Carruurtaada Bar Wax Akhriska, Ogowna “Waqti ayey Qaadanaysaa”

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Monday, April 28, 2014 | 22 Jawaabood

« | »

#AqoonKaal.com: Nin ayaa go’aansaday in uu beerto geed timir ah oo khaas u ah. Waxa uu deyrka gurigiisa ka cabirtay dhul bedkiisu yaha 6 mitir x 6 mitir oo murabac ah. Dhawr maalmood ayuu meeshaas qoday si uu carrada iyo dhoobada u jilciyo, ilaa nus mitir ayuu hoos u qoday, si taxadar leh ayuuna ugu beeray iniinyaha ama lafta geedka timirta, dhoobada ayuu ku daboolay, waxana uu u sameeyey xaydaan si aan loogu tuman.

Maalin kasta waxa uu ceel durdur ah oo gurigiisa u dhaw ka soo dhaamiyaa biyo si u waraabiyo lafta uu beeray, wixii caws ah oo aan loo baahnayn waa ka jaraa, waxana uu sugaa in uu geedku soo baxo maalin kasta.

Hal sano ayaa ka soo wareegtey, wax geed ahna meeshii kama soo bixin.

Qof deris la ahaa oo arki jirey sida dadaalka dheeraadka ah ee ninkaasi hawsha maalin kasta u qabaanayo ayaa inta uu kusoo leexday waxa uu yiri “Maxaad sidaas hawsha badan ugu shaqaynaysaa meel aan wax natiijo ah kaaga soo baxayn”.

Waxa uu ninkii ku jawaabay “Waqti ayey qaadanaysaa.”

Sannadkii xigey ninkii sidii oo kale ayuu dadaalkii usii waday. Maalin kasta waxa uu soo dhaamiyaa biyo, waxa uu ku waraabiyaa meeshii uu iniinyaha ku beeray, waa daryeelaa, laakiin wax geed ah ma soo baxo.

Qofkii deriska ahaa ayaa sannadkii xigey kusoo laabtay kuna yiri “Maxaad waqtiga isaga khasaarinaysaa, meesha waxba kama soo baxayaane, iska dhaaf anigaa kusiinaya iniinyo wanaagsan oo aad beeratid.”

“Waqti ayey qaadanaysaa,” ayuu ninkii markale ku jawaabay.

Sannadkii saddexaad waxaa ninkii uu gurigiisii kusoo xeeray deyr yar si aan meeshaas xayawaanku usoo gelin. Maalin kasta waxa uu u lugeeyaa ceelka durdurka ah si uu biyo uga soo qaado, waxana uu si taxaddar leh ugu waraabiyaa meeshii uu ku beeray lafta timirta.

Dhammaadkii sannadkii saddexaad ayaa qofkii deriska ahaa inta uu kusoo laabay waxa uu ku yiri “Ninyahow ma waalan tahay? Maxaad sidaas u samaynaysaa meel aan waxba ka soo baxayn.”

“Waqti ayey qaadanaysaa,” ayuu ninkii ku jawaabay.

Saddex toddobaad ka bacdi, laantii ugu horeysey oo cagaaran ayaa carradii kasoo dhex muuqatay, oo soo weynaatey, si degdeg u kobacday. Lix toddobaad ka bacdina waxaa geedkii dhererkiisu gaaray 15 mitir.

Waqti ayey qaadataa. Waxa dhici karta in oraahdaasi aysan macne dheerad ah samayn marka laga hadlayo xawliga adduunkani ku socdo, oo wax kasta degdeg u baahan yihiin, hawlo badan isku mar la qabanayo, ama waxa kasta yihiin kabta-kabta u saar. Laakiin sanadahaas geedka timirta ah uusan soo bixin waxaa u soo dhismayey xididada oo sii adkaanayey, hoos ayey dhulka si qoto dheer ugu sii gelayeen, waana xoogay-sanayeen, si ay u taageeraan geedka xooga leh marka uu soo baxo. Waxana keliya oo ay xididadaasi ku xoogaysteen waa waraabin iyo xanaanayn iyo waqti la siiyey. Biyo kasta oo ninkaasi ku waraabinayey iyo dadaalkiisaba waa loo baahnaa.

Haddabab si canugaagu u noqdo mid aad ugu wanaagsan wax akhriska, maskaxdiisu waxay u baahan tahay waraabin. Waraabinta waxaa canugga u ah waa kelmedaha – in lala hadlo oo wax loo akhriyo. Waxaa muhiim ah in aadan marna taas ilaawin sidii aad canugaaga uga waraabin ahayd, qadar xogaa ah maalin kasta, tooddobaad kasta iyo sannad kasta.

Muhiimada qoraalkan kooban ee AqoonKaal.com waa in aad waqti ku bixisid carruurta Allah kugu manaysay sidii ay u noqon lahaayeen kuwo ku waanaagsan wax akhriska, islamarkaasna aad waqti ku bixisid sidii aad u bari lahayd wax akhriska.

