Sidee Facebook iyo Twitter Looga Xannibi Karaa Aflaanta Anshaxa Xun

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Monday, March 25, 2013 | 12 Jawaabood

« | »

Qoraalkan waxaan ku baran doonaa sida loo xannibo Aflaanta iyo Video-yada Anshaxa Xun ee ku jira Facebook iyo Twitter ayadoo la adeegsanayo barnaamijka MetaSurf oo lagu rakibayo Computerka caadiga ah (PC/Laptop) ama iPad.

xannibaad1Facebook & Twitter waa barnaamijyada loogu adeegsiga badan yahay, uguna caansan aaladaha Internetka ee la isku dhaafsado wararka, xogta, cilmiga iyo aqoonta, islamarkaasna lagu wada xiriiro, lagu caweeyo, lagu haasaawo, fadhi-ku-dirir, sheeko maalaayacni, waqti-dhumis iwm, oo wanaag iyo xumaanba ka buuxdo.

Facebook & Twitter waa barnaamijyo u furan qofkasta, arrintaasi waxay keentay in loo adeegsan karo wixii la doono, sida in lagu daabaco aflaanta anshaxa xun ee fisqiga iyo asluub xumida xambaarsan.

Tusaale ahaan MetaCert (oo aan barnaamijkeeda MetaSurf adeegsan doono) waxa ay sheegtay in ay xannibtay in ka badan 662 million oo bog oo xambaarsan aflaan iyo waxyaabo anshax xun (waa markii aan qoraalkan qorayey, sida ka muuqata sawirka hoose oo aan ka qaaday websiteka MetaCert).

Daawo Video, faah-faahintana ka akhri qoraalka hoose:

  • FG: Barnaamijka MetaSurf waxaan ku rakibeynaa Chrome, sidaas daraadeed waa in websiteyada lagu booqdo Chrome si uu kaaga xannibo waxyaabah aanshaxa xun. Haddiise websiteyada lagu booqdo Browser kale markaas xannibaadu kuma rakibna kuwaas kale, waxna kaa xannibi maayaan browseradaas kale.

Faahfaahin barnaamijka MetaSurf

tabxeelad11

xeelad13Ugu horayn waalidiinta waxaa la gudboon in ay ku baraarugaan in Facebook iyo Twitter iyo guud ahaan Internetka, gaar ahaan kuwa loo yaqan “Social Media” in ay ka buuxaan waxyaabo ay ka mid yihiin aflaan anshax xun.

Waxaana muhiim ah in waalidku ay ku dadaalaan sidii ay carruurtooda iyo naftoodaba uga difaaci lahaayeen, una wacyi-gelin lahaayeen carruurtooda, kana hor tegi lahaayeen aflaantaas anshaxa xun in aysan ka soo muuqaan shaashadaha computerkooda.

Qoraalkan AqoonKaal.com waxa uu ku saabsan yahay barnaamijka MetaSurf oo ka mid ah qaababka computerka looga xannibi karo aflaanta anshaxa xun ee ku xiriirsan Facebook iyo Twitter (iyo guud ahaan websiteyada anshaxa xun.)

tabxeelad1

MetaSurf (oo ay samaysay MetaCert, lagana heli karo https://metacert.com/ ) waa barnaamij lagu rakibo aaladaha Internetka lagu daalacdo ee loo yaqaan Browser-ka, sida Chrome iyo Olly (oo ah iPad) iyo Firefox.

tabxeelad8tabxeelad7tabxeelad9Sidaas daraadeed ugu horayn si aad u adeegsatid barnaamijka MetaSurf waa in computerka uu kuugu jiro Browserka  Chrome. Haddii aad adeegsatid iPad waa in uu kuugu jiro Olly Browser.

