FileZilla (FTP): Sida Faylasha loogu Xawilo Website (Video)

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Sunday, March 27, 2011 | 40 Jawaabood

« | »

Casharkan waxaan ku baran doonaa sida Faylasha ama qoraaladda loogu xawilo website.

Waxaana adeegsan doonaa barnaamijka FTP, gaar ahaan FileZilla oo ah barnaamij lacag la’aan lagu soo rogan karo, kaas oo suurtagal ka dhigaya in fayalasha laga xawilo computerka oo loo xawilo Server-ka am acomputer yaal meel durugsan oo ku xiriirsan khadka Internetka.

Waxaana tababar ahaan casharkan ku muujin doonaa sida faylkii index.html ee aan kusoo baranay casharradii hore loogu daabacayo website si Internetka looga akhristo.

Haddaba Video-ga Hoos ka daawo:


Macluumaad Dheeraad ah

FTP:

FileZilla: http://filezilla-project.org/

Free Website Hosting:

http://byethost.com/
http://tripod.com
http://bravehost.com
– Ama Internetka ka baar Free Website Hosting

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Halkudheg:

Bookmark and Share

40 Jawaabood

  1. faarax says:

    A/C macalin bal iga hubi wixii aan kaa faa,iidey inay sax yihiin iyo inaan qalday
    http://www.shirkad.byethost10.com/

    wabilaahi towfiiq

    • Maxamed Cali says:

      A/C: Shaah waad kasbatay (Koob shaah ah sonkro khafiif ah isku abaal mari LOL), sidii uu ahaa ayaad u samaysay casharka waadna ku guulaysatey, waxaad noqotay ardaygii koowaad Layliska ka soo jawaabey, ardayda kalena waan sugeynaa, Insha Allah.

      Casharada soo socda waxaan ku baran doonaa sida qoraalladaas loo habeeyo, insha Allah. Markaas ayaa websitekaagu yeelan doonaa bilic, isla markaasna aad diyaarin doontaa qoraallo aad dadka gaarsiisid, waayo waxaa ujeedada casharadani tahay in laga faa’iido, oo qofkii ka faa’iideystaa uu usii faa’iido ugu yaraan qof kale insha Allah, ugana faa’iido wax ummadda anfacaya, si ummadda Soomaaliyeed ay cilmiga computerka ugaga dhergaan luqaddooda AfSoomaaliga.

      Mahadsanid.

  2. ahmed says:

    a/s/c walaal alle hakaa abaalmariyo hawshaan balaaran bacda salaan walaal casharka FileZilla (FTP) walaal marka aan rabo inaan ku xiriiriyo Internetka waxa uu leeyahay
    Server male sidee ayaan u mareeyaa walaal waan saxay notepad waana tijaabyay waxa uu iga diiday Internetka
    wxa uu leeyahay Server male walaal

    • Maxamed Cali says:

      a/s/c walaal Server uu ku weydiinayaa waa HOST. FileZilla waxaa ku qoran HOST.

  3. ahmed says:

    a/s/c walaal ciwaanka ay isiyeen waa http://www.jigjiga.byethost9.com
    FTP Server : http://ftp.byethost9.com
    FTP Login : ….
    MySQL Database Name: MUST CREATE IN CPANEL
    MySQL Username : ….
    MySQL Server: SEE THE CPANEL walaal waxa aanka reebay MySQL Password oo kaliya walaal sida uu yahayna waan u isticmaalay walaal mara ka waxa aan kala garan waayay inuu
    yahay Username :ama Password ka mise cilad kale walaal
    mahadsanid

    • Maxamed Cali says:

      a/s/c Walaal mahadsanid, waxaad u baahan tahay sida

      1. FTP Server waxay la mid tahay HOST (waxaad halkaas ku qoreyseyaa ftp . byethost9.com waa qaybta HOST ee FileZilla
      2. FTP Login waxay la mid tahay user: ……
      3. FTP Password waxay la mid tahay Password ……..

      FG. Waa in aad barta Loging Type ee ay ku qoran tahay Anonymous ka dhig NORMAL.

      Waxaan rajaynayaa in aad ku guulaysatid.

  4. ahmed says:

    a/s/c walaal waxaan ku waydiinayaa barnaamijka filezilla ftp
    ee qoraalka xawila marka aan dheho connect waxa uu leeyahay server malahan walaal marka khadka
    enternetka aan isticmaalo speed kiisu waa 512.0kbps
    walaal awood ma leeyahay in uu xawilo fileka walaal

    mahadsanid

    • Maxamed Cali says:

      a/s/c walaal FileZilla waa loo adeegsan karaa xawaarahaas internetka ee aad xustay, waxaadse hubisaa in aad saxayso qaabka aad barnaamijka ugu xiriirisay Server-ka, ku tijaabi qoraal aan culays badan lahayn.

