Sida Video Youtube ah loogu soo rogto Computerka

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Friday, April 18, 2014 | 21 Jawaabood

« | »

Akhriste ka mid ah #AqoonKaal.com ayaa isooo weydiiyey “Sidee video/muxaadaro ku jirta Youtube loogu soo rogo computerka/PC, kaddibna loogu xawilo ama loogu shubo iPhone/iPad. Barnaamijyo nooce ah ayaana la adeegsadaa.” Jawaabta su’aashaas waxaan kaga bogan doonaa qoraalkan ee “Guntiga Dhiisha Iskaga Dhig.”

Waxaa jira barnaamijyo badan oo loo adeegsado in video laga soo rogto internetka, waxaanse si gaar ah qoraalkan ugu baran doonaa barnaamijka ClipGrab.

Waa Maxay ClipGrab

ClipGrab waa barnaamij lacag la’aan ah oo suurtagal ka dhigaya in si fudud loo soo dejisto video ku jira Youtube ama Vimeo, oo markaas videoga lagu soo rogto computerka, haddii loo baahdona lagu sii xawilo aaladaha kale sida telefoonka gacanta Android, iPhone ama iPad.

Haddaba tallaabada koowaad waa in aad barnaamijka ClipGrab ku rakibtid computerka. Taas si aad u samaysid, una soo rogatid video, kuna xafidid computerka, kaddib ku xawishid telefoonka gacanta ama iPad, raac tallaabooyinkan:

1. Soo rogo ClipGrab

Barnaamijka ClipGrab ka soo rogo websiteka http://clipgrab.org/ (ClipGrab waa barnaamij lagu adeegsan karo lacag la’aan.)

clipg1

 

FG: Marka aad soo rogaysid barnaamka ClipGrab, waxa keliya oo aad aqbashaa in aad barnaamijkaas keliya u baahan tahay, hana aqbalin barnaamijyada siyaadada ah ee uu ku weydiinayo marka aad soo rogaysid.

2. Koobi ka samee Linkiga Videoga

Marka aad barnaamijka ClipGrab ku hubsatid computerka, waxaad booqataa Youtube, gaar ahaan videoga aad danaynaysid, markaas koobi ka samee linkiga videoga. (Si aad koobi uga samaysid calaamadi linkiga, kaddib riix Ctrl+C).

clipy2

3. Linkiga Videoga soo dhaxgeli ClipGrab

Markaas barnaamijka ClipGrab kusoo diyaari shaashadda, riix batoonka “Downloads” ee dhanka sare barnaamijka ClipGrab, halkaas ku daabac linkiga videoga (riix Ctrl+V)

clipy03

4.Xulo Nooca Videoga iyo Tayadiisa

Waxaad doorataa nooca uu noqon doono video:

  • Barta “Format” ka dooro nooca, sida MPEG4, MP3, WMV, OGG ama ‘Original’ (noocii asalka ahaa ee videoga lagu duubay).
  • Barta “Quality” waxaad ka xulan kartaa tayada uu yeelanayo videoga marka aad soo rogtid.

clipy4

MPEG4 waa nooca laga dhigo videoga kan ugu caansan oo loogu adeegsiga badan yahay, uguna tayada wanaagsan. Videoyada ah nooca HD ee kujira Youtube ama Vimeo waxa ay u badan yihiin nooca MPEG4, waxaana si fudud loogu daawan karaa badanaa aaladaha videoga lagu daalacdo. Dhanka kale nooca MPEG4 waa nooca ugu wanaagsan ee loo doorto videoga lagu xawilayo ama lagu shubayo iPhone ama iPad.

MP3 waa nooca loo dooranayo marka la soo roganayo codka videoga oo keliya (waa codka videoga oo aan muuqaalka lahayn.)

WMV (Windows Media Movie) waa nooca videoga lagu daalacan karo Windows Media Player iyo aalado kale.

OGG waa nooca loo yaqaan “Open Source”. OGG Vorbis waa nooc loo adeegsado codka oo keliya, halka OGG Theora loo adeegsado videoga.

