Sida ugu Fudud ee Loo Samaysto Twitter

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Sunday, October 20, 2013 | 21 Jawaabood

« | »

Sida loo isticmaalo Twitterka

AqoonKaal.com: Twitterku waxa uu kamid yahay barnaamijyada loo yaqaan ‘social media’ ee lagu wada xiriiro oo la isku dhaafsado cilmi, macluumaad ama akhbaar iyo xog muhiim ah ama mid aan muhiim ahayn ee xaraabo ah.

Qoraallada lagu qoro Twitterku sida caadiga ah waa “public” ama dad u dhexeeye ay akhrisan karaan dhammaan dadka soo booqda bogga aad ku leedahay Twitterka. Laakiin haddii loo baahdo waxaa qoraallada Twitterka laga dhigi karaa kuwo xaddidan oo ay akhrisan karaan asxaabtaada oo keliya (eeg qaybta Privacy ee casharkan dhankiisa hoose)..

twitter24

Twitterka si aad ugu qortid qoraallo waxaad u baahan tahay in aad ‘Account‘ ama akoon ka samaysatid Twitter.com. Qormadan ayaan ku baran doonaa sida ugu fudud ee loo samaysto Twitterka.

Waxa kale oo aan halkan ku baran doonaa guud ahaan sida loo adeegsado Twitter, iyo talooyin ku saabsan hab-dhigaalka qoraallada Twitterka.

Haddaba Twitter si aad u samaysatid raac tallaabooyinkan:

1. Booqo websiteka Twitter.com

Markaas qaybta “New to Twitter? Sign up” u buuxi sidan:

  • Full name: ku qor magacaaga
  • Email: ku qor Email-kaaga
  • Password: ku qor fure ama password khaas kuu ah oo aan cid kale kula ogeyn (Password-ku wa in uu noqdo mid aan si fudud loo jabsan karin.)
  • Kaddib riix batoonka “Sign up for Twitter

twitter1

2. Hubi Magaca, emailka, furaha iyo Naanaysta (username)

Shaashadda xigta (oo ah https://twitter.com/signup) waxaad ka hubinaysaa qaybaha aad soo buuxisey, gaar ahaan qaybta (Choose your username) halkaas oo waxaad ku qortaa naanaysta (username), oo ah cinwaanka aad ku yeelan doontid Twitterka.

Username-ka aad qoreysid waxa uu noqon karaa magacaaga, naanays laguu yaqaan, magaca shirkaddaada ama ganacsi aad leedahay iwm. “Username-ka” aad halkaas ku qortid waxa uu noqon doonaa bogga aad ku yeelan doontid Twitterka, sida Twitter.com/magacaaga ama Twitter.com/shirkaddaada iwm. Waana cinwaanka lagugu aqoonsan doono sida @magacaaga.

  • Tusaale ahaan naanaysta (username) waxaan ku qoray “aqoonkaal”, sidaas ayaa cinwaanka Twitter ku noqday https://twitter.com/aqoonkaal
  • Sidaas ayaa cinwaanka Twitterka ee websitekan lagu aqoonsadaa u noqday @aqoonkaal

Markaas riix batoonka “Create my account

twitter3

3. Xaqiiji Emailkaaga

Twitter waxay kuu soo diraysaa Email uu ku qoran yahay link, marka aad riixdid linkigaas waxa uu Twitterka u xaqiijinaya in emailkaagu yahay mid shaqaynaya oo adigu leedahay. Haddaba si aad hore ugu socotid, waxaa shardi ah in aad furtid emailkaaga, islamarkaasna riix linkiga xaqiijinta oo ay ku qoran tahay “Confirm your account now“.

twitter5

4. Twitter waa kuu diyaar

Booqo websiteka aad ka samaysatay Twitterka, sida https://twitter.com/aqoonkaal

ama riix barta ay shaashadda Twitter kaga qoran tahay ‘Me‘.