Qiso kasta oo bini’aadamku ka sheekeeyo waxaa aad uga muhiimsan qisada aan ka barano Kitaabka. Suuradda IQRA waxay ku bilaabataa sidan: Wax ku akhri Nabiyow magaca Eebe ee abuuray (khalqiga). Dadkana ka abuuray Calaq. Akhri Eebena waa kan Sharafta lehe. Ee dadka baray waxayna aqoonin.

iqraread

Tarbiyada wanaagsan ee carruurta waxaa ugu horeeya in waqti lagu bixiyo sidii wax loo bari lahaa, gaar ahaan wax akhriska.

Haddaba, u akhri, la hadal, u sheekee, oo dhegeso carruurtaada, waqtina adigu sii. Waqti ayey u baahan yihiin in lagu bixiyo.

TV-ga dami, computerka waqtiga u xadee, waqtiga carruurta yuusan kaaga dayacmin in ay computerka waqti dheer ku ciyaaraan “games” maalaayacni ah saacado badan qaadanaya, ama daawadaan TV sacado badan. Waqtiga ugu badan haku bixiyeen wax akhriska.

Gabagabadii waxaa waalidka looga baahan yahay samir iyo dulqaad ay u yeeshaan waqtiga ay ku bixinayaan carruurtooda si ay u baraan akhriska. Akhrisku waa furaha guusha u horseedi kara canugga.

Waxaa kale oo muhiim ah in waalidku xirfad u yeeshaan aaladaha casriga ah ee Teknoolojiyada si ay ula socdaan waxyaabaha ay carruurtoodu kala socdaan ama ka akhristaan aaladahaas.

Qore: Maxamed Cali Aaden (AqoonKaal.com)

– facebook.com/aqoonkaal.com

– twitter.com/aqoonkaal

readforlife

Qisada sare qaybta “Waqti ayey qaadataa” waxaan ka soo xigtey buugga “7 Keys to Comprehension: How to Help Your Kids Read It and Get It!

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Bookmark and Share

22 Jawaabood

  1. Asli Ahmed says:

    WALAAL ILAAHAY HA KU XAFIDO WAX WANAAGSAN BAAD NAGULA TALISAY WAA YEELAYNAA.

    JISAAKALAAH KHARA JISAA

    • Maxamed Cali says:

      ASC mahadsanid walaal, adigana Allah ha ku xafido, khayrna hakuugu bishaareeyo adduun iyo aakhiroba.

  2. ifrah says:

    ASC aad iyo aad baad ugu mahadsantahay sid wanaagsan ee aad noola talisay adigan ilaahay wax aan kaaga baryayaa in uu kuugu daro miisaanka xasanaadkaaga insha allah
    wax aan kaa codsan lahaa in aanad naga joojin habka aan u barayano caruurta akhriska talooyinka ku saabsan

  3. Injineer Mohamed, aad baad u mahadsantahay, waa qiso cajiib ah balse anigu waxaan heystaa ciyaal kan ugu weyni uu jiro 4-sano maxaa ila gudboon?

    Mahadsanid

    • Maxamed Cali says:

      ASC walaal Abdulshakur markasta iyo da’kasta carruurta waa lagu tababari karaa wax akhriska, marka carruurtaada 4 jirku ugu yaryahay weli waa curdin u baahan in lagu tababaro wax akhriska.

      Akhriska in carruurta wax loo akhriyo wuxuu ka bilowdaa marka ay uurka ku jiraan, oo haayadu canuga wax u akhriso. Hooyooyinkenii hore ayagoo baadiyaha jooga ayey carruurta uurka ku jira u buraan buri jireen taas oo ah nooc wax akhris ah ayagoo canuga la hadlaya.

      Allah idankiisa hakuu barbaareen carruurtaadu.

  4. Cago suus says:

    Jzka Allah walal, carruurta kaliya ma’aha ee dadka waa weyna waa ay u baahan yihiin…

  5. Abdirazaq says:

    masha allah jazakallah khayr Ustaad,
    maccalin suaal yar aan ku sii lifaaqo,
    macallin wali casharadii backup ama cloud ahaa waa sugaynaa insha allah ma noo soo socdaan mise waa la bixiyayba casharadaas?

  6. Mowlid says:

    Asc
    Walaal aad ayaad u mahadsantahay wax fiican oo dhaxal gal ah ayaad noo soo bandhigtay illahay ha kaa ajar siiyo qof yar ayaa garta faa’iidada intaan le’eg ee aad noo soo bandhigeysid.
    waxaan u baahanahay dad sidaas oo kale ah mahadsanid

  7. Alikalaay says:

    walal aad iyo aad baad u mahadsantahey markasta waxaad noo soo gudbisaa wax faa.ido noo wada leh mahadsanid

  8. surur muse says:

    Marka hore, assalaam. Cal. Salaan kaddib.
    Macallin aad iyo aad ayaan kuugu mahad celinaynaa, cashirradan dhaxal galka ah ee aad noo soo tabinayso, Allahana kaa abaal mariyo.
    Fadllan, ha ka daalin ee noo wad intii aad awooddo.
    Ardayda ku taxan cashirradana waxaan leeyahay: wixii su’aal ah Macallinka halasoo waydiiyo.
    Macallinka iyo ardaydaba waan salaamayaa.
    Www.

