Sida Computerka Looga Difaaco Shuftada Internetka (AntiVirus iyo Firewall lacag la’aan ah)
« Casharkii Hore | Casharka Xiga »
Haddii aad leedahay Computer tallaabada ugu horaysa ee kula gudboon waa in aad ku dadaashid sidii aad uga hortegi lahayd waxa loo yaqaan Viruska, maadaama ay internetka ka buuxaan shufto u heellan samaynta aaladaha lagu dhibaateeyo computerka, computerkana uga difaaci lahayd weerarada ay soo qaadaan shuftada internetku.
Virus haddii uu aafeeyo computerka waxaa halis ah in ay tirtirmaan dhammaan barnaamijyada iyo macluumaadka kuugu kaydsan computerkaas, ama gebi ahaanba uu computerku noqdo hawl gab aan shaqaynayn.
Waxaa taas ka sii daran in computerkaaga loo adeegsan karo goob laga faafiyo Viruska oo lagu weeraro computerada kale adigoo aan ka war hayn.
Haddaba, in aad computerka ku rakibtid barnaamijyada loo yaqaan AntiVirus waa tallaabada koowaad ee ka hortagga Viruska. Waxaana jira barnaamijyo AntiVirus ah oo tayo wanaagsan, islamarkaasna lacag la’aan ah (sida aan hoos ayaan ku arki doono.)
Laakiin, barnaamiyadaas Antivirus-ka keliya laguma kaaftoomo ee waxa kale oo computerka lagu rakibaa barnaamiyada Firewall, kuwaas oo gidaar difaac ah u noqon kara computerka. Waxaana jira Firewalls tayo wanaagsan oo lacag la’aan ah.
Qoraal ay faafisay jariidadda PCMagazine horraantii 2013 ayay ku bilowday sidan:
Haddii aad akhrinaysid qoraalkan, islamarkaasna computerka uusan kuugu jirin barnaamij AntiVirus ah, hadda joogi akhrinta qoraalkan oo degdeg computerka ku rakib AntiVirus lacag la’aan ah, markaas waan kuu mahad celinayaa, maadaama aad ka qayb qaadatay yaraynta computerada aan difaaca lahayn, waxaadna ka qayb qaadatay yaraynta computerada la aafeeyey ee ay ka dhex adeegtaan shuftada internetku.
Arrintani in aysan yaraysi lahayn waxaa cadaynaya cilmi baaris ah samaysay shirkadda Symantec dabayaaqadii 2011 waxay ku ogaatay in shuftada/burcadda internetku khasaaradii ay sanadkaas geysteen ay kor u dhaafaysay $114 billion oo doolar, ayadoo khasaarada la gaarsiiyey $274 billion. Waxaa cilmibaaristaasi sheegtay in sannadkaas shuftada internetku saameeyeen 431 million oo qof oo qaan gaar ah, waxaana arrintaasi khasaarada ay ka geysatey dacalada dunida lagu qiimeeyey $388 billion oo doolar, taas oo isugu jirta khasaare toos ah iyo waqti lumis ay geysteen burcadda internetku (waa hanti maal ah, hanti maskaxeed iyo wati dhumay oo ay geysteen, marka ka taxadar).
Haddaba waxaa muhiim ah in computerka uu kuugu jiro AntiVirus iyo Firewall kaa difaaca burcadda Internetka.
AntiVirus: Ka hortagga Virus-ka Computerka
Waxaa jira barnaamijyo badan oo ah AntiVirus, waxayna isha ku hayaan in uu computerka soo wajaho Virus, markaas ayey seeftooda galka kala baxayaan, guntigana adkaysanayaan siay tabco ugu dhigaan Viruska. Waxaana halkan ku xuseynaa kuwo tayo wanaagsan oo lacag la’aan ah:
AVG: waa barnaamij difaaca ama ka hor taga Viruska
- AVG waxaa laga soo rogan karaa http://www.avg.com/
- ama toos ka soo rogo linkigan http://www.avg.com/us-en/free-antivirus-download
Avast: soo caan baxaysa sanadahan dambe, waxay difaacdaa Viruska computerka
- Avast waxaa laga soo rogan karaa http://www.avast.com/
Avira: waa barnaamij tayo wanaagsan oo difaaca Viruska computerka’’.