twitter30

Marka ugu horaysa waxaa kuu soo bixi doona Twitter-kaaga oo aan wax qoraal ah ku qorayn (Tweets), islamarkaasna aan lahayn wax asxaab ah oo la socda ama ku taxan (Followers) ama asxaab aad adigu la socotid (Following).

twitter7

5. Sida Loo Bedelo Muuqaalka Guud ee Twitterka (Edit profile)

  • twitter14Khasab ma aha in aad bedeshid sawirka Twitterka, laakiin waxaa wanaagsan in aad adeegsatid sawir astaan kuu ah ama astaan u ah shirkadaada. Haddii aadan bedelin waxay Twitterku qoraallada raacinaysaa sawir u eg ukun.
  • Markaad go’aansatid inaad bedeshid sawirka, riix batoonka “Edit Profile

twitter30

  • FG: Si ay kuugu muuqato “Edit Profile“, marka hore riix barta “Me” ee dhanka sare ee bogga Twitter.

Marka aad riixdid “Edit Profile” waxaa suurtagal noqonaya in la bedelo sawirka yar (profile photo) oo ka muuqanaya qoraalada Twitterka iyo sawirka weyn ee dhanka sare ee Twitterka (Header image). Sidoo kale waxaa halkaas laga bedeli karaa qoraalka kooban ee qeexaya waxa uu ku saabsan yahay websiteka aad ku leedahay Twitterka, qoraalkaas oo ka muuqan doona dhanka sare ee Twitter-kaaga marka la soo booqdo.

twitter110

Cabbirka sawirka yar (73 x 73 px)

  • Cabirka Sawirka (profile photo) ee lagu daabacayo Twitter waxa uu noqon karaa 200 x 200 px (ama ilaa 500 x 500 px). Laakiin Twitterka ayaa yaraynaya sawirkaas oo ka dhigaya sidan:
  • 73 x 73 px oo ah sawirka yar ee ka muuqan doona dhanka sare ee websiteka Twitterka
  • 48 x 48 px oo ah sawirka dhanka bidix ka raaci doona qoraalada iyo jawaabaha aad ku qortid Twitterka ee loo yaqaan Tweets.

Cabbirka sawirka weyn (520 x 260 px)

  • Sawirka weyn (header image) ee lagu daabacayo Twitterka waa 1252 x 626 px, laakiin cabbirka ka muuqanaya shaashadda Twitterka wuxuu noqon doonaa 520 x 260 px.

twitter9

6. Sida loo bedelo Sawirka yar ee Twitterka (Profile photo)

Sawirka (profile) si aad u bedeshid, marka hore riix  “Edit Profile“, kaddib riix sawirka yar ee dhexda shaashadda Twitterka, kaddib riix “Upload photo“, markaas sawir ka dhex raadi computerka si aad u soo dhex gelisid Twitterka (cabbirka sawirka kor ayaan kusoo aragnay). Kaddib riix Save Changes.

twitter8

7. Sida loo Bedelo Sawirka weyn ee dhanka sare ee Twitterka (Header image)

Sawirka weyn (Header image) si aad u bedeshid riix “Edit Profile“, kaddib riix calaaamadda qalinka u eg ee dhanka midig ee shaashadda Twitterka (eeg sawirka hoose), kaddib riix “Upload photo” , markaas sawir ka dhex raadi computerka. Kaddib guji batoonka Save Changes.

twitter11

Tweets (Qoraalka Twitter)

Dhambaalka ama qoraalka lagu diro Twitter-ka waxaa loo yaqaan Tweet. Waxaana halkii mar lagu diri karaa qoraal ka kooban 140 xaraf oo keliya. Wixii intaas ka badan waa ka go’i doonaan qoraalka.

