Sida ugu Fudud ee Loo Samaysan karo Gmail (Google Email)

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Wednesday, September 25, 2013 | 20 Jawaabood

« | »

Emailku waxay ka mid tahay waxyaalaha muhiiimka ah marka laga hadlayo adeegsiga Internetka. Email waxaa laga samaysan Gmail, Autlook (oo ahaan jirtey Hotmail) iyo Yahoo. Tusaale ahaan haddii la doonayo in la samaysto Twitter, Facebook, Paypal, Website iwm, waxaa loo baahan yahay email. Sidaas daraadeed ayaa emailku muhiimad u leedahay.

Qoraalkan waxaan ku baran doonaa sida akoonka looga samaysto Google, taas oo loo adeegsan karo Gmail, Google+, YouTube iyo adeegyo kale ee Google.

Haddaba (Google Account) oo lacag la’aan ah si aad u samaysatid waxaa lagaaga baahan yahay in aad qortid: magacaaga, naanaysta (username) noqon doonta email-kaaga, iyo fure gaar kuu ah.

Tallaabooyinka la qaadayo:

1. Booqo website Gmail-ka oo ah: http://gmail.com ama https://mail.google.com

2. Riix batoonka “Create an Account.” (waa dhanka sare ee xigta midigta ee website-ka Gmail)

ggle1

3.  Buuxi meelaha bannaan, sida magacaaga iyo naanaysta (username) taas oo noqon doonta emailkaaga.

  • FG: Waa in aad diyaarsatid dhawr naanaysood, waayo waxaa dhici karta in naanaysta aad dooratay uu qof hore u qaatay.

sidee loo samaystaa gmail

4.  Waxaad qortaa fure (password) aad xusuusan kartid laakiin aan si fudud lagu jabsan karin. Sidoo kale qor taariikhda dhalashadaada iyo rag ama dumar (male / female).

  • FG: Ka taxadar password-ka aad qoreysid in aysan noqon mid si fudud loo jabsan karo, tusaale ahaan haddii aad qortid abc1234 si fudud ayaa lagu jabsan karaa, si aan taasi u dhicin waa inaad qortid XaRfo isku dhafan oo ay la socdaan Tiro iyo calaamado sida !@$.

ggle6

5. Meesha u bannaan ku qor xarfaha iyo tirada ka muuqata shaashadda.

ggle7

6. Markaas haddii aad aqbashay xeerka adeegsiga Google, calaamadi barta “I agree to the Google Terms of Service and Privacy Policy“. Kaddib riix batoonka “Next step” ee dhanka hoose ee shaashadda.

ggle8

7. Haddii wax kasta u shaqayeen sida saxda ah, waxaa soo bixi doona shaashad muujinaysa in emailkaagii diyaar tahay. Riix “Continue to Gmail” .

ggle9

8. Emailka Gmail diyaar ayey kuu tahay.

ggle11

Halkaas marka aad soo gaartey waxaad ku guulaysatey in aad sida akoonka looga samaystay Google, taas oo aad u adeegsan kartid Gmail, Google+, YouTube iyo adeegyo kale ee Google.

La soco qoraalka xiga oo ku saabsan adeegsiga Facebook.

Qoraallada ku cusub AqoonKaal kala soco https://www.facebook.com/Aqoonkaalcom

Qore: Maxamed Cali (AqooonKaal)

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Halkudheg: ,

Bookmark and Share

20 Jawaabood

  1. cabdulshakur axmed says:

    asc.wr.wbr ..
    macalin ugu haorayn salaanta kor ku xusan ka dib aad baan kuu salaamayaa iinshaa allaah waxaan alle kaaga rajayanayaa qayr iyo barako , waad inoo faa,iidaysay alle hakuu gargaaro iinshaa allaah waxaan ku leeyahay jazaaka laahu qayrna …

  2. abdi says:

    asc macalin wax kasti waa sax lakiin wuxu ku waydinayaa steps badan oo ah number gali marka aad galisidna
    wax ku xigaa verivy code ama cade numberka markaa sida uu ku samaysmaa waa dhib badantahay hargiesa

    • Maxamed Cali says:

      asc walaal qaybaha inta telefoonka iyo emailka hore waad ka gudbi kartaa markaas waxaa dhici karta in uusan ku weydiin verify. Laakii haddii aad qortid telefoon iyo email ayuu ku weydiinayaa verify, taas oo ah lambarro uu kuugu soo dirayo telefoonkaaaga ama emailkaaga.

      Haddii aad dooneysid in emailku haddii ay kaa xidhanto aad furaha ku heshid telefoon ama email hore ayaad markaas ku qoreysaa meelaha u bannaan.

  3. haboon mohamed says:

    Asc waad mahadsan tahay macalin sida aad ugu faa,iidey neyso qof kasta oo jecel inuu aqoon karodhsado allah adigana wakhtigaaga aad ugu deeqdey umuda somaliyeed ha kugu daro miisaanka xasanaadka.

    • Maxamed Cali says:

      ASC Mahadsanid, sidaas oo kale ayaan adigana Allah kaaag rajaynayaa iyo in aad cilmi ka faa’idid AqoonKaal.com.

  4. Maashaa alaaah runtii qoraalka waan ka faa ideestay inshaa alaah waxaa kaa su geynaa qoraalo kale oo kuwaan la mid ah. Thank you.

    • cabdiqaadir cali says:

      Maashaa alaaahno runtii qoraalka waan ka faa ideestay inshaa alaah waxaa kaa su geynaa qoraalo kale oo kuwaan la mid ah. Thank you.

  5. aadan mohamed says:

    sxb waad mahadsantay lkn intaa kumadhamaanayo continue markaad dhahdid confrim ayaa kaa rabaa

    • Maxamed Cali says:

      fadlan raac inta calaamadsan tusaalaha, waxaa jira khaanad aan la calaamadinayn sii uusan kuu weydiin confirmka.

  6. Waxaaan aaad iyo aada ugu qiray suda bilaa hagrashada leh ee aad waxa dadka uga caawisaaan runtaahaan tii waxaan idin lyahay alle aha idinka ajar siiyo

  7. Aasiya marwaani says:

    asc mcln aad ayaa umahadsantahay runtii in badan baa casharkaan dhib umaray balse maanta Allaah baa iifududeeyay Alx macln dadaalkaada Allaah hakugu garab galo

  8. Sxb waad mahad santahay

  9. Cicasiis says:

    Aad ayad wll u mahadsanthy sida fiican ee aad noogu faaiideysey casharkan cusub jasaakalahi kheyr

  10. asc mcln ilaahay ajar hakaasiiyo runti waa noo faa idaysay mcln waxan kaa sugayna qaybihiisa kale sida loo isticmaalo ,sida looga soo baxsado waxyaabaha laguugu soo diray my dear tacher thanks alot.

  11. kulmiye maxamud says:

    Asc macalin aad ayaad u mahdsantahey run ahaantii waxana rejeneenaa casharadaan inaad sii wadid oo waxyaabo cusb soo kur dhidid

  12. masha allah mclim ad baad umahadsantahay

  13. Mukhta says:

    Masha Allah Allah ba mahad iska leh markaa kadib adiga mahad sanid

  14. Farhan abdi Roble says:

    M.a aad iyo aad umahadsantahay

  15. c/malik sucud says:

    maashaa allaah macalin
    waan ka faa’iidaysany casharada aad bixisid
    wanan baran doona kuna dhaqmi doonaa
    hadii ilaahay idmo.

Jawaab u qor kulmiye maxamud