Ku Soo Dhawaada Website AqoonKaal.com oo dib u habayn lagu sameeyay

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Friday, December 31, 2010 | 20 Jawaabood

« | »

Asalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu.

Akhristayaasha qiimaha badan waxan la socodsiinaynaa in dib u habayn lagu sameeyey website-ka AqoonKaal.com.

Waxa kale oo dib u habayn lagu sameeyey casharrada aan halkan ku soo gudbin doono ee la xiriira Cilmiga Computerka iyo Farsamada Casriga ah oo ku qoran AfSoomaali, si aan uga haqab tiro dad weynaha akhriya AfSoomaaliga, ayna u helaan goob u heellan cilmiga Teknoolojiga oo ku qoran Afka Soomaaliga.

Qarnigan aan ku jirno ee 21aad waxaa aad muhiim u ah computerka iyo adeegsigiisa.  Sidaas daraadeed waxaa lagama maarmaan ah in la helo cilmigan casriga ah oo ku qoran AfSoomaali si dadweynaha akhriya luqadda Soomaaligu ay afkooda ugaga bogtaan. Sababtaas ayaan u samaynay website-ka AqoonKaal.com, si uu ug aqayb qaato kobcinta aqoonta ku saabsan cilmiga la xiriira adeegsiga Computerka.

Qoraallada aan halkan ku soo gudbin doono waxa u qornaan doonaan hab sahlan oo wata sharaxaad iyo sawirro ama Video meeshii ku haboon.

Waxaan, Insha Allah, ku dadaali doonaa in aan akhristayaasha uga faa’iidayno cilmigan casriga ah intii Allah naga waafajiyo.

Casharada ugu horeeya ee sannadkan 2011 aan halkan ka baran doono waxaa ka mid ah:

Adeegsiga Barnaamijka OpenOffice/Excel

Casharrada ugu horeeya waxaan ku baran doonaa adeegsiga Barnaamij Xisaabeedka OpenOffice (Spreadsheet), kaas muhiim u ah hawl maalmeedka xisaabaadka fudud ilaa xisaabta heerka ugu saraysa ee lagu kala hago mashaariicda waaweyn. Sidaas daraadeed waxaan muhiim u aragnay in aan barnaamijkaas ku bilowno casharrada sannadkan.

Barnaamijka OpenOffice sababta aan u dooranay waxaa kamid ah in uu yahay barnaamij lacag la’aan ah oo qof kasta ka soo rogan karo Internetka. Gaar ahaan barnaamijka Calc OpenOffice qaabka loo adeegsado waxa uu la mid yahay Excel. Sidaas daraadeed farsamada aad barnaamijkan ka baratid waxaa si fudud loogu adeegsan karaan barnaamijka Excel.

Waxaan ku bilaabi doonaa casharro fudud iyo adeegsiga barnaamijka oo bilow ah, si ay uga faa’iidaystaan dadka aan hore u adeegsan barnaamijkaas, ilaa aan ka gaarno casharro qofku uu kalsooni ku qabi karo in uu barnaamijkaas hawlahiisa xisaabta ku qabansankaro, Insha Allah.

Waaan tusaale u soo qaadan doonaa, sida loo xisaabiyo alaabada (tusaale ahaan lagu iibiyo Dukaan ama ganacsi) iyo raasumaalka, kharashba baxa iyo waxa la faa’iido, iyo sidii loo xisaab lahaa sakada la bixinayo iyo inta boqolkiiba la faa’iidey.

Waxa kale oo aan guud mar ku samayn doonaa qaabka loo adeegsado shaxanka (Graph) lagu muujiyo xisaabta, taas qayb ka ah fahamka qaabxisaabeedka, taas oo ka qayb qaadata in si sahlan loo arko wixii la xisaabinayey, in ay kordheen ama yaraadeen, halkaas oo laga dheehan karo faa’iidada.

Waxaan rajaynaynaa in casharradani noqon doonaan kuwo laga faa’iido, waxaana ku dadaali doonaa aan ku qorno AfSoomaali fasiix ah, ku muujino shaxan, sawir ama video.

