HTML & CSS: Sida loo Xusho Midabbada Website -Casharka 7aad

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Tuesday, April 5, 2011 | 8 Jawaabood

« | »

Casharkan waxaan ku baran doonaa sida ugu wanaagsan ee loo xulan karo midabada loo samaynayo website-ka.

Waxa kale oo casharn aan kaga bogan doonaa faraqa u dhexeeya midabka derbiga shaashadda (background) iyo midabka qoraalka (color) iyo xeerarka loo adeegsado.

Marka aad daawatid Video-ga hoose waxaad xirfad u yeelan doontaa qaabka ay u shaqeeyaan midabada website-ka iyo macnaha ka dambeeya xeerka HEX (lix-iyo-tobanlada loo yaqaan) oo ah tiro iyo xarfo ka kooban LIX, sida #0000FF oo adeegsado midabka.

Video-ga hoos ka daawo:


Macluumaad la xiriira casharkan

Xeerarka CSS ee midabka derbiga iyo midabka qoraalka waa kuwa hoos ku qoran:

Xeerarka CSS

[sourcecode language=”css”]

body {
background-color: #FFBB6E;
}

p {
color: #000000;
}

h1 {
background: #F7203B;
color: #00FF00;
}

[/sourcecode]

Linkiyo la xiriira casharka

http://colorschemedesigner.com/

http://kuler.adobe.com/

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Halkudheg:

Bookmark and Share

8 Jawaabood

  1. ahmed ali says:

    waxaan joogaa moqdisho somaliya sidaa darteed ma heli karo qad fiican marka waxaan codsan lahaa hadii ay suurta gal tahay meel aan ka heli karo video yada oo duuban

    mida kale sawir ayaan damcay inaan soo galiyo webka markaa sawirkii wuu muuqan la yahay ciladana waan fahmi kari waayay

    • Maxamed Cali says:

      Waan fahamsanahay sida Internetku uusan xoog weyn u lahayn Soomaaliya, waana qorshaynayaa in aan DVD/CD kadhigo casharada insha Allah.

      Tan ku saabsan sababta uu sawirku uga soo bixiwaayey website waa in aadan ku xawilin Internetka, waxaa shardi ah in aad faylka sawirka ah ku xawishid Internetka ama serverka sida aad faylka index.html ugu xawishey oo kale sawirkana u dir dhanka internetka.

  2. bashir says:

    asc.waxan joga magalada nairobi waxana mudo la socday casharada ka baxa webkan aqoonkaal, marka waxa i shidmo la’a ama an dawan la’ahay casharka 7aad e html ka. fadlan i awi. mahadsanid

  3. siciid says:

    waxaan ku idhi macalin marka hore waan kusalaamiyaa lkn macali sawirku ma muuqanaayo markaan websiteka aan ku darro

    • Maxamed Cali says:

      Walaal hubi linkiga sawirka iyo halka uu ku jiro sawirku in uu linkigu ku xiriirsan yahay

  4. hussien hasan hussien says:

    asc wll aqoonkaal.com aad ayaan ugu mahadcelanayaa caawinaada uu naga cawinaayo webdisign and html oo nooga ku free halka nooga la qaadi lahaa ku dhwaad 50$ marka aad kaaga mahadcelinayaa mdaa

Qor Jawaabtaada