HTML: Sida sawir Loogu Dhejiyo Derbiga gadaal ee Shaashadda Webka – Casharka 19aad

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Wednesday, April 20, 2011 | 5 Jawaabood

« | »

Casharkan waxaan ku baran doonaa sida sawir loogu dhejiyo dhanka gadaale ee shaashadda website, waa shaashadda ka dambaysa midabka website.

Casharkan oo qayb ka ah casharada xiriirka ah ee Aqoon Kaal waxaan si gaar ah ugu baran doonaa sida sawir looga dhigo midabka gadaal kaga dhegan shaashadda website-ka. Waxaana adeegan doonaa xeerka midabka ee “background”.

Video-ga hoos ka daawo:

Macluumaad La Xiriira Casharka

Xeerarka CSS

[sourcecode language=”css”]
body {
background-color: #CCC;
background-image: url("buug.jpg");
background-repeat: no-repeat;
background-attachment: fixed;
background-position: bottom right;
}

/* Xeerarka sare waxaa u dhigma xeerkan */

body {
background: #CCC url("buug.jpg") no-repeat fixed bottom right;

}
[/sourcecode]



« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Halkudheg:

Bookmark and Share

5 Jawaabood

  1. visual basic sidee ugu samaynkaraa data base

  2. xirsi says:

    HTML: Sida sawir Loogu Dhejiyo Derbiga gadaal ee Shaashadda Webka – Casharka 19aad

    asc macalin casharkan waxa uu iga qaatay dhowr saacadood ku cel celitiisu walina iima soo qabanayo sawirkii shardigii a haa in hal file haku wada jiraan na waan fuliyay oo hal file bay ku wada jiraan index, style.css iyo sawirkiiba wanan ku qoray style.css background-image: url {“buug.png”}
    iimana soo saarayo sawir ka side u xaliya macalin mahadsanid

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      walaal xeerka aad adeegsaneyso iisoo qor si aan u hubino qaabka uu u qoran yahay

  3. xirsi says:

    background-image: url {“xidig.png”};

    HTML: Sida sawir Loogu Dhejiyo Derbiga gadaal ee Shaashadda Webka – Casharka 19aad

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      FG: xeerku uma qormo sidan background-image: url {“xidig.png”}; ee waxaad u qortaa sidan:
      background-image: url(“xidig.png”);

      UFIIRSO: calaamadaha qowska (…) , ee ma aha {}

Qor Jawaabtaada