Waxyaabaha Muhiimka ah ee Laga fiiriyo ama Lagu xusho marka la iibsanayo Computer – Laptop
« Casharkii Hore | Casharka Xiga »
#AqoonKaal.com: Ugu horayn inta aadan iibsan Computer waxaa muhiim ah in aad ogtahay ujeedada iyo hawsha aad u adeegsan doontid computerka: Ma waxaad u adeegsanaysaa in aad qoraalada caadiga ah ku qoratid, mase waxaad ku agaasimaysaa sawirro iyo video, mase in aad ku kaydsanaysid casharada dugsiga/iskoolka, ma waxaad rabtaa computer fudud oo aad safar la gashid, mase mid guriga uun aad ku adeegsatid iwm.
Ujeedada iyo muhiimadda ay leedahay hawsha aad u adeegsan doontid ayaad ku salayn doontaa tayada iyo qiimaha aad ka bixin doontid computerka.
Mar haddii aan ujeedada isla meel dhignay, waxaan qoraalkan AqoonKaal.com ku eegi doonaa waxyaabaha muhiimka ah ee laga fiiriyo computerka marka la iibsanayo, taas oo aan ku ogaan kartid tayada computerka, waxaana ka mid ah:
Processor (CPU)
- 3 GHz Intel Core i7 CPU (Processor), ama ka casrisan
Processor ama CPU (oo laga soo gaabiyey Central Processing Unit) oo lagu qeexo maskaxda computerka – waa meesha kala hagta dhammaan amarrada uu computer ku fulinayo hawlaha kala duwan. Sidaas daraadeed Processor waa qaybaha ugu muhiimsan computerka, waana in aad iska hubisid xawaaraha Processor-ka (oo lagu cabbiro hal-beegga GHz). Tusaale ahaan 1.6GHz waxa ka sareeya 2GHz ama 3GHz.
Shirkadaha ugu caansan ee sameeya Processor-ka waxaa kamid ah Intel iyo AMD. Noocyadii ugu dambeeye ee Intel waxaa ka mid ah: Intel Core i3, Core i5 iyo Core i7 oo siday u kala lambar weyn yihiin u kala qaalisan. Noocyadii hore ee Processor-ka waxaa ka mid ah Pentium, Celeron, Atom iyo Xeon.
Haddii la isku kaa barbar dhigo labadan computer oo leh processor kala ah:
- 1.6GHz Intel Core i5 CPU, iyo
- 3.5GHz Intel Core i7 CPU – iibso kan, waayo isagaa kaga xawaare badan sida uu amarrada u fulinayo.
Hard Drive
- 500GB Hard Drive (7200 rpm), ama ka mug weyn
Hard Drive oo ah qaybta kaydka computerka, waa meesha aad ku xafidan doontid qoraalada iyo macluumaadka aad ku kaydsanaysid computerka. Marka laga hadlayo qaabka ay u shaqeeyaan, waxaa jira laba nooc oo Hard Drive ah oo kala ah:
- HDD: Noocan waxaa weli laga helaa computero badan, inta badana waa riqiis, laakiin waxa uu computerka ku siyaadiyaa miisaan, waana kululaadaa. Waxaana la helaa Hard Drive noocaan ah oo mugiisu yahay 320 GB iyo ka badan (ama ka yar).
- SSD: Noocan waa ka guux yar yahay kan sare, islamarkaasna ka qabow yahay, laakiin waa ka qaalisan yahay. Xawaaraha ama sida degdegga ah ee Hard Drive-ku akhbaarta ku xafido waxay noqon kartaa 5,400rpm (revolutions per minute), ama kasii xawaare badan oo gaaraya 7,200rpm. Taas waa muhiim in aad ogaatid marka aad iibsanaysid computerka.
Waxaa la helaa computerro leh Hard Drive aad u mug weyn, tusaale ahaan:
- 750GB hard drive (5400 rpm)
- 1TB hard drive (7200 rpm), kaas oo ah 1 Terabyte oo u dhiganta 1024GB.
