Webdesign Ku baro Af-Soomaali: Casharka 1aad

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Sunday, July 10, 2011 | 31 Jawaabood

« | »

Casharkan waa kii 1aad ee casharro xiriir ah oo ku saabsan naqshadaynta iyo dhismaha muuqaalka guud ee website (Webdesign ku baro Af-Soomaali) oo aad kala socotaan AqoonKaal.com..

Casharadan waxay asaas u yihiin xeerarka suurtagalka ka dhiga in la sameeyo qaabka guud ee uu ku soo baxayo website-ka (ama website layout).

Video-ga hoos ka daawo:

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Halkudheg:

Bookmark and Share

31 Jawaabood

  1. buuwaaye says:

    Asc Maasha Allaah casharradaan waxaa loosoo diyaariyay si wanaagsan oo loo riyaaqay, haddii nidaamkan lagu sii wado ilaa iyo heer sare waxaa mustaqbalka denbe dhici doonta in jaamacado farabadan oo dalka gudihiisa ka faa-iidaysan doonaan ama ka dhigtaan muqarar.

  2. Max'ed Axmed Cali says:

    Asc maasha allaah, walahi maanfileyn in maadadaan af keena hooyo la noogu turjumay ma moodeen balse noqo taye aan kawada faa iideeysano. mida kale waxaan ku farxay fudeedka aan ku helnay walaahi meel kasta waan ka raadshay waana ka waayay. ee ka faaii deeysi wacan

  3. Mohamed Osman Ibrahim says:

    Asc dhamaan Runtii aniga aad ayan ugu farax sanahay in an helno meel an cashirda ka aqrisano waliba iyadoo ku qoran luqdeena hooyo ee afka-somaliga , runtii in badan wan raadiyay webside ku saabsan arimaha Technology yada casriga lkn maanta ayan helay , waxan ku mahdinaa allahii noo sahlay . wad mahadsan tihiin
    waxan ugu baaqaa inta soo booqato webkan asxaabta kale iney sii gaarsiiyaan side anigaba an kutala jiro

  4. Omar says:

    Waxaan ka xumahay in website-kan cilmiga laga baranayo ay booqdaan dad kooban, kuwa sharka, munaafaqadda, colaadda, isku-dirka iyo beenta laga bartona ay meelkasta oo aad tagto, guri walba oo booqatid, qofkasta oo internet haysta iyo tv-walba online la yahay. Walee Soomaalibaan khayr yeelan. Allah ha u sahlo.. well done walaal.. u r a gr8 teacher.

  5. mustafe cabdi says:

    waxaan salamayaa dhamaan cidii wepsitekan ka geysatay gacan

  6. Yaxye says:

    Asc wr wb. macalin waan ku salamayaa ugu horeyn. waxaan isku dayay in aan isticmaalo qaabka aan Video-ga ka arko si aan ugu tababarto balse cilad aan la yaabay ayaan kala kulmay waxeyna tahay, in HTML-ku uu caadi u shaqeynaayo balse css-ku ma ii shaqeynaayo gabi ahaanba. dhinaca kale ma ahi arday ku cusub Makeup languages-ka oo si fiican ayaan u garanayaa HTML-ka iyo xitaa luqado badan oo programming languages ah sida Java programing iwm. laakiin muhiimada qoraalkeygu hadii aan u guda galo waxey tahay, Macalimow si loo isticmaalo css maxaa loo baahan yahay? hadii aanan waxbo loo baahneyn maxaa cilad ah oo i heysto aniga oo aanu css-ku iigu shaqeyneynin? si wacan ayaan u hubaa in qoraalkeygu saxan yahay dhinac walbo.
    aad baan kuu salaamayaa waadna mahadsan tahay.

    ……

    macalim waad mahadsan tahay. waan fahmay cilada meesha aay iga heysato oo waxey aheyd, xerka CSS-ku waxaan ku isticmaalaayay calaamadaan “()” dib dambe ayaan fahmay in curly brace la iga rabo si uu xeerku u dhaqan galo ‘{}”. aad baan kuugu mahad celinyaa macalin Maxamed. thank you so much. i love you for your concern of educating us. have a lovely day.

  7. cawil says:

    waxaad tahay macalin aad u wanaag san oo haya arday badan oo aan lakoobi karin waad ku mahad san tahay xilka aad qaaday abaalna waxaan kaaga dhigaynaa duco ee adiguna dheh aamiin ilaahay waxaan kaaga bar yayaa janadii sa inuu kugu deeqo

  8. harun hasan says:

    wan kufarax sanahay sheerka aanlagalay website aqoonkaal

  9. nuradiin says:

    waad mahadsantihiin walal marka horo sida sharfta leh oo aqoontina aad nooku soo kudbiseen

    waxan u bahanhy inaad ka dhiktaan qoraal casharadiina oo inta qoraalada laku fahmaa adigoo mahad san

  10. ahmed says:

    WAad mahadsantihiin 100% aqoonta ad nasiiseen
    waxan ahay arday kucusb casharada waxaan keeni lahahay sida laisug xiro style iyo index.html sidaad usharaxda waansameyay waxa iga qladan magaran

  11. cabdi samad says:

    macaalin maxamed cali waxan uu baahanahay qaybta danbe ee webdesign ka sidda casharada ku baaxa wordpress