- Avira waxaa laga soo rogan karaa https://www.avira.com/
- ama toos uga soo rogo linkigan https://www.avira.com/en/avira-free-antivirus
Firewall: Gidaarka Difaaca ama Gaashaan
Firewall waa barnaamijyo u dhaqma sida gaashaan computerka lagaga difaacayo barnaamijyada weeraraka ku soo ah. Waxa kale oo Firewall-ku ilaaliyaa in barnaamijyada kuugu jira computerka aysan internetka ku xiriirsamin adigoo aan ka war hayn.
Barnaamiyada Firewall ee lacag la’aanta lagu soo rogan karo waxaa kamid ah:
ZoneAlarm: oo waardiye u noqon kara computerka, uma ogolaado barnaamij aadan ogeyn in uu soo galo computerka ama barnaamij kuugu jira computerku u dhaqaaqo dhanka internetka.
- ZoneAlarm waxa laga soo rogan karaa websiteka http://www.zonealarm.com/
- ama toos uga soo rogo linkigan: http://www.zonealarm.com/security/en-us/zonealarm-pc-security-free-firewall.htm
Comodo: oo difaac u noqon kara computerka, waana barnaamij isku daya in aan computerka la soo dhex gelin.
- Comodo waxaa laga soo rogan karaa websiteka http://www.comodo.com/
- ama toos uga soo rogo linkigan http://www.comodo.com/home/download/download.php?prod=firewall
Nadiifin Computerka uu aafeeyo Viruska
Malwarebytes Anti-Malware waa barnaamijka ugu cawaandisan ee lagu nadiifiyo computerka uu aafeeyey Virus-ka. Waxaa xusid mudan barnaamijkan Malwarebytes uusan ahayn gidaar difaaca viruska kusoo wajahan computerka, balse arrinta aan lagu gaarayn waa nadiifinta computerka kaddib marka uu saameeyo virusku.
- Malwarebytes waxaa laga soo rogan karaa https://www.malwarebytes.org (FG: waxaa uu ka kooban yahay qayb lacag ah iyo qayb lacag la’aan ah)
Comodo Cleaning Essentials Waa barnaamij aan wax badan ka liidan Malwrebytes, waxaana uu ku wanaagsan yahay in computerka uu si xeel dheer uga nadiifiyo Viruska.
Talo gaar ah
Waxaa muhiim ah in computerka ay kuugu jiraan hal AntiVirus iyo hal Firewall. Sida kor ku xusan AntiVirusku wuxuu isha ku haynayaa Viruska, halka Firewall ahaanayo gidaar difaaca barnaamijyaad weerarka ku soo ah computerka.
Waxaana muhiim ah in aad ku baraarug-sanaatid in aaladahaas difaacu aysan boqolkiiba boqol difaaci karin weerarada joogtada ah ama cusub ee burcadda internetka. Sidaas daraadeed waa in markasta koobi (Backup) ka samaysatid barnaamijyada muhiimka ah ee kuugu jira computerka, si haddiiba khasaare dhacdo aad u haysatid nuqul ama koobi.
Waxaa kale oo muhiim ah in aad ka taxadartid computerada dad u dhexeeyaha ah ama yaala goobaha loo yaqaan Internet Coffee.
Talada Akhristayaasha
Fadlan hoos ku qoro wixii talo ah oo aad soo jeedineysid ee la xiriira difaaca computerka iyo haddii ay jiraan dhibaato kaa soo martay Virus computerka kaa aafeeyey, si looga taxadaro, la wadaag akhristayaasha.
Waxaan rajaynayaa in casharkan kooban aad ka faa’iidey.
Qore: Maxamed Cali Aaden (AdoonKaal.com)
« Casharkii Hore | Casharka Xiga »
Faafin: AqoonKaal.com
Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook
asc bahda aqooonkaal dhamaan waad salaaman tihiin salaan kadib aniga waxaa igu dhacay computerkayga ayaan waxan dhex dhigtay data 30GB gaaraysa maalmo kadibna waan waayay shaqsi ama ruux kale ilama isticmaalin computerkayga
waxan kacodsanayaa bahda aqooonkaal dhamantoood inay iisheegaaan si aan daata-daydiii kusooo ceshodo (data recovery) ama wax lamid ah waayo ad ayay muhiiin iiigu tahay walaale fadlan icaawiye
Asalaamu-calaykum walaal computer ayaan format gareeye xogtiina waxaa kaga shubtay falaash, hadhow ayaan damcay inaan flaashtii xogtii kala wareego mise intii badnayd file-sha waxay noqotay short-cut mana furmayaan .