  5. Abdihafid says:

    salaam

    waad ku mahad santahay casharkan aad noo soo galisay lakiin aniga waxba waa iiga suuroobi waayeen, mana fahmayo sababta

    mahadsanid

    • Maxamed Cali says:

      A/c: Walaal adiga oo mahadsan meesha ay kaaga istaagtey oo faahfaahsan soo qor aan xal ugu wada raadino, waayo ujeedada casharadan aan u daabacay waa in la fahmo, meeshee fahamkeedu adkaadona aan faahfaahin ka bixino.

      Marka fadlan meesha aadan fahmin oo faahfaahsan soo qor si ardayda kalena uga qayb qaataan jawaab bixinta iyo ka faa’iidaysiga oo aan xal uguwada helo wixii cilladi ku jirtona u turxaan bixino… Al-Cilmu Bayna Talaamiid — kulligeen aqoon siyaasi ayaan ku jirnaa marka waa kala faaiisaysanaynaa, wixii adkaadana waa isla turxaan bixinaynaa insha Allah.

      Mahadsanid.

  6. ahmed says:

    marka hore wan idin salaamay tan xigta walaal waxan keni waye waxi an quray halkan sida an ugu so dawici laha ama melaha kale an rabo sida an ugu so daawici laha tan xigta walaal siden u arki karaba waxi an qurey kabacdi marki an isku xiray internedka waxas u manta u dhan dhabal kiliga an ku samenaye indes.html ayado qural ah xageh ka arki kara 2 su aal ayan rabey ina iga jahil bixisid

    • Maxamed Cali says:

      Walaal si fiican uma fahmin su’aasha adigoo mahadsan soo faahfaahi su’aashaada si aan jawaab ku haboon uga bixiyo, insha Allah.

  7. ahmed says:

    mahadsanid walaal . Waxe iga istagtey marki an sameye wabsedki . Ftp u an guda galey u xata si fiican an filaaha u diray . Waxan keni waye qabka wabsedka waxi an qurey laga arki laha ama mesha ad dhahdey aqoonkaal comanti halagu so daawaco tas wangaran waye tankale side lo arki kara filki an barnamija filezilla gudihisa an u kala xawilaye sida indes.html aya file igu jiro waxana igu quran waxa igu quran marka an kuso kiciyo notabad wa u ikacaya marka waxan rabey qabka loga arki karo filezilla gudihisa ama marka ad filka kilik ku sisid waxi an u dirayo ina an arko ayan rabey sida an notabad aga arkabo waxi an ku daro isla waxi an qorey aya iso baxayo marka filezlla felasha ad kala xawileso mala arki kara

    • Maxamed Cali says:

      Walaal marka hore hubi faylka index magaca aad u bixisay, waayo hadda waxaad qortay indes.html, sidaai waa khalad, waxaa sax ah index.html , taas marka aad hubisid, fadlan magaca website aad samaysay halkan ku qor.

      Tan kale qaabka FileZilla looga dhex arkayo faylasha waxay la mid tahay sida barnaamijyada looga baaro computerka dhexdiisa.

      Haddii ay intaasi kugu adkaato, iisoo sheeg waxaan markaas diyaarinayaa cashar cusub oo si gaar ah ugu saabsan isticmaalka FileZilla.

  8. ahmed says:

    wan idin salamay ,walaal aniga waxe iga istagtey marka an hostinka sameye an filka indes.html an 2 dhinac u kala direy marka waxan rabey ina ishegtid side filkas an uso dawaci kara u wabsedka ugu so dawaci kara tankale fazilla filka igu jiro inta an wabsedka u dirin ama melaha kale ina arko ayan rabey xageh ka arki kara

    • Maxamed Cali says:

      Walaal weli waxaad qoreysaa “INDES.HTML” waxaana sax ah “index.html” – Ogow “S” kuma jirto “INDEX-ka”. Taas marka hore Hubi. Tan sida loo arko faylasha ku jira computerka fadlan Video-ga markale daawo, waayo waan ku muujiyey, sida loo dalacona waanku muujiyey, ee video-ga markale ku laabo adigoo mahadsan.

      Ha illaawin waa “index.html”, ma aha “indes.html”.