  12. ahmed abdala says:

    aad baa uku farxey barashada computer ee ku baxa af keyna hooyo masha,alah fikirkaan ciidii laheyd aad bey uku mahadsanyihin shaqada ay u qabteyn shacabkowda……walahi baa ku dhartee kuliyada aan rabo hada in aan bilaabo jamacada uganda ku tala wa IT saas ay tahey aqoonkaal wuxuu iga sahlaya No 1 in aan noqdo IT cze isaga meelo badan iga cawina aan ku noqon karo top ten sida webdesing am so happy wlhi plz email kada ii reyb

  13. Axmed says:

    aad ayaan ugu faraxsanahay in barashada cilmiga website ka aan ku helno luqadeenna, waxaan ku guubaabin lahaa dadka howshaan wada inay dadaalkooda sii laba laabaan, oo umadooda u faa’iideeyaan.
    talo ahaan waxan soo jeedin lahaa. hada barashada webka ee hada socota waxay salaysan tahay worpress, waxaa dhihi lahaa halagu soo daro joomla.
    aad baan idin salaamayaa.

  14. maansha allaah waad mahad santihiin sida
    quruxda badan ee aad usoo diyaariseen
    macalin alle haydinka jazaa ir siiyo wlloyaal

  15. Mohamed says:

    waad mahad santahay macalin marka hore laakiin waxba laga arki maayo hadii aanu qofku waxbo ka aqoon ICT Codkaaga mooye wax code ah lama arkayo that is problem teacher waxaa lamaqlayaa waa codkaaga oo keliya laakin code aad qoraysid ama noo soo dir code instruction oo qoran ama Magnifer isticmaal si loo arko waxaad sharaxaysid macalin by for now

  16. Said ahmmed says:

    ismaan lahayn luuqadaada hooyo ayaad
    ayaad ku baran taasina waxay muujin
    in ay hormartay luuqada
    in ay ahayd taasina

  17. zakaria says:

    marka hore aad Ayaan idinsalamayaa dhamaan dadka isku hoolay barashada computerka.waxaa runtii aay faaido utahay inta afsomaliga ku hadasha.maasha allaah ilaah ha idin kor dhiyo aqoontiina.aniga waxaan isku dayay inaan website sameysto waxaan sameysameyay qeyb index.html lkn ilaa hada waxaa iishaqeyn lac style.css markaan isku dayo inaan kalarada badalo waxba isba badalaayo,qaabka aad usharaxdana waa raacaay,waxaan u baahanahay in leyga caawiyo syle.css aad ayaad u mahadsan tahiin

  18. Asc dhamaan waad idin salaamey macaliminta waad ku mahadsan tihiin dadaalka aad sameyseen oo xagar la,aanta ah
    lakiin hal su,aal ayaan qabaa sida Zakariya ka cabadey ayaa anigana i heysata oo ah in Style.css wixii aan ku qora ma soo muuqdaan oo wax is bedel ah ma jiro marka waxaan codsana lahaa in macalamiinta ay naga shaafiyaan qaladka na heysta mahadsanidiin jawab deg deg ayaan idinka sugeynaa

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      Asc walaal cadullahi fadlan hubi qaabka aad u sameeyo linkiga styleka iyo sida uu ugu xiriirsan yahay indexka

  19. Cabdulaahi Ibraahim says:

    Asc Teacher Mohamed waan fahmey qaladkeyda qeybta style.css waxaan u isticmaaley Calaamadaan [] lakin marka aan si fiican u eegey cabashooyinka ku jira aqoonkaal.com qeybta su,aalaha ayaan arkey in wiil qaladkaas oo kale qabey soo qorey caalamadaha saxda ah markuu fahmey qaladkiisa
    mida saxda ah waa { } sidaan mida kale teacher waxaan rabaa inaan ku weydiiyo su,aal kale oo ah
    qeybta content iyo qeybta sidebar kalarkooda ayaa isku furmay maxaa iga qaldan teacher jawab deg deg ah

  20. maxamed c/rashid salad says:

    mansha allah aad ayan ugu farax sanahay inaan helno meel aan ka aqrisano cilmiga ITGA ama computerka runtii aqoonkaal waxay noo noqotay marjac aan kulasoo laabano waxkasta oo khuseeya cilmiga computerka macalin waxan kaa codsanaynaa inaad kusoo dartid maadooyinka kalena

  21. cabdila says:

    waxan ahayhay aqoonyahan xiisaya wararka bahintiisa aqoon badan ayaa igu duugan waxan doonaya inaanan la dhiman ee kusoo bandhigu website marka sideen u samaysta website

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      asc, walaal website si aad u samaysatid waxaad u baahan tahay domain iyo host iyo farsamo ahaan in aad baratid qaabka loo daabaco websiteka oo macluumaadka loogu qoro.

  22. Macalin waad mahadsantahay runtii aniga waxaan dhigtaa jaamacad kamig ah jaamacadaha mugdisho lkn hadii aan fiirshay aqoonkaal ayaaba siweyn wax looga fahmi ogyahay marks waxaa tahay macalin ka kaliya we aduunka ugu ardada badan

  23. Awale Yaseen says:

    ASC runti waxa aan uu soo dhaweyna website-ka aqoonkaal oo surta geliyey in aay ardaydu afkood hooyo ee soomaaliga w
    aay casharo faa’iidooyin muhiim ah leh aay kaga faa’iidaysan karan masha Allah

  24. Masha Allah runtii aad iyo aadbaad umahadsantahy inaad noozoogudbiso casharo xidhiidh ah Alle hakaa abaal mariyo

Jawaab u qor mustafe cabdi