Webdesign Ku Baro Af-Soomaali: Casharka 8aad

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Sunday, July 24, 2011 | 51 Jawaabood

« | »

Casharkan waa kii 8aad ee casharro xiriir ah oo ku saabsan naqshadaynta iyo dhismaha muuqaalka guud ee website (Webdesign ku baro Af-Soomaali) oo aad kala socotaan AqoonKaal.com.

Casharadan waxay asaas u yihiin xeerarka suurtagalka ka dhiga in la sameeyo qaabka guud ee uu ku soo baxayo website-ka (ama website layout).

Video-ga hoos ka daawo:

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Halkudheg:

Bookmark and Share

51 Jawaabood

  1. maxamed says:

    maclin waan ku raagsanay casharka waad ladaahday
    nooo la soo dheeray

  2. buuwaaye says:

    Macalin casharkii 8aad haddaan dhammeeyey ee macalin iiga saxbo http://www.arday.byethost5.com/

    sidoo kale ardayda ku xiran casharradaan waxaan dhihi lahaay in ay soo gudbiyaan websitekooda si macalinka uga saxo, haddii ay cilad jirtana aan kawada faa-iidaysano.
    tusaaale: aniga wax kasta aan isku dayey sawirka ayagoo image ku jiro iisoo baxaan, nasiib daro waa ii suurta geli waysay inaan filezilla ka muuqdaan.

    • Maxamed Cali says:

      A/c: Walaal website aad samaysay marka aan galo sawiradu waa ka muuqdaan, si wanaagsan ayaana sawirada loo arkayaa… Xeerka aad isticmaashay fadlan soo qor si aan isula eegno.

  3. buuwaaye says:

    Macalin xeerkaan markaan isticmaalo
    img src = “”image/ sawir.jpg”” computerkayga gudihiisa waa ka arki karaa, laakiin filezilla maka muuqanaayaan. si walba aan sawirada u upload gareeyo. hadda waxaan isticmaalay habkaan img src = “” sawir.jpg”” si computerkayga iyo filezilla uga wada muuqdaan. dhibaatadaan waxaa laga yaabaa in dad kale ay haystaan.

    • Maxamed Cali says:

      Ugu horayn hubi: img src=”images/sawir.jpg”

      1. Ufiirso khaanadda aad ku xerayneysid sawirada magaceedu wa images, ee ma aha image
      2. isla markaasna waxaa dhinacyada ka xiga qoute sidan oo kale “….” ee laba quote kama xigaan, sidan oo kale “”……”” (sidan waa khalad).
      3. Waxaa shardi ah in aad khaanadda images oo dhan ku xawishid internetka adigoo adeegsanaya Filezilla… Halkaas u fiirso: Khaanadda “images” oo uu ku jiro faylka sawir.jpg waa in aad khaanadda oo ku jiro sawirku ku xawishid Internetka.
      4. Haddii sidaas uu ku shaqayn waayo tijaabi xeerka img src=”/images/sawir.jpg”

      Haddii sidaasi kuu shaqayn weydo, mar labaad hubi xeerka img src=”images/sawir.jpg” ama img src=”/images/sawir.jpg” , Isla markaasna waa in KHAANADDA images oo sawiradu ku jiraan aad ku xawishid website-ka adigoo adeegsanaya FTP (FileZilla).

      FG. Website aad samaysan ee http://www.arday.byethost5.com/ marka la qooraansado xeerka ku qoran waxa uu muujinayaa in aadan ka tagtay khaanadda images, Laakiin sawirada aad ku qortay waa soo baxayaan sababtoo ah xeer sax ayaad adeeegsatey laakiin aan khaanaddu la socon.

      Waxaan rajaynayaa in aad ku guulaystid xeerkaas.

