Sida ugu Fudud ee Facebook Loo Samaysan karo iyo Talooyin ku saabsan adeegsiga Facebook
« Casharkii Hore | Casharka Xiga »
Facebook waxa uu ka mid yahay barnaamijyada bulshada ee lagu wada xiriiro ee loo yaqaan “social media”, islamarkaasna la isku dhaafsado akhbaarta, cilmi, warar, waxyaabaha cusub ee muhiimka ah iyo waxyaabo aan muhiim ahaynba ama xaraabo. Waxa kale oo Facebook leeyahay qayb si toos ah loogu wada hadli karo ee loo yaqaan Chat.
Waxaa Facebook ka buuxa waxyaabo wanaagsan iyo waxyaabo anshax xumo ah. Sidaas daraadeed waxaa muhiim ah in waalidku xirfad u yeeshaan sida uu u shaqeeyo Facebook, islamarkaasna ku baraarugaan waxa ka socda bogagga Facebook ee carruurtoodu booqdaan.
Qoraalkan waxaan ku baran doonaa sida loo samaysto Facebook iyo talo-bixino ku saabsan adeegsigiisa. (Qaybta talooyinka Facebook halkan ka akhri.. GUJI)
Haddaba Facebook si aad u adeegsatid, waa in aad “account” (akoon) ka samaysatid Facebook, waana lacag la’aan. Waxaa shardi ah in aad marka hore leedahay email shaqaynaysa si aad u samaysatid Facebook. (Halkan ka eeg sida Gmail loo samaysto)
Tallaabooyinka la qaadayo si Loo Samaysto Facebook
Facebook si aad u samaysatid, isagana diiwaan gelisid raac tallaabooyinkan:
1. Booqo websiteka https://www.facebook.com
Buuxi meelaha bannaan ee qaybta “Sign Up”: Waxaad ku qortaa magacaaga iyo magaca awoowe, emailkaaga oo aad laba jeer qortid, fure gaar kuu ah (password), rag ama dumar iyo taariikhda dhalashada. Markaas riix batoonka “Sign Up“.
- FG: Ogsoonow in 13 sano jir iyo wixii ka da’yar aan loo ogolayn in ay samaystaan Facebook, inkasta oo cilmi baarisyo la sameeyey muujiyeen in carruur fara badan ay da’dooda been ka sheegaan marka ay Facebook samaysanayaan. Waalidka ayaa laga rabaa in ay ku baraarugaan arrintaas, xirfadna u yeeshaan adeegsiga Facebook.
2. Qaybta Asxaabta (Find Friends) marka hore khasab ma aha ee ka gudub
Marka ugu horaysa waxaa soo baxaya shaashad kuu sahlaysa in aad Facebook ku darsatid asxaabta kuugu jirta emailkaaga qaybta xidhiidhka (contact) ee hore u lahaa Facebook. Shaashaddaas haddii aad ku qortid emailkaaga iyo furaha aad ku gashid emailkaas, waxaad dooran kartaa asxaabtaada kuugu jira emailka oo aad ku dari kartid ama ka reebi kartid qofkii aad doontid. Markaas calaamadi asxaabta aad ku darsanaysid Facebook, kaddibna riix “Find Friends”. Laakiin marka hore khasab ma aha, waad ka gudbi kartaa adigoo riixaya “Skip this step“.
Asxaabta marka adigu aad dalbatid ee ku darsatid Facebook, waa in ay ku aqbalaan si aad xiriir ula samaysid haddii ay ku aqbali waayaan markaas xiriir lama samayn kartid.
- FG: Marka hore ha isku mashquulin in aad asxaab ku darsatid, mar dambe ayaad asxaabtaada ku darsan kartaa facebook. Haddii aad sidaas go’aansatid, riix linkiga dhanka hoose ee “Skip this step“
3. Xog adiga kugu saabsan (Profile Info)
Qaybtani waa meesha lagu qoro akhbaarta adiga kugu saabsan, laakiin khasab ma aha in aad marka hore buuxisid, waadna ka gudbi kartaa (skip). Waxaa muhiim ah in aad ogaatid in Facebook yahay dad u dhaxeeye (public), sidaas daraadeed ka fiirso xogta adiga kugu saabsan inta aadan qorin.
- Haddii aad go’aansatid inaad qortid xogta kugu saabsan, buuxi meelaha bannaan, sida: Iskoolka, koleejo/jaamacad, shaqada, magaalada aad joogtid iyo magaaladaada rasmiga ah. Kaddib riix batoonka “Save & Continue“.
