Sidee Computerka Looga Xanibi karaa Websiteyada Aflaanta Anshaxa Xun

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Sunday, February 5, 2012 | 34 Jawaabood

« | »

“Carruurtaada ka difaac website-yada Anshaxa Xun”..

Internetka waxaa ka buuxa macluumaad wax tar leh. Waxaa taas garab socda in ay ka buuxaan waxyaabo aad halis u ah iyo kuwo anshax ahaan khatar ah oo aan u wanaagsanayn koritaanka caqliga ama maskaxeedka carruurta iyo amaankooda naf ahaaneedba.

Sidaas ayey lagama maarmaan u tahay in computerka ay carruurtu adeegsanayaan laga xanibo waxkasta oo anshax xumo iyo halis u keeni kara.

  • Bishii June 2010 ayaa OpenDNS waxay laba DNS-IP-address u qoondeeyeen barnaamijka FamilyShield (“OpenDNS Parental Controls”) kaas oo ay ugu talo galeen in waalidku ay caruurtooda kaga difaacaan websiteyada anshaxa xun, labaad DNS IP oo ah 208.67.222.123 iyo 208.67.220.123 ayaan u adeegsan doonaa casharkan.

Casharkan waxaan ku bararan doonaa nidaamkaas oo ah mid aad u fudud oo suurtagal ka dhigaya in computerka laga xannibo websiteyada anshaxa xun ee aan ku habboonayn in carruurtu galaan ama si aan ula kac ahayn loogeli karo adigoo iska dhex mushaaxaya Internetka.

Websiteyadaasi waxay noqon karaan kuwo ah nooca loo yaqaan ‘phishing’ (waa websiteyo maqaar-saar ah) oo ah loo ekaysiiyo wax aysan ahay si dadka loogu siro oo loona khiyaameeyo ama websiteyo ay ku jiraan aflaa anshax xun.

Waxaan adeegsan doonaa nidaam uu suurtageliyo cinwaan (IP Address) khaas ah ee barnaamijka FamilyShield ee uu martigeliyo websiteka opendns.com.

IP-address-ka FamilyShield ee aan adeegsan doono 208.67.222.123 iyo 208.67.220.123. Daawo Video-ga hoose:

ama Toos ka daawo Youtube (Halkan)

Tixraac:

Faahfaahin:

Haddaba nidaamkan si aad u samaysid waa in aad hahaysid furaha guud ee computerka, marka aad daartid computerka raac habkan:

1. Guji Start, kaddib riix Control Panel

2. Riix Network and Internet, kaddib riix Network and Sharing Center

3. Guji Local Area Connection oo ku hor qoran barta “Networks”

5. Guji batoonka Properties

6. Calaamadi ‘Internet Protocol Version 4 (TCP/IPv4)’ , kaddib guji Properties.

7. Riix barta ay ku qoran tahay ‘Use the following DNS server addresses:’ Markaas qor IP-ga OpenDNS ku qor labada meelood ee Preferred DNS server iyo Alternate DNS server. (FamilyShield IP-address waa 208.67.222.123 iyo 208.67.220.123)

  • FG: Waxa la bedelayaa ma aha IP Address-ka computerka, ee waxaa la bedlayaa waa cinwaanka IP-ga ee DNS server. (Eeg shaashadda hoose khaanadaha lagu qorayo cinwaanka hubi).
  • FG: Marka aad lambarada qoreysid waa in khaanad kasta lagu qoro tirada. Tusaale ahaan khaanadda hore ku qor 208 markaas godka labaad ku qor 67 kaddib godka saddexaad ku qor 222 kaddibna godka xiga ku qor 123 UFIIRSO: Tirada 208.67.222.123 waxaa u dhexeeya DHIBIC, laakiin dhibicda lagu qori maayo.

8. Guji batoonka OK kaddib riix batoonka Close, markale riix batoonka Close. Ugu dambayntana xir shaashadda Network and Sharing Center.