Original” taasi waxay muujinaysaa in la doortay noocii asalka ahaa ee videogu ku duubnaa, sida MPEG4, FLV, WebM iwm.

5. Gacanta kusoo dhig videoga (Cantoobso)

Marka aad hubsatid nooca iyo tayada uu yeelanayo video, kaddib riix batoonka “Grab this Clip!

clipy5

Markaas shaashadda soo baxda waxay ku weydiinaysaa magaca aad u bixineysid videoga, kaddib riix batoonka SAVE.

clipy6

Markaas ayaa videogu ku soo xeroon doonaa computerka. Xawliga uu ku soo rogmayo waxay ku xiran tahay xawaaraha khadka Internetka ee aad adeegsanaysid. Haddii uu yahay khad xawaare sare, degdeg ayuu ku soo rogmayaa videogu, haddiise uu yahay khad gaabis ah, cabbaar ayuu qaadanayaa in uu soo rogmo videogu.

clipy7

Barnaamiyada kale ee loo adeegsan karo in video la soo rogto, waxaa ka mid ah “Any Video Converter”, kaas oo qaybtiisa lacag la’aanta ah laga soo rogan karo linkigan http://www.any-video-converter.com/products/for_video_free/. Sidoo kale waxaa la adeegsan karaa  http://www.ytddownloader.com/ iwm.

Qoraalada xiga waxaan ku baran doonaa Sida Videoga Loogu Xawilo iPad ama iPhone.

Afeef: Waxaa la ogol yahay in videoga YouTube la wadaago (share) ama lagu xiriirsado website (embed), laakiin waxaa taas ka duwan in la soo rogto. Waxaa xad gudub ah ama aan bannaanay in videoga lasoo rogto ayadoo la adeegsanayo aalad kale ama wax ka duwan batoon rasmi ah ee download, sida ku qeexan xeerka adeegsiga ee Youtube (YouTube Terms of Service  https://www.youtube.com/t/terms) iyo ayadoo la xeerinayo xuquuqda gaarka u ah qofka videoga leh.

ytuube

Halkaas waxaan ku soo baranay sida video ku jira Youtube loogu soo rogto computerka.

  • Xigmadda maanta: Arday dhigta dugsi sare ayaan weydiiyey macnaha loola jeedo oraahdan: “Guntiga dhiisha iskaga dhiga”. Waxay garteen “guntiga” laakiin oraahda oo dhan macnaheeda garan waayeen. Haddaba, fadlan arday Soomaalieed oo iskool sare ama dhexe dhigta weydii oraahdaas, jawaabta ay bixiyaana ku qor qaybta hoose ee jawaab bixinta.

Qore: Maxamed Cali (Aqoonkaal.com)

 

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Halkudheg:

Bookmark and Share

21 Jawaabood

  1. Guleid Jaamac says:

    Assc,

    Walaal Orahdaan (Gunti Dhiisha Iskaga Dhig) Waa Marki Marada la Xidho oo Waliba Si Fiican loo Adkeeyo,

    Marka Macnaheeda Marka la isku Soo Xooriyo Waa Is Adkee ama Diyaar Garow

  2. Gunti Dhiisha Iskaga Dhig waxaan u fahmay aniga macawis ta markii laxirto meesha kuusan ah ee xudun ta hoos taada ah dheesha saar si aad oorka usaarto oo eena dhiishu kor kaada u xanuujin ama kuu dhibaateeyn , taasna ee kuu suurta gelineeyso in aad si xoog leh u qaado dhiisha

  3. Mohamed Hussein says:

    Asc
    Macalim Mohamed Ali Aad ayaad u mahadsantahay Casharka Maanta Waxaa la socdo Suugaan iyo ila qosol aniga waxaan ku qoslay Erey Bixinta ((( Cantoobso ))) Loolz
    My Lovely Teacher Allaha Khayr badan kusiiyo Waxaan Haystaa Apple Ipod 80GB ah waxaana haystaa ilaayo 8 Sano kamana Faaiidaysan sababtoo ah qaabka wax loogu shubto ayaa aad u adag oo isticmaalka ITunes waa wax adag marka Macalin Casharka Xigo waan xiisaynaayaa waxaana Jeclahay Software aan ahayn ITunes
    Thanks

