Sidee Loo Xaddidi karaa Saacadaha aysan Carruurtu Geli Karin Computerka

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Tuesday, February 21, 2012 | 24 Jawaabood

« | »

Barnaamijka Parental Controls ee Windows –

Waalidiin badan ayaa waxaa dhici karta in ay ka walaacsan yihiin saacadaha ay carruurtoodu ku jiraan computerka. Haddaba waxaa jira barnaamij aad u sahlan oo suurtagal ka dhigaya in la xaddido saacadaha ama waqtiyada ay carruurtu geli karaan computerka.

Barnaamijkaas ay waalidku adeegsan karaan waa nidaamka loo yaqaan “Parental Controls” si ay u maareeyaan adeegsiga computerka ee carruurtooda. Tusaale ahaan, waxaad xaddidi kartaa saacadaha uu canuggaagu geli karo computerka, noocyada game-ka ee ay computerka ku ciyaari karaan  iyo barnaamijyada computerka ee waalidku u ogolaan karo ama ka xannibi karo carruurta.

Marka la adeegsado barnaamijka “Parental Controls”, saacadihii laga xanibay canuggu ma geli karo computerka, sidoo kale Game-ka laga xanibay computerka kuma ciyaari karo..

Daawo Video:

Faahfaahinta casharkan hoos ka akhri:

  • FIIRO GAAR AH: Inta aadan bilaabin akoonada aad u samaynaysid carruurta, ka hor waa inaad xaqiijisid in aad adigu tahay maamulaha (Administrator) ee computerka, waana in uu kuu leeyahay fure (password) gaar kuu ah oo aad xusuusan kartid, waa muhiim arrintaasi, waayo ka warran haddii aad carruurta u samaysid akoono gaar ah laakiin aad ilowdid furahii maamulaha? taas ka taxadar…..

Carruurta Computerka uga samee Akoon caadi ah

Kahor inta aadan bilaabin adeegsiga barnaamijka Parental Controls waa in aad canug kasta u samaysid akoon caadi – waa nooca “standard user“, waalidkuna uu leeyahay akoonka maamulka ee “Administrator“, kaas oo leh fure ama password. (Waalidku waa in ay lahaadaan furaha maamulka oo waalidka keliya u khaas ah.)

FG: Akoonnada laga samayn karo computerku waxay noqon karaan: (1)- Administrator (maamulaha) oo ah akoonka waalidka. (2)- Standard (akoon caadi ah) oo ah akoonka aad usamaynaeysid carruurta. (3)- Guest (martida) – sida caadiga ah akoonka martid waxaa laga dhigaa mid aan shaqaynayn oo xaniban gebi ahaanba aan lagu geli karin computerka. (Akoonka Guest ka dhig OFF ama mid aan shaqaynayn).

Haddaba si aad carruurta ugusamaysid akoon, raac habkan:

1. Guji batoonka Start, kaddib riix Control Panel

2. Riix User Accounts

3. Riix Add or remove user accounts

4. Riix Create a new account

5. Shaashadda soo baxda ku qor Magaca Canugga (waa magaca ka soo baxaya shashadda hore ee Computerka marka la daaro). Isla markaasna xaqiiji in ay calaamadsan tahay “Standard user” – Halkaasi waa muhiim. Markaas kaddib riix batoonka “Create Account“.

6. Markaas waxaa soo bixi doona shaashad ay ku qoran yihiin inta akoon ee computerka aad ka samaysay oo uu ku jiro akoonkii u dambeeyey ee aad u samaysay canugga.

7. Markaas riix akoonka canuga si aad ugu samaysid fure ama password canugga u gaar ah oo uu ku galo computerka. Taas si aad u samaysid riix linkiga “Create a password

8. Shaashadda soo baxda ku qor furaha ama password-ka aad u samaayneysid canugga (laba jeer ayaa qori doontaa furaha). Waxa kale oo aad shaashadda ku qori kartaa wax lagu xasuusan karo furaha. Kaddib riix batoonka “Create password“.

9. Markaas waxaa diyaar ah akoon aad u samaysay canugga, kaas oo leh fure gaar ah.

Agaasimidda Barnaamijka Parental Controls ee Windows

Marka aad samaysid akoonada carruurta, markaas mid kasta oo akoonaddaas kamid ah waa in aad gaarkiisa ugu agaasintid barnaamijka ‘Parental Controls”. Taas si aad usamaysid raac habkan:

10. Guji batoonka Start , kaddib riix Control Panel, kaddib riix User Accounts, markaas kaddib riix “Set up Parental Controls“.

11. Guji akoonka aad dooneysid in aad u adeegsatid maaraynta waalidka. Tusaale ahaan riix akoonkii aad us amaysay canugga.