Soo tebinta casharradani waxay noqon doonaa Toddobaadle (asbuuciiba mar), Insha Allah.

Wixii talo iyo tusaalayn ah waxaad noogu soo hagaajin kartaa emailka hoose.

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Halkudheg:

Bookmark and Share

20 Jawaabood

  1. asc wrw marka hore waxan salamaya dhaman bahda webstkan (aqoonkaal) sln kadib marka hore illaah baa mahadleh marka xigta maasha allaah runtii waa ra”i aad aan ula dhacnay hadaan nahay dhalinta soomalieed ee kubaahsan aduunka dacaldiisa siiba aniga shakhsi ahantey awoodna aan ulahayn inaan waxbarasho nocan ah horey aan uhelin xag dhaqaale awgiis faaiidada iyo qiimaha cilmiyadan aad noo fudaydiseen waana idinka mahad celinaynaa inbadan insha allaah waxaan kudalaynaa inaan aqoontan kafaaidaysano idinkana allaah ha idunkula garabgalo by.yours.saacid.. warsan iyo weedhsan..insha allaah…wabilahi tawfiiq!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

    • Maxamed Cali says:

      Asalaamu Calaykum, walaal Saacid waxaad ku mahadsan tahay dhambaal kaaga. Insha Allah waan ka wada faa’iidi doonaa casharrada. Mahadsanid.

  2. Daahir says:

    Assalaamu Caleykum.
    Salaan kadib, runtii waan idiinkaga mahadcelinaa howshaan wanaagsan ee aad ugu faa’ideyneysiin bulshada Soomaaliyeed, waa wax loo baahnaa, waana idiin sadaqo oo Allaah ajar ayuu idinka siin doonaa INSHAA ALLAH.
    Waxaan idin leeyahay haka caajisina howshaan, hana naga soo daahina barnaamijyada waxbarasho ee http://WWW.AQOONKAAL.COM

  3. mohamed abdi says:

    waxaan salamaayaan dhamaan walaalahay muslimiinta ah oo isticmaalo wesitka aqoon kaal

  4. saido abdi says:

    asc dhamaan shaqaalaha wbsiteka waan salaamayaa aad ayaan idin kugu mahadcelinayaa aqoon korarsigan fiican waliba ku baxaayo afkeena hooyo waa arin lagu farxo aniga runtii waan la dhacay waxaana idin leeyahay haka caajisina waa arin lagu farxo runtii inta daneeso wax barashada waliba maanta xaalada aan ku suganahy dhaqaalaha ahaan oo aysan awoodi karin dhalinta soomaaliyeed dhamaantiid inay xaadiraan schoolada dadkiina oo idin baahan ayaad caawiseen mar labaad waad mahadsan tihiin

  5. ahmed says:

    a/s/c dhamaantiin walaal waadku mahadsantihiin hawshaan balaaran ee aad uhaysaan bulshada soomaaliyeed walaal alle
    ha idinka abaal mariyo walaal waxaan ku waydiinayaa
    office 2003 iyo office 2007 waxa farqiya miyaa u dhexeeye
    walaal

    • Maxamed Cali says:

      a/s/c marka hore mahadsanid dhambaalkaaga, marka la eego natiijada ama maxsuulka ka soo baxaya farqi weyn uma dhexeeya mirosoft Ofice iyo OpenOffice, gaar ahaan EXCEL IYO CALC marka la eego qaab xisaabeedka la adeegsanayo wax badan kuma kala duwan, waa dhici kartaa in batoonada iyo muuqaalka guud ee labada barnaamij kala duwan yihiin laakiin qaab xisaabeedku waa isu dhaw yahay oo haddii aad mid baratid kan kale waa kuu sahlanaanayaa.

  6. ali omargows says:

    asc qayr badan allaha idinkasiiyo

  7. farxan says:

    marka hore waxaan u mahad celinayaa bahda isku hawshay barnamijkan marka xiga waxaan rabaa inaad iga xaawisaan sidaan u bilaabilahaa barnaamijkan iyo sidaan ugusoo shuban lahaa kanbayuutarkayga mahadsanidiin

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal barnaamijka aad dooneysid inaad computerkaaga ku shubatid waa barnaamijkee??

