HTML: Noocyada laga dhigo Liiska Taxan, sida Alif-beeto, Xarfo Roman iwm- Casharka 21aad

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Saturday, April 23, 2011 | 3 Jawaabood

« | »

Casharadii hore waxaan kusoo baranay xeerka guud ee liiska taxan (UL, OL, LI), gaar ahaan sida loo sameeyo liiska oo wata tirada carabiga (1, 2, 3…). Casharkan waxaan ku baran doonaa sida liiska looga dhigo Alif-beeto, sida (A, B, C…), ama xarfo Roman ah (I, II, III), iwm.

Sidoo kale waxaan baran doona sida tirada liiska ama xarfaha liiska loogu bedelo sawir, sida fallaar iwm.

Waxa kale oo aan casharkaan ku baran doonaa sida loo sameeyo xeerk aloo yaqaan “Farriin qarsoon” (Comments) oo ah qaab farriin loogu qori karo xeerka, laakiin farriintaasi aysan ka dhex muuqanayn qoraalka la akhrisanayo.

Video-ga hoos ka daawo:



Macluumaad La Xiriira Casharka

– Barnaamijka InkScape: http://inkscape.org/

– Meel laga heli karo sawiro http://www.iconfinder.com/

Xeerarka LIISKA

ul { list-style-type: square; }

circle – Goobo.
disc – Sida goobada.
square – Afar-gees.

none – liis aan caalamad ama tiro iyo xarfo toona lahayn.
inherit – waxa uu dhaxlayaa nooca browserka u rakiban

ol { list-style-type: square; }

Xeerkaasi waxa uu qaadan karaa:

. decimal – 1, 2, 3, 4, 5 iwm.
. lower-alpha – a, b, c, iwm.
. upper-alpha – A, B, C, iwm.
. lower-roman – i, ii, iii, iv iwm.
. upper-roman – I, II, III, IV iwm.
. decimal-leading-zero – 01, 02, 03 … 10, 11 (FG. IE noocyadiisii hore ma soo saarayaan).
. none – liis aan caalamad ama tiro iyo xarfo toona lahayn.
. inherit – waxa uu dhaxlayaa nooca browserka u rakiban

{ list-style-image: url(“sawir.jpg”); }

Xeerkaasi waxa uu qaadan karaa

. [URI] – link sawir
. inherit
. none (waa haddii aan sawir loo samayn, ama aan xeerkaas la qorin)

li { list-style-position: inside; }

Xeerkaasi waxa uu qaadan karaa

. inherit
. inside
. outside (waa xeerkaas haddii aan la qorin kan uu browserku muujin doono)

Xeerarka Liiska waa:

list-style-type
list-style-position
list-style-image

Saddexdaas xeer waxaa lagu soo koobi karaa xeerka:

list-style

Tab iyo Xeelad

. Ctrl + C : Koobi ka samee (Copy)

. Ctrl + V : Koobigii aad samaysay nuqulkiisa daabac (paste)

. Ctrl + A : Qoraalka oo dhan calaamadi si koobi looga sameeyo ama loo masaxo

. Ctrl + X : Qoraalka jar (cut)

Xeerarka CSS

Sida CSS loogusameeyo qoraalka xasuus qor ahaan ah, sida in lagu nidaamiyo xeerarka ama lagu qoro xuquuqda xeerka iwm, laakiin aan ka dhex muuqanayn qoraalada la akhrinayo.

[sourcecode language=”css”]
/*
Casharrada: CSS ku baro AfSoomaali
Web: AqoonKaal.com
Link: https://aqoonkaal.com
Version: 1.20

*/

.xoolaha {
background-color: #CCEE00;
margin: 20px 40px 30px 40px;
padding: 5px 10px 7px 10px;
border: 2px solid #0000FF;
width: 200px;
float: right;
}

/* LIISKA OL iyo UL */

.fallaar {
list-style-image: url("leebcas.png");
}

.nooc-liiska {
list-style-type: square;
}

.lower-alpha {
list-style-type: lower-alpha;
}

[/sourcecode]

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Halkudheg:

Bookmark and Share

3 Jawaabood

  1. mustafe says:

    waa casharo fiican oo waxtar leh noo joogtee, si aan u helo aqoonta Kombuyuutarka ee aan u baahan nahay.

  2. macalin maxamed cali aadbaad ugu mahadsantahay waxbarashda comptrka ee aad noo fidisay,
    intaa ka db waxaan rabay macalin waxaan ahay arday cusub markaa waxaan ku khlakhlay cashsaradu isday u kala horeaayaan imkoo kale waxaan download garystay casharada html ku baro afsomali markaa waxaan raba cashrada ku xiga iyo siday dhamaan u kala horeeyaan inaad ii yra faahfaahiso
    mahadsanid macalin
    waxanan ku dadaali doonaa inaan kaa faaiidaysto
    Illahayna hakaa jazaai siiyo tabarucaaga

    • Maxamed Cali says:

      ASC Mahadsanid walaal, casharadii hore walaal ka eeg qaybaha hoose ee website meesha ay ku qoran tahay Pages 1, 2, 3…. Lambaradu sida ay u kala weyn yihiin ayey u kala horeeyaan.

Qor Jawaabtaada