Sidee loo qoraa Qoraalka Twitterka (Tweets)

Qoraal si aad ugu qortid Twitterka, waxaad samayn kartaa laba hab mid kood:

Habka koowaad ee qoraalka loo qoro waa: Riix calaamadda u eg baalka shimbirta ee dhanka sare ee xigta midigta ee bogga Twitterka (eeg sawirka hoose). Waxaa soo bixi doona sanduuq (ay kor kaga qoran tahay ‘What’s happening?‘) kaas oo lagu qori karo qoraalka oo ka kooban ugu badnaan 140 xaraf. Kaddib riix batoonka Tweet.

twitter13

Habka labaad ee qoraalka loo qoro waa: Riix “Home“, kaddib riix sanduuqa yar ee ay ku qoran tahay “Compose new Tweet“, markaas ayaa sanduuqa waxa uu noqonayaa mid lagu qori karo qoraal. Marka aad dhamaysid qoraalka riix “Tweet“.

twitter34

Haddii aad dooneysid in aad dirtid qoraal ka badan 140 xaraf, waa in aad u samaysid link ku xidhiidhsan website uu ku jiro qoraalka.

Maadaama sanduuqa wax lagu qoro ee Twitterka uu qaado 140 xaraf oo keliya, waxaa muhiim ah in qoraalkaasi noqdo mid xambaarsan dulucda waxa aad ka hadlaysid inta ugu xiisaha badana ama ugu muhiimsan. Taas oo akhristaha ku dhalin karta in uu xiiseeyo qoraaladaada ama sii akhristo linkiyada aad ku xiriirisay qoraalka oo dhamaystiran.

Sidee  Sawir loogu daraa qoraalka Twitter

Sawir haddii loo baahdo in lagu daro qoralak Twitterka, riix batoonka u eg sawirka kaamarada ee ka muuqda dhanka hoose ee sanduuqa qoraalka (eeg sawirka hoose)

twitter35

Marka aad qoraalka daabacdid, sawirkii wuxuu noqonayaa link ahaan ku xiriirsan qoraalka.

twitter36

Soo Koobid ama Gaabinta Linkiga

Sida kor ku xusan, Twitterka qoraalka lagu qori karo waa 140 xaraf oo keliya, sidaas daraadeed marka link dheer lagu daro qoraalada waxaa uu qaadanayaa xarfo badan. Haddaba si linkiyada looga dhigo kuwo kooban la adeegsadaa websiteyo linkiga yareeya ama soo gaabiya, waxaa websiyedaas ka mid ah  https://bitly.com.

Tusaale ahaan linkiga https://aqoonkaal.com/sidee-loo-samaystaa-facebook/ marka lagu yareeyo bitly.com waxa uu noqonayaa sidan http://bit.ly/1bkgGaq

Haddaba si aad u yaraysid link: Marka hore koobi ka samee linkiga dheer, kaddib booqo https://bitly.com adigoo linkigii aad koobiga ka qaadatay ku daabacaya websitekaas meesha khaanadda bannaan. Kaddib riix batoonka ‘Shorten‘. Waxaa markaas soo bixi doona shaashad uu ka muuqdo linkigii oo la soo koobay. Markaas riix batoonka ‘Copy‘ si aad koobi uga samaysid linkiga kooban. Linkigaas la yareeyey ku daabac qoraalkii Twitterka.

twitter21

Qaybta qoraalada ee Twitterka ayaad ku qoreysaa linkigii la soo yareeyey, sidan oo kale:

twitter22

Waa maxay faraqa u dhaxeeya Followers iyo Following

  • Followers: Waa dadka adiga jaalka kula ah ee akhrista ama la socda qoraallada adigu ku qortid Twitterka. Sidoo kale dadka “Followers-ka” ah waxay akhrisan karaana jawaabaha laga bixiyo qoraaladaada ama qoraal kasta oo si caam ah (public) loogu qoro Twitter-kaaga.
  • Following: Waa adiga qoraalada dadka kale ee aad akhrisatid ama la socotid Twitter-kooda, adiga ayaa noqonaya “Following” ama akhristaha qoraallada dadka kale.

Qoraallada aad qortid waxay ka muuqan doonaan qaybta loo yaqaan “Timeline” ee Twitter-kaaga iyo dhammaan “Timeline-ka” dadka adiga jaalka kula ah ama kuu ah (Followers), sidaas daraadeed ka taxadar waxa aad qoreysid ka hor inta aadan daabacin.

