About
Kusoo dhawaada AqoonKaal.com
AqoonKaal waa website ku saabsan macluumaadka Computerka iyo Internetka iyo farsamada Technolojiyada oo ku qoran AfSoomaali.
Website AqoonKaal.com waxaad kala soo xiriiri kartaan:
- Email: aqoonkaal@gmail.com
- Tel: 1-612-567-7333 (FG. fadlan email iigu soo dir wixii ku saabsan su’aalo la xiriira dhismaha websiteka)
- Fax: (561)828-5949
Xarunta AqoonKaal.com waa magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota.
Soo Saaraha AqoonKaal.com
Magacaygu waa Eng. Maxamed Cali Aaden (AqoonKaal). Farsamada computer-ka markii iigu horeysey waxay ahayd ka hor 1991 oo aan arday ka ahaa Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed ee Muqdisho, oo aan dhigan jirey kulliyada Civil Engineering. Fasalladii aan xilligaas qaadanay waxaa ka mid ahaa fasal khaas u ahaa barashada xogta computerka oo ahaa ELEMENTI DI INFORMATICA (oo la macne ah Computer Science) – haa Jaamacaddii Soomaaliya waa lagu baran jirey computerka ka hor 1991!.
Waxaa iigu xigtey 1992-96 oo aan fasallo ku saabsan luqadda iyo baarashada adeegsiga computerka ka qaatay Nairobi. Gaar ahaan 1996 barnaamijyadii aan qaatay waxaa ka mid ah MS-DOS, WordPerfect 5.1 (oo u dhigma Word), Lotus 1-2-3 (oo u dhimga Excel) iyo Dbase III+ (oo u dhigma Access) iyo guud ahan xirfado la xiriira adeegsiga computerka.
Sannadkii 1997 iyo 1998 ayey ahayd markii aan machadka G.A Wheable Night School ee London Ontario, Canada aan ka qaatay fasallo ku saabsan barnaamijyada HTML (dhismaha website-ka), Microsoft FrontPage, Information Technology (IT), MS Word, Excel iyo PowerPoint.
Barnaamijka HTML waxa uu xilligaas ahaa farsamo cusub oo lagu dhiso website-ka. Markii aan fasalkaas dhameeyey waxaan qoray casharrada “HTML Ku Baro AfSoomaali”, casharadaas oo laga soo bilaabo 1999 ay arday aad u farabani ka aflaxeen, kana barteen sida HTML loogu dhiso website-ka. Allah ayaan arrintaas ku mahadinayaa in casharro aan qoray laga faa’iidey. (Casharadii 1999 ee HTML ka eeg: http://www.html.aqoonkaal.com)
Adeegsiga Internetka iyo barnaamijyada wax lagu qoro ee computerka, iyo barnaamijyada wax lagu sawiro (sida Photoshop) waxaan aad ugu sii tababartay markii la soo gaarey 1999 xilligaas oo aan jaamacad ka dhiganey London, Canada, halkaas oo aan Civil Engineering ku soo dhamaystiray 2002.
Aqoon kororsiga la xiriira farsamooyinka casriga ah ee computerka waxaan sii watey markii aan imid magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, dabayaaqadii 2002. Ilaa xilligaas barnaamijyada aan aqoon korosiga ku sii siyaadsadey waxaa ka mid ah: PHP, WordPress, HTML5, CSS3, GIMP iyo kuwo kale iyo weliba barnaamijyo la xiriira naqshadaynta dhismaha, sida Revit Architecture iyo Revit Structure, waxa kale oo aan gaar ahaan barnaamijka AutoCAD koorsooyin ka qaatay machadka Dunwoody ee Minneapolis.
Waxa kale oo aan sii wadey in aan Afka-Soomaaliga ku tarjumo farsamada la xiriirta barashada Computerka. Arintaas si aan u sii horumariyo waxaan 2006 asaasay website-ka AqoonKaal.com si aan ugu faafiyo cilmiga computerka oo ku qoray Af-Soomaali. Waxaana sannadkii 2010 bilaabay in aan Webcast/Video ka dhigo casharada, kuna faafiyo AqoonKaal.com. Casharrada aan video ka dhigay waxaa ka mid ah barnaamijka hab-xisaabeedka ee OpenOffice (gaar ahaana si weyn looga faa’iidey sidii sakada loogu xisaabin lahaa), HTML & CSS iyo WebDesign ku baro Af-Soomaali.
Yoolkaygu waa (Insha Allah): In aan AqoonKaal.com ka dhigo meel ku guulaysata in cilmiga computerka oo AfSoomaali ku qoran ay gaarsiiso dhammaan dadka qora, akhriya, kuna hadla Afka Soomaaliga, Insha Allah. Islamarkaasna AqoonKaal.com uu ka qayb qaato kobcinta aqoonta farsamada casriga ah si dadka AfSoomaaliga ku hadla ay u noqdaan mujtamac aqoon iyo xirfad sare u leh cilmiga casriga ah ee qarniga 21aad.
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa akhristayaasha website ee had iyo jeer iisoo dira emailada, ayagoo ii sheega in ay ka faa’iideen casharo aan daabaacay, inkasta oo ay dhici karto in dhammaantood aanan email ugu wada jawaabin ayaan halkan waxaan si caam ah ugu mahad celinayaa qof kasta oo email iigu soo diray mahad celin iyo dhiiri gelin. Mahadsanidin dhammaantiin.
Intaas waxaa dheer in aan sameeyo naqshadaynta iyo dhismaha websiteyada, kuna dhiso HTML iyo WordPress. Faahfaahin ku saabsan ee ku saabsan waxa looga baahan yahay dhismaha website ka akhri halkan: http://www.html.aqoonkaal.com/webdesign/
Waxaan kuu rajaynayaa in aad ka faa’iidid AqoonKaal.com.
La xiriir: Maxamed Cali
Email: aqoonkaal@gmail.com
Tel: 1- 612-567-7333 (FG. fadlan email iigu soo dir wixii ku saabsan su’aalo la xiriira dhismaha websiteka)
Minneapolis, Minnesota
___________________
AQOONKAAL LLC.
http://aqoonkaal.com/
Dhismaha Website
Macluumaad ku saabsan dhismaha website-ka fadlan ka akhri HALKAN