Sida Chrome Loogu Rakibo MetaSurf

1. Adigoo adeegsanaya Chrome booqo websiteka https://metacert.com/ ama toos u booqo linkigan https://metacert.com/products/plugin/chrome

2. Marka uu kuusoo baxo websiteka MetaCert.com, riix batoonka ay ku qoran tahay “Free Family Safety (Download MetaSurf Software)

tabxeelad2

3. Kaddib riix batoonka “Add” ee shaashadda yar ee soo baxday.

tabxeelad4

tabxeelad54. Waxyar kaddib waxaa barnaamijka MetaSurf uu ku rakibmayaa Chrome, waxaana taas kuu muujinaya calaamad yar oo u eg sida gaashaanka oo ka muuqanaysa geeska midig ee Chrome.

tabxeelad6

5. Wixii markaas ka dambeeya haddii barnaamijka Chrome lagu booqdo website sida Facebook ama Twitter oo xambaarsan aflaanta anshaxa xun, waxaa shaashadda ka soo baxaya dhambaalka diidmo ah oo daboolaya ama qarinaya websitekaas, sida ka muuqata sawirka hoose.

tabxeelad10

FG: Browserka Firefox sidaas oo kale ayaa loogu rakibi karaa barnaamijka MetaSurf ayadoo la raacayo qaab la mid ah kan koro u xusan, laakiin Firefox si wanaagsan uma xannibi karo aflaanta anshaxa xun ee ku xiriirsan Facebook & Twitter, waxaa arrintaas xilligan ku cawaandisan waa Chrome.

Sida iPad looga xannibo aflaanta anshaxa xun

ipadka2

Barnaamijka Olly waa Browser lagu daalacdo websiteyada, kaas oo lagu rakibi karo iPad, waxana uu suurtagal ka dhigaya in uu xannibayo aflaanta anshaxa xun ee ku jira Facebook & Twitter iyo websiteyada kaleba.

ipadka1

Barnaaminka Olly (oo ay samaysay MetaCert) waxaa laga soo rogan karaa websitekan http://ollybrowser.com/ (Adigoo adeegsanaya iPad booqo linkigaas), kaddib raac habka barnaamijyada loogu soo rogto iPad.

Marka aad ku soo rogatid iPad, waxa uu ku weydiinayaa in aad difaaca ka dhigtid mid dhaqan gala“Enable”, waxa kale oo uu ku weydiinayaa in aad Password u samaysid si aan ammaanka loo garan marin (passwordku waa lambarro), wixii markaas ka dambeeya waa diyaar in uu hawl galo,  oo xannibo aflaanta anshaxa xun ee ku xiriirsan Facebook, Twitter iyo websiteyada kale.

Sidoo kale websitekii loo arko xumaan waxaa la saari karaa mamnuuc (block) ayadoo la adeegsanayo Olly (Eeg dhanka midig ee barnaamijka Olly, sida ka muuqata sawirkan.)

ipadka5

FG: iPad waxa uu ku yimaadaa oo la socda Browserka loo yaqaan “Safari”, haddaba si aan Internetka loogu gelin Safari waa in aad ka dhigtid mid hawl-gab ah, waayo Safari ma aha ammaan kaa difaacaya aflaanta (si markaas barnaamijka Olly oo keliya uu u noqdo midka keliya ee internetka lagu geli karo).

Haddaba Safari si looga dhigo hawl-gab, raac habkan:

  • Soo diyaari iPad oo daar.
  • Riix “Settings”
  • Riix “General”
  • Markaas dooro “Restrictions”, kana dhig mid diyaar ah “Anable” – waxana uu ku weydiinayaa inaad qortid Passowd ka kooban 4-lambar oo tiro ah.
  • Markaas meesha ka horeysa “Safari” waxaad ka dhigtaa “OFF”
  • Wixii markaas wixii ka dambeeya Safari laguma booqan kari doono websiteyada, waxa keliya oo kuu diyaar ah waa Olly Browser oo xanibaya aflaanta anshaxa xun.

Facebook Looma Ogola 13-sano da’da ka yar

Ma ogtahay in Facebook aan  loo ogolayn in ay adeegsadaan carruurta da’doodu ka yartahay 13 sano jir?

Laakiin cilmi baarisyo la sameeyey waxaa lagu ogaadey in carruur badani ka been sheegaan da’dooda marka ay Facebook ka samaysanayaan Account.  Waxaana cilmibaaris ay samaysay Consumer Reports ay muujisay in carruur tiradodu gaarayso 7.5 million oo da’doodu ka yartahay 13 sano jir ay adeegsadaan Facebook. Haddaba waxaa muhiim ah in waalidku ku baraarug sanaadaan arrintaas.