Marka aad rabtid in aad qof kale la socotid qoraalladiisa ama ‘Following’, waxaad magaca qofkaas ka baartaa qaybta “search’ ee Twitterka, markaaas riix magaca qofkaas, kaddib riix batoonka “Follow“.

twitter26

Retweet (Sii Daabac)

Haddii aad Twitterka ku aragtid qoraal xiisa badan, oo aad doonaysid in arkaan akhristayaasha adiga kuu ah Followers-ka, waxaad ku samayn kartaa habka loo yaqaan “Retweets” oo ah sii daabacid.

“Retweet” si loo sameeyo, qoraalka aad doonaysid in aad sii daabacid hagaha ama mouse-ka markaa ad ku beegtid, riix meesha ay ku qoran tahay Retweet. Markaas shashadda furanta riix meesha ay kaga qoran tahay ‘Retweet’.

twitter23

Hashtags (#)

Calaamadda # oo la raaciyey kelmed, sida #aqoonkaal waxaa loo yaqaan Hashtag, waxaana lagu dhex qoraa qoraalka Twitterka. Qoraalka lagu dhex daro kelmedda ay lasocoto calaamadda # waxa ay isku meel ka soo baxayaan qoraaladda lagu daro kelmeddaas ay la socoto Hashtag (#).

Tusaale ahaan haddii aad doonaysid in aad aragtid wixii laga yiri Soomaaliya, waxaad calaamadda raacisaa #Soomaaliya.

@Reply (Jawaab)

Marka aad doonaysid in aad u jawaabtid qoraal qof kale daabacay, hagaha ama mouse-ka markaas u dhaweysid qoraalka,  riix barta ‘Reply’ ee ka hoosaysa meesha qoraalku ku qoran yahay. Waxaa markaas jawaabtu ku bilaaban doontaa @MagacaLooJawaabayo, markaas jawaabtii ku qor meesha bannaan. (Haddii aad doonaysid inaad qoraal masaxdid riix Delete).

twitter20

Direct messages (Dhambaal toos ah)

Waxaa suurtagal ah inaad dhambaal khaas ah oo toos ah u dirtid qof kamid ah dadka ‘Followers-ka’ kuu ah. Haddaba dhambaal toos ugu dirtid qof kuu ah Follower, waxaad samayn kartaa laba hab oo kala ah:

Habka koowaad ee loo doro dhambaalka gaarka ah waa:

  • Riix linkiga ‘Followers’
  • Kaddib riix sawirka u eg madaxa madaxsawir ee ka muuqda barta qofka aad doonaysid in aad dhambaalka khaaska ah ee tooska ah u dirtid.
  • Markaas riix ‘Send a Direct Message
  • Markaas Sanduuq ballaaran ku qor dhambaalka oo ka kooban ugu badnaan 140 xaraf.
  • Markaas riix Send message

twitter19

Habka labaad ee dhambaal toos ah loo diro waa:

  • Riix batoonka u eg giraangirta giraangir ee dhanka sare ee xiga midigta ee bogga Twitterka
  • Markaas riix linkiga Direct messages
  • Riix batoonka New message
  • Markaas meesha bannaan ku qor magaca ama username-ka qofkaaad dhambaalka u direysid (FG: Waxaad dhambaal toos ah u diri kartaa oo keliya qofka adiga kuu ah Follower)
  • Markaas Sanduuq ballaaran ku qor dhambaalka oo ka kooban ugu badnaan 140 xaraf.
  • Markaas riix Send message

twitter17

Unfollow (Ka saar liiska dadka aad ku taxan tahay)

Marka aad dad badan la socotid oo aad u tahay “Following” waxay kaa buuxinayaan qaybta ‘Timeline’ ee Twitter-kaaga, waxaana dhici karta in qoraallo badani kusoo dhacaan. Waxaaan dhacda in loo baahdo in dadkaas qoraalada kugu asqaysiiyey laga saaro dadka aad la socotid ee aad u tahay ‘Following’.

