HTML: Sida Loo Sameeyo Linkiyada Website (Casharka 2aad) – Video

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Tuesday, March 29, 2011 | 8 Jawaabood

« | »

HTML ku baro AfSoomaaliHTML Ku Baro AfSoomaali – Casharka 2aad (Video):

Casharkan waxaan ku baran doonaa sida loo sameeyo xeerarka isku xiriirinta bogagga website-ka (ama Links). Waana xeer muhiimad weyn u leh qaab dhismeedka website-ka, waayo waa kan suurtagalka ka dhiga in marka la booqdo webnsite laga sii dhexgeli karo qoraalada ku xiriirsan website-ka.

Website-ku haddii uusan lahayn xiriiriye waxa uu ahaan lahaa bog aan meel loosii dhaafo lahayn.

Sida aan ku arki doono Video-ga, qaabka loo sameeyo linkiyada waa hab aad u sahlan.

Video Casharka 2aad hoos ka daawo

FG: Haddii aad joogtid dalka Shiinaha oo Video-ga hoose kuu soo bixi waayo, casharkan ka daawo YouKu (Riix Halkan)

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Halkudheg:

Bookmark and Share

8 Jawaabood

  1. Salaam ka dib,

    Aad baan ula dhacay qaabka aad u soo bandhigteen video tutorials-kaan, waxaana rajayn in dad badan oo aan wax fikrad ka haysan luuqadaha web-ka lagu dhisaa ay ka faa’iidi doonaan.

    Sidoo kale, waxaa jira dad weli isticmaala sharciyadii HTML4 oo laga baxay (la deprecate gareeyey), sida tagga <font> ama si sharciga HTML-ka aan waafaqsanayn layout-ka u isticmaala tables, ayadoo aannu ognahay in table-ka qorshihii loogu talo galay uusan ahayn layout lagu sameeyo ee uu ahaa in lagu soo bandhigo dato tabular ah.

    Waxaa fiicnaan lahayd inaad ku advocate garaysaan adeegsiga standards-ka sida sida isticmaalka CSS meeshii ay ka isticmaali lahaayeen tagga <font>, <div> <header> <footer> <section> <article> <time> <menu> <nav> <aside> <ol> <ul> <li> <dl> <dt> <dd> iwm meeshii ay table uga isticmaali lahaayeen layout-kooda.

    Waxaan kaloo jeclaan lahaa inaad wax qortaan browsers-ka. Website-kiinna SomaliTalk wuxuu ka mid yahay website-ke keliya ee Af Soomaaliga ku qoran ee xagga cilmibaarista wax ka qora, wuxuuna ogaalkeey ka mid yahay website-yadii Soomaaliya ugu horreeyey oo dad badani jiritaankiisa ka warqabaan, loogana faa’iidaysan karo in dad badan aqoon ka maqnayd lagu gaarsiin karo. Waxba yaanan ku dheeraane, waxaa fiicnaan lahayd in aad wax ka qortaan browser-ka casriga ah sida Firefox, Chrome, Safari iyo IE9 (Internet Explorer version 9). Waxaa in ka badan 99% Soomaalidu hadda isticmaalaan IE6-7 oo ayba u qabaan in Internet-ka la sheegaaba yahay IE, taasoo sabab u ah in virus-yo iyo phishing scum badani ku faafaan computerrada Soomaalida, ayna adkaato inaad aragto website Soomaali ku qoran oo qurux badan ama standards-ka qaabilsan maadaama IE6 uu u baahan yahay hacks badan si layout-ka aad samaynaysaa u qaabisho in lagu daalcan karo browser-kaas.

    Qaabka aad ereybixinta u isticmaasheen (meelihii ereybixin loo isticmaali karo) aad ayaan ula dhacay, ereyo fudud oo dadku wada fahmi karaan.

    Waxaan idinku amaanin hawsha aad haysaan, waxaanna rajayn in ay noqoto mid dad badan oo adeegsiga webka daneeyaa ay ka faa’iidaystaan.

    Ugu dambayn, waxaan eegay source-ga page-kaan waxaanna arkay in luuqadda-ka boggu tahay en-US waloow uu Soomaali ku qoran yahay. Sow ma fiicnaateen in laynkaan:

    >html dir=&quote;ltr&quote; lang=&quote;en-US&quote;>

    …aad ku bedeshaan sidaan:

    >html dir=&quote;ltr&quote; lang=&quote;so&quote;>

    Farqiga u dhexeeya labada layn ee kore waa en-US oo aan ku bedelay so. Waxaa kaloo sida localization-ka ISO sheegayo la isticmaali karaa so-SO, so-DJ, so-ET iyo so-KE, laakiin luuqadda guud waxaad ku soo gaabin kartaa so

    Mahadsanidiin,

    -Jamaal

    • Maxamed Cali says:

      Walaal aad ayaad ugu mahaadsan tahay waqtigaaga iyo taladaada. Insha Allah waan ku dadaalaynaa in aan casharada ku xusno qodobadda aad ka hadashay. Markale mahadsanid.

  2. Maax Ibrahim says:

    Walaal aad ayaan kuu salaamay waxaana kaaga mahad celinayaa sida wanaagsan ee aad umadda Soomaaliyeed ugu faa’iidaynayso waxaana illaah ka rajaynayaa in uu miisaankaaga xasanaadka ku buuxiyo adiga oo illaahayd dartii wakhti badan u galiyay si ay walaalahaaga Soomaaliyeed uga faa’iidaystaan. Waxaan kamid ahay ardayda sida tooska ah ugu taxan kana faa’iidaysta.

    Maax Ibrahim

  3. Anas Mohamud says:

    maasha allah macalim dabcan magacaaga ma garanaayo lkn waxaa tahay aqoonyahan somaliyed oo u kacay dadkiisa in uu hormariyo dabcan si aanan schoolada uga fahmin casharada ayaan kaaga fahmay in badan allahu macakaka macalimu

  4. barre says:

    walaal waxaan kugu salaamey salaanta islaanka.a.c.w.m.
    walaal alle haku xifdiyo, deeqsinimadaadana alle hakaa abaalmariyo. cilmigan aad noo faaiideysanna sadaqatul jaariya alle hakaaga dhigo.

  5. walaal waxaan kugu salaamey salaanta islaanka.a.c.w.m.
    walaal alle haku xifdiyo, deeqsinimadaadana alle hakaa abaalmariyo. cilmigan aad noo faaiideysanna sadaqatul jaariya alle hakaaga dhigo.

  6. abdirshiid abdi says:

    masha allah ad ayad umahadsnathaytihin waxaad tihiin dad qaoon fiican

  7. masha allah waxbaa ka fahmay

Qor Jawaabtaada