Sidee Video ku jira Youtube Loogu Xiriiriyaa Websiteka – WordPress

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Monday, February 11, 2013 | 5 Jawaabood

« | »

Tab iyo Xeelad:

Casharkan waxaan ku baran doonaa sida Video ku jira Youtube ama Vimeo loogu xiriiriyo website ku dhisan barnaamijka WordPress.

Gaar ahaan waxaan baran doonaa sida video-ga Youtube loo dhex geliyo qoraalka ama sida loogu xiriiriyo dhinaca website-ka.

Soo koobid:

  1. Booqo Youtube meesha uu kaga jiro Video-ga
  2. Riix linkiga “Share
  3. Riix linkiga “Embed
  4. Cabirka video-ga ka bedel barta Video size
  5. Hubi Video-yada ku sii xiriirsan Video-ga
  6. Markaas koobi ka samee xeerka Video-ga ama (Ctrl+C)
  7. Kaddib bogga qoraallada ee WordPress ku daabac xeerka video (Paste ama Ctrl+V).
  8. Markaas daabac qoraalka “Publish

Faahfaahin iyo Sharraxaad:

Qaybtan hoose waa sharraxaad dheeraad ah iyo sawiro muujinaya qaabka video ku jira Youtube loo dhex gelinayo qoraalka ama loogu xirayo dhinaca website-ka. Haddaba rac tallaabooyinkan:

1. Booqo Youtube-ka meesha uu kaga jiro Video-gu, sida https://www.youtube.com/watch?v=sR61GMssIjA

daabacaad1

2. Riix linkiga Share ee dhanka hoose ee Video-ga Youtube

daabacaad2

3. Kaddib Riix linkiga Embed

daabacaad3

4. Video size: Halkaas marka aad soo gaartid, waxaad fursad u haysataa in aad wax ka bedeshid cabbirka Video-ga si aad u waafajisid ballaca meesha aad ku daabaci doontid. Tusaale ahaan hadda ballaca video-gu waa width=”640”, si taas aad u bedeshid waxaad riixdaa barta Video size: Halkaas ka dooro cabbirka aad rabtid – (Marka aad bedeshid cabirka waxaa durbadiiba is bedelaya ballaca iyo jooga cabirka video ee ku dhex qoran xeerka.)

daabacaad4

5. Waxaad calaamadda u dhaafi kartaa ama baabi’n kartaa barta “Share with playlist starting from” (taas oo ku saabsan video-yada ku sii xiriirsan video-ga). Sidoo kale waxaad calaamadda ka masaxi kartaa ama u dhaafi kartaa barta “Show suggested videos when the video finishes” oo ah video-yada ka muuqan doona shaashadda marka uu video-gu dhammaado – Haddii callaamadu bartaas ku taal waxaa shaashadda ka muuqan doona Video-yaal ay Youtube u qiyaastay in ay la xiriiraan video-ga dhammaaday.daabacaad5

6. Marka aad ku qanacdid cabbria, kaddib koobi ka samee xeerka oo dhan ama (Ctrl+C) – Koobi si aad u samaysaid xeerka oo calaamadsan isku-mar-riix batoonka Ctrl iyo C ee teebka Computerka.

daabacaad6

7. Markaas bogga qoraallada (Posts) ee WordPress waxaad riixdaa barta “Text” (halkaasi waxay ahaan jirtey HTML wixii ka horeeyey WordPress 3.5). Kaddib meesha aad dooneysid in Video-gu ka soo baxo ku shub koobigii video-ga ee aad ka soo qaaday Youtube-ka (Paste ama Ctrl+V).

daabacaad7

FG: Ka hor inta aadan xeerka Video ku daabacin bogga hubi in uusan ahayn Visual, waa in shaashadda qoraalladu kuu joogto Text. Halkaas aan markale ku celiyo: Xeerka video-ga inta aadan PASTE ku samayn waa in aad marka hore joogtid bogga qoraallada qaybtiisa TEXT.

daabacaad8

8. Markaas daabac qoraalka Publish

daabacaad9

Halkaas marka aad soo gaartid waxaad ku guulaysatey inaad Video ku jira Youtube ku dhex daabacdid qoraal ku qoran WordPress, qaab la mid ah sida kan hoose . Marka waa in aad isku abaal marisid Koob Shaah ah oo lagu caddeeyey caano geel.

daabacaad10

Video-ga oo lagu daabacayo Widget-ka

Sidoo kale Video-ga Youtube waxaa lagu daabaci karaa qaybta Widgets-ka ee WordPress, taas oo sida caadiga ah Video ka muuqanaya dhinaca website-ka, sida midigta.