Haddii taasi dhacdo waxaad riixdaa linkiga “Following”, kaddib qofka aad rabtid in qoraaladiisu aysan kuu imaan waxaad riixdaa batoonka ‘Unfollow“, markaas qofkaas qoraaladiisu kuma soo dhici doonaan Twitter-kaaga.

twitter15

Blocking (Xannibaad saarid)

Haddii aad doonaysid in qofkaasi uusan la socon qoraaladdada ama uusan wax jawaabo ah kuu soo dirin waxaad samayn kartaa xanimaad ama “Block”.

Xannibaad si aad ugu samaysid qofkaas, marka hore riix linkiga (Followers), kaddib riix sawirka yar ee u eg madaxa ee ka muuqda meesha uu ku qoran yahay qofka aad doonaysid in aad xannibaada saartid. Markaas riix meesha ay ku qoran tahay ‘Block” oo uu ku hor qoran yahay @magaca qofka aad xanibaysid (eeg sawirka hoose).

twitter16

Markaas qofkaas suurtagal uma noqon doonto in uu qoraaladaada la socodo ama jawaab kuusoo diro ilaa aad xannibaada ka qaadid (unblock).

Sababaha loogu biiro Twitterka

Twitterku waxay ka mid tahay aaladaha loo yaqaan ‘social media’ ee lagu xiriiro kuwoda ugu caansan. Sidaas daraadeed dad badani waxay ugu biiraan Twitterka si ay ugula xiriiraan asxaabtooda. Sidoo kale waxaa lagu faafiyaa xog iyo warar loogu talo galay in uu akhristo qof kasta oo Twitterkaaga booqa.

Waxaa kale oo loo adeegsadaa in lagu faafiyo akhbaar la xidhiidhta ganacsigaaga,. Tusaale ahaan in aad soo bandhigtid waxyaabaha aad kusoo kordhisey ganacsiga ama buug aad qortay iwm.

Waxa kale oo loo adeegsadaa waxbarashada, sida in casharro aad qortay linkiyadooda lagu faafiyo si akhristayaasha uu toos ugu gaaro casharka aad qortid.

Faa’iidooyinka adeegsiga Twitterka

Twitterka haddii si wanaagsan loo adeegsado waxa uu noqon karaa meel tixraac. Tusaale ahaan hadii aad dooneysid in aad arrin wax ka ogaatid, gaar ahaan wixii ay dadka Twitterka wax ku qoraa ka yiraahdeen arrin aad cilmi baaris ku samaynaysid, waxaad kelmedda aad baadhaysid ka hor marineysaa calaamadda # (Hash tag).

Tusaale ahaan, haddii aad doonaysid in aad baartid kelmedda Ciirtaa_Jug_Leh, waxaad qortaa #Ciirtaa_Jug_Leh. Waxaa markaas kuu soo bixi doona wixii laga yidhi ama laga qoray kelmeddaas Ciirtaa Jug Leh (Taas oo macnaheedu yahay dhulku waa barwaaqo oo caanaha haanta lagu lulayo ayaa jugtaas haysa.)

Haddii aad leedahay website ama aad tahay qore ama Blogger, waxaad Twitterka u adeegsan kartaa in aad akhristayaasha ku baraarugaan oo la socdaan qoraallada website-kaaga.

Haddii aad leedahay ganacsi, waxaad Twitterka u adeegsan kartaa in aad dadka bartid ganacsigaaga iyo astaanta ganacsigaaga. Shardi ma aha in asxaab badani akhristaan Twitterkaaga, balse marka aad jawaab ka bixisid qoraallo kale ee Twitterka, markaas magacii ganacsigaagu waa sii faafayaa, sidoo kale calaamadda ganacsigaaga ayaa la baranayaa. Waxaase muhiim waxa aad qoreysid in ay nuxur iyo faa’ido u leeyihiin dadka akhrisan doona.

