Video: OpenOffice – Casharka 1aad: Guud mar Barnaamijka OpenOffice

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Sunday, January 2, 2011 | 22 Jawaabood

« | »

Ka hor inta aynaan dhex gelin adeegsiga barnaamij Xisaabeedka  OpenOffice Calc, waxaa muhiim ah in aan guud mar ku samayno muuqaalka guud ee barnaamijka OpenOffice, taasi waxay inaga caawin doontaa in adeegsiga barnaamijku uu inoo sahlanaado.

  • FG. Haddii shaashadda Video-gu kugu yartahay, waxaad eegtaa qormada iyo sawirka muujinaya sharaxaadda sida loo fidin karo shaashadda Video-ga — EEG Dhanka hoose ee boggan:

Haddaba daawo Video:

VIDEO: OpenOffcie – Casharka 1aad:

Casharkii hore ka akhri halkan: Xaggee ka soo rogan kartaa Barnaamijka OpenOffice


VIDEO: Hordhac OpenOffice

Fidinta Shaashadda Video-ga:

Haddii ay kugu yartahay shashadda Video, si aad u fidisid:

  • Eeg dhanka hoose ee xigta midig ee Video-ga kuu daaran, riix barta u eg shaashadda wareegsan (Eeg sawirka hoose)
  • Markaas Video waxa uu leekaan doonaa shaashadda Computerka
  • Markaas si aad dib ugu laabatid shaashaddii hore Riix batoonka ESC ee computerka, ama isla meeshii mar labaad riix..

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Bookmark and Share

22 Jawaabood

  1. daauud barre abdi says:

    asc waan idiin salamay waadna mahadsantihiin sida fiican aad isku xilsaarteen asc

  2. JAMA says:

    WALAALAYAAL WAXAAN IDIN WEYDINAYA WAA MAXAY FARQIGA U DHEXEYA BARNAAMIJKA IYO EXCEL -KA CAADIGA AH EE MS OFFICE AAN KU ISTICMAALNO HADAAN KAAS GARANAYO KAN WAX AY KU KALA BADALANYIHIIN MIYAA JIRA ? MASE WAA ISKU MID 100%.

    • Maxamed Cali says:

      Walaal labada barnaamij ee Excel iyo Calc xagga adeegsiga iyo natiijada ka soo baxaysa wax badan kuma kala duwana, tusaale ahaan haddii aad sida xisaabta loo adeegsado waa isku mid labada barnaamij guud ahaan, waa dhici kartaa in xagga farsamada iyo muuqaalka barnaamij ahaan in ay ku kala duwan yihiin maadaama ay laba shirkadood kala sameeyeen. Waxaana muhiim ah in haddii aad garanaysid sida loo adeegsado Open office calc in ay aad kuugu sahlan tahay in aad adeegsatid Microsoft Excel maadaama sida aan xusnay asaas ahaan aysan wax badan ku kala duwanayn. Mahadsanid

  3. ahmed says:

    a/s/c walaal waad ku mahadsantahay hawsha balaaran ee aad u hayso bulshada somaaliyeed allaah ha kaa abaal mariyo walaal

  4. cabdiraxmaan ismaaciil says:

    ASCWW…..walaal maxamed cali aadbaan kaaga mahadcelinayaa barnaamijkan qiimaha leh ee aad sida xirfadaysan noogu soo gudbisay,alle hakaa abaal mariyo.. mahadsanid

  5. AC
    Waan u salaamay walaal MAX’ED CALI waxaad qabatay howl wanaagsan, waxaan ahay ardaygaagii,waxaan ku leeyahay ALLE ha kaa ajarsiiyo ADUUN iyo AAKHIRABA. Waxaad u adeegeysaa ummad u baahan. waadna mahadsan tahay.

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal Xasan Maxamuud mahadsanid, waxaa adiga iyo qof kasta oo daalacda casharadan u rajaynayaa in ay cilmi ka faa’iidaan Insha Allah. Mahadsanid.