- Haddiise aad go’aansatid in aad qaybtan ka gudubtid adigoo aan buuxin, riix linkiga yar ee ay ku qoran tahay “Skip“.
4. Wararka iyo waxyaalaha kale ee aad xiisaynaysid
- Hore uga gudub qaybtan (Skip)
Shaashaddan waxaad ka xulan kartaa qaybaha wararka ee aad xiisaynaysid ee Facebook kuugu soo darsami doona, laakiin khasab kuguma aha in aad ku darsatid, waad ka gudbi kartaa adigoo riixaya linkiga dhanka hoose ee “Skip“.
5. Sawirka qaybta kugu saabsan (Profile Picture)
Sawirka lagu daabaco qaybta (profile) waxaa arki doona dhammaan dadka soo boqda bogga aad ku leedahay Facebook, sidaas daraadeed ka fiirso sawirka aad daabacaysid. Khasab ma aha in marka ugu horeysa aad sawirkaaga ku dhejisid Facebook, waad ka gudbi kartaa qaybtan, waxaadna fursad u haysataa in aad sawirka ku dartid markii aad doontid, ama bedeshid sawir hore kuugu jirey Facebook. (Hoos ayaan ku arki doonaa sida sawirka profile loogu daro facebook iyo cabirka looga baahan yahay sawirka).
- Haddii aad go’aansatid in aad sawir ku dartid qaybta (profile) ee Facebook, markaas riix linkiga “Upload a Photo“. Kaddid riix “Choose File” si Computerka uga dhex raadisid sawirka. Marka aad sawirka soo dhex gelisid shaashadda, riix batoonka “Save & Continue“.
- Haddiise aad go’aansatid in aadan hadda sawir ku darayn Facebook, riix linkiga dhanka hoose ee “Skip“.
Tallaaboooyinka sare marka aad dhamysid, waxaa kuu soo bixi doonta shaashad kuu tilmaamaysa inaad email-kaaga u xaqiijisid Facebook.
6. Xaqiiji Emailkaaga
Facebook waxa uu kuu soo dirayaa Email uu ku qoran yahay link ay tahay in aad riixdid, taas oo Facebook u xaqiijinaysa in emailku yahay mid shaqaynaysa oo adigu leedahay. Haddaba si aad hore ugu socotid, waxaa shardi ah in aad furtid emailkaaga, islamarkaasna riix linkiga xaqiijinta oo ay ku qoran taahy “Confirm Your Account“.

Lambarkaas sida 12345 oo ku qoran emailka ay facebook kuusoo dirtay, waxaa dhici karta in marka ugu horaysa ay shaashadda facebook ku weydiiso si ay emailkaaga u xaqiijiyaan.
7. Waxaad Toos ugu soo laaban doontaa Facebook
Marka aad riixdid linkiga “Confirm Your Acount” ee la socday emailka, waxa uu toos kuugu soo celinayaa Facebook. Shaashadda marka ugu horaysa waxay markale fursad kuu siineysaa in aad buuxisid qaybahii aadan hore u buuxin sida magaalada aad deggan tahay, sawir kaaga ah iwm. Fursado kale ayaad haysataa, sidaas daraadeed khasab kuguma aha inaad hadda buuxisid qaybahaas.
8. Facebook diyaar ayuu kuu yahay
Halkaas marka aad soo gaartid waxaa diyaar kuu ah Facebook. Haddaba si aad u dhex gashid, riix linkiga magacaagu ku quran yahay ee dhanka sare ee xigta midig (eeg sawirka hoose).
Waxaa markaas kuu soo baxaya shaaashadda guud ee Facebook qaybta aad ku leedahay (profile), waxaana qaybtaas ka mid ah:
- What’s on your mind?: Bartaas oo ah meesha aad ku qori doontid qoraalada ay asxaabtaadu arki doonaan.