Halkaas waxaad ka garan kartaa mugga Hard Drive-ka aad iibsanaysid wuxuu ku xiran yahay baaxadda xogta aad doonaysid inaad ku kaydsatid computerka.
RAM (Memory)
- 8GB DDR3 SDRAM, ama ka casrisan
RAM (oo laga soo gaabiyey Random Access Memory) waxaa loo yaqaan xusuusta computerka, waa tan suurta gelisa in isku mar la furi karo barnaamijyo badan, sidaas daraadeed ha iibsan computer ay xusuustiisu ka yar tahay 4GB – waxaana la helaa 8GB iyo ka sii badan.
Waxaa muhiim ah in uu yahay nooca loo yaqaan DDR3 oo ay ku lingaxan tahay SDRAM – farsamadaas oo suurtagal ka dhigeysa in computerku uusan isticmaalin koronto badan, si degdeg ahna u furaya barnaamijyada. Farsamadii taas ka horeysey waxay ahayd DDR2 (oo weli laga heli karo computerada qadiimka ah).
Sidaas daraadeed haddii la isku kaa barbar dhigo labadan computer:
- 4GB DDR2 RAM, iyo
- 8GB DDR3 SDRAM – kan iibso, waayo isagaa si degdeg ah u furaya barnaamijyo badan.
Ballaca Shaashadda (Screen Size)
- 15.6″ Touch-Screen Laptop
Ballaca shaashadda Computerka ee aad dooranaaysid waxay ku xiran tahay waxa aad u adeegsanaysid computerka. Tusaale ahaan:
- 13 ilaa 14 inches: Waxa uu ku habboon yaahy Laptop loogu talo safarka ama markasta qaadatid,
- 15 inches: waa noocyada ugu badan ee la xusho marka computerka aadan marar badan qaadanayn,
- 17 ilaa 18 inches: waa shaashad ballaaran oo loo adeegsado computerada leh shaashadda baaxadda ballaaran.
Waxa kale oo xusid mudan in la ogaado in shaashadu tahay mid ku shaqaysa taabashada gacanta (Touch-Screen), oo ah mid si toos ah shaashadda looga taaban karo faraha si loo furo barnaamijyada.
Operating System
- Windows 10 (64Bit) ama ka casrisan
Barnaamijka uu ku shaqeeyo computerku ee loo yaqaan “Operating System“, wuxuu noqon karaa Windows, Mac OS ama Linux. Waxaad iibsataa computer uu ku jiro nooca Operating system ee aad taqaanid. Haddii aad dooratid Windows, waxaa ugu dambeeyey Windows 10 (markii aan qoraalkan qorayey), waxaana ka horeeyey Windows 8.1 (waxaana ka sii horeeyey Windows 7 iyo XP oo hadda suuqa ka baxday).
Waxaadna hubisaa in Operating System-ku uu yahay 64Bit, waayo noocyadii hore waa 32Bit – waa farsamo la xiriirta baaxadda degdegga ah ee computer ku maarayn karo faylal iyo barnaamijyo badan (taas oo xiriir toos ah la leh RAM/memory).
Saacadaha Beterigu Shaqaynayo (Battery Life)
Marka aad iibsanaysid Laptop waxaa muhiim ah inaad ogaatid inta saacadood ee beterigu shaqaynayo koronto la’aan. Tusaale ahaan haddii aad iibsatid Laptop ballaca shaashaddiisu tahay 15 inches, waa in batarigiisu inta uu shaqaynayo aysan ka yaraaan 4 saac ama ka badan. Waxaana la helaa computero batarigoodu shaqaynayo ilaa 6 saac, 10 saac iyo ka badan.
Waxyaabo Dheeraad ah oo Muhiim ah
Waxaad kale oo aad hubisaa in computerku leeyahay qaybahan:
USB 3.0 ports: oo loo adeegsado in computerka si fudud loogu xiriirin karo aaladaha ay ka mid yihiin Camera iwm. Waxaa muhiim ah in computerku leeyahay dhawr meelood oo ah USB 3.0 (waxaa ka horeeyey USB 2.0 oo gaabis ah marka la barbar dhigo USB 3.0 – waa marka xogta lagu kala xawilayo computerada ama computerka iyo camarada oo la adeegsanayo USB 3.0 ayaa degdeg badan).