9. Halkaas marka aad soo gaartid waxaad barnaamijka aad websiteka ku daalacatid (Browser-ka) ka masaxdaa waxyaabaha ku jira xasuustiisa. (Firefox: Guji Tools / Clear Recent History), (IE: Guji Tools / Delete Browsing History), (Chrome: Guji Sawirka Baanadda / Tools / Clear Browsing Data…)

10. Markaas si aad u tijaabisid in wax kasta u shaqaynayaan sida loogu taala galay, booqo websiteka
https://store.opendns.com/familyshield/welcome/ Waxaa markaas soo bixi doona shaashad lamid ah tan hoose oo muujineysa in computerkaagu uu ka difaacan yahay websiteyada anshaxa ah xun.

Waxaad kale oo ka hubin kartaa linkigan http://www.opendns.com/welcome/ oo soo saaraya shaashadda hoose:

11. Sidoo kale booqo website http://www.internetbadguys.com waxaa markaas soo bixi doona shaashadda hoose oo muujienysa in computerkaagu uu ka difaacan yahay websiteyada nooca is-maldaha.

Wixii markaas ka dambeeya haddii computerkaas laga galo website anshax xun waxa uu soo qori doonaa shaashad la mid ah tan hoose oo muujineysa in websitekaas la xanibay, sababta loo xanibayna ay tahay inay ku jiraan waxyaabo anshax xumo ah, sida filimada anshax xun.

  • FG: Waxaa xusid mudan in ay dhici karto in website-yo anshax xun qaarkood ay hareer maraan xanibaaddaas, sidaas daraadeed waa in markasta la feejignaado oo lala socdo websiteyada ay carruurta  gelayaan.
  • Haddii aad la kulantid website anshax xun oo soo dhaafay difaacan aad samaysay, waxaad websitekaas ku wargelin kartaa jaaliyadda OpenDNS adigoo booqanaya websitekan http://community.opendns.com/domaintagging/ (Waxaa kale oo haboon in akoon laga maarayn karo laga samaysto https://www.opendns.com/home-solutions/parental-controls/ )

FG: Haddii aad adeegsatid Router ay ku xiriirsan yahay computer ama computero badan, markaas waxaad raaci kartaa nidaamka ku sharaxan websitekan https://store.opendns.com/familyshield/setup/ (Eeg sawirka hoose.)

Markaaad barnaamijkan ku guulaysatid waxaad hore u qaaday tallaabo aad computerkaaga kaga dhigeysey mid sidii hore ka ammaansan, kana xaniban badanaa websiteyada anshaxa xun. Waxaadse ogaataa in markasta ay muhiim tahay in la feejignaado marka computerka  lagu dhex mushaaxayo internetka in taxadar laga muujiyo.

Waxaa kale oo muhiim ah in computerka ay carruurtu adeegsadaan in la dhigo meel dadka oo dhammi ay wada arkayaan oo aan loodhigin qol gaar ah oo keligiis ah. Waxaa kale oo muhiim ah in la xadido waqtiga computerka ay ku jiraan carruurtu.

Waxaa  jira barnaamijyo badan (kuwo lacag ah iyo kuwo lacag la’aan ah) oo computerka ka ilaaliya websiteyada anshaxa xun,. Barnaamijka aan casharkan kusoo baranay keliya waa in aan lagu kaaftoomin ee waa in aad taxadar iyo feejignaan laga muujiyo computerka ay adeegsanayaan carruurto.

Waxaa kale oo aad muhiim u ah in waalidku ay bartaan xirfadaha asaasiga u ah  adeegsiga computerka si markaas ay u hubiyaan meelaha ay carruurtoodu ka booqanayaan Internetka iyo websiteyada ay galaan.

Sidoo kale waa in carruurta la baro in aysan cinwaanada guriga iyo telefoonkooda ama emailkooda siin qof aysan aqoon ee Internetka ka weydiisanaya. Waa in aysan qofna u sheegin wax lagu garanayo ama lagu aqoonsanayo.

Sida ku cad website-ka http://www.opendns.com/, waxaa barnaamijkaas adeegsada 30 million oo qof, waxaa intaas dheer in uu difaaco 40,000 oo Dugsi ama iskool.

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Halkudheg:

Bookmark and Share

34 Jawaabood

  1. ibrahim says:

    Macalin Waxaan kaaga mahad celinayaa sida wanaagsan aad had iyo jeer noogu soo tebiso aqoonta computer-ka ILLAAH hakuus saaro miisaanka xasanaadka kumanaan iyo kumanaan jeerna mahadsanid macalinkeena maxamed cali.