  4. maxamed says:

    macalin casharada waan sugi waynay

  5. Dirie says:

    ASC macalin waxaan soo gaaray casharka dhamaadka waana ku guleystay in aan sameeyo website hanaan sare leh lakin sawirada markaan filezilla geeyo masoo baxayaan lakin Pc-gayga waan ka dhex arkaa ciladana wali magaran. mahadsanid

  6. Dirie says:

    ASC macalin waxaan soo gaaray casharka dhamaadka waana ku guleystay in aan sameeyo website hanaan sare leh http://dirie.byethost24.com/ lakin sawirada markaan filezilla geeyo masoo baxayaan lakin Pc-gayga waan ka dhex arkaa ciladana wali magaran. mahadsanid

    • Maxamed Cali says:

      walaal sawiradu si ay websiteka uga soo baxaan, waxaa shardi ah in Internetka lagu xawilo, waxaana muhiim ah in khaanada ay ku jiraan sawiradu lagu xawilo internetka, tusaale ahaan images haddii ay ku jiraan waa in khaanadaas lagu xawilo internetka, markaasna sawirkii lagu xiriiriyo HTML, sida caadiga ah ee aad haddaba ugu xiriirisay, laakiin sawirkana internetka ku xawil

    • maxamed says:

      masha alaaaaaaaaaaaaaaah

  7. Ibrahim says:

    Macalin Maxamed Cali Ugu horeyn ASCWRB salaantaa kadib macalin waan kaaga mahadcelinayaa in badan casharadada sida fudud aad noogu soo gudbisay weligey kuma illoobi doono macalin waan dhisay webka sidii aad inoo bartay waa kan iga fiiri http://jiilaal.byethost22.com/

  8. ilyaas says:

    asalaamu calaykum
    waxan ahay arday cusub oo imika arkay website kan
    runtii aad iyo aad ayuu u wnaagsan yahay , wanan ku mahad celinayaa , ajarkaga alle ayuun baad ka heli

    su\ashaydu waxay tahay
    video ga aad ayuu u culus yahay markaa si aanu u dawano macalin bal waxad samaysaa noo soo fududee wayo video gu maba soo baxayo ilaa in badan la sugo
    mahadsanid wallao

    • Maxamed Cali says:

      A/c: Walaal mahadsanid, waana ku faraxsanahay in aad kusoo biirtay akhyaarta casharada kala socota AqoonKaal.com.

      Tan Video, walaal waxay ku xiran tahay meesha aad joogtid internetka aad adeegsatid khadkeeda Internetka, haddii uusan xawaare sare lahayn waa dhici kartaa in video cuslaado. Waan ku dadaalayaa in aan yareeyo waqtiga videoyada dambe insha Allah. Mahadsanid

  9. Farhaan says:

    Asc macalin ad ban kaga mahad celinayaa howsha adag ad haayso abaalkedana ale haku kordhiyo, walal casharada xigo ayan sugi la,ahay laso dhaqso wana goorma

  10. cabdikafi jamac says:

    As.w. Walalken iyo macalinkena marka hore wankusalamaya, marka labaadna waxan kaaga mahadcelinayaa deeqdan taariikhiga ah oo mujtamaceena ad usameysay. Walal wan qaatay dhaman cashiradi kusabsanaa dhismaha Webka waxana sameeyay websiteki ad nootilmantay http://www.himilo.zxq.net. Sida sxbaday kor kuqoren waxa dhib iga hesta sawirada. Marka sawirka ftp ankudiro mawaxan isticmalaya http… Inu webka kujiro? Thanks….

    • Maxamed Cali says:

      A/c; Walaal mahadsanid. Sawirada sida aan jawaabaha hore ku xusay waxaa muhiim ah in aad khaanadda sawiradu ku jiraan ku xawishid server-ka, waa khaanadda aad u bixisay “images”, markaas haddii sawiradu kuu soo bixiwaayaan tijaabi in aad magaca khaanadda ka hormarisid calaamaddan /

      Sidaas daraadeed linkiga qaybta SRC waxa uu markaas u qormayaa sidan: img src=”/images/calan.jpg”

      Ufiirso halkaas: Markii hore waxa uu linkigu u qornaa sidan:

      img src=”images/calan.jpg”

      Haddana waxa uu u qoran yahay sidan:

      img src=”/images/calan.jpg”

      Waxaa siyaado ku ah / oo ka horaysa images

      FG: Waxaa shardi ah markaas in khaanaddii images aad ku xawishid internetka adigoo adeegsanaya FTP, waa khaanadda ay ku jiraan sawiradu.