Wi-Fi: oo ah aaladda suurtagal ka dhigeysa in computerku uu soo qabsan karo khadka Internetka ee silig-la’da (wireless) oo ah khad internet ah oo aan fiilo la adeegsanayn (silig-la’), waxaana farsamadaas noqon kartaa 802.11 b/g/n Wi-Fi.
Gigabit Ethernet port: oo ah meesha lagaga xiriirin karo fiilada khadka internet ah oo xawaare sare leh.
Graphics Card: haddii aadan computerka u adeegsanayn games, waxaad tixgelinaysaa in uu computerka ku jiro Graphics card iska caadi ah. Graphics card-yada la adeegsado waxaa ka mid ah AMD iyo Nvidia, ama kuwo ka casrisan.
DVD/CD-ROM Drive: in kasta oo waayadan dambe laga sii baxayo DVD/CD, hadana weli waxaa dhici karta in loo baahdo in computerku leeyaahy khaanada (ama Drive) ah DVD/CD. (ku xisaabtan in ay gabaabsi yihiin computerada leh DVD/CD maadaama xogta lagu xeraysan karo internetka sida Google Drive, DropBox, iwm.)
Keyboard: Teebka computerku waa meelaha ugu muhiimsan maadaama ay tahay halka aad qoraalada kaga qoreysid. Sidaas daraadeed waa in Keyboar-ku noqdo mid fasiix ah oo farahi si fiican u qabsanayaan, waana in aad dareemeyid in aysan aad ciriiri u ahayn ama aad isugu dhaweyn qaybahiisa teebku.
Mouse: Hage ama mouse wanaagsan oo gacan qabad leh ayaad u baahan kartaa.
Qoraalkaan AqoonKaal.com waxaan ku soo koobnay waxyaabaha muhiimka ah ee laga fiiriyo marka la xulanayo computer. Waxaan rajaynayaa in aad qoraalkaas ka faa’iidey, ama aqoon kororsi kaaga siyaadey.
Computer Laga iibiyey Canada/USA oo loola safrayo AFRIKA/Yurub
Haddii aad comuterka ka iibsanaysid USA iyo Canada oo aad ula safri-doontid adduunka intiisa kale, waa in aad ogaatid in korontada ay isticmaalaan Maraykanka iyo Canada ay tahay 110-volt, halka badanaa adduunka kale ay tahay 220 – 240 volts. Computerada casriga ah badankoodu waa ku shaqeeyaan labada korontaba, laakiin waa in aad taas hubisid marka aad computerka iibsaneysid – hubi in ay dhegan tahay waraaq (Label) muujinaya in ay ku shaqeeyaan 100 – 240 volts oo ah noocyada korontada. Waxa kale oo aad lambarkaas ka hubisaa in uu ku qoranyahay fiilada (Adapter) korontada loogu xiriiriyo ee la socota computerka.

Korontada Soomaaliya waa 220-240 Volts (halka U.S./Canada ay ka tahay 110-120 Volts)
FG: Marka hore hubi in computerku xamilayo korontada ilaa 220 – 240V. Markaasna iibso birta fiilada lagu xiriirinayo ee aqbalaysta godka korontada ee dal ka baxsan USA iyo Canada haddaad computerka halkaas ka iibsatey.
Qore: Maxamed Cali – AqoonKaal
Faafin: AqoonKaal.com | daabacay July 2014 | updated: May 2016
« Casharkii Hore | Casharka Xiga »
Faafin: AqoonKaal.com
Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook
Halkudheg: laptop

Ustaad Mohamed Ali, aad baad ugu mahadsantahay qormadan cimiyeysan, wax badan ayaanan ka faa’iiday runtii sidan oo kale noogu soo bandhig cilmiga insha allah.
Asc, Ramadan kariim, walaal Abdulshakur mahadsanid, waadna ku mahadsan tahay dhiiri gelinta, waana ku faraxsanahay in aad ka faa’iidey qoraalkan.