  9. ahmed says:

    haa xoga hoos waxa ku qoran marki hore ma ana arkenin hada ayan arkey sidan waye filkega inedx.html marka hostiga marka an samenaye emalka halkan an kuso galo kuma samenin arintas samen maku yelan karta tankale hadan fazilla anigo jogo an raba ina filki arko an dhinac mid an kilik kusiyo kabacdi an open dhaho so markas ma arki kari sorry quraalkaga marki hore ma ana arkin

    • Maxamed Cali says:

      Emailka lagu sameeyey webka iyo daabacada waxba iskaga xirna, Filezillah in uu si sax ah ugu xiriirsan yahay ayaa muhiim ah, kaddibna aad meel sax ah ku xeraysid faylasha. Qaabka loogu xawilo Serverka, sida looga dhex arko qoraalada ku jira waxaan ku dhex sharxay casharka FileZilla ee walaal kaas ku laabo markale.

  10. ahmed says:

    walaal si fican ayan u sameye barnamjkan lakin waxa weli cilad iga hesata qabka an uso daawaci laha marka an magacega qanada ku quro hadaneh emalka an quro ciwanka marti galiyaha an quro san aya begka iga so baxeso wolrdpressError: please type a comment marka ciladasi wa maxay

    • Maxamed Cali says:

      Email iigu soo dir cillad, iyo webka aad samaysatay cinwaankiisa si aan u hubiyo arrintaas.

  11. cumar says:

    asc
    macalim maxamed jezakalaah ilaad hakaa awaal mariyo dadaalkaaga. walaal waxaan dhaafi waayay ftp waan maray wadadii waxaan suubsaday username iyo pasword

    si sax ayaan ugu buuxyay laakin internetka waa ii qaban layahay waxuu ii soo qoraayaasidan tan EAI_NONAME – Neither nodename nor servname provided, or not known”

    bythost ayaan koowgii isku dayay in lakiin wax email ah wey ii soo diri waayeen kadib ayaan waxaan ka suubsaday
    zymic.com
    macalin talo isii jazaakalaah
    illaah haku xufdiyo
    asc

    • Maxamed Cali says:

      asc: Walaal mahadsanid, su’aashaada la xiriirta FTP, fadlan hubi username iyo passwordka iyo hostname. Waxaan tijaabiyey website aad xustay (http://www.zymic.com), kaas aan account ka tijaabiyey ( http://aqoonkaal.zzl.org), waxaana ku xiriiriyey FileZilla, waana ii shaqeeyey… Eeg halkan: http://aqoonkaal.zzl.org/

      Marka walaal hubi qaybahan:

      Host: *******
      User: ******
      Password: **********

      Fadlan haddii uu kuu shaqeeyo, wixii aad kala kulantid jawaabta halkan ku qor si akhristayaasha kale uga faa’iidaan. Waadna mahadsan tahay.

  12. cumar says:

    as/c

    macalin waad mahadsantahay haa waa runtaa ciladii waan ka gudbay waxaan helay username iyo bassword hada waa ok casharka 8eed ayaan mara yaa waad mahadsantahay illaa iyo hadana sifiican ayaan u fahmay
    waad mahadsantahay macalin.
    asc

    http://qalimow.byethost22.com/

  13. hassan says:

    maclin waxan ahay arday cusb marka waxan ciwan kasamey website http://www.dymic.com marka magaca aan kasameye wankan ( Dagahaley ) marka maxan kuqoraa http://fTP…...

    fadlan ega cawi…. host maxan kuqora

  14. cilmi says:

    Asc Maxamed Cali!

    rum ahantii aad baan kaga mahad celina cimlmagan aat free nagu baresi ajarna alle haka siiyo , waxa aana aad ula dhacay qaabka aat wax usharaxeesi ,aniga webkan mardhaw ayaan ogaday Cashirada HTML kana aadban ufahmay hal cilad ayaa jirta taas oo ah markii aan isku dayay in aan webka sameyo ayaa waxa aa ii suubbismiwayay free hosting sikasto an yeelay wuu iga diiday mar maxa xal ah aan sameya adigoo mahadsan?

    • Maxamed Cali says:

      Asc walaal mahadsanid. Fadlan google ama bing ka baar host free ah, waxaa dhici kartan kan aan cashrka ku xusay in ay lacag ka dhigeen

  15. Maxamed Cali says:

    Walaal Maxamed cillada FileZilla waa computer noocee ah, ma waxaad adeegsanaysaa MAC mase PC?

