Sidee Youtube Looga xannibi karaa Aflaanta Anshaxa xun

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Monday, February 13, 2012 | 15 Jawaabood

« | »

Sidee carruurtaada uga difaaci kartaa video-yada anshaxa xun ee ku jira Youtube.

Websiteka Youtube waxaa maalintii laga daawadaa 3 billion oo video kuwaas oo ay ku jiraan video-yo laga kororsan karo cilmi iyo aqoon farsamo. Laakiin waxaa kale oo ku jiri kara video anshax xun ama aan ku haboonaynin carruurtu daawadaan.

Mulkiilayaasha Youtube ee Google ayagoo arrintaas ku baraarugsan, waxay sameeyaan nidaam suurtagal ka dhigaya in computerka laga xannibi karo badanaa video-yada aanshaxa ah, nidaamkaas oo loo yaqaan Safety Mode. Inkasta oo uusan jirin barnaamij 100% xannibaya video-yaas, haddana waa hab ugu yaraan xannibaya badanaa aflaanta anshaxa xun.

Casharkan ayaan ku barandoonaa nidaamkaas Safety Mode oo sida loo agaasimo ay aad u sahlan.

Daawo Video-ga (hoosna ka akhri talooyin la xiriira ammaanka carruurta iyo Internetka).

Sharaxaad iyo faahfaahin:

Si loo agaasimo nidaamka Safety Mode, marka hore browserka ay caruurtaaduadeegsadaan ku booqo Youtube.com, kaddib eeg dhanka hoose ee shaashadda Youtube meesha ay ku qoran taay Safety: on, markaas raac habkan:

1. Riix barta ay kuqoran tahay  Safety: Off (ee dhanka hoose ee shaashadda Youtube.com – eeg sawirka hoose).

2. Markaas calaamadi ama guji barta On

3. Marka aad calaamadisid barta (On) waxaa halkaas ku hoos bixi doona link ay ku qorantahay Sign in.

  • FG: Emailkaaga in aad markaas gashid waxay suurtagal ka dhigeytsaa in aan meshaas cid kale bedeli karin. Waxaadna quful ku xiri doontaa qaybta Safety Mode si aan loo bedelin.

4. Marka riixi likiga (Sign in), waxaa soobaxaya shaashad aad ka geli kartid Email-kaaga (Gmail ama google mail) ama akoonka haddii aad ku leedahay Youtube-ka. (Taas macnaheedu waxaa weeye Youtube qaybta Safety Mode cid aan adiga ahayni wax kama bedeli karto)

5. Marka aad emailkaaga gashid, waxaa shaashaddii Youtube ku soo biiraya meel ay ku qoran tahay “Lock safety mode on this browser“. Bartaas calaamadi si aad quful u saartid Safety Mode.Kaddib guji batoonka Save.

6. Halkaas marka aad soo gaartid waxaa shaashadda Youtube ku qormi doonaa Safety: On.

7. Haddii qof kale isku dayoin uu qaybtaas Safety: On bedelo oo ka dhigo Safety: Off, waxaa soo shaashadda ku qormi doona in ay shardi tahay in qofka wax ka bedelayaa uu marka hore galo emailkii loo adeegsadey qufulidda qaybtaas. Cid kale ma furi karto ama wax kama bedeli karto.

8. Markaas wixii ka dambeeya haddii browserka lagu booqdo video Youte ah oo anshax xun waxaa uu soo saari doonaa shaashad la mid ah tan hoose oo muujineysa in Video-gaas la xanibay.

Talooyin ku aadan Carruurtaada iyo Adeegsiga Internetka

Farsamada casriga ah ee Technology waxay u kobceysaa si xawli sare ah. Computeradu waxay sii noqonayaan casri.

Waagii hore computerku wuxuu ahaan jirey mid qaro weyn oo hal meel yaal, laakiin waayadan dambe computerka (sida Laptop) waxaa fudud in meeshii la doono loo qaato, la dhigo qolkii ladoono,.

Haddaba waxaa waalidiintu is weydiin karaan “Farsamada casriga ah sidee loo maarayn karaa? Sidee carruurtayada uga xafidaa halista Internetka,? iwm. Waxaa jira tallaabiyin uu waalidku qaadi karo, talooyin arrintaas la xiriira ayaan qormadan kusoo koobay:

Ugu horayn marka aad computer guriga keentid ama carruurta u soo iibisid waxaa lagama maarmaan in waalidku la bilaabo waxbarashada computerka, oo waalidku waqti geliyo barashada adeegsiga computerka. Taasi waxay horumarineysaa kobcidda carruurta, waxayna wanaajineysaa xiriirka waalidka iyo carruurta, mar haddii waalidku si joogto ah uga war  haynayo carruurtooda iyo adeegsiga computerka iyo Internetka.