ASC Maxamed Cali walaal waad mahadsan tahay, runtii kama caajiso markii aan computer wax ku saabsan aqrinaayo siiba afsomaliga, aad ayaana ula dhacay maqaalkaan runtii… thanks again walaal
Asc walaal axmed adigaa mudan wanaag oo dhan.
Asc aqoontaada aad waqafka ka dhigtay ilaahey hakaa amaalmariyo adiguna u niyeyso sadaqo insh alaah, dad badan oon anigu kow ka ahay ayaa waxbadan kaa faa iiday runtii walina waxbadan oo khayr ah inaad noo soo wado ayaan rajeynayaa.
Madsanid walaal Abdisalam, insha Allah waan dadaali
Ramadaan kariim macalin Maxamed Ali wllhy macalin waxaad noosoo gudbisaa casharo runtii aad iyo aad tayo leh waxaanad nabartay waxyaalo badan oo aan la koobi karin
Maacalin waad mahadsan tahay waxaanan rajay nayaa in aad qaarkale noosoo wado oo aad noosoogudbindoonto
macalin qaali ah ayaad tahay
thks teacher
Maxamed Ali
mahadsanid walaa cadnaan
Asw,
aad baad ugu mahadsan tahay walala Maxamed qormadan oo runtii faaïido badan leh, waxaana rajaynayaa abaalkeeda rabbi inaad ka heli doonto u adeegista ummadda.
Ramadaan kariim
ramadaan kariim walaal luqmaan.
Ascwr
Macalin: Mahamed Ali aad iyo aad ayaan kaaga mahadnaqayaa sida wanaagsan ee hakrala aantaa ee aad bulshada soomaaliyeed wixii ilaahay ku baray ugusoo gudbinayso taana waxaan kaleeyahay “Ilaahay ajer iyo xasanaad aad u badan hakaa siiyo”
shaqsi mihiima ayaad bulshada utahaye
Macalinka iyo bahda aqoonkaal waxaan leeyahay Rabadaan Kariim danbigeenana ala ha inoogudhaafo bishan barakaysan
Asc, macalin max’ed cali aad iyo aad ayad ugu mahadsan tahay qormadaan cilmiga ka buuxo aad noosoo gudbisay waliba adigo muddo diyaarineysay.
Macalin waxan kaa codsaneynaa inad noo soo gudbiso software-da oo sharaxan tusaale ahaan; VIDEO EDDITOR SOFTWARE kaas oo lagu habeeyo video-yada sida backgroup-ka, qoraaladada video-ga lagu daro IWM.
THANKS MACALIN WEB-KA http://www.Aqoonkaal.com waa xulashadeyda koowaad.
RAMADAN MUBARAK MACALIN.
Ramadan Kariim, Zakaria.
Mahadsanid ustaad
ASC macalin Mohamed Ali walal ilaahay ajar iyo xasanaad aana lasoo koobi karin hakaasiiyo Jazaheedana Janatul Fardowsa hakaaga dhigo walal, Insha,allah walal waxkalena waaankaarajaynanaa
Thans
ASC Macalin maxamed aad ayaa kuusalaamy.qeeyr badan allah kusiiyo waanoo faa’ideeneysaa maasha alaah.miizaanka qiyaamo allah kuugu daro.Ramadaan kariim.
Walaalkayga qaaliga ahow ilaah ha kaa abaal mariyo aqoontan shurrud la;aanta ah ee aad u gudbinayso umada , waxaana leeyahay ka faa’iidaysta oo uga mahadceliya macalin Mahamed Ali Aadan Isse.
SHUGRAN AKHII CASIIS .