Privacy (Ammaan ka dhig Twitter-kaaga)

Ka hor inta aadan qoraal ku qorin Twitterka, ku xisaabtan in dad akhrisan doonaan. Ku xisaabtan in axsaabtaada oo keliya aysan akhrisan doonin Tweetkaaga, sidaas daraadeed ka fiirso waxa aad daabacaysid, sida qoraallada, sawirada, video, iwm.

Sidoo kale Twitterka haku qorin akhbaar khaas kuu ah, sida cinwaanka gurigaaga, telefoonkaaga ama astaamo lagugu garan karo.

Waxaa dadka qaarkiis ku hodmaan ayagoo u malaynaya qoraalka ay qoreen in asxaabtooda oo keliya ay arkayaan. Waxaa muhiim ah in aad ku baraarugsanaatid marka aad qof kale Twitterkiisa ku biirtid oo jawaab ka bixisid qoraaladiisa, in dadka kale ee ku taxan ama akhrista Twitterka qofkaas kale in ay arki karaan jawaabtaada oo riixi karaan magacaaga, sidaasna ku booqan karaan Twitterkaaga.

Haddii aad doonaysid in qoraalladaadu noqdaan kuwo xiran oo ay akhrisan karaan oo keliya asxaabta aad aqbashid,, raac habkan:

Marka hore Login ku samee bogga aad ku leedahay Twitterka (account)

  • Riix  batoonka u eg giraangirta giraangir ee dhanka sare ee xiga midigta ee bogga Twitterka
  • Riix linkiga ‘Settings
  • Riix linkiga ‘Security and privacy‘ oo ah dhanka bixid ee shaashadda
  • Markaas calaamadi meesha ay ku qoran tahay ‘Protect my Tweets‘ – oo ku qoran qaybta Privacy ee dhexda shaashdda.
  • Markaas riix batoonka “‘Save Changes” ee dhanka hoose ee shaashadda. (Haddii ay kuusoo baxdo shaashad ku weydiinaysa Password, kuqor furaha aad ku soo gashidTwitter-kaaga)

twitter27

Wixii markaas ka dambeeya qoraaladaada waxaa arkayada dadka aad aqbashid (FG: Dadkii hore kuugu jirey Twitterkaaga ee ku ahaa Followers-ka waa arkayaan qoraaladaada. Casharka qaybtiisa sare ayaan kusoo aragnay sida Twitterkaaga looga saaro ama looga xanibo qof kujira Followers-kaaga.)

Marka qof cusub isku dayo in uu kusoo biiro Twitterkaaga, waxaa usooo baxaysa shaashad u tilmaamaysa in Twitterkaaga ay akhrisan karaan dadka la ansixiyo oo keliya. Markaasna qofkaas ay u furan tahay in uu soo dalbado in uu kuu noqdo Followers, laakiin uu sugo inta la ansixinayo ama la diidayo.

twitter29

Markaas qofka soo dalbaday si aad u ansixisid ama u diidid riix “Home“, waxaad arki doontaa dadka soo dalbaday. Tusaale ahaan hadda waxaa sawirka hoose ka muuqda in hal qof soo dalbaday. Marka la riix ‘1 new follower request‘.

twitter31

Waxaa markaas soo bixi doonta shaashad ay ku qoran yihiin ‘Accept‘ (Aqbal qofkaasi in uu akhristo qoraalladaada) ama ‘Decline‘ (Diid qofkaasi inuu akhristo qoraalladaada).

twitter32

Waxaa muhiim ah in aad ogaatid in aysan jirin wax 100% ammaan ah marka laga hadlayo Internetka. Sidaas daraadeed “Hadalku wuxuu ammaan kuu yahay inta aadan riixin batoonka Tweet” . Sidaas daraadeed ka fiirso inta aadan daabacin.

twitterkaMarkasta oo dooneysid in aad Tweet daabacdid ama akhridid, khasab kuguma ah in aad markasta booqatid websiteka Twitterka, waxaa jira barnaamijyo computerka lagu rakibo ama lagu rakibo Telefoonka gacanta oo loo adeegsado Twitterka, sida: TweetDeck, HootSuite, Twitterific, Twhirl, MetroTwit, iwm.