Waxaa kale oo lagama maarmaan ah in waalidku dejiyo xeerka ay carruurtu ku dhaqmayaan marka ay adeegsanayaan computerka. Taas oo carruurta si waadax ah loogu sheegayo waxyaabaha u bannaan in ay ka daalacdaan computerka iyo sida ay u adeegsan karaan iyo waqtiga ay carruurtu ku jirayaan computerka. In waqtiga Computerka la qoondeeyo gaar ahaan saacadaha ay carruurtu ku jiraan computerka laga dhigo kuwo qarraran.

Waxaa muhiim ah in carruurtaada aad si qeexan ugu sheegtid in computer kasta oo ku xiriirsan Internetka uu leeyahay cinwaan u gaar ah (IP Address) oo lagu garto computer kasta. Sidaas daraadeed in shirkadaha Internetka laga xiriirsado ee loo soo gaabiyo ISP (Internet Service Provider) ay si cad u arkaan website kasta oo computerkaas laga soo galay.

Taas oo xitaa haddii computerka laga masaxo qaybta Browser History ee websiteyadii lagu booqday computerka, in shirkadda Internetka bixisay ay kayd-keeda ku hayso meel kasto oo computerkaas lagu booqday.

Sidaas daraadeed waxaa aad muhiim ah in aad carruurtaada si qeexan ugu sheegtid in aysan qoyska sumcad xumo u soojiidin inta ay galaan websiteyo anshax xun. Waxaa taas ka horeysa in carruurta la baro in diinteena muqaddaska ah ee aadka u macaan ee Islaamku aysan ogolayn waxkasta oo anshax xun in la daawado.

Waana in markasta carruurta laga dhiso dhinac kasta oo kobcineya maskaxdooda dhanka wanaagga. In waalidku carruurta u sheekeeyaan, oo baraan wanaagga. Waxaana muhiim in aan carruurta u noqono horyaal ku hagaya waxyaabaha wanaagsan, una tilmaano waxyaabaha wanaagsan ee ku jira Internetka, ugana digno waxyaabaha halista ah ee ku jira Internetka.

Waxaa jira barnaamijyo badan oo dadku si toos ah ugu wada sheekaystaan sida Chat Rooms, Skype, MSN iwm. Waxaa taas dheer in Video lagu wada xiriiri karo ayadoo la adeegsanayo barnaamijyadaas sida Skype. Muhiimad weyn ayey leedahay in carruurta la baro halista barnaamij-yadaasi ay leeyihiin, oo ay tahay in aysan kula xiriirin qof aysan aqoon ama waalidku uusan ogeyn ama ansixin wada xiriirkaas.

Waxaa lagama maarmaan ah in waalidku ay markasta si joogta uga warqabaan carruurtooda iyo adeegsiga Internetka. Waxaana kale oo muhiim ah in waalidku ogaado carruurtooda saaxibadood in sidaas oo kale ay waalidkood ula socdaan adeegsiga Internetka oo haddii ay xaafadda deriska wax ku soo akhrisanayaan ama wax ku soo qoranayaan ay tahay xaafaddas deriks ah tahay mid waalidka joogaa ku baraarugsan yahay adeegsiga Computerka oo ka war haya carruurtiisa.

Ma jiro barnaamij 100% ammaan ka dhigaya computerka, sidaas daraaded waxaa ugu haboon waa in mar kasta si joogto ah looga war hayo carruurta, oo waalidku ay feejignaadaan ar kasta, la socdaan meelaah aay arruurtoodu ka booqanayaan Internetka.

Waxaan qiyaasayaa in aysan jirin waalid carruurtiisa ku sii deynaya suuqa weynaha ayagoo aan ka war qabin. Taas waxaa la mid ah Internetka oo noqon kara halis ka weyn, taasna waa in waalidku maanka ku hayo.

Cilmi baarisyo badan oo lagu sameeyey Internetka waxaa laga soo jeediyey talooyinka ay ka mid yihiin:

1. Carruurtaada waxaad bartaa haliska uu yeelan karo Internetka. Waxaad bartaa in aysan weligood (bataatan) wax kulan ah oo qof ahaan ah aysan la yeelan qof ay isku barteen Internetka. Waayo waxaa qofku ku hodi karaa sawir aan kiisa ahayn oo uu internetka geliyo isagoo is qarinaya, marka haddii ay qof ahan u kulmaana uu noqon karo dhurwaa is qarinayey oo dhibaato u geysan kara canugga.