maxaa lagu samayn karaa marka
asc walaal aad ayaad umahadsantahay mohamed aadan runtii waan kafaaidaysanay casharkaagan iyo kuwii horaba alaha kaa ajar siiyo aamiin. walaal waxaan kuwaydiin lahaa computer aan format gareeyay intuuu virus iiga dhacay markaas ayaan datadii kumbuyuutarka kushubtay folderka D waxanan format gareeyay folder C markaa kadib waxii data oo kujiray FOLDER D kalarkoodii waa isbadalay, mashaqaynayaaan, mana laga qaadikaro oo kumbuyuutarkale laguam shubi karo. fadlan talo makagaysankartaa… hope you.
waad mahadsantahay saaxiib ilaah cilmigaaga hakuu barakeeyo, aad baan uga faaiidnay casharradaada.
hadyad:
waad sii hadyeyn kartaa, webabkiinna waad ku faafin kartaa haddaad ku qanacdo.
Ascw,
Si weyn ayaan kuugu mahad celinayaa xilka shakhsiyadeed aad qaadatay macallin waa laga faa’iday, ha joojin sidoo kale
waxaan kaa codsanayaa inaad ka qeyb qaadataan turjumidda google ee afkeenna Soomaaliga, waa bilow dadaal ku yimi laakiin u baahan hawl aad iyo aad u baaaxad weyn.
Qof ahaan waxaan IT ka marayaa xoogaa heer meel iska wacan. Adiga iyo rag kaloo kula mid ah waa u duceynaa sababta wax qabadkiina daacadda iyo hagar li’ida ka muuqato ayaad miro dhashay keentayna inaan heer kale u sii gudubno.
asc walaal cumar aad ayaan kuugu mahad celinayaa xiriirkaaga iyo dhiiri gelintaada, waa dadaalaynaa insha Allah.
waad mahadsan tihiin waxaan kaa codsanayaa inaad noo soo galisaan setupkooda
waxaan mar labaad macalin kaa codsanayaa inaad noo samayso cashar ka hadlaya sida gmail vedeo loo dhigo
Macallin waad ku mahadsan tahay dadaalkaaga.
Macallin waxaan kaa codsan lahaa in aad ii sheegto:-
b. Haddii Kaspersky antivirus iigu jiro computerka soo iguma filla, mise kuwa demo-da ah ayaa ka fiican? sida, Avasta, AVG iyo Avira.
t. Midda kale haddii computer-ku iigu jiro Firewall-ka default-ga ah ee computer-ku ku yimaado, ma iiga filan yahay baahida firewall-ka?
j. Tan ugu dambaysa oo aan Macallin ku weydiin lahaa, waxa weeye: Macallin data ayaa virus iga aafeeyey, data-diiwaxa ay iigu jirtaa cajal external HDD-ah mana furmayso, sida document ku qoran word, markii aad furtid waxaa kuu soo baxaya qoraal corrupted ah.
sidaa darteed waxaan kaa codsanayaa haddii aad iga caawin karto arrintaas, faah-faahin ama setup ii sahlaya in uu ii furmo document-gaas.
waad ku mahadsan tahay Macallin waqtigaaga qaaliga ah ee aad noo hurtid, si walaaltinimo ah.
asc walaal Abdiaziz marka hore mahadsanid,
b. Kaspersky in kasta oo aanan anigu isticmaalin haddana qoraalo badan iyo cilmi baarisyo aan akhriyey waxay ku tilmaamaan in uu yahay antivirus wanaagsan
t. Waxaa haboon in aan lagu kaaftoomin firewall-ka dafaultiga ah, waxaa haboon in lagu siyaadiyo kuwo kaabayaal u ah ama kasii xoog weyn, waxaa ka mid ah ZoneAlarm http://www.zonealarm.com/security/en-us/zonealarm-free-antivirus-firewall.htm iyo Bitdefender http://www.bitdefender.com/solutions/free.html iwm
j. haddii Virus galay HDD waxaad isku daydaa in aad ku nadiifisid antivirusyada sida https://www.malwarebytes.org waayo marka faylasha uu aafeeyo virusku ma furmi karaan ilaa la nadiifiyo.
macalin maxaa xal u ah computer ciladani ku dhacday ( WINDOWS detected a hard disk problem
Haddii aad aragtid cilladaas waxa ugu horeeya ee aad samaynaysid waa in aad koobi BACKUP ka samaysid wixii macluumaad ee kuugu jira COMPUTERKA, waayo waxaa dhambaalkaasi hordhac u noqon karaa Hadr driveka oo cillad weyn kusoo socoto, marka horta koobi ka samayso wixii macluumaad muhiim ah ee kuugu jira.