  2. abdala says:

    asc dhaman umada muslimiinta ah gaar ahaan akhyaarta aqoonkaal isticmaasha iyo aqoonyahanka soomaaliyeed ee inoosoo gudbiya casharadan muhiimka ah allaha ajar hakasiyo mida kale waxan weydiin walaalkey mohamed ali inuu isheego waxan leyahay pc computer ip address na wuu leyahay marka asagoo ipgan uu kujiro magalin kara ip adress kan aad nooshegtay wadmahadsantahay walaal jawaab ayaan sugi insha.allah wabilaahi tawfiiq

    • Maxamed Cali says:

      Asc: Walaal Cabdalla, marka hore mahadsanid. Su’aasha la xiriirta IP-addresska: Sida aad sheegtay computer kasta waxa uu leeyahay IP u gaar ah kaas oo ay siiyaan shirkadaha bixiya khadka la adeegsanayo ee Internetka, IP-gaas oo noqon kara mid aan isbedelin iyo mid isbedela (dynamic IP address).

      Haddaba IP-ga casharkani ku saabsan yahay waa mid la xiriira inuu xanibayo haddii computerka la isku dayo in laga galo website anshax xun oo ay ku jiraan aflaan anshax xun, haloo qasdo ama si aan u kac ahayn lagu khaladamee, kaas ayuu durbadiiba kuu sheegayaa in websitekaas la xanibay, waxaana xanibaya OpenDNS.

      Haddii aad u fiirsatid qaybta IP-ga la bedelayo ma aha IP-addresska Computerka ee waa IP-ga DNS-ka Serverka computerka, haddii aad eegtid shaashadda laga bedelo waa laba qaybood: Qaybta sare waxaa ku qoran “Obtain an IP address automatically” (kaas waa IP-ga computerka ee aan kor ku xusay in ay bixiyaan shirkadaha Internetka laga kiraysto). Qaybta labaadna DNS Server Address (Halkaas ayaan ku qornay IP-address kaas oo xanibaya websiteyada anshaxa xun)

      Marka walaal IP-address kaagii sidiisii ayuu ahaanayaa, waxa keliya oo aad computerka ku siyaadisey difaac FamilyShield kaas oo kaa ilaalinaya in lagu khaldamo website anshax xun. AP address kaagii in uu sidiisii yahay waxaad ka tijaabin kartaa websitekan: http://www.whatismyip.com/ oo marka aad gashid kuu qoraya IP addresskaaga.

  3. cabdirazaq says:

    asc. suaal?
    walaal aad baad ugu mahadsantin marnamijyadan aadka u cilmiyeysan eed noo gudbisaan ilahay kheyr ha idinka siyo.
    walal IP-kan ( 208.67.222.123 ) and 208.67.226.123 inaan isticmaalo miyey tahay mise waa inaan IP-gayga keliya aan isticmaalo.

    kheyr ayaan idin rajenaya,

    abdirazaq,

  4. Abdulkadir says:

    Asc, salaan kadib aad ayaad walaal Maxamed oogu mahadsantahay Aqoonta aad mar walbe nagu siyaadiso allaha ajar kaa siiyo runtii waxyaabo badan oo i anfacay ayaan kaa faa iidey marka allaha kuu siyaadiyo nimcadaada.

  5. C/kariim says:

    Maashaa Allaah qeyr aan dhamaan Alle ha ku siiyo waxaad tahay walaal wanaagsan. Mahadsanid tacliintaada wanaagsan Jskuma Allaa qeyrak.

  6. Said says:

    Asc, walaal Maxamed waan ku salaamay.

    Su’aal?

    Walaal marka aan nambarka ku qoro meesha aad noo sheegtay waxuu computerka leeyahay. prefered dns serverka iyo alternativka midka ah isku mid ma noqon karaan, ee bedel. Wuxuu diidan yahay in labada nambar isku mid noqdaan. Waxaan isticmaalayaa waa windows vista home basic.

    Maxaa talo ah?