      Tan kale hubi sida aad u qortay khaanadda sawirada, ma waxaad ka dhigtay image mase images. Waa muhiim sida ay khaanaddu u qorantahay in aan magaceedana u higgaadisid oo u qortid sidaas.

      Haddii uu kuu shaqeeyo, fadlan qaabkii aad isticmaashay ku qor halkan si ardayda kale uga faa’iidaystaan jawaabtaada.

      Mahadsanid

  11. cumar says:

    Asc
    Macalin jzkl aad baan kaaga mahad celina yaa aqoontaada aad nooga faideysay, macalin waxaan soo garay cashirka 8aad
    iga fiiri.
    macalin waad mahadsantahay.
    cumar
    as/c

  12. cumar says:

    asc macalin w2aan dhameeyay iga sax
    http://qalimow.byethost22.com/
    as/c

    • Maxamed Cali says:

      A/c: Walaal Cumar, waad ku guulaysatey casharada, website wanaagsan waad samaysay.

      Keliya marka aad qoreysid Xuquuqda (c) waxaad qortay xeerka oo u qoran sidan: &coppy; , waxaa ku siyaado ah P, waxaa sax ah sidan: &copy ;

      Mahadsanid

  13. cabdikafi jamac says:

    Ciid wanagsan akhunaa Maxmad Cali.

  14. Dirie says:

    ASC dhamaaan ciid wanaagsan

  15. C/kafi Jamac says:

    waa salaamayaa macalim Maxamad Cali iyo dhaman ardayda waxaana usheegayaa inaan kuguulaystay sawir galinta bogayga webka ka fiiri http://nabad.host56.com
    waxaan sameeyay inaan masaxo qoraalkii hore oo notebad++ meeshii sawirka isla xeerkii yaana markale ku type gareeyay tani waa taalaabada ugu mihiimsan oo aniga uu sawirku iigu shaqeeyay markii aan xeer meelkale kasoo copiyeeyay ama xeer iiqoraa aan wax ka badbadalay wuu iisoo bixi waayay wuxuu rabaa sawirku si uu ushaqeeyo in se fresh ah aad markaas xeerkiisa utype gareeyso tan labaad waa inaan si wanaagsan uhubsaday inaan sawirka FTP kudiro.
    Qoraalkan waxaan uqoray codsigii macalimka ee ahaa inaan ardayda usheego marka / sida sawirku iigushaqeeyo.
    thank you all.

  16. abduqaadir cali says:

    macalin salaan ka dib waxaan kaa codsanayaa inaad ii sheegto sida aan u heli karo ama u samey karo foom nuucaan oo kala ah kaas oo comment ah . mahadsanid

  17. dirie says:

    ASC macalin sidee tahay, waxaan aad ugu xiisnay duruustii tixanaha aheed waxaan jeclaan laheyn in aad duruustii noo sii wado haday macquul tahay, mahadsanid.

  18. Jamal says:

    A.s.c maclim.waxan sameye wabkan inkasto aan kari waye. Border-bottom header lkn wan keni http://www.dadaab.99k.org maclim waxan filaya in aan isku daye

  19. Jamal says:

    Maclim ka cajisi mayo..inkasto an jogo mel qaxoti ah..o qadka internetka laga helyn. Hada waxan ku ficanahay hayad an u shaqeyo aan marka computarada lagabo shaqada an istimcala. Runti cilmi an lakobi karin ayan ka fadiday allah ka abal mariyo? Sua’al qebta comments sida an uso qori cml sidi lo sameya. Mel ay aqrisyasha ku dhibtan rayigoda http://www.dadaad.99k.org