12. Waxaa soo bixi doonta shaashadda laga agasimayo barnaamijka. Haddaba calaamadi barta “On, enforce current settings“.

13. Waxaa markaas soo baxaya meelaha laga maarayn karo qaybaha kala ah “Time limits” (saacadaha computerka la adeegsan karo oo la xadidayo), Games (nooca game-ka oo la xaddidi karo), iyo “Allow or block specific programs” (Barnaamijyada computerka ku jira oo qaar la ogolaan karo, qaarna la diidi karo).

14. Riix “Time limits” (saacadaha computerka la adeegsan karo oo la xadidayo). Markaas hagaha kucalamadi saacadaha aadan canugga u ogolayn inuu galo computerka – waa saacadaha uu ka xannibnaan doono computerka ama saacadaha iyo maalmaha aadan u ogolayn in ay carruurtu computerka adeegsadaan. Marka aad calaamadisid waxay noqonayaan midabka buluugga (tusaale ahaan eeg sawirka hoose). Markaas riix Ok.

  • FG: Tusaale ahaan sawirka hoose wuxuu muujinayaa in canuggu uusan computerka adeegsankarin saacadaha 9:00pm (fiidkii) ilaa 6:00am (subaxnimo) ee maalin kasta. Waxaa dheer in uusan maalmaha Jimacada iyo Sabtida adeegsan karin laga bilaabo 7:00pm(fiidnimoo) ilaa 6:00am (subaxnimo) . Sidoo kale maalmaha Talaado iyo Arbaca in uusan adeegsan karin 1da iyo 2da duhurnimo. Taasi waa tusaale, adiga ayaa garanaya saacadaha ku haboon inaad carruurtaada ka xanibtid adeegsig acomputerka.

15. Games (nooca game-ka oo la xadidi karo) – Qaybtan waxaa laga agaasimi karaa nooca Game-ka ee carruurtu ku ciyaari karaan computerka.

16. Marka aad riixidid Games, markaas barta “Can Canugga play games” waxaad dhehi kartaa haa (Yes) oo ah in ay ku ciyaari karaan games ama maya (No) oo markaas geb iahaanba aancomputerka  laguciyaari karin Games. Haddaba haddii aad tiraahdid (Yes) waxaa muhiim ah in aad markaas riixdid barta “Set games ratings” bartaasna aad ka dooratid nooca ama derejada Game-ka ee ay ciyaari karaan.

17. Shaashadda soo baxda waa tan laga calaamaidin karo derejada ama nooca Game-ka ee carruurtu ku ciyaari karto.

18. FG: Sida caadiga ah Game-ka waxa ay leeyihiin derejo loo qoondeeyo, taas oo muujineysa da’da qofka ciyaari kara Game-kaas. Tusaale ahaan Game derejadiisu tahay “T” waxaa ciyaari kara dhallin-yarada da’duudu marka ay gaarto 13-jir. Eeg calaamadaha hoose iyo qeexida ka hooseysa oo muujinaysa Game-ka iyo da’da ciyaari karta.

  • EC (Early Childhood) waa 3-sano jir iyo ka weyn.
  • E (Everyone) waa 6 sano jir iyo ka weyn.
  • E10+ (Everyone 10 and older) waa 10 sano jir iyo ka weyn.
  • T (Teen) waa 13-jir iyo ka weyn
  • M (Mature) waa 17-jir iyo ka weyn.
  • AO (Adults Only) waa 18-jir iyo ka weyn
  • Tixraac: http://www.esrb.org/

19. Waxaa kale oola xannibi karaa qaar kamid ah barnaamijyada ku jira computerka in canuugu isticmaalo. Waxaana taas laga agaasimaa barta “Allow or block specific programs” (Barnaamijyada computerka ku jira oo qaar la ogolaan karo qaarna la diidi karo).

20. Halkaas waxaad canugga u ogolaan kartaa dhammaan barnaamijyada ku jira computerka, ama qaar kamidah barnaamijyada. Kaddib guji OK.

21. Marka aad dhammaysid agaasimidda, riix batoonka OK. Waxaad markaas arki doontaa shaashad muujineysa in akoonadii aad agaad agaasintey ay ku qoran tahay  “Parental Controls” Taas oo kuu xaqiijineysa in aad ku guulaysatey agaasimaidda barnaamijaas.

FG: Waxaad ku baraarugsanaataa in uusan jirin barnaamij 100% xafidayacomputerka. Sidaas daraadeed marka aad agaasintid “Parental Controls” waa in aadan intaas ku joogin ee waa inaad carruurtaada bartid halista Internetka.

Waalidka waxaa markasta la gudboonin ay sameeyaan aqoon kororsi la xiriirta computerka iyo adeegsigiisa si ay markasta ugu baraarug-sanaadaan waxyaabaha cusub ee kusoo kordha farsamadan technolojiyada ee aad xawliga isbedelka sare leh ugu socota.

