ID: Xeerka Sameeya Naqshad Khaas ah ee bogga – Casharka 11aad

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Sunday, April 10, 2011 | 2 Jawaabood

« | »

Casharkan waxaan ku baran doonaa xeerka loo yaqaan ID oo ah xeer suurtagal ka dhiga in hal meel oo bogga (baalka) website dhexdiisa loo sameeyo naqshad khaas ah.

Tusaale ahaan haddii loo baahdo in hal cinwaan oo bogga ah uu yeesho midab iyo muuqaal gaar u ah waxaa markaas la adeegsadaa xeerka ID oo lagu qorayo HTML, islamarkaasna magac iyo naqshadda waafaqsan lagu qorayo CSS-ka ama faylka naqshadaynta.

Waa xeer aad loo adeegsado, aadna u sahlan marka la fahmo qaab dhismeedkiisa.

Video-ga hoos ka daawo:

Xeerarka CSS

[sourcecode language=”css”]

#arijire {
color: #FFFFFF;
background-color: #FF0000;
}

#kalluun {
color: #FF0000;
background-color: #FFFFFF;
}

[/sourcecode]

Xeerarka HTML

[sourcecode language=”html”]

<h2 id="arijire">Noocyada kalluunka</h2>

<h3 id="kalluun">Noocyada Maqasha Ariga:</h3>

[/sourcecode]

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Halkudheg:

Bookmark and Share

2 Jawaabood

  1. C/fataax says:

    id waxaan ku tijaabiyay inuu mela badan aa ku qoro sida classka wuuna ii shaqeeyay

    • Maxamed Cali says:

      Walaal hadda ID waaba laga baxay in la adeegsado meelo dhifa ma ahane, marka isticmaal CLASS, waayo waxa laag hadlayaa waa nidaamka uguwanaagsan ee ku haboon CSS-ka.

Qor Jawaabtaada