  4. maasha allah kareem alxamdulilah waa barnaamijyo aad uqiima badan islawaqtigaa aan fahmayba horay ayaan linkiga kaga xiray waana ku guulaysatay macalin aad ayaan kaaga mahadcelinayaa waad ijahli tirtay macalin waana kufarxay inabadan halkaa kasii wad

  5. Muxiyadiin says:

    ASCaleykum waad ku mahadsan tahay macalinimadaada tabaruca ah ajar iyo xasanaat Illaah SWT hakaa siiyo Aamin. Guntiga Dhiisha Iskaga Dhig waxa loola jeedo iyo sida aay u qoran tahay waakala laba waxaa lola jeedaa dadaal micnaha howl walba oo markaas aad haysid iske celi oo ka jibo keen oo noqo qof howshaas ku guuleysta wabilaahi towfiiq sc.

  6. Timacade says:

    Assalaamu Caleykum,
    Engneere Mahadsanid Casharadaada horumarka badan Shukran,
    Hadaan kudaro Aqoontayda Guntiga Dheesha isagadhig macnaha oo kooban waa (Shaqo culus ayaa kuhortaal ee iskaxeji)

  7. cabduqadir adan says:

    ASC GUNTIGA DHIISHA ISKAGA DHIG micnaheedu waa UDIYAAR GAROW OO DADAAL taas waxaa lamicna ah HOWSHAN DHEXDA UXERO
    Macalin Mohamed Ali waa kusalamayaa

    • cab says:

      asc macalin wan ku salaamay magacaygu waa cabdi qani waxan jooga hargaysa aad ayad ugu mahadsantay casharada fiican ee aad soo galiso aadna waan ula socdaa websitekan

  8. cabdi qani yusuf says:

    asc macalin magacaygu waa cabdi qani waxaan joogaa magaalada hargaysa macalin aad ayaad ugu mahadsantay casharada fiican ee aad noo soo gudbiso
    lkn macalin waxaan jeclaan lahaa inaad xaga diintana ku soo darto hadaan isku dayo suaasha ah guntiga dhiisha iskaga dhiga waxaaan u malaynayaa suaashu siday tahay laguma macnaynayo ee waa sarbeeb waxaan loola jeeda in aad loo dadaalo oo aan shaqada waxba loola hadhin

  9. Ahmed Abdillahhi says:

    Marka hore waad Mahadsantahay, Runtiina wax badan oo aqoona ayaa markasta bulshadaadu kaa faaida, Ilahyna miisaanka xasanaadka ha kuugu daro, Suaal ayaan rabaa in aan ku weydiiyo haddii aad Wakhti u hesho: Waxaan la degey Clip grap, runtiina si fiican ayuu iigu shaqeeyay bilowgii, laakiin dhawr maalmood ka dib markii aan la soo degey wuxuu bilaabay in Vedio- kasta oo aan is idhaahdo kula soo deg uu iska jaro marka uu marayo dhawr daqiiqo isagoo ii soo qoraya fariintan “CONNCETION TIMED OUT ERROR CODE”.
    runtiinaw axaan isku dayay in aan Computer-ka ka saaro oo aan dib ugu shubo laakiin wax is badal ah ma hayo. bal haddii xal heli karto waad nagu caawin aniga iyo inta kale ee dhibaato tan la midi haysataba

    Mahadsanid

  10. mohammed Isse says:

    asc,
    bacda salaan aad ayaad umahadsantahay waana kafaa iidaystay clipgrap, hase yeeshee maalmahan dambe waxa uu keenay culays inkasta oo connection-ka aan isticmaalo laftiisu low yahay

  11. Gallad says:

    Asc,marka ugu horeysa waxan u mahd celinayaa Ustaadka,tan kale Micnaha ereyga Guntiga dhiisha iska dhiga, waxaa laga wadaa si wacan isku diyaari oo dhegahaaga soo du,waxaana loo adeegsadaa si qofka maqalkiisa dhankaada loogu soo aadiyo…

  12. Shaafi says:

    Macalin Maxamed aad ayaad u mahadsantahay, allaha kaa abaal mariyo daruusta bilaashka ah eed waqtigaaga qaaliga ah galiso si aad bulshada ugu gudbiso, ilaahay idamkii waa sadaqo jaariyah.