Asc, Asli aad ayaad u mahadsan tahay.
mahad sanid walaal mohamed Ali aad ayan ola dhacay una fahmay
illahay ajir iyo xasanaad aan lasoo koobi karin hakaa siyo
mahad sanid Ust Jazaakallah walal
Asc wr wb macalin aad iyo aad ayaad umahadsantahay ilaahay hakaa abaal mariyo Aduunka iyo Aakhiraba waxaanan rajaynayaa inaad noosii wadidoonto aqoontaas qaalig ah waxaan rabaa anigu inaan kuwaydiiyo su,aal
macalin keyboard ka malaxanibikaraa ?
mahadsanid macalin Eng Maxamed cali
Walaal cabdirasaaq suaashaas si fiican uma fahmin eee iisoo faahfaafi.
asc ramadaan kariim walal ajer iyo xasanaad badan allaha kaa siiyo wanaaga aad sameyneysid wax badan baan kaa faa,iideysanay ee halkaa kasii wad
ma shaa allaah ayaad ayaan idinkaga mahad celinaynaa deeqdaan aqooneed ilaahayn ahaydinka amaal mariyo duco uunbaan idiin wadanaa
Mahadsanid Macalin Jazaakallahu kheyr
MAASHAA ALLAH walaale ilaahay khayr hakaasiiyo , xaqiiiqdii waa talo iyo tusaale fiican oo dhaxal gal ah.
salaan qaaliya
Ku: macalin maxamed cali asalaamu caleykum
Bacdaslaam macalin ilahay waxaan kaagara jeynayaa kheyr iyo cimri dheer iyo cal wanaag san
Macalin waxa aan akh ristay cashar aad umuhim ah oo cin waan kiisuna yahay sida tan
Waxyaabaha Muhiimka ah ee Laga fiiriyo ama Lagu xusho marka la iibsanayo Computer – Laptop
Macalin su aasheydu waxay tahay xagee ayaan kaeegaa marka aan doonayo in aan iska eego
1—Processor (CPU)
2—Hard Drive
3—RAM (Memory)
4—Ballaca Shaashadda (Screen Size
5—Operating System
6—Saacadaha Beterigu Shaqaynayo (Battery Life)
Macalin waa iga xdhmay email aan klasoo xidhiidhi jiray ee cilmidoon1@hot
Asc walaal xirsi sida caadiga ah marka aad tagtid dukaamada lagu gado computerada waxaa computer kasta lagu xayaysiiyaa qaybahaas aad xustay oo markaas aad kaa xulaysid midka leh calaamadahaas
Sidoo kale xayaysiiska computerada ayaa lagu qoraa waxyaabaha uu kakooban yahaya eeg tusaalahan https://t.lenovo.com/us/en/laptops/thinkpad/l-series/l440/?sb=:00000025:000037A7:
Asc. ustaad Mohamed Ali. aad ayaad u mahadsan tahay macalim. waxaan rajeynayaa inaan aqoontaada ka faa’ideysan doono, insha Allah. Waxaan Alle kaga baryaa inuu ku siiyo liibaanta aduunyo iyo tan aakhiro labadaba. farxad ku waara adiga iyo familkaga.
Mahadsanid.
asc walaal waxan doonaya in aan iska xiro message ka yimaada facebook ee ku soo dhaco hotmail inbox
aqoonkaal aad u mahadsanthihin wax badan ayaan ka faaidnay howsha hala wado waad guuleysateen
walaal si aad isaga xannibtid dhambaalada kaaga soo dhacaya Facebook raac habkan:
1. Login qaybta Facebook-gaaga
2. riix SETTINGS oo ah dhanka midig ee kor xigta ee shaashadda Facebook
2. riix NOTIFICATIONS
3. Markaas OFF ka dhig qaybaha ay ku qoran tahay ON ee shashadda dhexdeeda
walaal waxaa idhibay markaan aqrisanay aqbaaraha xayeysin ee sideen isaga xanibaa salaamu caleycum
walaall qoraal caam ah ayaan kaga jawaabay su’aashaada ee ka akhri halkan iina soo sheeg in uu ku anfacay waakan qoraalku http://aqoonkaal.com/xannibaad-xayaysiis-website/
thnks sxb aad ayaad umahedsantahy keep going
Macallin maxamed ali aad baan kaaaga mahadinaynaaa barnaaamijta wacan eeed kudeeeqayso bulshadaaada … kaliyeeta waxaaa noo furan inaaan idin nidhaaahno kusiii dhiirrada horumar baaaxad leh
macalin maxamed ilahay haku xifdiyo wax fiican ayaanka faa iidnay website kaaga thanks a lot illahay cilmiga iyo cimriga iyo camalka hakuu barakeeyo
ones again thank you maclain
Asc walaal Xaafid Omar mahadsanid.