2. Carruurtaada bar in aysan haba yaraatee sawir kooda ah gelin Internetka ama u dirin qof aysan aqoon oo ay Internetka uun ku kulmeen. Sidoo kale carruurtaada bar in aysan Internetka ku qorin wax lagu garan karo sida cinwaanka guriga, telefoonka, emailka, dugsiga ay dhigtaan, iwm. Wax jawaab ah weligood ayasan uga jawaabin email loo soo diray oo xambaarsan erayo qabiix ah ama anshax xun. Sidoo kale carruurtaada bar wax kasta oo Internetka ku qoran waxay noqon karaan been ama run. (Marka run ma wada aha wax kasta oo ku qoran Internetka).

3. Carruurtaada si qeexan ugu sheeg in aad la soconeysid meelaha ay ku booqdaan computerka iyo in aad hubineysid. Isla markaasna computerka dhig qolka fadhiga ama qol ka mid ah guriga ee ka wada dhexeeya qoyska oo aad si fudud u arki kartid meelaha ay booqanayaan.

4. Adeegso barnaamijyada loo yaqaan “Parental Control” oo ah barnaamijyo ay waalidku kula socon karaan carruurtooda, waxaana jira barnaamijyo badan oo noocaas ah oo lacag la’aan ah iyo kuwo lacag ahba.

5. Ka feker in aad gebi ahaanba xanibtid barnaamijyada loo yaqaan “Chat Rooms“, waayo cilmi baarisyo la sameeyey ayaa lagu ogaadey in ay barnaamijyadaas Chat Rooms ay yihiin meelaha ugu badan oo kuwo ficilada xun ay ka qaraabtaan carruurta, waxaana cilmi barisyo sheegeen in ay ugu sii daran tahay xilliga fiidkii iyo habeenkii guud ahaan.

6. Marmar eeg qaybta (Browser History) oo muujisa websiteyada lagu booqday computerka. Haddii aad aragtid in qaybtaas l amasaxay waa inaad carruurtaada weydiisid sababta loo masaxay, waayo haddii aan wax la qarinayn ma jirto sabab ay u masaxaan qaybta Browser History. Waxa kale oo jira barnaamijyo duuba wax kasta oo lagu qoray computerka, oo lagul socon karo waxkasta oo lagu qoray computerka iyo meel kasta oo lagu booqday.

7. Waxaa muhiim ah in emailada laga xanibo erayada qabiixa ah, waxaad kale oo samayn kartaa in carruurtaadu da’da yar aad emailkooda wixii soo mara ay koobi ahaan ugu soo dhici karaan emailkaaga si aad ula socotid dadka la soo xiriiraya.

8. Haddii ay dhacdo in carruurtaada ay la soo xiriiraan kuwo usoo diraya waxyaabo anshax xun oo halis ah, la xiriir booliska magaalada aad joogtid oo ku wargeli arrintaas.

Waxa kale oo waayadan dambe soo batay telefoonka gacanta ee loo yaqaan Smart Phones oo qudhoodu u baahan in waalidku ay taxadar kamuujiyaan.

Meesha uu canuggaaga joogo (waa haddii uu sito Smartphone sida Android phone iyo iphone) waxaa si fudud loogula socon karaa barnaamij loo yaqaan Nearparent oo lacag la’aan ah, kaas oo ay tahay in marka hore lagu xafido telefoonka waalidka iyo kan canugga labadana, markaas ay toos markasta waalidka iyo cannugu ugu wada xiriirin karaan, loogana  socon karaa meesha uu canuggu joogo, waxaana taas suurtagal ka dhiga telefoonada Smart phones ee Android iyo iphone ee ku shaqaynaya GPS.

Barnaamijkaas NearParent  waxaa laga soo rogan karaa Android Market (Adroid Phone) iyo App Store  (iPhone).

Tixraac:

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Halkudheg:

Bookmark and Share

15 Jawaabood

  1. mohamed says:

    asc wr wb, runtii aqoon kaal waan uga mahadcelinaynaa dadaalka ay wado waxaanaan ku dhiiri gelinaynaa in aad sii kobcisaan waxqabadka wax ku oolka ah ee aad bulshada u wadaan iyo taxadarka caruurta ee isticmaalka internetka waxaanan odhan karaa waa wax maanta ay bulshadu u haraadantahay in wax looga tilmaamo qalabka casriga ah ee ICT-ga ama IT-ga oo guud ahaan farabaas ku haya caalamka oo dhan gaar ahaan waxyaabaha aad ka u xun xun oo ay dadka diimaha kala duwani ay ku faafinayaan mabaadiidooda khabiiska ah,

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal mahadsanid qoraalkaaga, dhiiri gelintaada iyo talada aad soo jeedisey ee ku saabsan carruurta iyo isticmaalka Internetka. Mahadsanid.