  20. C/fataax says:

    macallin,walaal waad mahadsan tahay meesha ugu dambeeso ayaa soo garay waana dhameeyay lkn suasha tagan ayaa wexe tahay wordpress waan leeyahy lkn sidee u gelin karaa my html template ka wordpress. waan ka radiyay aqoonkaal.com in ee ku qoran tahay habka loo galiyo lkn waan ka waayay plz help

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal insha Allah marka aan firaaqo wanaagsan u helo ayaan daabaci doonaa casharadaaad xustay, insha Allah. Mahadsanid

  21. c/fataax says:

    macallin markale mahadsanid waxan rabay ina ku weydiyo sual ka baxsan casharkaan adoo raali ah, si fcn ayaa u bartay html iyo css ka aa noo soo gudbisay waana ku mahadsan tahay wada ayaa ii furtay waxaan rabay inaa u gudbo c++ ama c# mid kood hada waxa soo dajistay pdf ku qoran tahay sida loo barto c plus plus lkn ma faah faahinayaan meesha lagu qorayo ma notepad++ lagu qoraa mise meel kale teeda kale wexe i dheheen compiler ayaa u bahan tahay ms visual studio cml alxaasil waan ku wareeray waxa u bahanay inaa ii faah faahisid waxa leega bahan yahay inaa soo dajisto(download) iyo sidaan iskugu xeriirin lahaa wax yallah aa so dajisto F.G fadlan ha noqdaan waxa soo dajisanaayo wax free ah

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal mahadsanid xiriirkaaga, tan la xiriirta barnaamijka C++ si aad u diyaarisid waxaad u baahan tahay IDE (o ah meesha aad ku qoreysey xeerka) iyo Compiler.

      Maxaad ugu baahan taahy Compiler-ka: Waayo Computerku ma fahmo luqada caadiga ah sida Soomaaliga ama Ingriisi iwm, sidaas daraadeed si barnaamijka loogu bedelo luqad uu computerku fahmi karo waxaad u baahan tahay COMPILER (oo ah turjubaan).

      Barnaamijyadaas turjubaanka ah oo lacag la’aantaa h waxaa ka mid ah:

      DEV-C++
      – oo laga soo rogan karo linkigan:
      http://sourceforge.net/projects/orwelldevcpp/

      CodeBlocks
      – oo laga soo roagan karo linkigan:
      http://www.codeblocks.org/

      Waxaad kale oo adeegsan kartaa Visual Studio EXPRESS oo uu leeyahay Microsoft: http://www.microsoft.com/visualstudio/eng/downloads

  22. abdullahi muhya says:

    asc macalin salaan kadib kheyr badan ayaan kuurajeynaya insha allaah iyo caafimaad waan wada daawaday casharadaadi ee webdesign ka iyo html and csska aad iyo aad ayaan ugu farxay markaan arkay casharadaadi insha allaah waxaan kaloo aan kaa codsan lahaye ee in aad soo raciso isla casharada webdesignka oo ah Template ka oo ah isku xirka bannerka iyo navigation ka iyo waxii soo raaca aad raaciso in uu interfaceka kabixin marka insha allaah

  23. Abdiwali says:

    Thnks Mohamed Ali iyo dhamaan bahda Aqoon kaal waxaan idinkaga mahad naqayaa sida wacan ee aad u saacida umada ugana saacidan wax walboo ku saabsan Tiknoloojiyada allah ha idiin barakeeyo cilmigiina 

  24. maxamed somali says:

    Asc macalin Maxamed Cali Aqoonkaal maclim aad iyo aad ayaad umahadsantahay macalin waan dhameeyay sameeynta naqshad webseed ee macalin waxaan kaa odsanaa inaad igu caawiso free domain name oo aan kusoo bandhigo naqshadeeyda wwad mahadsantahay.

    ALLE HAKU ABAAL MARIYO MACALIN.