Sidoo kale akhri:

Sidee Computerka Looga Xanibi karaa Websiteyada Aflaanta Anshaxa Xun

Sidee Youtube Looga xannibi karaa Aflaanta Anshaxa xun

Sidoo kale tixraac barnaamijka “Windows Live Family Safety” oo laga soo rogan karo linkigan: http://download.live.com/familysafety

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Halkudheg:

Bookmark and Share

24 Jawaabood

  1. mashallaha macalin waa ka fadisanaye walaahi waa madi aad u anfacaye somali badan ku nolol qurabaha oo grana sadi loo xagameyo waa dhibaato waxa barsahdada allaanta macalin waxaaka socadsan ayaa in aad isoo dir waxa hore ii dhafaye oo shcari aha

    • Maxamed Cali says:

      ASC walaal casharadii hore ee ku dhaafay waxay ku jiraan website AqoonKaal.com, eeg dhanka hoose ee bogga hore waxaa ku qoran Bogga 1, 2, 3, 4…..

  2. Abdulkadir says:

    ASC, salaan kadib walaal waa ku mahadsantahay Casharadaada qiimaha badan, intaa kadib walaal markaan Admin iyo usuername kale sameeyey waxaa desktopkayga ka guuraya ama aan waayayaa wixii ii saarnaa oo dhan mida kale walaal ma arki karo parental conrolkii aan waxka maamuli lahaa oo username and mail bes ah ayaa meesha ii soo fuulaya ee see u maareynkaraa mahadsanid markale.

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal waxaa marka hore muhiim ah in akoonka aad ku maaraynasid uu yahay Administrator ama maamulaha guud, markaas ayaad akoonada kale maarayn kartaa. Akoonada kale haddii aysan hore u jirin waxay noqonayaan kuwo cusub oo markaas shaashaddoodu waa ka duwan ahay tan shaashadda guud ee maamulaha. Waxaan filayaa in aad halkaas fahamtey.

  3. salman says:

    asc macalin waad mahadsantahay runtii aad ayaana kuugu mahad celinayaa markasta waan lasocdaa casharada aad inoo soo mariso webka aniga ahaan muhiim ayuu ii ahaa lkn waxaan ku weydinayaa widows xp asagana ma isku midbaa mise waxbey kukala duwanyihiin inkastoo ay computeradu isku nooc loo isticmaalin xp ayaan u baahnaay mahadsanid macalin

    • Maxamed Cali says:

      ASC walaal waxaan hubinayaa windows XP. Laakiin nidaamka aan sharxay waa Windows 7, waxaana la mid ah Windows Vista.

  4. Rooble says:

    asc waxaan kaaga maahad celinaa sida wanaaga badan oo aad bulshada ugu iftiimisay …gaar ahaan aniguna waxaan aad uga faaidestay casharada ka baxa aqoon kaal … waxaan rajaynaa in aadan ka caajisin .. ajir iyo xasanaad aan la soo koobi karo allaha kaa siiyo …. MACALIN MAXAMED CALI MAHADSANID

  5. Waaa wax muhiim ah oo an facay dhaman ten waxana jeclaan lahaa cahar walbo sidaan oo kale in aad nogu faalo tan waad mahad santihin

  6. shariif says:

    Run ahaantii aad baad u mahadsantihiin walaalayaal ,
    Runii magiciina waaaba ka dhabayseen Aqoon kaal ,Maasha’ Allaah.
    Ha ka daalina inaad wax inoo faaii daysaan .
    Mahadsanidiin……….

  7. qalanjo says:

    macalin runtii aad baan kaaga mahad celinayaa sida wanaaga badan eed aad noogu soo gudbiso casharada ka baxa aqoonkaal allah ha ku siiyo kheyr faro badan, markale mahadsanid.

  8. Ciise says:

    asc aadbaaa ugu mahadsantahay macalin casharida wanaagsan aad na siiso ..waxaan kaa codsan lahaaay in aan noo soo gudbiso cashir ah in aa Lock_Desktop_Background_in_Windows_7 ku sameey karo .jzklah kheer

    • Maxamed Cali says:

      ASC: Walaal adigoo mahadsan su’aasha ii faahfaahi waayo si wanaagsan uma fahmin arrinta ay ku saabsan tahay?

  9. macalin aad iyo aad ayad uu mahadsanatahay macalin khayr iyo cafimad ayaan kuu rajaynaya akhiro iyo adunyaba macalin waxan jeclanlahay in aad noo bilowdid casharada joomla ee webdesignka ah macalin tasan kaa codsanaya insha allah ……….