Ugu horayn qaabka video-ga koobi looga samaynayo waxa uu la mid yahay habka kor ku sharaxan. Waxa keliya oo aad hubinaysaa waa in cabbirka ballaca video-gu uusan ka weynaan cabbirka dhinaca website-ka ee video-gu ka muuqan doono.

9. Tusaale ahaan haddii dhinaca website-ku yahay 250px, markaas video cabbir la mid ah si looga dhigo:

  • Riix barta Video size, kaddib riix Custom size, markaas khaanadda yar ee soo baxda ku qor 250, waxaad arki doontaa in khaanadda laabaad uu cabbir u dhigma ku qormi doono. Sidoo kale waxaad arki doontaa in uu is bedelayo cabbirka xeerka video.

daabacaad11

10. Markaas xeerka koobi ka samee (Ctrl+c).

11. Kaddib riix barta Appearance, oo qayb ka ah Dashboard-ka laga hago WordPress, markaas riix Widgets

daabacaad12

12. Qaybta Widgets-ka ku jiid Text,  markaas khaanadda Widget-ka ku daabac xeerkii Video ee aad ka soo qaaday Youtube-ka (Paste ama Ctrl+v). Kaddib riix batoonka Save.

daabacaad13

Waxaa markaas Video-gii ka soo bixi doonaa dhanka website-ka, qaab la mid ah sida ka muuqata sawirka hoose:

daabacaad14

Video ku jira Vimeo.com

Sidoo kale aad ayuu u sahlan yahay in Video ku jira Vimeo.com la dhex geliyo qoraalka website-ka.

Marka aad booqatid website-ka Vimeo.com meesha uu kaga jiro video-gu sida http://vimeo.com/44573785 , riix barta Share ee dhanka midig ee shaashadda.

daabacaad15

Markaas koobi ka samee qaybta Embed ee shaashadda dhexdeeda.

daabacaad16

Xeerkaas video-ga waxaad ku daabaci doontaa qaybta qoraallada ee website-ka adigoo raacaya hab la mid ah sida aan ku soo baranay qaybta Youtube-ka.

Halkaas waxaad ku soo baranay sida Video ku jira Youtube ama Vimeo loogu xiriiriyo qoraal ku daabacan website ku dhisan WordPress.

Xigmadda Maanta:
Kalluun ha i siin
ee waxaad i bartaa
sida loo kalluumaysto!

Qore: Maxamed Cali Aaden (AqoonKaal.com)

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Halkudheg:

Bookmark and Share

5 Jawaabood

  1. abdikani says:

    asc walaal maxamed cali aadan ilaahay ajar hakaa siiyo waad noo faa’iidaysay, waan kaga mahad celin sidaad luqadena ugu soo bandhigto cilmiyadan laakiin waxa iga qosliyay koob shaaxa oo caano geel leh, waxaa ka sii macaan mid caano ari leh oo dhiil culan lagaaga soo shubay.

  2. Asc salaanta islamka kadib Aqoonkaal aad baad u mahadsantihiin waxanba is lahaa odoyaashan halkee baad umarineysaa mahad celinta aad u wadid marka hadaan arkay meshan lagu qoro mahad celinta xaqiiqatan waxaa tihiin website yada aan arko midka iigu fiicna dhanka wararka iyo wax barashada barnaamijkaana wordpress kaana baahi ween ayaan u qaway wayo waxaan ahay web master waan u bahnaa waad mahadsantihiin ajir iyo xasanaad aan lasoo koobi Karin allah idinka siiyo

  3. sakariye says:

    aad iyo aad ayaan kaaga mahad naqayna sida wanaag san ee aad noo fahan siisay ilaahay ajar kiisa haku siiyo maxamed cali

  4. Asc Ustaad Maxamed Ali marka koowaad waan kaaga mahad celineyaa sida hagar la’aanta ah aad cilmigaaga nuugo caawiso iyo wakhtigaaga
    su’aasha aan qabo waxay tahay markii aan damcey inaan video ku daawaco Website ku dhisan WordPress waxaan marey dhamaan wadadii aad sheegetey lkn waxaan ku guul dareystey markiin aan soo dhigay video maka muuqanaayo Catogory mise uma sameyna Sida video keliya markaan click ku siiyo ayuu soo baxaa muuqaalka marka ciladaas iga caawi

Jawaab u qor sakariye