    Mahadsanid

    • Maxamed Cali says:

      ASC: Walaal Saciid marka hubi in lambarada si sax ah aad u qortay, Windows Vista waa la mid sida casharka ku sharaxan, websiteka FamilyShield sii gaar ah uga fiiri Windows Vista linkigan eeg https://store.opendns.com/familyshield/setup/operatingsystem/windows-vista

    • yasin says:

      Ilaahay ha kaa abaal mariyo walaal.
      su’aal?
      marka aan xanibo computerka hadii ay jiraan dad booqday oo isku dayay in ay galaan meelihii xunxumaa oo ay heli wayaan MA OGAAN KARAA IN LA ISKU DAYAY IYO INKA LE

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal Yasin, waxaad jira barnaamijyo lagula socon karo wax kasta oo lagu qoro teebka computerkaaga, barnaamijyadaas oo loo yaqaan Keyloggers. Waa barnaamij u baahan in aad computerkaaga ku rakibtid, kaddib u samaysid password khaas kuu ah, markaasna aad qarisid barnaamijka si markaas aad ula socotid wax kasta oo lagu qoray computerkaas.

      Barnaamijyadaasi waa kuwo sharci ahaan aan lagu rakibi karin computer aadan lahayn, waayo waxaa lagula socon karaa wax kasta oo lagu qoro Teebka (Keyboardka) computerka.

      Barnaamijyadaas waxaa ka mid ah mid laga heloshabakadan http://download.cnet.com/windows/logixoft/3260-20_4-6287137.html

      Waxaase muhiim ah in aad ku baraarugsanaatid in ay jiraan barnaamijyo kale oo ogaan kara in computerka uu ku rakiban yahay barnaamijka Keyloggers, barnaamijyadaas lagu ogaan karo in aad computerka ku rakibtan barnaamij diiwaan gelinaya wax kasta oo lagu qoro waxaa ka mid ah mid laga helikaro halkan http://download.cnet.com/SnoopFree-Privacy-Shield/3000-2092_4-10164700.html

  7. sambuuz says:

    ascwrwb macalin aad ayaad u mahadsan tahay sida wanaagsan somalida ugu soo gudbiso casharo faaiido u leh somalida dhamaan once again thanks macalin.

    • Axmed shaakir says:

      Waxan hawada idin soo marinaya salaan diiran, waxadna ku mahadsantiin casharada muhiimka ah ee aad bulshada somaliyed aad ugu faa,ideynaysaan, mahadsiinidiin,

  8. Showqi says:

    A/c Mohamed aad iyo aad ayaad u mahadsantahay , good job

  9. Cabdullahi says:

    Asscww. Maashaa allaah Muxammad Cali. Marka hore iga gudoon salaantan qaaligaa. Marka xiga waad ku mahadsantahay casharadaada. Aad iyo aad ayaana uga helay. Laakin macalimoow waxaan jeclaan lahaa. inaad noo sharaxdid. Ama noo qortid cashir ku saabsan. sida kubuyutarka Afsomali looga dhigo. Halka aan ingiriiska ka isticmaaleyno oo kale. Metelan, Wadama badan ayaa afaf kooda ku isticmaalo. sida af jeynees. sida af hindi. sida aftalyaani, sida afcarabi. Marka iniguna waxaan rabaa inaan ku isticmaalo afsomali kumbuyuutar keyga. Marka cashar nuucaas ah ayaan kaa codsanayaa, adigoo mahadsan. wabillaahi towfiiq. ASSCWW.

  10. hassan says:

    thx macallin

  11. Nuradini says:

    Asalama alaikum,

    walaalo waan ka waayay network and internet markaa tilmaamahan oo dhan waan ka waayay pc-gayga laakiin internet connections ayaan hayaa isagana markaan click siiyo meelo kale ayuu i gaynaayaa haye maxaan sameeyaa

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal Nuradini fadlan tallaabooyinka aad qaaday iisoo qor si aan isula eegno meesha aad maraysid, si markaas aan isula saxno. Mahadsanid.

  12. Hasan Nuur says:

    Macalimuu aad baan kugu mahadcelinayaa, waxaana Alle kaga rajeynayaa in uu ajar kaa siiyo howsha wanaagsan ee aad heyso, runtii aniga waxan ka mid ah dadka webkan sida weyn u isticmaala, computerka aqoon fiican waan u leeyahay balse waxaan si weyn uga faa’iideystay casharrada qiimaha badan ee aad webka soo geliso, sida Cam Studio, Kan hada, Web design, iyo weliba casharro kale oo la xiriira Word presska, Walaal marlabaad mahadsanid, waxaana ku leeyahay howsha meesheeda ka wada Allena hakula garab galo.