  10. samiya says:

    Maansha Allaah macalin ilaahay haku barakeeyo Alaah subxaana watacaalaa miisaankaa xasanaadka.ha kuu saaraa insha allaah jisaakalaahu kheyr.
    amiiiiiiiin

  11. Salmaan says:

    asc macalin marka hore waad mahadsantahay sida wacan aad noogu soo gudbiso casharada nooc kasta ay ahaadaan waxaan jeclahay inaa ku weydiyo windows xp mala mid baa sida loo xanibo waqtiaga ya caruurtu gali karaa computerka mise siyaabo kale ayaa loogu samyaa hadii aan rawo ianan ka xanibo waqtiyada qaar waxaan filaa inaad i fahantey mahadsanid macalin thanks alot

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal marka hore mahadsanid. Windows XP waxaa loo marayaa qaab lamid ah sida ku sharaxan casharka, keliya waxaa ka duwan marka la garo halkii ay ku sharaxan tahay Windows-ka ayaa website-ka DNS waxaa laga xulanayaa Windows XP qaabkeeda ayaa markaas la raacayaa.

  12. salaan kadib maxamed cali waan kaaga mahadcelinayaa si wacan aad noogu faa’ideeneeso cilmiga , nin kuu dhigma ama jecel inuu bulshada ufaa’ideeyo sidaada oo kale maba arag TAASI NE WAAD KU AMAANAN TAHAY. waxaa ani iga qaldan my pc markan childka usameyay acount gaar ah waxa uu iga diidan yahay parental controlka inuu isameesmo marka taasi ne waan jeclaan lahaa inaad iga jaahil bixisid.
    thanks your efforts my prof of computer.

    • Maxamed Cali says:

      ASC, walaal Caadil Xaaji Cabdi, marka hore mahadsanid dhiiri gelintaada. Arrinta ku saabsan in carruurta loo sameeyo account gaar ah si aad u hirgelisid waa in aad adigu leedahay account-ka maamulaha u ah comuterka, taas ayaa suurtagal kaaga dhigeysa in aad computerka ka sii samaysis accountiyo kale oo leh magac iyo fureyaal ama password gaar ah. Mahadsanid.

  13. HELSINKI says:

    ASC,

    WAXAAD TAHAY SOOMAALI XALAAL AH, WADANI AH, DEEQSINA AH.

  14. hanad says:

    masha allah ilaah haku xifdiyo walal aad baa ugu mahadsantahay cilmigaaga aad ugu faa,iidenesid dadka walalaha ah ajar badan baan kaaga rajaynaya allah aktisa insha allah

  15. sayid mohamed says:

    asc marka hore waxan aad u salaamaya walalkayga aad iskugu taxalujiyay inuu noo soo gudbiyo aqoon runtii ubaahnayn kana faa iadaysanayaan umada soomaliyeed gaar ahaan waalidiinta gaar waalidiinta qur baha joogta marka. waxana walal kay ilaah ayaa kaa ajrsiinaya waxana ku rajeenaya in ilaahy dambigaaga dhaafo adi waalidkaagaba. waxan kaloo halkan ugu mahadcelinyaa website kan aqoon kaal runtiina xambaarsan magac aad u wayn waxan leeyahay halkaa kasii wada howsha aad u haysaan umada soomaliyeed ee ilaahy idin baray.
    Waaaaaad mahadsantihiin

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal mahadsanid erayadaada qiimaah badan, insha Allah waa dadaalayaa in aan sii kordhiyo macluumaadka kusoo baxa websiteka AqoonKaal.

  16. a.shakur ahmed says:

    asc. wr wbr .
    salaantaa qiimaha badan ka dib m.cali maanshaa allaah ayaan ku leeyahay , sababtoo ah waxaan in badan ku farxaa sida dhmaystiran ee hufan ee aad usoo qaadaa dhigto casharada , waxaan kaloon aad ugu farxaa fahanka fudud ee aan lagu diboo ee casharadaada , oo hadii luqad kale in lagu barto la,isku dayo inbadan lagu jah wareeri lahaa , wanaagbadanaa luqadadaa hoyo macalin kaga haqabtiri kara alle miizaanka xasanaadk hakuugu daro, alle hakaa xifdiyo wax walba oo aad dhibsato alle hakuu barakeeyo qyskaada iyo ehelkaaga iinshaa allaah ,waxaan hubaa inaad waxaad ku faraxdo aaqiro aad kala kulmayso alle hortii waxaan kaaga rajaynayaa inaadan ku hoogin, waad inoo faa,iidaysay ducaan kuula taagan,anahay allena hanaga aqbalo iinshaa allaah..

    • Maxamed Cali says:

      ASC walaal a/shakur aad ayaad ugu mahadsan tahay ducadada iyo dhiiri gelinta, mahadsanid. Waa niyad wanaag aad ii muujisay, Allah adigana khayr aad ku faraxdid hakula kulmiyo.

Qor Jawaabtaada