Gabagabadii, Twitter waxaa ka buuxa waxyaabo wanaagsan iyo waxyaabo anshax xumo ah. Sidaas daraadeed waxaa muhiim ah in waalidku xirfad u yeeshaan sida uu u shaqeeyo Twitter, islamarkaasna ku baraarugaan waxa ka socda bogagga Twitter ee carruurtoodu booqdaan, islamarkaasna ay waalidku aqoon guudna u yeeshaan habka uu u shaqeeyo Twitterka.

Twitterka waxaa adeegsada 218 million oo qof, Facebook waxaa adeegsada 1.1 billion qof, Google+ waxaa adeegsadaa 500 qof. Arrintaas waxay muhiim ka dhigeysaa in waalidku xirfad u yeeshaan aaladahaas loo yaqaan ‘Social Media’, si aan carruurtoodu ugu dhicin halista ka imaan karta adeegsiga aaladahaas.

Casharkan waxaan kusoo baranay sida loo isticmaalo twitterka, waxaana rajaynayaa in aad aqoon guud ka kororsatay.

Akhri: Sida ugu Fudud ee Facebook Loo Samaysan karo iyo Talooyin ku saabsan adeegsiga Facebook

Qore: Maxamed Cali (@aqoonkaal)

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Halkudheg:

Bookmark and Share

21 Jawaabood

  1. Timacade says:

    Salaan kabacdi Macalim Maxamed Cali waad mahadsan tahay sidafiican ee aad usharaxday casharadii kusaab sanaa sidaloo adeegsado Twitter aad ayaad ufaah faahisay waana kumahad santahay waqtigaaga qaaligaa ee aa kubixisay, Shukran.

    • Maxamed Cali says:

      asc walaal mahadsanid, adigaana mudan wanaag oo dhan, waana ku faraxsanahay in aad casharkan ka faa’iidey. Mahadsanid.

    • khaalid says:

      marka hore السلام عليكم
      wllo maxamed aad iyo aad ayaad u mahad santahay
      cilmiga aad dadka baraysid
      mahadsanid

  2. abdi says:

    wllo marka hore asc ilahay ha kugu anfaco faaidaysiga aad dadka somaliyeed uu faaiidaynaysid waxan raadinayay qof aan ,a barto twiterka dadka waxay isticmalaan fc book laakin mayaqanaan twiter somalid u wan wayaya qof ifahamsiyaa waxan radinayay qof dhaqan ah oo dibadada ka yimid oooo aan ka faaiidaysyto marka waan ku ducaynaynaaa ahadanu nahay dadka somaliyeed ee ka faaiidaystaa casharadada
    waxan kale oo aan website kaga ka faaiday html dhamantii oo aan himka arday jamaacada dhigta aan ka caawiyo laakin ilaa himka sida wordpress ka loo isticmaalo ayaa aqaabadi iga hortagan tahay sida marka cpanel ayuu rabaa host ah am
    meeshi hostga laga soo rogon jira yee byethost si kale ayay isku badasha y marka hadii host free ah iga caawinaysid si aan wordpress uu isticmaalo

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal mahadsanid jawaabtaada. Walaal websiteka free-ga ah waxaan qiyaasayaa in uu weli shaqaynayo. Eeg linkigan byethost.com/free-hosting/news

  3. asc waan ku salaamay macalinkeyga qaaliga ah macalin max’ed cali,waana kaaga mahadcelineynaa sida wanaagsan oo aad noogu faaiideyso computer iyo arimaha quseeyo intooda loogu jecel yahay,alle hakaa abaal mariyo macalin ayaan ku leeyahay..sanad ka hor ayaan bilaaway booqashada website-kaan anigo google wax ka baarayo ayaan link ahaan ku soo galay kabacdina kama harin.waxan booqdaa waqti walbo oo aan firaaqo helo sidaan duruusta uga faaiideysto kuwa cusubna aan ula socdo,,mana wanaagsano qoraalkaada inan ka faaiideyso hadana aan kuu mahad naqin.macalin alle haka abaalmariyo ayaan ku leeyahay sida wanaagsan oo noogu dadaasho haddan nahay dadka af-soomaaliga ku hadlo waxana ku leeyahay noo sii wad casharada inta aad jaanis u heleyso insha allah.

