HTML: Casharka 1aad ee HTML Ku Baro AfSoomaali (Video)

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Saturday, March 26, 2011 | 23 Jawaabood

« | »

HTML ku baro AfSoomaaliCasharkan oo ah qaybtii kowaad ee barashada HTML waxa uu si gaar ah ugu saabsan yahay xeerarka gundhigga u ah barashada HTML.

Casharkani waxa uu bilow u yahay qaabka loo qoro xeerarka HTML oo ah xeerarka suurtagalka ka dhiga ee shaashadda laga daalacdo qoraallada lagu qoro website-ka.

Haddaba Casharkan 1aad oo aan u kala qaybiyey laba Video si daalacashadiisu u sahlanaato, fadlan ka daawo hoos:

Video Qaybta 1aad hoos ka daawo


FG: Haddii aad joogtid dalka Shiinaha oo Video-ga hoose kuu soo bixi waayo, casharkan ka daawo YouKu (Riix Halkan)

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Halkudheg:

Bookmark and Share

23 Jawaabood

  1. A/c

    Walaalayaal aad ayaad u mahadsantihiin sida wanaagsan ee walaalihina soomaaliya Cilmiga Ilaah idin baray aad u gaarsiiseena waan idinka Mahad celinayaa Ilaah Ajar ha idnka siiyo

  2. walaale aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tahay camalka khayriga ah,waa maalintii iigu horaysay ee aan arko wabsitkan waan ku farxay.

    ragards
    adam

  3. Mohamed says:

    Ac wr wb. Walaal Mohamed Cali aad iyo aad baad ugu mahad san tahay sida wacan oo aad noogu faa’iidaysay. Allah hakaa abaal mariyo. Wax waynbaan ka faa’iidaystay

  4. Adam Abdalla Adam says:

    walaal waxaan kugu salaamey salaanta islaamka

  5. Cabbaas says:

    Masha’allah, sifiican baad usharaxday cashirkan 1waad, mudo kahor maanan booqan W3schools ka sababta oo ah waan kucaajisay runtii, waxaa fiican marka hore inaad ka luqadaada hooyo kufahmi karto inkastoo eey luqada English ka aad muhiim utahay (base kiisutahay).

    ◄▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬►
    Ilaah baa mahad leh, waxaan kaloo jazkallah khair dhihi lahaa site-kan ▼ oo aan kasoo helay website kaada 🙂

    http://somalitalk.com/category/etech/htmlcode/

    war iyo dhamaantii 🙂 Aad baa ugu mahadsantahay aqoonta aad na lawadaagtay.

    ●▬▬▬▬ஜ۩۞۩ஜ▬▬▬▬●
    …….Isugu kaalmeeya Samaha iyo Dhawrsiga hana Isugu Kaalmaynina Dambi iyo Colnimo,………….

    Surat Al-Mā’idah (The Table Spread) – سورة المائدة
    ●▬▬▬▬ஜ۩۞۩ஜ▬▬▬▬●

  6. ilyaas says:

    masha allah
    casharkaa si wanagsan ayaan u fahmay, wanan ku celiyey
    mahadsanid macalin .

    imika ayaan bilaabay una baahday html markaa anoo radinaya habka loo sameeyo html ayaan helay ciwaankaga markaa aad ayaan kugu mahadcelinaya. wayo rasuulka { csws} ayaa yidha qofka qof u mahadcelinyaa ayaa illahay u mahadnaqa .
    macalin mahadsanid .
    wanan la socdaa oo imika waxan bilaabi doona hadu alle yidhaa casharka labad ee html

    • Maxamed Cali says:

      Mahadsanid walaal, kuna soo dhawoow AqoonKaal.com, waana ku faraxsanahay in aad ka faa’iidey casharkan HTML iyo CSS ku baro Af-Soomaali.

  7. Maxamed Cali says:

    SU’aal:

    S/caleykum macalin, Marka hore ALLAH ha kaa abaal mariyo sida fiican ee aad aqoonta noogu kordhisey, runtiina aad aiyo aad ayaan kaaga faa iideystay, walaal su aal ayaan rabaa inaan ku soo weydiiyo ,marka la qorayo HTML ka labada (tags) ay kala durkaan sidee la iskugu soo dhoweeyaa (ama durkiyaa), waayo dhinaca midigta, bidixda iyo hoos waa loo durkin karaa, laakiin kor (xagga sare) looma qaadi karo, markaas waxay tahay suaasheydu sideen sare ugu qaadaa anigoo u dhoweynaaya kuwa kale.

    S/caleykum w. wabarakaat.

    JAWAAB:

    A/c: Walaal Maxamed mahadsanid emailkaaga iyo xiriirkaaga.

    Haddii aan su’aasha si fiican u fahmey, labada (tags) ee HTML waa xeerka muujinaya in website-ku ku qoran yahay HTML, shaqadooduna waa in browser-ku arkayo meesha xeerarka HTML ka bilowdaan iyo meesha ay ku dhammaadaan, taas ayaa ugu muhiimsan hawsha ay qabanayaan.

    Marka walaal haddii lakala durkiyo iyo haddii la isku soo dhaweeyo waa isku mid, in ay kala durkaana waxay ku xirantahay in ayaga alagu dhex qorayo xeerarka kale oo dhan, marka waa kala durkayaan.

