Video: Sidee Gmail looga sameeyaa Emailo u khaas ah Websitekaaga

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Monday, January 23, 2012 | 15 Jawaabood

« | »

Sida Gmail looga Sameeyo Email webkaaga ku suntan :

Casharkan waxaan ku baran doonaa sida Gmail looga sameeyo emailo u khaas ah websitekaaga, waxaana Emailkaagu noqoneysaa: adiga@websitekaaga.com, halkii aad ka adeegsan lahayd adiga@gmail.com.

Arrintaas si loo hirgeliyo, taallaabooyinka la qaado waxaa ka mid ah:

  1. In la diiwaan geli Google Apps – oo laga samaysanayo Google
  2. in la Xaqiijiyo in aad adigu leedahay Websiteka
  3. in la is-waafajin Emailka Google iyo Emailka Websitekaaga.

Waxaana la adeegsadaa:

  1. Google Apps: Si aan websiteka loogu sameeyo email uu marti gelinayo Google (Gmail)
  2. FileZilla: Oo aan u adeegsanayno xaqiijinta websiteka
  3. Cpanel: Si aan emailka Google u waafajino emailka websiteka.

Xaggee Laga Diiwaan Geliyaa:

Google Apps waxaa laga diiwaan geliyaa linkiyadan:

MX Record:

MX (Mail Exchanger record) – Waa nidaamka suurtagal ka dhigaya in serverku aqbalo dhambaalada Emailka

Haddaba MX-ka Google Apps waa in la waafajiyo webasite.Waxaana la adeesgadaa CPane.

FG: Serverada qaar ayaan Cpanel-koodu ka duwan yahay sida aan soo aragnay, marka la xiriir Martigeliayaha websitekaaga.

Xaggee Laga Maareeyaa Emailka:

Marka la sameeyo emailka u khaaska ah website, waxaa laga maareeeyaa:

  • http://google.com/a/websitekaaga.com

Waxaa kale oo emailada si toos ah looga daalacan karaa :
www.gmail.com ama www.googlemail.com

Arrimahaas faahfaahintooda ka daawo labada Video:

Video 1aad:

Video 2aad:

FG: Si loo hubiyo in emailku ay si hagaagsan u rakibantay, isla markaasna ay isfahmeen serverka iyo gmailku waxaa laga hubin karaa websiteka http://mxtoolbox.com/

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Bookmark and Share

15 Jawaabood

  1. shakur oamr says:

    asc. waxaa dahoonayaa in aan idiin sheego link video ga waa qaldan yahay ama error .maxaayeelay mafurmaayo. thanks

    • Maxamed Cali says:

      Asc: Walaal wax cillad ah ugama jeedo Video, laakiin adigu dalkee joogtaa, khadka Internetka ee aad adeegsanaysaana waa noocee, DSL, Cable, Dial-up, mobile? Fadlan iisoo sheeg si aan u ogaado cillada. Mahadsanid.

  2. sambuuz says:

    maxamed waa cashar aad u wanaagsan waa mahadsan tahay walaal

  3. Jabriil says:

    ASC Bahda Websitka Aqoonkaal,

    Marka hore iga guddooma salaan qiimo badan bahda Shabakadda Aqoonkaal.com, si gaar ah waxaan u salaamayaa macallimkeygii aan wadada ka soo leexin karin ee ka mida bahda Aqoonkaal oo lagu magacaabo Maxamed Cali.

    Macallim Maxamed Cali waxaan kaaga mahad celinayaa casharada quruxda badan ee aad halkaan ku soo bandhigtay, anigoo runtii lib iyo abaal aan gureynin kaaga hayo aqoonta dheeraadka ah ee aad ii faa’iideysay.

    Mahad celin dhammaanteed Alle SWT ayay u sugnaatay, kaddibna aniga xageyga adiga ayaan kuu mahad celinayaa.

    Ma aha ammaanta aan halkaan kaaga muujinayo mid ciyaar geli karta, waayo aniga waxaan ka mid ahay bahda Webmasterada qarniga 20-ka sano ku soo jiray ee u dhuun daloola habka dhismaha websityada HTMLka iyo PHP-ga, waxaana kaa codsanayaa marka ay farriintaan ku soo gaarto inaad ii soo jawaabto anigoo weli aan oon bixin aqoontaada biyaha badda ka mug weyn ee aad u leedahay dhismayaasha qaababka Websityada.

    Dhammaan bahda Aqoonkaal cimrigiina ha jiro ha joogo.