  6. cabdiraxiim xasan says:

    asc
    macalin aad ayaad u mahad san tahay waan fahmay casharka 1 aad laakiin waxaan rabaa in aan ku way diiyo sidee loogu xirikaraa websit ka google

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal su’aasha yarehe faahfaahi: Ma waxaad ula jeedaa sidee website-kaagu uga muuqan karaa google marka la baarayo wax ku saabsan webkaaga.

  7. aad iyo aad baad u mahadsantahay macalin waxanan ahay arday kugu cusub aad baanan uga helay qaabkaad wax u dhigayso iyo waliba casharada aad bixinaysaba
    insha Allah wanan ka faaiidaysan doona Illaahayna arar iyo xasanaad hakaa siiyo

  8. CABDULAAHI says:

    WAXAA AHAY QOF AAN XISAABTA AAN SOO DHIGAN WAXAAN DOONAYAA IN AN BARTO XISAABTA

  9. ASC macalin waxaan rabaa in aan ku wiidiiyo sidee database loogu sooxirikaraa websitka.waxaana ubaahanahay isagoo vidoes

  10. bashiir says:

    macalin aad ayaan u fahmay cashirada aad bixisay waana kaaga mahad cilinayaa marka waxaan rabay inaad ii faahfaahiso ama aad noo faa i dayso marka aad joogto spreadsheet ka : formula and function
    a. sumif waa qaacido
    b. iyo qaabka lagu soo saaaraayo future value iyo present value ?

    • Maxamed Cali says:

      ASC walaal bashiir, waxaad adeegsan kartaa qaacidada:

      Maalgashi
      Future Value = FV(3%; 4; -1000; 0; 0)
      taas oo macnaheedu yahay haddii aad bixisid 1000 dhammaadka sannadka muddo 4 sano ah islamarkaasna dulsaarku yahay boqolkiiba 3%

      Deyn qaadasho
      FV(5%; 2; -14; 1000; 0)
      Taas oo macnaheedu yahay waxaad deynsatey 1000 lacag ah oo dulsaarkuna yahay 5% waxaadna sannadkiiba bixisay 14 muddo 2 sano ah meesa markaas kugu haraysa ama lagugu leeyahay deyntii sidaas ayaa loo xisaabiyaa
      Haddii deyn aad qaadatid oo aadan waxba bixin 2 sano dulsaarkiina kugu socdo markaas qaacidadu waxay noqonaysaa sidan FV(5%; 2; 0; 1000; 0)

      Present Value waxaad raacaysaa qaacidada PV(rate; numperiods; payment; futurevalue; type)

      Waxaan rajaynayaa in aad fahamtey.

    • Abdirahman says:

      asc wllo waxan rabaa inaad iga caawiso sidan u soo dajin lahaa open office
      plz pc waa window 8.1 an update ku sameeyay markan raaco nidaamka aad u sharaxday so dajinta pc wuxuu dhahayaa faylkani wuxuu dhawacayaaa pc gaga marka aan doorto sii wad hawsha kadib waa idiidayaaa

  11. ASC
    aad iyo aadbaad ugu mahadsan tahay kordhinta iyo kobcinta aqoonta dadkaaga ee aad uga faa’iidaynasid aqoonka ilahay kubaray mansha allaa adna ilahay hakuusiyaadiyo, dhammaan inta casharaddaada ku xidhan ee aanka midka ahayna ilaahay ajar iyo xasanaad hakaasiiyo casharaddad usoo gudbiso.
    Mahadsanid macallin maxamed cali.

  12. khadar says:

    wlll waxan rabay inaan kusoo biro cashirka openoffice
    marka waaa isoo dagi la program kee openoffice marka maxaan sameeyaa
    iga cawi fadal wll

  13. khadar says:

    fadal wixii jawaab ah email isodir si an dhaqso u arko wan ubahanahay wll

Qor Jawaabtaada