- Add a Cover: oo ah meesha laga bedelayo sawirka weyn ee ka muuqan doona dhanka sare ee facebook
- Add Profile Picture: oo ah meesha aad kaga dari kartid sawirkaaga
9. Sanduuqa lagu qoro Qoraalka
Marka aad doonaysid in aad qoraal ku qortid Facebook, waa in hagaha (ama mouse-ka) ku riixdid meesha ay ku qoran tahay “what’s in your mind” (eeg shaashadda sare). Waxaa markaas shaashaddu isu bedeli doontaa sanduuq wax lagu qori karo, sida ka muuqata sawirka hoose. Haddii aad u baahatid in sawir computerka kuugu jira aad ku dartid qoraalka, markaas riix barta “Photo“. Marka aad dhamaysid qoraalka, riix batoonka “Post“, markaas ayaad qoraalkii ku daabacday Facebook. (Eeg qaybta talooyinka ee hoos ku qoran).
10. Sawir weyn ee Bogga Hore ee Facebook (Cover Photo)
“Cove Photo” waa sawirka ballaadhan oo ka muuqanaya dhanka sare ee bogga Facebook. Sawirkaas si aad ugu dartid: Riix dhanka sare shaashadda Facebook meesha ay ku qoran tahay “Add a Cover” (ama Change cover), markaas sawirka si aad uga dhex raadisid computerka, riix “Upload Photo“.
- FG: Sawirka weyn ee ka soo baxaya wajiga hore ee Facebook cabbirkiisu waa 851px oo ballac ah iyo 315px oo joog ah (851px x 315px)
- Sawirka weyn ee bogga facebook waxa arki doona qof kasta oo soo booqda Facebook, waayo waa dad u dhaxeeye (public).
Marka sawirku soo dhexgalo shaashadda, riix batoonka Save Changes.
11. Sawirka yar ee Qaybta Profile
Sawirka lagu daabaco qaybta (profile) waxaa arki doona dhammaan dadka soo b0oqda bogga aad ku leedahay Facebook, sidaas daraadeed ka fiirso sawirka aad daabacaysid. Marka aad go’aansatid, riix barta uu ka muuqdo sawirka madaxa ah (ama kurka ah) ee shaashadda Facebook (Add profile picture). Kaddib riix “Upload Photo” sawirkana markaas ka dhex raadi computerka..
- FG: Sawirka yar cabbirkiisa la daabacayo waa (180px x 180px), laakiin waxaa facebook ka muuqanaya waa (170px x 170px)
Markaas ayaa sawirkii ka muuqan donaa qaybta (profile) ee Facebook.
12. Hawl geli Facebook
Marka facebook diyaar kuu noqdo waxaad ku qori kartaa qoraallo, waxaad ku dari kartaa asxaab (Find Friends), waxaad baadhi kartaa asxaab Facebook leh, waxaad toos ugula hadli kartaa asxaabtaada qaybta Chat-ka, waxaadna akhrin kartaa qoraallada ay qoraan asxaabtaada.
13. Asxaabta ku soo dalbata
Marka qof kugu darsado Facebook, ama soo dalbado in aad asxaabtiisa ka mid noqotid, waxaad ka arkaysaa dhanka sare ee Facebook (eeg sawirka hoose). Marka aad bartaas riixidid qofkii kusoo dalbaday waa aqbali kartaa (confirm) ama diidi kartaa (Not Now).
14. Sidee Loo Bedelaa Magacaaga Facebook
Facebook waxa uu ogol yahayin 4 jeer oo qura la bedeli karo magaca aad u adeegsatid Facebook. Haddii aad u baahatid in aad magacaaga bedeshid raac habkan:
- Riix barta
oo ah dhanka sare ee xigta midig ee bogga Facebook
- Kaddib riix Account Settings
- Riix meesha uu ku qoran yahay Name
- Shaashadda soo baxda ku qor Magacaaga, password(oo ah furaha aad ku soo gashid Facebook)
- Markaas riix batoonka Save Changes
15. Log in
Wixii markaas ka dambaysa, Facebook si aad u gashid booqo http://fb.com ama https://www.facebook.com/, kaddib ku qor emailkaaga iyo furaha kuu gaarka ah, markaas guji “Log in”.
Talo ku saabsan adeegsiga Facebook
Waxa ugu horeeya ee u baahan in aad wax ka qabatid waa qaybta Privacy (oo ah qaybta Facebook ee qofka u khaaska ah.)
- Riix barta
oo ah dhanka sare ee xigta midig ee bogga Facebook (eeg sawirka hoose)
- Riix Privacy Settings oo ka muuqanaysa daaqada yar ee furantay
- Markaas riix qaybta aad dooneysid inaad wax ka bedeshid (tusaale: Who can see your future posts?), guji “Edit”, halkaas waxaad ka dhigi kartaa Public (qof kasta arki doono), Friends (asxaabtaada keliya arki doonaan), only me (adiga keliya arki kartid, iwm.