  9. Adam Jim'ale Bardad says:

    Maash allaah macalin waxaad so qaadatay tusaale Camali ah runti caruurtu barbaarintooda waa masuuliyaad weeyn. lakiin mafahansaneeغn tartiibtaasi oo kale in caruurta loo dhiso. marka canuga lasiyo cashir waxaa la dhahayaa waad da’yartahay maskaxdaadu waa fareesh hada casharka ka soo bax. marka asagiina Problem ayuu kala kulmiyaa cadadikaasi tirada badan.
    wan fahmay Muhiimada sheekadu xanbaarsantahay………………..

    جزاك الله خير ياأستا
    وسلام عليكم ورحمةالله وبركاته

  10. abshir says:

    Asw
    Walaal aaad Ayaad Kugu mahad celinayaa Runtii Waxaad Na Tustay Tusaale Wanagsan Alle Ajarkeda Ha Ku siyo Thanks Marlabaad By Abshhir

    • SHUKRI says:

      asc maasha allah walaal waa mahadsantahay waxaan kaa faaiiday wax fiican waxaan dhalay labo caruur ah 7jir iyo 8jir waxaan u dhigaayey somaliga mudo labo sano ah hada wax walbo waa qori karaan laakiin aqrinta wali markasta waxaan niyada iska dhahaa madax adkaa ilmahaan hadaan ogaaday waxay u baahantahay waqti sidoo kle higaadana waa barnaa alxamdulaah meel fiican ay joogaan laakinn wali waa u dhiman waa mahadsantahay inaad nagu dhiiri galisay inaan waqti siino caruurta

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      Waad mahadsan tahay shukri, insha Allah waad ku guulaysanaysaa dadaalkaa carruurta aad u wadid

  11. asc marka hore mahad gabi’ahaanted alle ayaa leh mida gaarka ah oo aad uqiima badana wankaaga mahad celin mudane waa arin aad aan ugu baahanahay arintaan waxayna
    sheekadan dugaalsan mahmahdi ahayd ( Daddaallaa waa gaaraa )

  12. Ahmed hsdi says:

    asc walaal ilahay ajar iyo xasanad aan lasoo koobikarin alle ha kusiiyo.iskadaa viyaalkaygoo xitaa anaad igu baraaarujisay

  13. Xasan kaafi says:

    marka hore aad baad u mahad sana tihiin, marka labaad hadaaan ka hadlo ssomaaliya uma lahan hido iyo dhaqan wax aqriska, balse waxa ay jecel yihiin in ay wax badan hadlaan

  14. Abwaan shirdoon says:

    marka hora aad iyo aaad bad umahad santihiin,runtii shakadan waxay ximbarsantahay xikmad aad uween
    IlAhay kheer hakaasiyo
    dhabhaantii waalidiinta somaliyeed
    kuma dhirdaan xananeenta ilamahood
    majority
    ciyalkeenu mahelaan Xanaan iyo barbarin fiican
    becwse somlil people waa dad dagaal gaal kajro wadnka
    that is away caruutu uhel wayeen xanaane
    fiicaan
    but wadanka inkastoo darfa badan
    kajiraan markasta waa mast nasaran
    xanaaneta caruuta iyo barbrintooda

    *xanaaneen ubdkeena
    * waaa xilweeno nasaaran
    * intuu xusulkeena xabal kagalyo
    * xili liys xisaabin eebagarn
    * xisaabna akhiraw jirtaaa
    * xaway iyo xasaanaw
    *xaneenta ubdeena xuska aku hayno

  15. hashim says:

    manshaa Allaah aad ayaan ugu bogey qoraha Allaah haka abaal siiyo
    arinta akriska iyo qoraalka waa mid ay tahay in ummadeen lagu bar baariyo
    sida uu sheegey walaalku ubaahan samir aniga waxaan isku dayay ilmo 3jira inaan qoral baro tijaabo ahaan inta ilmaha wax ku qori karo waxaan ogaadey in ay qoi garaan caruurta qaar kood xiliga ay 3 sano yihiin waxay aheyd gabadh aan dhaley inkastoon markii danbe aniga ardey noqdey ka fogaadey waaan ka tagey iyadoo si fiican uhaaneedey qalinka iyo looxfud(buug)ka
    takale aqoonka iyo inta lamida ka ah waxaan jeclaa in dhammaanteen isku howlo inaan afkeena ilaalino dhowr,arintaas waxaan ugu danleeyahay waxaan lahubaal in ayna umadna ku hormarin af shisheeye

Jawaab u qor abshir