    Mahadsanid.

  8. jamaal says:

    waxaan kugu salaamay salaanta islaamka asalaamu caleykum waraxmatulaahi wabarakaatu runtii aad iyo aad
    ayaan ugu faraxsanahay in aan ku barto afkayga aad iyo aad aan kugu mahad celinayaa jazaaka laah alf kheyr ilaah hakaa abaal mariyo cilmiga fiican aad bareysit dadkaaga ilaah habadiyo adiga oo kale

  9. Yassin says:

    asc macalin maxamed anigoo aad iyo aad kaaga mahadcelinaya wanaga iyo aqoonta aad nala wadaagtay aa waxaan rabaa in aa aqbaar iga siisid sida aan calaamda hide ka ah uga soo dhex bixin lahaa computerkeyga aniga waxaan isticmalaa windows xp .marka aan indexka aan sameeyane kaligiisa aa iiso baxaayo mala socoto htmlka marka wadada aa i tustayne waan isku daye lkn waan fahmi waaye sidee ku heli karaa si aan u dhoho computerkeyga filasha muhiimka ah ha iga qarinin .waad mahadsantahay

    • Maxamed Cali says:

      ASC Si aad u muujisid lingaxa dambe ee faylka sida index.html, ama fayl.doc iwm, raac habkan:

      WINDOWS XP:

      1. Guji: “My Computer” ama “My Documents”
      2. riix: Tools … Folder Options…
      3. Kaddib daaqadda soo baxda riix barta “view”
      4. Markaas calaamadda ka masax barta “Hide extensions for known file types.” Halkaas haddii calaamad ku hor qoran tahay ka masax calaamadda, yacni halmar guji si calaamaddu uga masaxanto
      5. Kaddib guji batoonka OK

      WINDOWS 7:

      1. Riix Start .. kaddib guji: Documents
      2. Markaas riix: Organize
      3. kaddib guji: “Folder and search options”
      4. Markaas shaashadda soo baxda riix barta “View”
      5. Kaddib calaamadda ka masax barta “Hide extensions for known file types.”
      6. Guji OK

      WINDOWS 8:

      1. Marka hore fur khaanad (ama Folder) tii aad doontid.
      2. Kaddib riix “View”
      3. Markaas calaaamdi barta “File name extensions”, halkaas haddii calaamad aysan ku qornayn waa in aad calaamadisid si uu u muuqdo lingaxa faylku (FG: Waa qaab ka duwan kan Windows XP iyo win7, waayo Windows XP waa in calaamadda laga masaxo si faylka lingaxiisu u muuqdo, laakiin Windows 8 waa in la calaamadiyo bartaas si lingaxu u muuqdo).
  10. Mohamed Hasan says:

    Mansha Allah, run ahanti waxan dhihi karaa waxaa tahay ruux deeqsi ah, oo cilmigii uu bartay lacag la’aan ku baraya dadkiisa, alla ha kaa abaal mariyo Maxamed Cali.

  11. barre says:

    walaal, waad ku mahadsan tahey casharadan aadka u qiimaha badan in aad afkeena hooyo noogu faaiideyso.
    waa arin inmudo ah aan sugeyney. alle hakaa abaal mariyo. annagana kuwii ka faaiideysta alle hanaga dhigo.

  12. Abdalla bin Abdalla says:

    macalin aad iyo aad ayaan idin kugu mahad celineynaa sida wacan ee aad inoo gu soo dirteen cashiradaan faa idada inoo leh aad inogu soo dirteen

  13. Abdinasir says:

    ACW salaan kadib waxaan isticmaalaa MAcbook Air waana uu iigi shaqeyn waayey webdesign ka iyo waliba HTML waxaan kaloo raba maxay ku kala duwan yihiin Webdesign iyo HTML mahadsanidin waxaan filayaa inaad iisoo jawaabi doonto insha Allah

    • Maxamed Cali says:

      asc. Webdesign waa guud ahaan farsamada naqshadaynta websiteka, waxaana la adeegsan karaa habab iyo barnaamijyo kala duwan, waxaana ka mid ah HTML oo asaas u ah hab dhismeedka websign-ka. Tan kale ma hubo cillada aad xustay ee MacAir meesha ay ka imanayso, waayo HTML waa xeerar guud oo la adeegsado waxaana barnaamijyada lagu qoro ka mid ah NotePad++, sumlime text iwm, waana barnaamiyo ku shaqeeya MacBook.

  14. medjamac says:

    Asc wacan owanagsan

  15. cabdilahi says:

    asc macalin hal dhib ayaa i haysata marka an html ka iyo inta kale sameyo firefox ayan isticmaalayaa qoraaladu masoo baxayaan sida ay adiga internet explorerku kugu soo baxeen ..

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      Walaal hubi xeerka waayo hadii wax kaa khaldan yuhiin waxaa dhici karta in uusan Firefox ama IE ama chrome ku soo bixin

  16. hamza says:

    macalin ad iyo ad ayad umahadsantahay siida waanagsan ad noguhagaar baxeysid
    suasha an kuwaydinrabo aya waxaa aytahay xerarka la isticmalo oo sawirka lagu galiyo html ka

Qor Jawaabtaada