marka hore ASC macalinka maxamed alo aqookaal iyo dhamaan akhiyaarta aqoonkaal aad ayaan idiin salaamayaa rntii macalin aad ayaad mahad santahay abaalkaagana insha alah xaga ALLE ayaad ka heli doontaa aad ayaad mahad santahay
Asc, waxan aad uga faaiiday casharkaan aadba umahadsantihin aqoonkaaal siiba qoraha barnaamijhkan sigaara ayan ugu mahadceliya ilahay ha ina ka abaal mariyo waxa fiican aad bulshada somaliyeed uhaysan
Waxaan Aad ula Dhacay Sida aad U Dulmartay Hddna Meelaha Qaar Inaad is Dultaagto Waxaa ka Fiican in aad Faraha La Gasho
Graphics Vram Ee Gaming Ama Editable Software Avid Iyo Adobe 5th Generation Baa Ugu Qiimo Bdn CPU
Balse Dhamaan Waad Runtii Cilmi Intaan Ka Balaaran oo laga Eegi karo maba Jiro
Waad mahadsan Thy Mudane Inbdn Illahay haku Sharfo Aduun Iyo Aakhiroba Cilmiga Illahay haku Barakeeyo
waa macalin aad iyo aad u qiima abdan oo jecel umadiisa ineey wax bartaan si fudud aad iyo aad ayaan kuu taageerayaa kuguna mahad celinayaa macalin maxamed cali guleeyso waligaa
Walaal Sahal mahadsanid
Waxaan doo nayaa macalin inaan barto computerka bilawgiisa markaa maxaad iga caawinaysaa? Sideese ugu fudud ee loobaran karaa
walaal waad mahsantahay
aad ayaad umahadsan tihiin runti waxyaalo badan na website kan wu iga caawiyay waxyaalo badan na waan kabartay hadana hadi ilahay idmo in aan waxyaalo badan kafaaiido ayaan doonayaa aad ayaad umahad santihiin casharada computer ka kusaabsana soo badiya mise suaasha aan idin waydiyo ayaad iga jawaabaysaan ?
Asc Ramadan karim marka xiga waan kaaga mahad celineyna
Mr mohamed ali sida wanaagan ee cilmiga kugu jiro bulshadaada
ugu faaideeso allaha kheyr kuugu jaasiyo sida fiican af-somaliga
noogu soo gudisay waa cajiib kama aanan daalin in aqriyo
fadlan hanaga daalin in cilmigaaga iyo qoralkada wanagsan noso gudbisid.
Talo; hadii lagu darikaro video waan jeclaan laheen thnks bro
waad ku mahad santahay wll allah ha kaa ajir siiyo
waxaan joogaa caasimada Soomali ee Muqdisho aad baan ugu mahad celinayaa ustaad M/ed Cali sida faahfaahsan oo uu inoogu soo gaabiyey sida aan ku xulan laheen computerka aan rabno in aan iibsano
jazakallahu khayran walalka macalinka ah.
asc,walaalka qoraalkan iyo kuwa lamid ka ahi ee boggan ku jiro diyaariyay aad iyo aad baan oogu mahadcelinaynaa waxaana weydiin lahaay in qormooyinkan ay adeegsani karaan oo fasax uhaaystaan bareyaasha dadka bara cilmiga computerka maadaama uu af-soomaali fasiix ah ku qoranyhay?
