiisu taagan tahay. Qofkii bartana uu anfacayo, oo uu ku maaransan karo hawl xisaabeedka, laguna nidaamin karo dukumiintiyada.
  • Arrimahaas dartood ayaan u arkay in uu muhiim yahay barnaamij xisaabeedkani.

Yaa loogu talo galay Casharradan?

  • Casharradu waxay ku bilaabanayaan  ayadoo laga soo qaadayo qofka akhrisanaya ama daawanaya Video-ga in uusan hore uadeegsan barnaamij xisaabeedka Spreadshet,
  • Qaybaha dambe waxay noqon doonaan kuwo xisaab ahaan heerkoodu sareeyo, oo casharba kan ka dambeeya uu sii kobcayo.
  • Sidaa daraadeed casharadan waxaa ka faa’iidaysan kara qof kasta oo doonaya aqoon kororsi.

Casharrada waxaan ku bilaabi doonaa casharro fudud iyo adeegsiga barnaamijka oo bilow ah, si ay uga faa’iidaystaan dadka aan hore u adeegsan barnaamijkaas, ilaa aan ka gaarno casharro qofku uu kalsooni ku qabi karo in uu barnaamijkaas hawlahiisa xisaabta ku qaban sankaro, Insha Allah.

Waaan tusaale u soo qaadan doonaa, sida loo xisaabiyo alaabada (tusaale ahaan lagu iibiyo Dukaan ama ganacsi) iyo raasumaalka, kharashba baxa iyo waxa la faa’iido, iyo sidii loo xisaab lahaa sakada la bixinayo iyo inta boqolkiiba la faa’iidey.

Waxa kale oo aan guud mar ku samayn doonaa qaabka loo adeegsado shaxanka (Graph) lagu muujiyo xisaabta, taas qayb ka ah fahamka qaabxisaabeedka, taas oo ka qayb qaadata in si sahlan loo arko wixii la xisaabinayey, in ay kordheen ama yaraadeen, halkaas oo laga dheehan karo faa’iidada.

Waxaan rajaynaynaa in casharradani noqon doonaan kuwo laga faa’iido, waxaana ku dadaali doonaa aan ku qorno AfSoomaali fasiix ah, ku muujino shaxan, sawir ama video.

Linkiga hoose ka akhri casharka xiga

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Bookmark and Share

16 Jawaabood

  1. abdirahman-laaso says:

    ASCWW,

    Dhammaanba walaaladayda soomaaliyeed ee barnaamijkan qiimaha leh wakhti ugeliyey in ay noo faa’iideeyaan waan umahadcelinayaa…..waan soo dhawaynayaa,allena waxaan idiinka rajaynayaa in uu abaal marin aduun iyo mid aakhiraba idinka siiyo.Idinkuna isku daya in aad camalkiina mid aad alle waxkaga doonaysaan aad kaga dhigtaan. markale mahadsanidin.

  2. Abdinuur says:

    Maanshaa alaah jazaakalaah khayr aakhiro iyo aduunba

  3. Yassin says:

    aad iyo aadbaan kugu mahadcelinaya maxamed cali sxb lkn qeybtiisa labaad gorma ayaa laga yaba waa barnaamij muhiim ah waana ka faaiday ilaah haku faaideeye aduun iyo aaqiraba sxb waqtigaagane waan kaga mahadcelinaya ilaha ka sokow

    • Maxamed Cali says:

      Asc walaal qaybaha kale ee OpenOffice ka eeg dhanka midig ee bogga halka ay ku qoran tahay OpenOffice.

  4. Cabdiqani says:

    Macalin kani wa excel oo an biyo ismarine

  5. Cabdikariin xasan says:

    Asc macallin barnaamijyada kale ee ah word, excel,powerpiont,iwm maxay kaga duwanyihiin openoffice

    • Maxamed Cali says:

      asc walaal waxay qabtaan hawl isku mid ah, openOffice waa lacag la’aan Opensource halka Microsoft ka yahay lacag

  6. asc waxaan aad u salaamayaa macalimnkayaga aadka u qiimaha badan ee u taagan siduu ugu faa idayn lahaa umada soomaaliyeed macalin maxaad uga jeedaa microsoft waa lacag.

    • Maxamed Cali says:

      ASC walaal maxamuud, barnaamijka OpenOffice waxaa lagu adeegsan karaa lacag la’aan, halka barnaamijka microsoft word, excell iwm ay yihiin lacag, sidaas ayaan ula jeedaa.

  7. Mohamed Al-aazhari says:

    ASC….
    ustaad Maxamed Cali , waad kumahadsantahay sida wanaagsan ee aad had iyo jeer nooga haqa tirayso cilmigaaan wax tarka nooleh, allaah khyrkiisa iyo barakadiisa hakusiiyo ayaan kuugu ducaynaynaa macalin,,,.

    intaas kadib macalin markasta waxaan kucelceliyaa soo rogashadda barnaamijkaan waana iisyyrtagali la’sahay marwuxuu leeyahay unsupported marna luuqadda kale sida afruush buu isku install gareynyaa marka maxaad igula talin ?
    mahadsanid.

  8. Mohamed Al-azhari says:

    Mahadsanid, Macallin waan kuguulaystay Alxamdulilaah, Adna Allaha kaa abaalmarsho.

  9. nimco says:

    asc walaal wan ku faraxsanahy in an hel nay barnamij cayn kana oo waliba ku qoran afkayagii hooyo aad bad u mahadsanthy mahhamed lkn wll barnamijku dowload wuu diday markaa maxaan samayn karaa

  10. Yahye loyal says:

    Aad baan idin bogaadinayaa shabakada aqoonkaal m.a wax badan ayaaa idinka bartay wana idiinka bara donaa I.a keep all of team

    Live: in jalalaqsi hiraan Somalia

Qor Jawaabtaada