    Waxaa jira barnaamij kuu suurgalinaya in adoon meel kale soo marin aad si toos ah youtube ugu shubi kartid Iphone isagoo maqal iyo muuqaal ba ah ( Ma hubo in uu tlfoonada kale ogol yahay) waxaana la yiraahaa PLAYTUBE.

    Barnaamijku waa bilaash, waxaadna kasoo dajinaysaa app store, kadib meesha ay SEARCH ku qoran tahay ayaad ku qoraysaa Youtube-ka aad rabto magaciisa, tusaale ahaan: Barnaamijka dhaqanka Idaajaa, muxaadaro heblaayo iwm (dabcan marka hore waa in aad nett haysato) markuu muuqaalku kuu shidmo/daarmo, ayaad taabanaysaa halka ay ku qoran tahay CATCHE oo ah ii duub ama ii qabo.

    Mudada ay xawilaadu soconayso waxay ku xiran tahay dherarka fiidyowga iyo awooda netka aad haysato. Markuu kuu xawilo waxii ka danbeeya uma baahnid net si aad u dhagaysato, adoo hayjad cidlo ah geel baadi ah ka raadinaya ayaad dhagaysan kartaa.

  13. tnks macalin mohamed waa maalintii iigu horaysay aan isku dayo inaan xawisho ama soo rogto clip grap waxaan filayaa maanta kadib casharada inaan si fiican ula socon doono aanana ka faa’iidaysan doono aniga oo ah arday aad u danaynaya casharadani maadama aan ahay arday ka tirsan jaamacada PSU oo ku taal Puntland khaasatanaa ka dhigta kuliyada Information Technology waana jeclahay inaan si xidhiidh ah ula socdo mahadsanidiin

  14. hamse ali says:

    Asc wll waad ku mahadsantahay casharka downloadka ku saabsan ee aad na bartay allah ha kaa abaal mariyee laakiin aniga imuu san shaqayn oo marka aan linkiga soo copy-gareeyo ee aan ku pest-gareeyo meesha loogu talo galay halka sare ee colourka buluuga ah ayuu iigu soo qorayaa “no downloadable video could be found, maybe have no entered the wrong link or there’s a problem with your connection” markaa waxaan kaa codsanayaa haddii aad iga caawin karto in aad i caawiso MAHADSANID

  15. MAXAMED GAASHE says:

    ASC

    AAD IYO AAD AYAAD UGU MAHADSANTIHIIN CASHARKAAN QIIMIGA BADAN WAANA FAHMAY ANIGU GAAR AHAAN.

    WAXAAN RABAA KALMADA AH ” GUNTIGA DHIISHA ISKAGA DHIG” WAXAA LOOLA JEEDAA FEEJIGNAAN AMA IS ADKAYN AMA DHUUXID HADAL AMA KU DADAALID SHEY LAGAARABO INAAD FAHANTO.

  16. samatar abshir says:

    asc waa ini salmaamay bahada sharafta mudan ee aqoonkaal
    mar labaad aadbn idiinku mahad celinayaa sida fiican ee aad ugu heelantihiin inaad umada soomaaliyaad aad u soo gudbisiin waxyaabaha qiimahale
    aniga fkirkayga ahaan jawaabta su aashaasi waa
    ‘la imaansho dadaal dheeraada oo aad muujiso”

  17. Abdulhakim says:

    asc bahda webkan aqoonkaal aad ba umahadsan tihiin wa noo fa idayseen
    siina wada waxtarkina aqooneed

  18. jawaabta haddan isku dayo waa caloosha maro iyo wax noocaas ah isaga dhig says:

    thak you aad ayaaad umahsd santihiin casharkana si fiican ayaan ufahmay waanan tijaabiyay mashallah

Jawaab u qor Gallad