mahadsanidiin
Asc walaal cabdirisaaq waad mahadsan tahay, macallimiintu waa uga sii faaiidayn karaan ardaydood insha Allah
Acww
Magaceeygu waa Hassan oo jooga somaliya Garahan Puntland,
Mansha ALLAH kheer ayaan ku rajeeynayaaa wll sida wanaagsan ee aad noogu sharaday mowducaan aad ayaana kaaga mahad celinayaa ajirkeedana ALLE haku siiyo,
macalin kheyr badan allaha ku siiyo casharo farabadan ayan ka faa,ideystay
webkaan
mahadsanid kun jeer
ad ayan uga mahad cilinayaa macalin aqon kal sida ad ibartay sida computer logato wana mahad santahay ustaad maxamed cali
maa shaa allah ilahay ha kuu naxriisto hana kuudanbe dhaafo runtii 2013 waxaan soobooqdaa websit kaan runtiii wax baan ka faa iiday ilahay hakuu naxriisto waxad noo faa iidaysay cilmi waxad ubixasay inaad kher iyo ajar kaheshid ilahy ha kugu garib galo wanagaga janadiina howhakaga dhigo insha allah jisaakumulahu kher insha allah
Asc, ustdka aad ayaan kuugu mahad celinayaa sababtoo ah hada ayaan u bixi rabay inaan soo gado Laptop sababtoo ah waxaa iga xumaaday kii hore, runtii ma aanan aqoon si aan u soo kala xusho waxaana ahay nin ka shaqeeya Website, waxaan kaaga baahnaa aqoon kale oo dheeri ah fadlan hadii aad waqti heli karto waxan jeclaan lahaa inan helo meel aan idinkala soo xiriiro…
Mahadsanidiin
Asc, ustaadii waan kaga mahad celinaa qormadaan cajiibka ah aad nala wadaagtey. waxaan rabay in;aad dib uéegid ku sameysan qoraal qaldan oo aan qiyaasayo inéy “typing error” tahay waa meel aad ‘inter’ soo qorteen oo an qiyaasayo ináad kala jeedeen ‘intel’ oo ah magaca shirkada ugu weyn ee soo sarta ‘CPU’s’.
Asc walaal Maxamed Xasan waa ku mahadsan tahay sixitaanka, waana runtaa oo Intel. Mahadsanid.
Asc wr wb aad baad u mahadsan tahay macalin ala cimriga hakuu barakeyo waad no faidaeysaye
Mahadsanid macalin
asc ustaad mohamed ali waad ku mahadsantahay talada fiicaan aad uga
fa’idaynayso thnks ustaad
masha allaah wad mahad santihiin inkastoo aan idinku cusbahay waxbaad ii bilawdeen
mahadsanid ustaad maxamed waxaa noqotay macalinkeyga cusub
السلام عليكم جزاك الله خيرا الجزاء
asc wll Allaha kaa abaal mariyo cadowgaagana Allaha kuuma jabiyo meelkastana Allaha kaa tiiriyo.
qoraalkan baahida aan uqabay Alle oo keliya ayaa og. waxan donayey inan laptop so gato oo weliba U.S.A u dirsado markan cawin dherada ayan ka donaya madama xilliga maqaalkan la qoray iyo hadda oo an helay ay kala fogtahay.
asc wll wan ku sugayaa thnks.
asc walaal meelo yar ayaan cusboonysiiyey, ogowna qoraalkani waa gundhig oo marka aad fahamtid qaybaha uu ka hadlayo waxaad xulan kartaa computer kasii casrisan.
wll waa mahadsantahay lakin iiga waran kala duwanaanshaha korontada labada dal-USA & SOMALIA- taas oo aan ku arkay websites qaarkood oo dhahaya USA waa 110 volt halkana wey ka duwantahay 100% wuu gubanaya laptopku. maxaa ka jira arintaas dhibse ma leedahay?
walaal qoraal kooban ayaan ku daray warbixinta kuna saabsan computer laga iibsado USA oo loola safrayo Afrika. haddii jawaabtaasi ku qancisay iisoo sheeg insha Allah
ustaad maxamed aad buu u mahadsan yahay runtii waa waxbarasho lacag la’aan ah Alle ha kaa abaal mariyo
Mahadsanid walaal Asad.