Talo muhiim ah
Xog hala wadaagin qof aadan wax aqoon ah u lahayn, hana kula sheekaysan qaybta Chat-ka ee Facebook. Akhbaar kugu saabsan ha u sheegin qof aadan aqoon, hana u sheegin cinwaankaaga, meesha aad deggan tahay, dugsiga ama iskoolka aad dhigatid, telefoonkaaga iyo guud ahaan wax lagugu garan karo ha la wadaagin qof aadan aqoon, hana ku qorin Facebook akhbaartaas.
Facebook haku qorin qoraallo aad ka qoomayan doontid, ama qoraallo xad gudub ku ah qof kale, ama sawiro aadan jecleyn in qof bini’aadam ahi arko.
Waxaa dhici karta in aadan wax dhibaato ah u arkin in aad sawirkaaga ku daabacdid Facebook. Lakiin uu qof kale sawirkaagii u adeegsado qaab aadan raalli ka ahayn, taas oo adiga dhib kugu keeni karta. Ku xisaabtan in ay jiraan aalad lagu garto wajiga qofka ee loo yaqaan “facial recognition” (aaladda hayb-sooca wajiga). Taas oo keeni karta in sawirkaagii sida xun uu qof kale u adeegsadey adiga lagugu soo hayb sooco, dhibaatona ay kugu noqoto sidii aad arrintaas xal ugu heli lahayd.
Sidoo kale Facebook haku dhegsan sawir aadan adigu lahayn. Waxaad arkeysaa dad Facebook ku dhegsanaya sawiro carruur da’ yar ee qowmiyado kale ah, arrintaas oo xad gudub ah, waayo waxaa hubaal ah in aadan jeclaan lahayn in canug adigu aad dhashay in qof kale facebook ku dhegsado, sidaas daraadeed adigana kuguma haboona in aad sidaas samaaysid.
Haddii aad waqti ku bixinaysid Facebook ha noqoto mid anfacaya adiga iyo dadka kale, oo laga faa’iidayo cilmi diini iyo maadi. Waqtigaaga iyo cimrigaaga haku dayacin wax aan faa’iido kuu lahayn.
Digniino ku saabsan Facebook
Asxaabtaada (friends) haku darsan qof aadan nolol ahaan ku aqoon, gaar ahaan haddii aad da’ yartahay, waayo waxaa Internetka ku jiri kara dad halis ah oo sir iyo khayaano wata oo ku shirqooli kara ama hadimo kaa tuuri kara, oo khatar kuu geysan kara, ama si xeelad ku jirto kuu bidhaansanaya si ay kuu wanjalaan.
Adiguna cid haku dhibin Facebook, dadka ha af-la-gaadayn, ha noqon mid dadka Internetka ugu caga jugleeya (cyber-bully), ha isku deyin in aad dadka kale ceeb ka faafisid, xan iyo ku-tidhi ku-teen iyo huu-haa dadka ha ka faafisid. Marka aad Facebook wax ku qoreysid xusuusnow in Allah ku daalacanayo meel kasta, goob kasta iyo goor kasta oo weliba ay malaa-ig garbahaaga saaran tahay oo wax kasta oo aad qortid kuugu diiwaan gelinaya buuggaaga xumaan iyo samaan.
Facebook haku qorin cinwaanka gurigaaga iyo telefoonkaaga, waayo xitaa haddii aad Facebook ka dhigtid amman aan cidkale akhbaartaada arki karin (private), waxaa dhici karta in akoonkaaga Facebook ay jabasaan shuftada/budh-cadda Internetka, sidaasna ku helaan xogta aad u malaynaysay in ay kuu xafidan tahay.
Adiga oo xanaaqsan waxba haku qorin Facebook. Computerka ka ag dhaqaaq inta cadhadu kaa jabayso. Qac ka sii shaaha oo sonkor khafiif ah leh. Marka caradu kaa jabto waxaa dhici karta in qoraalkaagu noqdo mid miisaaman.