  8. Ahmed Sheikh Ali Ibrahim says:

    asc walalyal waxan u mahad celinaya dadka so diyariyey barnamijyadan mida kale aniga waxan jeclahay in an si fcn u barto aalada computerka e waxan donaya inan xirir idinla yesho e sideban idinkula xiriri kara mahadsanadiin

  9. Acww, salaan kadib waxaan mahad dhamaanteed u haynaa allaha ina abuuray inoona sahlay inaan wax baranno inagoo caafimaad qabno inoona adeejiyey walaalaheen ajar badan alla haka siiyaan leenahay dadaalkooda Aamiin!
    kadib waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa walaalaha aqoonkaal oo mutadawacnimada ku shaqeynayaa ajarkooda allaa hayo! waxaan jeclaan lahaa inaan ka codsado haddey suura galayso inay inoosoo dhigaan casharro khuseeya DATABASE oo muuqaal eh iyo buugaagta microsoft office oo dhmaystiran waana mahadsanyihiin
    MANY THANKS!

  10. abdihafid says:

    ASC macalimiinta waan idin salaamay dhamaantiimba aad iyo aad sida fiican ee aad dadka somalia da ah ugu faa iidaynaysaan alle ha idinka abaal mariyo khayr kaas aad samayseen
    waxaan lakin macalin ka codsanlahaa in hadii ay possible tahay aad casharo inooga soo samayso joomla aad iyo aad ayaan ugu baahanahay macalin waad mahadsantihiin

  11. cabdi cabdillahi yonis says:

    macalin maxamed aqoonkaal aad ayaan kuugu mahadnaqyenaa aqoontan wanaagsan ee badiba aad noogu soo daabacdo mareegtan aqoonkaal waxaan allena kaaga baryeyenaaa in uu kaa abaalmariyo !

  12. Ahmed says:

    A/C salaan ka dib runtii aad iyo aad baan idinku bogaadinayaa sida haqab la,aanta ah ee noogu faa,iidayseen, waxaanad ogaanaysaa cilmiga qiimihiisa marka aad afkaaga hooyo ku baranaysid waxaana daremaya qofkii akhrista Aqoonkaal idinkana waxaan idin leeyahay halkaas ka sii wada dadaalka iyo wakhtiga aad galinaysaan cilmigan aan faa,iidadiisa la soo koobi karin Ilaakhayna idinkama khasaariyo xasanaadkiisa. Faa.iidooyinka ku jirana waxaa ka mid ah:
    1. Barashada cilmiga Computerka .
    2: Horumarinta afka hooyo
    . dadka oo ku baraaruga barashada cilmiga maadaama ay ku helayaan afkooda hooyo, iyo faa,iidooyin ka badan oo aan la soo koobi karin

  13. Abdirahman Mohamed Aden says:

    asc marka hore
    waxaan umahad noqayaa dhamaan bahda aqoonkaal

  14. abirahmn says:

    mahdsanid waa ka faa iiday runtiii allaha idiin faa iideeyo lkn csharada excel intaa kuma eko ee qaybaha kale kusii dara

  15. Abdurahman Yasin says:

    Assalamu Calaykum Dhamaan
    Bahda Daadihinaysa Dhambaalka
    Waanu Ka Faa’iidaysan doonaa
    insha allaah Casharada Iyo aqoon
    koror siga (#Aqoon_Kaal#)

  16. ahmed mohamed musse says:

    asc waxa mahed is kale allah runtii wxn kaliya awoodna inen idiin duceyno uun bahda aqoon kaal gabe ahaanba wxnan idin lenahey alle ha idin barakeyo adun iyo akhiraba wed ku mahad santihiin cilmega aad no fa iideysen

  17. farhan maxamed xasan says:

    asc wllyl aaad baan idinka mahd celinayaa ilhy waxn idinka baryayaa in alle idinku buuxiyo

Qor Jawaabtaada