asc dhaman akhristayaasha
aadbaan kuugu mahadcelinayaa mclin mxamed cali waanu ka faa’iidnay qormadaan waxbadan bay natartay
waxaan kaloo umahadcelinayaa website yada dadaalka ugu jira say dadkooda uga saari lahayeen jahliga iyo aqoon darada
iyo horumar la’aanta dhanka computer-da waad mahadsantahay mxmed cli alle camalkaga hawanajiyo cimrigaagana hadheereyo
Drs iftin mahadsanid ducada iyo dhiiri gelinta. Ramadan kariim
thanks teacher
Aaaaad baad u mahadsantahy si kal iyo laab ayaan oga faa’idey macalin Alle haku xafudo
Aad ayaad umahadsantihiin
macalin sidee computerka Viber loogu isticmaalaa
Masha Allah aad iyo ayaad u mahadsantihiin Bahda AqoonKaal
hoay u socda sida aad bulshada soomaaliyeed uga caawineysaan dhanka technolog-iyada, ilaa iyo hadda aqoonkaal.com waa Web-ka kaliya ee i qancisay waana ku taxnaan doona Insha Allah.
Allaha idinka Abaalmariyo Caawinaadiina.
Mahadsanidiin.
mahadsanid walaal Ahmed bile.
Maansha allah,websitekan ama barkulankan aadka uqiimaha badan oo an mantaba helay aadbaan ugu riyaaqay,run ahaantiin wax badan ayaan ka faaiday .aadbaan ugu mahadcelinayaa qoraayaasha ka qayb qaata dhamantood websitekan .
,mida kale baan uga helau war bixintan .
guul iyo gobanimo
waad mahadsan tahay xiriirkaaga iyo dhiiri gelinta iyo niyad wanaagga. mahadsanid
waad mahadsan tahay macalin maxamed cali aqoonkaal khayr ayaan kuu rajayanaa markasta ilaahay ha kaaa abaal mariyo waxkastoo noo gudbiso kaasi oo anfac noo leh thk you so much
Walaahi ustaado waxbadan aynu Ku faa,idne masha,Allah marwalbana saas inoogu soogudbi insha,Allah
mahadsanid walaal Aqooon fiican baan ka faa iddey
Aad iyaad ayaad runtii noogu faahfaahisay mahadsanid
asc
walaal ad ayaad umahadsan tahay aqoontaadana ilaahay hakuu bara keeyo aad ayaan uga faaiiday qoraalkan waana kulaa xiriiri doonaa insha allaah
Macalin jazakallah sxb aad iyo ad ayaat u mahadsantahy waxayaabo anan kasi jirin ayaan kaa faa edeystey Allah ku barakeyo danbigadana Allah dhaaafo aqoonta Rabi kugu maneysteyna fafi sifo anagana uga faa edeysano mahadsanid walal
Aad iyo aad ayaa umahadasan tahy ustaad maxamed ali lkn suaal ayaan qabaa waxad isheegtaa computer ka aan iibsanaayo tusaale Somalia ayaan joogaa marka qofka iska ibiyaha ah kuma sheegaayo waa kanaa fican asaga kii ugu lagacta badan ayuu marwalba fiirinayaa marks hadaan rabo Computer dhan kasta kafican kaga qaadka kaga korantada kaga batter magaca uu leeyahay isheeg midkaan oo kale oo markaan tago aan dhihi karo computer hebal iga iibi adaa mahadsan
Masha Allah Waad ku mahadsatahay Sida wacan aad noogu sharaxday ustaad Alle ajar aan lasoo koobi Karin hakaa siiyo
Mahadsanid100% cilmi badan baan kaa faaidnay ustaad aad baad u mahadsantahay
m.a macalin waad ku mahadsantay sida howl karnimadu ku dheehantahay ee aad noogu faaiidausay jasaakalaah ustaad
Aad bad u mahadsanthy ustaad. Wax idea ah kama haysan laptop so ibsashadisana wa rabay. Thank you!
m.a macalin waad ku mahadsantay sida howl karnimadu ku dheehantahay ee aad noogu faaiidausay jasaakalaah ustaad