Xeerka lagu ogaado Tirada Dadka soo booqda Website-ka

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Monday, March 21, 2011 | 12 Jawaabood

« | »

Google Analytics:

Si loo ogaado tirada dadka soo booqda website-ka iyo dalalka ay ka soo booqdeen, waxaa la adeegsadaa barnaamijyo arrrintaas suurtagal ka dhigaya. Casharkan ayaaan ku baran doonaa mid ka mid barnaamijyada ugu caansan ee la adeegsado oo ah Google Analytics. (Sidoo kale waxaa hoos ku qoran link barnaamijka whos.amung.us oo hawshaas qaban kara).

Google Analytics waa barnaamij lacag la’aan ah, kaas oo marka lagu xiriiriyo website waxa uu xisaabiyaa tirada dadka website-kaas soo booqda, nooca computerrada ay adeegsadeen (Windows, Linux, iwm), nooca shaashadda computerada iyo cabirkooda (sida 1024×768  iwm), nooca Browser-ada (sida IE, Firfox, Chrome), qoraallada loogu akhriska badan yahay iyo akhbaar kale oo muhiim u leh qoraha website-ka uu u sii hagaajiyo u horumariyo.

Arrintaasi muhiimad weyn ayey u lleedahay dadka maamula website-yada oo halkii ay ku tiir iyo tacab beeli lahaayeen meel aan dadku soo booqan waxay ogaanayaan tirada dadka soo booqda iyo waxa ay ugu akhriska badan yihiin si loo sii horumariyo macluumaadka dadka anfacaya.

Haddaba, si aad u adeegsatid Google Analytics waxaad  u baahan tahay email in aad ka samaysatid Google (Gmail.com) – waxaad adeegsan kartaa haddii aad hore email uga furatay Gmail ama hadda ayaad email cusub ka furan kartaa (Gmail.com).

Si loo agaasimo bharnaamijka Google Analytics waxaa la maraa shan tallaabo oo ah:

  1. In aad email ku leedahay Gmail.com (ama email ka samaysatid http://gmail.com)
  2. In aad account ka samaysatid Google Analytics (http://www.google.com/analytics/)
  3. In aad xeerka (Code) tirada xisaabiya ka soo qaadatid Google Analytics – xeerkaas oo loo yaqaan “Tracking Code”
  4. In aad xeerkaas ku xiriirisid website-kaaga (Waxaa xeerkaas lagu daabacaa sadarka ka sareeya barta </body></html> oo ah gabagabada xeerarka website-ka.
  5. In aad Google ka xaqiijisid in aad xeerkaas si sax ugu xiriirisay website-ka – Haddii xeerkaas sida saxda loo rakibo waxaa Google Analytics uu tirin doonaa ama muujin doonaa tirada soo booqatay website-ka.

Daawo Video hoose oo sharaxaad ka bixinaya sida Google Analytics loo samaysto, islamarkaasna lagu xiriiryo website. Gaar ahaan waxaan ku xiriirin doonaa website ku dhisan WordPress.

Ka Daawo Youtube (Ama hoos ka daawo)

Barnaamijka whos.amung.us

Halkaas waxaan kaga gudbeynaa barnaamijka Google Analytics. Sidoo kale si loo ogaada tirada dadka booqanaya website-ka, isla daqiiqadaasna ku jira website-ka waxaa la adeegsan karaa barnaamijka whos.amung.us. Barnaamijkaas waxaa laga heli karaa websiteka  http://whos.amung.us/

WordPress si barnaamijkaas loogu rakibo waxaa la adeegsan karaa kalkaaliye lagu rakibo WordPress-ka oo laga heli karo linkiga hoose:

http://wordpress.org/plugins/whosamungus-whos-amung-us/

Sidoo kale eeg halkan: http://whos.amung.us/help/install_wordpress

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Bookmark and Share

12 Jawaabood

  1. galbeed says:

    waad mahadsantahay aad iyo aad buuna wax tar ugu leeyahayay cashirkaan
    cid kaste

  2. sxbayaal aad ayaad umahadsantiin si fiican ayaaan ufahmaa anigu marwalbana waan lasocdaa

  3. abdikarim says:

    mahasanid aqoonto kunbiyiitarka wakhtigaan waa muhiim

  4. Zakariye says:

    Walolo marka hore waan ku salaamaya salaan ka dib waxaan rabaa walolo inaad ii sheegto sida aan dib uga masaxo google analystics oo iga xumaday kadibn aaan mid cusub u soo dajiyo waxaan fahmi wayay markii hore si aan u qaado talaabooyinkii aad soo martay markii aad ogaanaysay cida soo booqato webka

  5. Zakariye says:

    waxaan rabaa inaan ka masaxo google analystics madaama aan si qaldan ugu xidhay gmailka shabakadayda,, sidaas darteeda ayaan u rabaa inan mar kale dib u dajiyo anoo raba inaan maro dariiqa aad noo sheegteen si aanu ogaado dadka isoo booqday iyo wararka ay akhristaan waad mahadsan tihiin jazaakuma laahu khayraan

  6. Horjooge says:

    Walaal ayaantaan waxa ay dalbadaan in aad santuukh boosto leedahay ee arrintaas ma laga maarmi karaa..?

  7. Musab says:

    macalin maxamed cali ….. aad ayaad u mahadsan tahay … waxaad tahay macalinka kaliya een sida wanaagsan uga bartay dhismaha websiteyada… ilaahay ha kaa abaal mariyo … halkaa kasii wad dadaalka aad ku jirtid macalin …….jazaka allaahu khayran

  8. Musab says:

    waxaanu jeclaan lahayn hadii macalin aad no bilowdo taxane cusub oo ku saabsan PHP iyo sida loogu dhiso website ..

  9. siciid jamac dhagow says:

    ilahay ajar iyo abaal hakaasiiyo aqoontaada aad noo faaiidaysay ilahayna meelkale hakaa siiyo

  10. waad kumadsantihiin sida wanaagsan ee aad bulshada ugu faa’iideynaysaan

Qor Jawaabtaada