Waxaa dhacda in shirkadaha shaqada bixiya ay akhbaar iyo xogta qofka ay shaqaalaysiinayaan ka dhex raadiyaan Facebook, sidaas daraadeed haddii aad hore u qortay wax aan waafaqsanayn hab dhaqanka shirkaddaas in markaas aan shaqada lagu siin ama shaqada lagaa cayriyo marka shirkaddu arrintaas ogaato. Sidaas daraadeed ogsoonow in wax kasta oo aad Facebook ku qortid ay yihiin diiwaan meel kuu yaal. Ka feker qoraalka inta aadan daabacin, ka feker cawaaqibka kaaga iman kara iyo raadka uu reebi doono.
Ha daabacin sawiro ama qoraallo xambaarsan waxyaabo aan waafaqsanayn sharciga, oo ka hor imanaya anshaxa wanaagsan, ama aad ku mutaysan kartid fal-dembiyeed lagugu soo oogi karo ayadoo la tix raacayo qoraal aad ku daabacday Facebook.
Qaybta “profile” ee Facebook ka dhig mid ay arki karaan asxaabtaada oo keliya. Haka dhigin dad u dhexeeye qofkasta arki karo, si aad isaga ilaalisid in ay kugu soo lug darsadaan dad macangaga ah ama qaab darri u socda, ama anshax xumo la wareegaya. (Xusuusnow Internetka ma jiraan wax 100% ammaan ah, markasta taxadarku waa muhiim.)
Facebook waa waqti dhumis, sidaas daraadeed waa in aad iska yaraysid waqtiga aad ku jirtid Facebook si uusan balwad kuugu noqon, waqtigaagana ha ku dayacin. Is-xisaabi waqtiga aaad ku bixisid Facebook, haddii aad is aragtid in aad markasta ku hamiyeysey in aad fiirisid waxa ka cusub facebook, taasi waa calaamad in aad qabatintay facebook oo la soo gaaray waqtigii aad iska xakamayn lahayd adeegsigiisa faraha badan.
Ka feejignaw in Facebook in ay kugu soo darsadaan kooxo (group) dad gaar ah leeyihiin adigoon ka tirsanayn kooxdaas. Ha aqbalin qofkii aadan doonayn in uu asxaabtaada ka mid noqodo.
Ka taxadar in aad saaxiib (mutual friends) la noqotid dad anshax xun oo had iyo jeer ka hadla waxyaabo aan haboonayn, sida aflagaaddo, cay, xad-gudub iwm.
Gabagabadii Facebook adigoo adeegsanaya haku xad gudbin qof bini’aadam ah, sida adigu aadan u jeclayn in lagugu xad gudbo.
Akhri Sidee Facebook iyo Twitter Looga Xannibi Karaa Aflaanta Anshaxa Xun
Sidoo kale akhri: Sidee Linkiga Facebook looga dhigi karaa magacaaga, sida Facebook.com/shirkad
Qoraallada ku cusub AqoonKaal.com si aad ula socotid facebook ku darso https://www.facebook.com/Aqoonkaalcom
Qore Maxamed Cali (AqoonKaal)
www.AqoonKaal.com
« Casharkii Hore | Casharka Xiga »
Faafin: AqoonKaal.com
Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook
Asc: macalin waa kusalaamay iyo umada soomaaliyeed. Waad kumahad santahay cilmiga technology Aad uga faa idaysid Somalian community . Walaahi sameynta Facebook waxaa kadaran xakameyntiisa oo dhib badan lagala kulmo. Waxaan rajeynayaa in umadeena ay qaataan waanada Aad soo qortay. Waad an kumahad santahay . Waa walaalkiin mohamed . Asc .
waan ku salaamay macalin maxamed cali aqoonkaal waad ku mhadsan tahay xogta aad naga siisay sida loo develop gareeyo ama loo sameeyo faceka iyo shayda kale qaaliga sida privaycy oo aan u arko in uu qaali yahay iyo waliba ku darsada qof aanad garenayn dhibta ay soo wadato waad ku mahadsan tahay macalin thanks.
Asc walaal yonis waad ku mahadsan tahay erayada qiimaha badan, jazaa kallaahu khayran, waana runtaa oo muhiimad ayey leedahay in arrimahaas laga taxadaro.
Asc..
Aad ayaad ogu Mahadsan tahay bro sida hagar la’anta ee ogu faa’ideynesid dhamaan bulshada somaliga ku hadasho.
Su’aasha rabo ina ku wediyo waxee tahay lagaso bilaawo bilawgi sanadkan hadii aad Facebook cusub sameyso wuu is xiraaya, asigo kugu xiraayo sualo adag,
Tusaale ahan Sawiro aadan waliga arkin intu so dhigo, magacyo dadna hoos so dhigo qofka iska leh garo ku dhahaa. weeyna adagtahay inad garato iyo su’aalo kle lamid ah.