  2. Asc wr wbr.

    Inj. Maxamed waxaan kuugu abaal gudo ma garanayo waxaanse ALLAAH káaga baryayaa inuu cilmigaaga, cimrigaaga, Caafimaadkaaga, caruurtaadaba iyo caa’iladaadaba ALLAAH kuu barakeeyo.

    Waxaan kaloo ALLAAH ´kaaga baryayaa inuu miizaankaaga Xasanaadka kuugu daro aqoontaada aad noogu deeqday.
    Ilaahayna waalidkaa iyo intii kale oo xaq kugu lehna ka ajir siiyo.

    Mbc.
    Jazaakallaahu kheyral jazaaa.
    Wa baarakallaahu fiik.

  3. Âsc wr wrb.
    Walaal Maxamed Cali
    Macquul matahay in aan Video ahaan u helno casharkii ku saabsanaa sida Website-ka Toos loogu xidhiidhiyo Facebook-ga.?

    Asc.wr.wbr.
    Mbc.

  4. Asc, dhammaan bahda aqoonkaal waad mahadsantihiin sida weyn ee aad inoogu soo gudbiseen aqoonta sare uqaadkeedana hanaqaadeen waa mid aad loola dhaco kudasho baan samayn doonaa inagana insha allah.

  5. nuur says:

    ASC, WALAAL WAAKUSALAAMAY WAA KUMAHADSANTAHAY BARNAAMIJKAAN AAD UGA FAAIIDEYSAY DHAMAAN UMADA SOOMAALIYEED ILAAHEYNA AJIR IYO XASANAAD HA KAASIIYO AAMIIN

  6. faseeh says:

    walaalaha ka caawinaya ummada soomaaliyeed siday u ilaalin lahaayeen anshaxa carurtoda loona heli lahaa amaan akhlaaq horta wad mahadsantihin \waxan rabay inaan ku waydiiyo akhi sideed ugu xidhi karaa viedo passwor?

    • Maxamed Cali says:

      ASC walaal marka hore mahadsanid, tan Video-ga haddii uu ku jiro Youtube waxaad ka dhigi kartaa Private oo ay daalacan karaan qof aad u ogolaatid oo keliya.

  7. shafici daud says:

    asc walayal wan idinka mahad celina dadalka ad samaysen allaha idinka abal mariyo marka walalaha waxan leyahay halka kasii wada kobcinta aqoonta computerka aqoon kaal iyo dhaman howl wadayashisa waxan idin leyahay hanbalyo kasii wada halka

  8. abdikani says:

    ASC Macalin aad iyo aad ayaan kugu mahad celinayaa sida wanaagsan oo luuqadeena wax nogu bartay ilaahayna wax qayr badan ha kugu badalo insha allaah. xadidiina waan sameeyay wayna shaqaysay wixi xun ayaad meradayda ka xidhay ajarkeed alle ha ku siiyo wcs

  9. yahye says:

    mar kahore aqoonkaal.com
    waxaan idinku salaamayaa
    salaan ta muslinka السّلام عليكم ورحمةالله وبركاته
    walaal waad mahad santihiin
    ilaahay haydin ka abaal mariyo sida aad walaalihiin ucaawinaysaan

  10. yasin cismaan says:

    ALAHU AKBAR
    ASCL .
    Marka hore waxaan aad iyo aad ugu mahad naqaya BARAHA maxmed cali iyo cidii kale ee kala qayb gasha howsha ay wadaan
    maaha oo kaliya in aad noo faa idayseen IT balse waxaad ku darteen TARBIYA ISLAAMIYA
    ALA HA IDINKA ABAAL MARIYO WALAALAYAAL.

  11. Ali shucayb says:

    Asc,
    waxaan ahay arday dhigta dipartment of computer Eng, joogana turkey, allaa mahad leh’e waxaan halkan mahad way uga hayaa macalın maxamed cali, sida fiican ee uu casharada noogu so tabiyo, runtiina aqoon waan ka korar saday aqoon ma dhamaatee waxaanan rajaynayaa ınaan la sıı wado macalınka casharada insha allah, alle hakuu ziyaadıyo aqoonta,

  12. mohamed says:

    walaal maxamad allah hakaa abaalmariyo wakhti saacad dhan ayaan akhrinaayey aad ayaan ooga faaiidaystay waxaan ahay aabo caruur leh

Qor Jawaabtaada