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal Hasan Nuur, mahadsanid qoraalkaaga. Waxaana ku faraxsanahay in aad casharro ka faa’iidey website-ka, waana ku sii dadaalayaa casharo intii Allah i waafajiyo.

  13. cusmaan macallim says:

    Assalaamu caleykum,walaal waxaan aad ula dhacey casharadaada iyo faa’iidadooda,waana kumahadsantahay, balse waxaa iga su’aala oo aan rabaa inaad iifaa’iidayso markaan damcay inaan casharkaan dhaqangaliyo ayaa waxaan kawaayey computer-keyga icon-ka network and internet,marka sideen kuheli karaa?, afiiduunaa ma’juuriina bi’ithnillaah.

  14. khalid says:

    masha allah walal runtii aad iyo aad ayaan ugu farxay markaan arkay qof somali ah oo sidaa hagar la,aanta ah u caawinaya dadka soomaaliyeed……..casharo badana waan ka faaiiday runtii webkiina……..allah miisaanka xasanaadka ha idiinku daro….aamiin

  15. walaal sare aaad ayaa umadsantahay waxaana ku rajeyna janada alle cafimad iyo qeyr

  16. munasar abdilatif osman says:

    asc masha allah aad ayaa umahadasantahay mo,limo waana ku tixanahay casharadaada macalin casharada manooga dhiga kartaa muqaal waa mahadasanatahay

    • Maxamed Cali says:

      asc walaal mahadsanid xiriirkaaga. Insha Allah waa ku dadaalayaa sidii aan video uga dhigi lahaa.

  17. abdikarim osman yasin says:

    asc wlo ad ayad u mahadsantay wale illahayna khyr iyo xasanad ha kaasiyo cilmiga aad dadka baraysid waayo in badan ayanba radinayay si an websitka xun uga xidho ubadanka masha alah hada waan ku guulaystay

  18. Khaliif says:

    Asc.Macallin aad baad ugu mahadsan tahay dadaalkaaga iyo sida aad dadwaynaha meel ay joogaanba ugu faa’iidaynayso,Eebbana ajar iyo xasanaad ha kaa siiyo.Waa Barnaamij waxtar iyo difaacba leh.

  19. Walal waxaan isticmaalaa samsung galaxy s3 markaa waxaan rabaa inaan ka xanibo aflaanta anshaxa xun qaabkeen isticmaali karaa adoo mahadsan asc

  20. Abdirazak says:

    ASC WR WB. walaal ugu horeeyn aadban kuu salamaya,waana kaaga mahadcelinaynaa sida wanagsan e cilmigan laxiriira tiknoolajiyada e aadka ubaaxada weeyn aad noogu sharaxdo marwalba afkeena hooyo. Jazaakallahu khayr. aadbaan uga faaiidey cashirada aad bixiso iyagoo maqal iyo muuqaalba leh iyo iyagoo qoraal ahba. Thank you engineere.

  21. wllo aad iyo aad baa ugu mhadsantihin casharkan qiimaha badn ee afka hooyo ku baxaya lkinse hadan kusoo biiray akhristyaasha web kan ee ha lay bilabo weli computer ma isticmalinr

  22. Walal wad ku mahad san tahay aqoonta aad noo soo ban dhigtid aad ayaa ugu mahad san tahy aniga waxn dhigtaa jamcada muqdisho waxan kabartaa fuliyada computer science walal aad ayaa kaga fa idestay mahadsanid

  23. c.laahi macalin cali says:

    asc macalin aad iyo aad ayaad umahadsantahay waxaan ahay arday kucusub websidekaaga waxaan dhigtaa jaamacada JAMHURIYA UNIVERSITY OF CEINSSE & TECNOLOGY gaar ahaan kuliyda COMPUTER CEINCE & INFORMATION TECNOLOGY waxaan alle kaaga baryaa in uu kaa abaal mariyo wanaaga aad noosameesay

Jawaab u qor munasar abdilatif osman