  16. fariz says:

    marka ugu horaysa waan iin salaamay macalinka iyo ardaydiisa salaan kadi macalin waa ku mahadsantahay cashradan faa idada badan ee hawada noo soo marisid jazaka allahu khyraa

    macalin filezilla markaan is yidhahdo ku xawil faylal wuxuu ka tagaa sawirada macalin maxaa xalaa
    waakan macalin bal eeg
    http://fariz.byethost7.com/

    mahadsanid

  17. fariz says:

    thanks you my tech
    macalin waan ku guulaystay laakii waxaan
    ku guulaysan waayay contact wrap

    • Maxamed Cali says:

      Walaal xeerka HTML ayaan u qornayn si sax ah oo qaybta sare isku dhex yaacsan tahay ee ku laabo oo xeerka u qor siday isuguxigaan adigoo markaas waafajinayaa CSS-ka, waa in xeer kasta uu ku fadhiyaa booskiisa.

  18. barre says:

    macalin waad mahadsan tahey.
    macalin free host waan heley. filezillana waan sameystey . filezilla iyo hostigana waan isku xirey. filekeygii ahaa index.html waan upload gareeyey dhinaca midig ee qaanada filezilla kama soo baxayo. wuxuuna ileeyahey direct listing successful.
    markaan browsarka aan ciwaankeyga ku qoro waxa kale ayaa iisoo baxayo, ma arkayo websitekeygii.
    macalin xagee cillada ka jirtaa jazaaka-lahu kheyran.
    websitekeyguna waakan: barre.byethost7.com

    • Maxamed Cali says:

      walaal cillada waxaan u malaynayaa waa hostiga, wax ayaa iska bedeley ilaa markii iigu dambeysey ayaan filayaa ee raadi host kale oofree ah iina soo sheeg haddaad ku guulaysatid.

  19. Nasir says:

    السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
    Waxaan halkan kasalaamaayaa dhamaan walaalada aqoonkaal.

    FTP mala isticmaali karaa barnaamij la,aan iyo internet la,aan iyadoo ladoonaayo in loo adeegsado oo kaliya daatooyin in lagu kala qaato iyadoo la isticmaalaayo oo kaliya cebal network? Haddii ey taas jirtane waa sidee?

    Jawaabta waan daneynaayaa.

    Waad mahadsan tihiin.

    • Maxamed Cali says:

      asc, walaal Nasir muhiimada FTP waa in faylasha lagu gudbiyo ayadoo la adeegsanayo khadka internetka. Waa la adeegsan karaa FTP ku xiriirsan Network khaas ah, laakiin muhiimadiisa weyn waa internetka khad ku xiriirsan.

    • Nasir says:

      W/ww.
      Walaal Maxamed Cali aad ayaad umahadsan tahay waana kufarxay jawaabtaada qiimaha badan.
      Waxaan doonaayaa inaan helo haddii aad duubteen cashar kusaabsan FTP ku xiriirsan Network qaas ah.

      Mahadsanid.

  20. Mohamed Al-azhari says:

    Asc..
    walal waad kumahadsanatahay sida hagar baxa wanaagsan ah , ee aad noogu dadaashay walaale. waxaan kuleenahay ALLAAH ajarkeeda iyo khayrkeeda hakusiiyo, oo waliba hakuugu darro miisaanka xasaanaadka aakhiro, insha allah.

    macallin aniga waxaan iskudayay websitekan, anoo host kasamaystay byethost, waana kan ee bal kawaran:
    http://azhari.byethost8.com/

  21. Abdirizak says:

    http://611225.infhaarlem.nl/
    Asc.
    Qof somali ah oo aan u mahad celinayaa haduu jiro waa macallinkan. mohamed ali. Aad baad u mahadsantay macallin ilahay ha kaa jazai siiyo wax khayr qabana hakuugu bedelo. wax badan ayaan kaa faaiday runtii. Si aan kuugu abaal gudo ma garanayo. casharadaydii min awal ilaa aakhir waa kuwan. http://611225.infhaarlem.nl/
    halkan aan hadda taagaynayna hadaad hore nooga sii wadadid diyaar baan u nahay sida, programming languages java, mysql iwm.

    Thks macallin kun jeer,

    Abdirizak Abdulahi

  22. asc wr wb macalin mohamed ali waxaan kamid aht arday ku xeran aqoonkal
    illahey abaalkaga janada haka yeelo waakan wep site ka dirty dhamestiran
    http://cs18e.byethost8.com/
    fg:kaliya hal cilad aa i hysto sawirka logo aa u isticmaly ma isoo qabanayo lkn inta kale wee shaqee anayan

Qor Jawaabtaada