HTML: Sida Sawirada Loogu Xiriiriyo Website (Casharka 3aad) – Video

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Thursday, March 31, 2011 | 17 Jawaabood

« | »

Casharka labaad ee HTML ku Baro AfSoomaali: Waxaan ku baran doonaa xeerka suurtagalka ka dhiga in sawirada lagu xiriiriyo Website-ka.

Waa xeer aad u sahlan, laakiin ka mid ah xeerarka loogu adeegsiga badan yahay, sababtoo ah waxaa marar badan loo baahdaa in qoraallada lagu lammaaniyo sawirro.

Video-ga Casharka 3aad hoos ka daawo:

FG: Haddii aad joogtid dalka Shiinaha oo Video-ga hoose kuu soo bixi waayo, casharkan ka daawo YouKu (Riix Halkan)


Macluumaad Dheeraad ah

– PaintNet: http://www.getpaint.net/

– InkScape: http://inkscape.org/

– Gimp: http://www.gimp.org/

– Animation: http://www.animationonline.com/

————-
– Photoscape www.photoscape.org

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Halkudheg:

Bookmark and Share

17 Jawaabood

  1. Ahmed Abdullahi says:

    Asc Macalin Maxamed marka hore iga gudoon salaan qiimo badan, tan kale {waxaa marayaa casharka 8aad ee ku baro HTML Af somali } waxaa igu adkaaday in aan website aan geliyo sawir si kasta waan sameeyay xeererkii waan raacaay muuqaalka sawirka iima soo baxaayo.
    marka waxaan kaa codsanayaa in aad bal iga caawisid sida arintan iigu suura gali lahayd.
    Ilaah ajir ha kaa siiyo
    wabilaahi towfiiq.

    • Maxamed Cali says:

      walaal sawiradu si ay websiteka uga soo baxaan, waxaa shardi ah in Internetka lagu xawilo, waxaana muhiim ah in khaanada ay ku jiraan sawiradu lagu xawilo internetka, tusaale ahaan images haddii ay ku jiraan waa in khaanadaas lagu xawilo internetka, markaasna sawirkii lagu xiriiriyo HTML, sida caadiga ah ee aad haddaba ugu xiriirisay, laakiin sawirkana internetka ku xawil

  2. ilyaas says:

    masha allah
    casharkan waan fahmay , m
    mahadsanid macalin

  3. ilyaas says:

    macalin hal su’aal ah ayaan qabaa
    markii aan is idhi samee , sawir soo dhig ayaa sawirkii waa soo dhigmay lakin ma soo baxayo muqaalku
    markaa waxanad shegtay
    in la qorayo sida tan

    marka macalin { sawir } ma sawirka aad so galinayso magacisa mise waa lolder ka uu ku jiro
    tusale ahaan
    waxan leyahay folder magacise la yidhaa {ilyaas }, sawir baa ku jira marka magaciisa waxa la ydiha [ cabdi]. sidee baan u soo galinayaa macalin

    mahadsanid

    • Maxamed Cali says:

      walaal sawirka marka bogga la dhex gelinayo waxaa la qorayaa waa linkiga sawirka, tusaale ahaan

      Haddii aad samaysay khaanad aad u bixisay “ilyaas”, oo khaanaddaas aad ku xeraysay faylka HTML-ka sida (index.html) iyo sawirka oo aad u bixisay “cabdi.jpg”, markaas linkiga aad ku qoreysey xeerarka HTML waa:

      img src=”cabdi.jpg”

      Haddiise khaanaddaa ILYAAS aad ka sii dhexsamaysay khaanad kale oo aad sawirka ku sii xeryasay, tusaale ahaan khaanaddaas aad u bixisay “images”, taas oo aad dhex gelisey sawirka “cabdi.jpg”, markaas xeerka sawirku wuxuu u qormayaa sidan:

      img src=”images/cabdi.jpg”

      halkaas ma fahamtey,

  4. m.shire says:

    asc waxaan ku dhihi walaal jazaa ka Allah khayran

  5. amaal says:

    waa fahmay laakiin sideen u donloud gareeyaa

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal Amaal sawirka si aad usoo rogatid (download), dhanka midig ee hagaha (right-click) ku guji sawirka, kaddib riix batoonka SAVE, kuna xafid meel ka mid ah computerka.

  6. Yaaskilo says:

    asc macalin ugu horeyn aad ayaan ku salamaya anigo ku faraxsan sida qalbi wanaaga leh ee aad noogu hurtay waqtigaaga iyo cilmigaaga ilaah badalkedo qeyr leh ilaah haka siiyo .ka dib waxaan rabay in aan ku weydiiyo macalin wey igu adkaatay in aan sawir geliyo webka waliba anigo raacay wadadii aad martay marka ma aqaan cilada mesha liiga heysto xita cabdirka mesha aan naga tustay waan isku dayey lkn wali waa sidii oo wey igu sii adkaneysa marka maxa iga qaldan mise aad igu caawin kartaa adigo mahadsan mar labaad iyo mar sadaxaad ba ilaah qey haka siyo fursadan qaaliga

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal hubi khaanadda aad sawirada ku xeraysay iyo linkiga aad usamaysay, iina soo sheeg waxa kuusoo baxaya iyo xeerkaaad adeegsatey.

  7. Yaaskilo says:

    waan fahmay macalin aada u mahadsantahay .waxaan kaloo raba in aan wax ka ogaado sideen isku waafajin karaa xeerarka htmlka csska iyo waliba website keyga tusaale markii aan suubiyo xeerarka htmlka iyo csska sida hada aan adiga kaa arkay sideen ku waafajin karaa wensitekeyga magaciisa iyo sidaan u suubin karo markuu cusub yahay mahadsanid

  8. Salmaan says:

    Macallin Anigoo ka mid Ardayda ka faaideysato casharada kuna sugan dalka south Afrika macallin waxan kaa codsanaaya barnaamijka Auto card inad concept iga siiso thanks

  9. Abdisalan says:

    Asc walaal aad iyo aad ayaa u mahadsantahay cashiradaada aadbaan ugu faaiday allah ha kaa ajar siiya sida hakar la, aanta ah ee aad wax inooga sharaxday jazakalaah qeyr aqii fil caqiidah

  10. hamse says:

    asc macalin waxaan ku waydiiyay marka aan rabo inaan sawiro badan isku xigsiiyo marka waxaan raba sawir walba inuu isbadalo macnaha slide inuu sameeyo oo ay sawiradu is badbadaalan waqti yar guduhood

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      Walaal waxaa la adeegsadaa javascript ama barnaamijyo sameeya slide, ee html keliya masamayso slider

Qor Jawaabtaada