Video: Casharka 2aad ee OpenOffice: Isku darka xisaabta

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Friday, January 7, 2011 | 24 Jawaabood

« | »

Casharka labaad waxaan ku baran doonaa waxyaabaha asaaska u ah adeegsiga barnaamij xisaabeedka OpenOffice Calc, gaar ahaan sida la isugu daro xisaabta iyo sida loogu qoro:

  • Qoraalka (Text)
  • Xisaabta (tirada), iyo
  • Qaacidada (Formula)

Waxaan casharkani muhiimada saarayaa asaaska hore ee isku darka xisaabta ayadoo la adeegsanayo qaacida (formula) asaaska u ah isku darka xisaabta.

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Bookmark and Share

24 Jawaabood

  1. nuur says:

    a/s/c walaal waad ku mahadsantihiin hawshaan balaaran ee aad uhaysaan bulshada soomaaliyeed allaah ha idinka abaal mariyo

    • walaal aad iyo aad ayaad ugu mahadsantihiin hawsha balaadhan ee aad umadda soomaaliyeed ee dhinacwalba ka burburtay .aad baanan idiinku dhiiri galinyaa cilmigan casriga in umadiina bartaan halkaana kasii wadaan si ay ardayda soomaaliyeed ula tartamaan wada

  2. cabdiraxmaan ismaaciil says:

    ASCWW…….Maxamed cali aadbaan markale casharkan kaaga mahadcelinayaa….waadna salaaman tahay,hana kadaalin ufaa’iidaynta dadkaaga soomaaliyeed ee aanay waayuhu usaamixin in ay cilmigan iskuullo ama goobo kale oo waxbarasho utagaan.

  3. cali says:

    asc sxb sare maxamed aad ayaan kuu salaamayaa waxaa ahay wiil somaliyeed oo joogo finland aad ayaan ula dhacay casharkaagan iyo casharo kale aad u farabadan waad ku mahasantahay waxaan ku leenahay hormar wanaagsan waxaa kale oo aan kaa codsan lahaa haday macquul tahay in aad noo bolowdidid xisaabta dugsiyada sare haday macquul tahay mar walbo waxaan ku leeyahay nooloow weligaa somali oo dhana adiga oo kale allaha ka dhigo

  4. Abdinuur says:

    Asc walaal marka hore Salaan Sare marka xigta Jazaa kalaah Aakhiro iyo Aduunba.

    wa bilaahi tawfiiq

  5. a/s
    anigoo oo kamid ah dhalinyarada kafaaiidaysata bogaan waxaan aad ugu mahadcelinyaa maxamed cali waxaan leeyahay howsha aad hayso miizaan aakhiro ilaahay hakuugu daro waa noo faa iidaysay

  6. mustafe says:

    duruus qiimo badan weeye dadaalkiisu, Alla ha idiin
    fududeeyo

  7. Abdilaahi says:

    A/s walaal waxaan kaaga mahad celinayaa barnaamijkan aad noo soo gudbisay anigoo ka mida ardayda ka faa iidaysata webkan waad ku mahadsan tahay

  8. A/s walaal waxaan kaaga mahad celinyaa casharkan qiimaha leh ee aad noo soo gudbisay anigoo ka mida ardayda ka faa,iidaysata webkan waad ku mahas san tahay

  9. aslc waal walaal aad iyo aad ayaad u mahad santihiin maadaama aad jecleeysateen in aad caawisaan umada soomaaliyeed qeyrna alaha idinka siiyo cimri dheeri iyo cibaado san ayaan illaah idiinka baryayaa aamiin

  10. a/s walaal waad mahadsantihiin aduun iyo aakhiraba maadaama aad faafinaysaa arin aad u fiican oo laga faaiday maashaalaah a/s

  11. ahmed khaliif says:

    waan kusalamay sxb mahadsanid inbadan inte aan ku dhehirabay asxabtakale ayaa ku dhahday markale iyo marxigaba mahadsanid waxana ka codsanaa kuwakale in aan kahelno sida xisabta dugsiga sare

  12. SCW IKH WAANII WAXAA AAD IYO AAD IDIN KAGA MAHAD CELINAA BARNAAMIJYADAAN AAD NOO FUDUDEEYSEEN, TANKALE WAXAAN ILLAAHEY IDNKAGA BARYAA INOOW IDINKA BADBAADIYI CIQAABTA QIYAAMAHA IYO CARIIRIGA QABRIGA.

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal Cismaan Abiikar, ramadaan Kariim, aad ayaadna ugu mahadsan tahay ducadaada. Sidoo kale Allah hakaa xafido ciqaab adduun iyo mid aakhiro. Mahadsanid.

  13. Maxamad Cabdulahi says:

    As/c walaalka qiimaha badan Maxamad Cali Aad ayaan kaaga mahad Celinayaa barnaamijka qiimaha badan iyo waqtigaaga iyo aqoontaada aad u hurtay bulshada jecel Tacliinta waxaana ilaah kaaga rajeynayaa in uu qeyr ka badan kuugu badalo
    Mahadsanid

  14. asc macalinkeena max’ed cali aad ayan kaga mahadcelineynaa sida wanaagsan oo aad noogu dadaashid ee alle ajir hakaasiyo,mida kale jaamacadaha maadooyin ay lacag sida HTML ayaad ku dhigtaa lacag la’aan waliba adigoon aqoon noo laheyn abaalne aan naga rabin ee allow ajir kaasii adiga ajir u niyeyso,waxan aad u jeclahay inad ku soo darto qaabka word-ka wax loogu qoro iyo photo shop.

  15. sheikh mohamed ahmed says:

    ASC, MACALIN MAXAMED CASHARKA OPENOFFICE QAYBTIISA 2 WAXAA IDIIDAY OO AAN II JIIDMAYN BILAHA IYO MAALMAHA HALNOOC OO KALIIYA AYAA II WADA JIIDMAAYO TUSALE AHAN HADII AAN ISNIIN QORO OO AAN IS IRAAHDO KUJIID KASARKA KULI ISNIIN AYAY NOQONAYSAA SIDAAS SILAMID AHNA WAXA AH MAALMAHA SIDA FROM MON TO SUN, TIRADA WAA OK SIDEE WAX IGA YIHIIN MACALIN INSHA ALLAAH HADII AAD FURSAD HESHO INAD ISO JAWABTO AYAN JECLAN LAHAA MAHADSANID A,S.C.W

  16. SHEIKH MOHAMED says:

    asc. macalin casharka labaaad ee openoffice
    marka aan rabo inan jiido bilaha ama isbucyada wuu iga diiday oo bisha aan jiido ama malinta an jiido ayay dhamaantood wada noqonayaan, cilada computerkayga mise dhanka programka waye. waxan jeclaan lahaa macalin inaad iga caawiso, adoo mahadsan

  17. abdikadir bashir says:

    ASC MOHAMED ALI AAD AYAD U MAHADSANTAHAY SXB WAAN KA FAA IDEYSANAY

  18. MAXAMAD says:

    sideen kula dagi karaa walaal adoo mahadsan

  19. Haybe Axmed says:

    waad ku mahadsan tahay aqoonta aad nosoo gudbisay

Qor Jawaabtaada