Side marka loo xalin karaa marka su’aalahas kuwediyo?
Mana jiraa wax looga hortagi karo caqabadahaan oo kale.
Thnx!!
Asc walaal arrinta aad xustay ee FB waxay la xiriirtaa xagga ammaanka accountigaaga, sababtoo ah Facebook haddii aad ka gashid computero kala duwan waxaa dhici karta in uu hubin awgeed ku weydiiyo sawirada asxaabtaada oo uu ku dhex darayo sawiro kale, taasina waxay kutimid si aan qofkale kaaga jabsan accountiga,
S’uaasha aan ku weydiinayo ayaa ah ma waxaad isticmaashaa computer kuu khaas ah, mase computerada goobaha Internet coffee.
Cw wr wb. Computero kala duwan ayaan ka galaa, marmarka qaar waxaa dhacdo inaa wadamo kala duwan laga galo.
maxaan sameeya si aan oga hortago?
sababtaas weeye tan uu kuu weydiinayo furaha iyo xaqiijinta iyo xaqiijin sawirada asxaabtaada. Maxaa kallifaya in dalal kala duwan laga galo facebook-gaaga? Waayo waxaa dhici karta in facebook u qaato account shufto ah sababtaas ayuu kuu weydiinayaa xaqiijin markasta.
Macalin adigoo mahad san, magaca FBga immisa goor ayan badali karaa, mararka qaar wuu iga diidaa in magaca iska badalo, maxaana keenayo sababtaas. Thanks.
Facebook waxa uu ogol yhay in 4 jeer oo qura la bedeli karo magacaaga, sababtaas ayaa dhici karta in uu kuugudiidey markaaad bedeshey wax ka badan afar jeer.
mahad sanid wllo mahamed ali
horta marka hre waxan sala maya bad bar namiijka oo waxan intin lee ahay asc mu calay kum .Kadibna waxaan ka yara hadli laha muximiyada u leeyahay facebook ka horta aad iyo aad ayu uu fican yahay aniga dhagay ka wayo waxa uu isgu keena saxiibda wan wanagsan aya isgu keena lagikisee waxan ka akhrisday boga facebook ka ah arin aaad u muxiim ah daso ah an sheeki garaynin oo aniga idabaday un ayan ka arkay markas waa inan sameya arinta insha allah
walaalayaal waxaan idinka codsanayaa si sharaf iyo ixtiraam lef
walalayaal in aad na noo soo gudbisaan idika oo mahadsan sida
ugu fudud ee loo soo download gareeyo games ka
waadmahad santihiin
alaahmadal
waad mahad santihiin cilmi iga maqnaa ayaad i fahansiiseen
marka ilma adeerayaaal howshan sii wada
walayaal Aad ayaad ugu mahadsantihin casharada Aaad si hagar laa”anta nagu soo gudbinysan thnkz ……….hadaan suaashan qabo ku weydiyo waa waxan rabna inaad noo soo gudbiisaan qabka looga saro fb sawiirada Anshaxa daran waayo profile kaga ayaad waxad ku arkaysa sawiiro kala duwaan oon fiicnayn waayo Added bay kugusoo odhnayaan adigoon commenti share iyo like toona siin waaxan doonayaa inaad nagu soo kordhisan macluumaad
well yaal aid &aid ayaad umahad San tihiin
Farxad ayay ii tahay in aan qoraalkan akhriyey, deedna isku dayay in aan sameeyo; runtiina waan ku guuleystey. Alle ha ku sharfo, macallin. wax aan kuugu abaal celiyo ma aqaan. dhibaato ayuu igu hayey, se maanta ba waa anigaa guusha ka haya.
mahadsanid Sakariye, waana ku faraxsanahay in aad ka faa’iiday qoraalka.
jasakalaaaah mucalim aad iyo aad aya ugu mahadsan tahay qaab kaad noguso gudbinaysid
casharada mira dhalka wax badana wan ka faa iiday masha alah
xusni
macalin maxamed Ali Aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay
Adigaa mudan wanaag oo dhan. Mahadsanid
macalin wd mahad zantahy aad & aad baa umahad santahy maadaama aad nabarty sida fabooka loo sameeyo iyo siyaaba kalaba mahad sanid