Waxaa jira siyaabo loo turxaan bixiyo dhambaalkaas, sida jawaabaha laga bixiyey websiteka microsoft tibaaxayaan eeg http://answers.microsoft.com/en-us/windows/forum/windows_7-system/windows-detected-a-hard-disk-problem/04a301bc-e063-429d-ac93-f8f4062e5d62?page=3
macalin managa filan yahay fire wll ku jira computerka ee orginalka ah in aan isticmaalno oo kaliya
walaal inta badan si ammaanka loo sii sugo waxaa haboon in firewall dheeraad ah iyo antivirus lagu siyaadiyo kan caadiga ah ee windowska si difaacu usii hagaago
Injineer Mohamed, aad baad u mahadsantahay waxaan joogaa magaalada Muqdisho, walaalle waan soo arkay profile kaaga, maragna uma baahna garabka aad siisay arday aan ugu horreeyo oo ku wareersaneyd Web design and HTML developing, waxaan kaa codsaneynaa inaad shaqadan noo sii wadid insha allah
Asc mahadsanid walaal Abdulshakur, waan dadaalayaa.
waxaan isticmaalaa microsoft security essential waana free sidduu yahay barnaamajkaas?
aad band ugu mahadsantahay waqtigaaga qaaliga ah ad noo hurtay ad ban kaaga mahad celinaya alle hakaa abaaal mario
waad ku mahadsantihiin in badan ayaan ku mashquulsanaa raadinta frre antvirus oo tayo wanaagsan leh
aqoonkaal mar labaad mahadsanidiin
asc wr wbr aad baan usalaamayaa aqoon yahankan xilka iska saaray inay ufaa,iideeyaan dhamaan shacabka somaliyeed waana wax lagu faano runtii shaqada aad qabateen ama aad bulshada uhaysaan waxaan jeclaan lahaa inaad soo dhigtaan ama nooga faa,iidaysaan barnaamijka wordpress ka layidhaahdo iyo sida loodhiso website yada hadii ay suurta gal tahay ood noo qaban kartaan waxaan jeclaan lahaa inaan dhisto website anigoon shaqis hoos tagin kuna bixin kharash aanan runti mararka qaar awoodin mmahadsanidin
asc wllo run ahaantii aad ayan uga faaidaysanay cashiradan ilahay cilmigaga haku kordiyo jazaka allah
Mahdsanid walaal
asc bahda aqoonkaal aad ayad igu mahadsantihin
inta uu u horeeyo maxamed cali aqoonkaal waan idiin mahadnaqayaa mcilmiga aaad uga faa’iidaynaysaan dadka soomaaliyeed ee aad afkoodii hooyo ugu soo guuriseen kana mid baan ahay inta u diyaarka ah inay ka faa’iidaystaan.
mahad oo dhana waxaa iska leh ALLAAH.
sxb dhab ahaan aad baan ga fa iidaystaa casharada aad soo gelisaan AQOONKAL runtiina sida magacaba ka muuqata aqoonyahamiin mutadawiciin ah ayaad tihiin aad baan idinku ammaanayaa shaqadaaad bulshada somaaliyeed u haysaan ALLAAH ayaa idinka abaal marindoona sxbayaal anna dhab ahaan waan la dhacsanahay shaqadaa culs ee aad waddaan
add ayaad umahadsantihiin ilaahay waxaaan ‘
idiinka baryaaya aa aduun iyo aakhriba
kuwii loo raaxeeyo
mahadsanidiin dhamantiinba
aqoonkaaley
ilaahay
haydiin siyaadiyo aqoonta inshalaah ,
aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin dhamaanba haw galayaasha AQOONKAAL waanad salaamantihiin
aniga oo jooga magaalada madaxda togdheer gaar ahaan burco
barnaamijkana runti waa laga daneeya guud ahaan soomaliland gaar ahaana burco ilaahay haydin ka abaal mariyo
Asc aad ba u mahadsan tihiin macalin computer ayaan haysta antivirus waxa raba INA iska saaro qaabke u saari kara iyo qaabka logu shubo antivirus aan so dagsaday iyo farewall sida lo rakibo qaababkaaas na bara waa mahadsan tihiin
macalin waxaan rabaay in an ogadoo miyey jirta Kaspersky oo free ah
linkigan tijaabi
https://usa.kaspersky.com/free-antivirus