    • Maxamed Cali says:

      asc walaal Zakariye mahadsanid, waana ku faraxsanahay in aad ka faa’iiday qoraalada websiteka. Mahadsanid.

  4. asc macalin waxan kaa codsaneynaa aniga iyo inta igu fakirka ah inad noogu soo kordhiso muuqaalo tarjuman oo ku saabsan computer iyo wixi quseeyo,sidokale wararkii u danbeeyay ee tiknoloojiyada oo wahbaahinta caalamka ka baxo maqaaladoda haba yaraadeen hadey kuu suurta galeyso insha allah.mahadsanid macalin

  5. cali isse says:

    Ascwrwb

    Walaal maxammed ali iyo walaalaha Soomaaliyeed waan salaamayaa, waxaan doonayey inaan aqoonyahan Maxamed cali uga mahadceliyo casharka muhiimka ah ee aan ka qaatay, oo aan filayo in dad badani ka faa’iideysteen.

    Shukran, jazakallaahu kjhayran. – walaalkii jira!

  6. Dahir says:

    masha Allah… mahadsanid walal.. hawl fiican baad haysaa halkaas kawad. thank you

  7. Maxamad says:

    Walaal aad ayaad ugu mahadsantahy aqoonta aad nooo kor dhisay waxaan codsanayaa hadii casharka la dajisankaro sababtoo ah waxaan istcmaalaa talleefoon mana laga arkayo tusaalayaasha sifiican marka hadii ay suurta gal tahay in ladajisto mahadsanid

    • Maxamed Cali says:

      Walaal Video-yada badanaa waxay ku jiraan Youtube, waxaana jira hababa loo soo rogan karo video ku jira Youtube-ka.

  8. Deeq-cade says:

    Asc waad mahad san tahay ustaad allaha kaa abaal mariyo, waxaan ku waydiinaa barnaamij kan tweter ma lee yahay online chat sida facebook ga oo kale frinds ka ma ula sheekaysan karaaa thnks

  9. Abdikhadar says:

    Asc wll maxammed Ali aad iyo aad ayn kuugu mahad celinayaa 100% waayo aad ayuu ii anfacay casharkaagan waan mid loo baahanyahay in la barto shayada sidan oo kala ah wdna ku mahadsantahay, wna qaatay anigu shakhsiyan talooyinka wanaagsan ee aad meesha ku soo qortayna.

    Thanks to ALLAAH.

    • Maxamed Cali says:

      Asc, walaal Abdikhadar aad ayaad u mahadsan tahay, waaan ku faraxsanahay in aad qoraalka ka faa’iiday.

  10. somalia na kuma jirto

  11. Ustaad Maxamed Cali aad iyo aad ayaad u mahadsantahay runtii waxyaabo badan ayaan ka faa’iiday casharkaan iyo kuwa kale oo ka horeeyay.
    waxaan ku leeyahay ILAAHAY hakaa abaal mariyo ustaad.
    Full respect !

  12. waxaan doonayaa inaaan noqdo ninka aduunka ugu lacag badan

  13. Abwaan shirdoon says:

    Asc waad mahad san tahay ustaad allaha kaa abaal mariyo, waxaan ku waydiinaa barnaamij kan tweter ma lee yahay online chat sida facebook ga oo kale frinds ka ma ula sheekaysan karaaa thnks

  14. Abdi hafid says:

    walaal aad baan Ku salaamayaa waana mahd santhy tlada fiican aad waddo waana I an facaan markasta ilaahay hakaa abaal mariyo jantul frdawso

Jawaab u qor abdi