    By.Walaalkiin Jabriil M. Nor (Jabra)
    Muqdisho – Soomaaliya

    • Maxamed Cali says:

      Asc: Walaal Jabriil M. Nor, aad ayaad ugu mahadsan tahay dhambaalkaaga, dhiiri gelintaada iyo ducadaada, sidaas oo kale ayaan xushmad iyo qadarin ugu hayaa dhammaan inta aqoonta ka kororsatay websiteka AqoonKaal. Dhankaygana waanku dadaalayaa in aan sii kordhiyo casharada intii Allah i fahamsiiyona aan usii faa’iideeyo akhrirstayaasha insha Allah.

      Mahadsanidin.

  4. ahmed says:

    asc walaal mahamed cali waad ku mahadsan tahay
    aqoontaada aad nuugu deeqay wll alle miisaanka
    xasanaadka ha kuu saaro walaal waxa uu dhib iga haysaa
    casharada Video ah ee soo galiso aqoonkaal.com
    waayo waxaa Blocked ku sameya shirkada INTERNET ka
    bixisa walaal marka maxaanku xalinkaraa walaal

    mahadsanid

    • Maxamed Cali says:

      ASC walaal Youtube.com miyaa shirkaddu block ku samaysay, waayo casharkaasi waxa uu ku jiraa Yutube. Dalkeese joogaa, waxaan dalka kuu weydiiyey waxaa jirta in dadka jooga dalka China ay marmar dhib ku noqoto Youtube oo ay badanaa Shiinaha laga isticmaalo Youku.

  5. ahmed says:

    wcs walaal maxamed cali waxaan joogaa soomaiya
    gaar ahaan putiland magaalada boosaaso walaal waxay Blocked ku sameyeen Youtube walaal & Video ku jira
    aqoonkaal.com walaal maxaan ku xalin karaa walaal
    mahadsanid

    • Maxamed Cali says:

      ASC walaal khadka soomaaliya waxa uu u badan yahay dial-up kaas oo aan xamili karin video-ga, waxaana sidaas la mid ah dalal badan oo uusan weli gaarin cable-ka isku xiriiriya khadka Internetka. Marka haddii aan su’aal kale ku weydiiyo Video-ga ku jira Blip.tv makuu soo baxaa mase waa la miid Youtube oo waa xaniban yahay.

  6. Abukar Abu says:

    salaamu lahi caleykum run ahaanti aad iyo aad ayaan uga fa.idaystay maclumatka aad isoo dirtan waxana uga faaidaya saxibaday qaas ahaan youtobka oo aad ka xiraysid carurta wax yalaha xun xun. tasina waxaan idin leyahay ajar iyo xasanat illahay ha idanka siiyo dhamaan aqayarta kasoo shaqaysay .

  7. Safiya says:

    Asc ww, walaal waxaan ku leeyahay maashaa Allaah, Ilaah ha ku barakeeyo. Xaqiiqdii waa wax lagu faano mudanna in lagaaga daydo sida wanaagsan ee aad isugu taxallujisay uguna guuleysatay inaad afkaaga hooyo ugu gudbiso aqoontan muhiimka ah bulshada Soomaaliyeed. Si aad ah ayaana kuugu hambalyaynayaa.

  8. siyaad says:

    walaal maxamed cali aad ayaan kuugu mahad calinaa waxaan kaa faaidayna ma koobi karo waxaan digtaa jaamacad mana ka faaidin waxaan aqoonkaal kafaaiday sababtana waxaay tahay waxaad wax ku qorteen afka hooya waliba idinka oo eraybixin ku samey waadna mahadsan tahiin

  9. Deeq Cali says:

    asc
    marka hore mahad ilhaybay usugnaatay, marka xigta waxaan halkan uga mahad celinayaa macallinkayga anoon arkin sida wacan wax iibara iina fahan siiya soona kobciyey aqoontayda anigoon goob wax barasho utagin aqoonta qaarkeed, macallinkaas oo magaciisa layidhaahdo maxamed cali, mar labaad iyo mar seddexaadba waad mahadsan tahay macallin, sida aad dad waynaha soomaaliyeed meel kastauy joogaanba aad diyaarka ugu tahay heegan doonaya inay ha haqabbeelaan aqoonta ilahay kubay, waxaad kahelaysaa ajar iyo xasanaad aan lasoo koobi karin, ilaahay cimrigaaga hadheereeyo teacher.
    annaguna waxan kudadaalaynaa inaan si hagar la’aan ah uga faa’iidaysan doonno casharrada wax ku oolka ah insha allaaa.
    mahadsanid macalliin

  10. c/laahi cali maxamed says:

    asc dhamaan dadka is ku xilqaamtay in ay bulshada aqoontooda uga faa ideeyaan marka 1 waa ay kumahadsanyihiin marka 2 waxaan leeyahay sii wada oo ha joojinina dadaalka aaad ulshada wax uga qabataan

Qor Jawaabtaada