13sanoji

Shuruudaha Facebook ka akhri halkan: http://www.facebook.com/legal/terms

Firefox iyo MetaCert

FG: Markii aan tijaabiyey Firefox, oo aan ku rakibay barnaamijka MetaSurf, sida Chrome uma xannibin websiteyada aflaanta anshaxa xun ee ku xiriirsan Facebook & Twitter (wuu xannibi karaa guud ahaan websiteyada anshaxa xun, laakiin waxa uusan ku wanaagsanayn xannibaada kuwa ku xiriirsan Facebook & Twitter).

tabxeelad0Haddii Firefox kuugu jirto computerka waxaa haboon in aad ku rakibtid barnaamijkaas MetaSurf, waayo ugu yaraan waxaa banraamijkaasi ku siyaadinayaa calaamad digniin ah, waxana uu xannibayaa websiteyo badan oo anshax xun. (Hoos ka akhri sida barnaamijkaas loogu rakibayo Firefox).

Sida Firefox Laagu Rakibo MetaSurf (ee MetaCert)

1. Adigoo adeegsanaya Firefox booqo websiteka https://metacert.com/ ama toos u booqo linkiga https://metacert.com/products/plugin/firefox

2. Marka websiteku kuu soo baxo, Riix batoonka ay ku qoran tahay “Free Family Safety (Download MetaSurf Software)

tabxeelad2_thumb3

3. Haddii dhanka sare ee Browser-ka ay ka soo baxdo calaamad ku weydiineysida ogolaansho, markaas riix batoonka “Allow”.

xeelad01_thumb1

4. Markaas riix batoonka “Install Now” ee shaashadda soo baxday.

xeelad02_thumb1

5. Kaddib xir-oo-daar Browserka Firefox (Guji Restart Now).

xeelad4_thumb1

6. Markaas il-biriqsiyo gudahood waxaa barnaamijka MetaSurf uu ku rakibmayaa Firefox. Haddaba si aad u agaasintid oo quful (password) ugu samaysid, riix fallaarta yar ee ka muuqata dhanka bidix ee sare ee Firefox (eeg sawirka hoose), markaas riix “Setting…”

xeelad05_thumb1

7. Kaddib riix batoonka Enable

xeelad08_thumb1

8. Markaas shaashadda soo baxda ku qor password aan si fudud carruurtu u jebin karin, waayo haddii Firefox lagu booqdo website anshax xun waxa uu ku weydiin doonaa furaha aad bartaas ku qortid.

  • FG: Halkaas waxaad ku qori doontaa password (quful) adiga keliya aad garanaysid oo aan carruurtu jabsan karin, waayo haddii Firefox xannibto website, qofkii garanaya furaha (password) halkaas lagu qoray waxa uu garab mari karaa xannibaadaas oo websitekaas wuxuu ku booqan karaa marka uu qoro furahaas.

xeelad09_thumb1

9. Wixii markaas ka dambeeya waxaa quful ku xiran yahay Firefox, sida ka muuqata sawirka hoose.

xeelad10_thumb1

10. Markaas haddii browserkaas Firefox lagu booqdo website xambaarsan aflaanta anshax xun waxa uu soo saarayaa digniinta hoose, taas oo muujinaysa in aan websitekaas hore sii geli karin, waayo waxa uu xambaarsan yahay aflaan anshax xun.

xeelad12_thumb1

Waxaa muhiim ah in waalidku ku baraarugsanaado in barnaamijyadaas difaaca ee koro ku xusan laga dhigi karo kuwo hawl gab ah oo markaas difaacii meesha ka baxayo, sidaas daraadeed waa in ay feejignaadaan, carruurtooda wacyi geliyaan, baraana anshaxa wanaagsan iyo waxyaabaha dhaqan iyo diin ahaanba ku xun uga digaan.

Dhanka kale waxaa muhiim ah in aad ogaatid in uusan jirin barnaamij boqolkiiba-boqol difaacaya ama xannibaya waxyaabaha asnahxa xun oo dhan, waayo farsamada casriga ah maalin kasta waa is bedeshaa, waana in arrintaas loo dhiifoonaado. Waxaana habboon in la xaddidowaqtiyada carruurtu ku jiraan Internetka aama computerka (Eeg video ku jira linkiyada hoose).