  25. Asc macalin Maxamed Cali, Alle haku abaal mariyo macalin waan sameeyay naqshad qurux badan webkeya waa: http://www.dalsan24.6te.net ee iga hubi macalin aad iyo aad ayaad umahadsantahay Jazaa kumuLLaahu kheyra.

  26. Asc macalin macalin waaan ku guuleeystay sameeynta naqshadii aad na bartay macalin waa kan webkeeyga http://www.dalsan24.6te.net
    Alle hakaa abaal mariyo macalin Maxamed.

  27. aad baad u mahadsantahay macalain maxamad ali waan dhisay webside waxaan rajaynayaa in aad iga tijaabisid adigoo mahadsan
    http://www.tacalam.ml

  28. SC MACALIN HORTA MARKA AAD IYO AAD AYAAD U MAHADASANTAHAY
    cilmiga ku saabsan computerka ee aad na bartay marka labaad macalin maxamad waan dhamaystay casharka 8aad maanta waxaan soo waday ilaa casharada HTML & CSS bal hadaba waakane tijaabi http://jumhuur456.byethost33.com/
    laakiin sawiradii waan kari waayay si walba waan way soo bixi waayeen
    maxaan sameeyaa markaa

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      Walaal marka hore webka u samee fayl ah index.html si aan u arko websiteka

  29. asc macalin hada caadi ayaan ka dhigay waad tijaabin kartaa faylkii indexkana waan ku xawilay
    waakan :-http://jumhuur456.byethost33.com/

  30. Maxamed Saeed From Erigavo – Soomaaliland
    Macalin Maxamed Cali Aadan iyo dhamaan ardayda wax ka barata Aqoonkaal.com waan idinku salaamay salaanta islaamka
    macalin waxaan ka mid ahay ardayda dhamaysatay course kan waana ilaahay mahadii adiga macalin ilaahay uun baa kaa abaal marin kara wanaaga aad noo wadid iyo tacliinta heerka sare ah ee aad nagu soo gaadhsiisay guryahayaga iyo goobaha aanu ku noolnahay si lacag la’aan ah
    macalin markii aan soo dhamaystay course ka waxaan soo saaray webkan hada ila eeg oo si fiican iiga tijaabi

    http://ghgc.byethost15.com/?ckattempt=2#

  31. MAXAMAD says:

    MACALIN MAXAMAD AAD BAAD U MAHADSANTAHAY RUNTII WAXAAN KAA BARTAY CILMI AAD UBADAN OO KU SAABSAN DHINACA WEBKA

    WAAN DHAMEEYAY MACALIN BAL TIJAABI
    http://musaamax.byethost3.com/

  32. ustaad waxaan kaa coddsanaya buuga aad had iyo jeer aad soo fiirisid marka aad sameynaysid html-ka ama css- ka buggas ma ila wa daagi kartaa
    ustaad

  33. Cabdirahman ciise caduur says:

    Bismillah
    Ustaad maxamed iyo bahda aqoonkaalba aad bn u salamaya
    Waxaan ku nolahay magalada garowe waxan sanadkan dhigta kamacada bosaso branch garowe UOB waxan barta cilmiga technoloyga oo aan hada bilabay waxaana ku jira yearka kowad semisterkiisa 1aad waan jeclahay inn heer fican ka gaaro tecnologyga waxan dhigta madoyin badan waxaa ka mid ah programingka iyo networking waxaan ad u xisaeya hadda programinka oo aan hadda marayo C programinka waxan hadda si fcn u fahmay illa lessonka 4aad HTMLka webdesing oo an wali garin sylpuskana Html iyo css waxay ku qoran tahay semiester 2ga marka aad bn kaaga mahadcelinaya waxaad ii busisay boos aad u wayn ustaad

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      adigaa mudan wanaag oo dhan, mahadsanid, waana ku faraxsanahay in aad aqoon ka faa’iidey websiteka.

Jawaab u qor Jamal