HTML & CSS: Sida Loo Naqshadeeyo Linkiyada – Casharka 9aad

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Friday, April 8, 2011 | 3 Jawaabood

« | »

Casharkan waxaan ku baran doonaa xeerarka suurtagalka ka dhiga in la naqshadeeyo linkiyada website si ay u sahlanaato in la kala garto linkiga la booqday iyo linkiyada aan weli la booqan.

Waa xeerar suurtagal ka dhigaya in midabo kala duwan loo sameeyo linkiga aan la booqan iyo likiga labooqday, iyo weliba midab ka duwan oo loo samayn karo linkiga marka hagaha lagu soo dhawereyo qaabka uu u muuqanayo..

Video-ga hoos ka daawo:


Xeerarka CSS

Xeerarka hoose waxaa loo adeegsan karaa in lagu qurxiyo linkiyada:

[sourcecode language=”css”]

a:link {
color: #0000FF;
text-decoration: underline;
}
a:visited {
color: #000080;
text-decoration: none;
}

a:hover {
color: #FF0000;
text-decoration: none;
background-color: #FFFF00;

}

a:active {
color: #000000;
text-decoration:underline;
}

[/sourcecode]

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Halkudheg:

Bookmark and Share

3 Jawaabood

  1. axmed xirsi says:

    macalin waxaa ii shaqayn waayey qaybta “visited link”

    ma’aqaan sababta , waxan u qoray sidan:

    a:visited{
    color:#FFFF85;
    text-decoration:none;
    }

    waxan kaloo rabaa sida liisameeyo linkga inuu kudhex furmo pageka oo anoo kudhexjira boga aan aqrinkaro waxa kuqoaran linkga sida websiteyada wararka oo kale ama websiteyada dhamaanba siday sameeyaan.

    • Maxamed Cali says:

      a/c: Walaal mahadsanid labada dhambaal ee aad ka bixisay casharka 8aad iyo 9aad. Walaal fadlan hubi qaabka aad isugu xejisey xeerarka. Waxaana muhiim ah in aad samaysid link marka la riixo ku geynaya baal ama bog jira ama bog aad samaysay ku xiriirsan, markaas ayaa midabka linkiga la booqday uu is bedelayaa.

  2. asc says:

    macalin aad baad u mahad san tahay sida fiican ee aad noogu sharax day macalin si fican ayaan uga boganay casharada ilahay ha kugu daro misaanka xasanaadka

Qor Jawaabtaada