Akhri qoraalada la xiriira:

Video: Sidee Loo Xaddidi karaa Saacadaha aysan Carruurtu Geli Karin Computerka

Video: Sidee Computerka Looga Xanibi karaa Websiteyada Aflaanta Anshaxa Xun

Video: Sidee Youtube Looga xannibi karaa Aflaanta Anshaxa xun

Waxaa diyaariyey: Maxamed Cali (AqoonKaal)
Like: https://www.facebook.com/Aqoonkaalcom

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Halkudheg:

Bookmark and Share

12 Jawaabood

  1. bismilaah marka hore waan idin salaamay dhamaan macalimiinta iyo engneerad aqoonkaal salaanka dib.
    waxaan jeclaa inaad waxa naga bar taan sida loo badalo passworka, waayo waxa soo krdhay bar yahan dad isticmaal facebook oo iska dhigay hablo oo ragii magalada ku dhibay facebook
    fadlan idiinkoo ma hadsan casharkaa nabara macalimin

    • Maxamed Cali says:

      Walaal passwordka la bedelayaa ma tan Facebook ayaad ula jeedaa, tan kale qofkaku dhiba waxaa lagu sameeyaa Unfriend, ama waxaa laga saaraa liiska asxaabtaada, lamana aqbalo hadduu markale kusoo dalbada friend, marka walaal fadlan ii qeex passwordka aad dooneysid in la bedelo,

  2. Sayyid Ali says:

    ASC AAD BAAD U MAHADSAN TIHIIN, WAXAAN JECLAAN LAHAA INAAD NOOGU DARTAAN FIREFOX HADAY SUURTA GAL HAHAY MAXAAYEELAY CHROME IYO EXPOLORER LABADABA MA ISTICMAALO SHUKRAN

    • Maxamed Cali says:

      Asc walaal Sayyid cali, Firefox si loogu rakibo metasurf waxaa la raacayaa hab lamid ah kan chrome, sababta aanan ugudarin waxay ahayd in firefox aysan sida chrome u xanibayn websiteyada ay ku jiraan aflaanta xun ee ku xiriirsan Facebook.
      Casharka ayaana xagga hoose kaga daray sida barnaamijkaas MetaSurf loogu rakibo Firefox.

  3. adan says:

    wl wmail ayaan iloobay bawardkii aan ku isticmaalayay markaa sideen ku ogaan karaa baswardkaas thnkx all

    • Maxamed Cali says:

      Asc, walaal password-ka aad ilowdey waaa password xagee ah, ma passwordka MetaSurf ayaad ilowdey?

  4. abdifatah says:

    marka hore waan kaaga mahadcelinaa sida naxariista leh oo aad nooga faa,ideysay aqoontaada.
    marka xigto waxaa jeclaa in aan kuweydiiyo suaal.
    waxaan aan website-keyga wordpress ku shubay files mp3 si, ay dadka ugu rogtaan computer-kooda lkn marki aan gujiyo download link ama lifaaqa halki uu ku rogmi lahaa computer-ka waxaa furmaayo daaqad kale iyadoo file-ki mp3 uu halkaa ku daarmayo online ahaan.
    tusaale:sidaan oo kale /wp-content/uploads/2013/04/codka.mp3 download

  5. khadar says:

    asc wllyaal aad ayaad umahadsantihiin hawsha fican aad uhaysaan umada soomaliyeed wll dadaalka sii labab jibaara kuna soo koordhiya luuqadaha sida enhlishka

  6. wadani says:

    A.s.c sxb waxaad iga jahil bixisaa wabs…yada aan xanibaayo ma wabkastaa mise qaarkood sideense ku ogaanaa wabka xun iyo kan wanaagsan inleen wababka way badan yihiin marka kan ansha xumada kujirto maxaa ii cadaynaa oon ku ogaanaa mahadsanid

    • Maxamed Cali says:

      ASC walaal WADANI, websiteyada la xanibayaa waa kuwa xanbaarsan fuxshiga iyo qabiixa iyo wixii dembi kaaga imanayo, sida aflaanta ANSHAXA-XUN. Website anshax xumo ku jirto waxaa diidaya caqliga saliimka ah iyo iimaanka suuban oo ka jir-diidaya xumaanta noocii ay doonto ha ahaatee, waad garatay ayaan filayaa!

  7. khadar says says:

    ilaahay dinka jasaayid siiyo wllo casharadiina sida hagar la aanta ah aad usoo gudbinaysaan

  8. khadar says says:

    Macalimiinta kuhawlan waxaan casharada waxaan leeyahay illaahay haydin xafido AAAMIIN……….AAAMIIN

Jawaab u qor khadar says