Sidee Linkiga Facebook looga dhigi karaa magacaaga, sida Facebook.com/shirkad

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Saturday, January 5, 2013 | 38 Jawaabood

« | »

Inta aynaan u gudbin qoraalka qaybta ku saabsan (Sidee Qoraallada lagu daabaco Website (WordPress) si toos ah ugu soo bixi karaan Facebook?), waxaa muhiim ah in aad marka hore facebook-gaaga ka dhigtid mid waafaqsan magacaaga (Sidee Linkiga Facebook looga dhigi karaa magacaaga? (sida Facebook.com/magacaaga ama facebook.com/shirkadaada), taas si aad u samaysid raac tallaabooyinka hoose:

  • FG: Markaaad samaysatid Facebook waxaa dhacda in uu kuu sameeyo cinwaan ah sida facebook.com/profile/tiro1234567890, taas waxaad ku bedeli kartaa magacaaga ama shirkadaada, sida http://facebook.com/aqoonkaal

Facebook Profile

Haddaba Sidee Linkiga Facebook profile-kaaga looga dhigi karaa magacaaga? (sida Facebook.com/magacaaga)
(a) – marka hore bogga Facebook sidii caadiga  ugal (ama login),

(b) – kaddib booqo linkigan http://www.facebook.com/username/

(c) – waxaad arki doontaa meel uu ku qoran yahay magaca aad ku leedahay Facebook. (Haddii magacaaga hore loogu samaystay facebook, markaas waa inaad dooratey magac kale oo kooban)

(d)- waxaa ku hoos qoran linki ah “Set a username for you Pages”

(e) – riix linkigaas

(f) – Waxaa soo bixi doona magaca boggaga aad ku leedahay Facebook Page.

(g) – Marka aad dooratey bogga, haddii asxaabta aad ku leedahay Facebook ay gaarayaan 25 waxaa markaas dhici karta inaad uqalantid in aad magac kooban ka dhigi kartid linkiga facebook-gaaga, taas si aad u samaysid markaas riix barta “Enter Desired Username”

(h) Markaas riix barta “Check Availability”, haddii magacaas aan la qaadan waxaa soo baxaya sanduuq ku xasuusinaya in marka aad samaysid magacaas aadan bedeli doonin, sidaas ayaadna ku yeelan doontaa link sahlan oo facebook-gaaga  (Facebook URL) sida http://www.facebook.com/aqoonkaal

Facebook Page

Marka la samayso “Facebook Profile” waxaa kale oo la samaysan karaa “Facebook Page” – waxaa xusid mudan in Facebook Page loo adeegsado sida in dadka asxaabtada ah laga soo muujiyo websitekaaga marka ay riixaan linkiga “Like” .

Haddaba si aad u samaysatid Facebook Page, raac habkan:

1. Marka hore Facebook-ga sida caadiga ah u gal (login)

2. Markaas kaddib booqo linkigan http://www.facebook.com/pages/create.php

3. Markaas shaashadda soo baxda ka dooro wax lal xiriira websitekaaga sida “Company, Organization or Institution” – Haddii aad taas dooratid bartaas riix.

4. Markaas khaanada yar ku qor magaca shirkadaada ama magaac websitekaaga, islamarkaasna haddii aad aqbashid xerka facebook, riix ama calaaamdi barta “I agree to Facebook Pages Terms“. Markaas guji batoonka “get Started”.

5. Shaashadda xigta waa meesha kuu suurta galinaysa in aad sawir u dooratid bogga aad ku yeelan doontid Facebook, laakiin sawir haddii aadan haysan hore uga sii soco, waayo markii aad doontid ayaad sawir u xulan kartaa.

6.  Bogga xiga waxaad ku qori kartaa akhbaar kooban oo ku saabsan websitekaaga ama shirkaddada, sidoo kale halkaas waxaad ku qortaa linkiga websitekaaga. Kaddib riix batoonka “Save Info”.

Sidee Qoraallada lagu daabaco Website (WordPress) si toos ah ugu soo bixi karaan Facebook?

Casharkan qaybtiisan waxaan ku baran doonaa sida Qoraallada lagu daabaco Website ku shaqeeya WordPress sidee si toos ah (Automatic) Facebook uga soo bixi karaan?

Waxaa jira habab iyo barnaamijyo badan oo suurtagal ka dhiga in qoraallada lagu daabaco website-ka ku shaqeeya WordPress ay si toos ah uga soo bixi karaan ama ugu daabaci karaan bogga aad kuledahay Facebook.

Haddaba casharkaan waxaan ku eegi doonaa barnaamij kamid ah aaladaha la adeegsado iyo tallaabooyinka loo baahan yahay in la raaco si la isugu xiriiriyo WordPress iyo Facebook, oo markaas qoraalladii lagu daabacay WordPress ay si toos ah ugu daabacmi karaan Facebook.

FIIRO GAAR AH: barnaamijka hoose waxaa dhici karta in uusan shaqayn. Waayo laba sano kabadan lama cusboonaysiin. Waxaad badalkiisa adeegsan kartaa barnaamijka https://wordpress.org/plugins/facebook/
Ama
https://wordpress.org/plugins/jetpack/

  • FG: Barnaamijyada kalkaaliyaasha ah, ee suurtageliya in WordPress qoraallada lagu qoro ay ka soo baxaan Facebook waa badan yihiin, waxaana casharkan tusaale ugu soo qaadanayaa barnaamijka “Facebook Page Publish“.

Sida WordPress Loogu Rakibo Barnaamijka “Facebook Page Publish”

Marka hore booqo qaybta ‘Dashboard’ ee laga hago WordPress – waa shaashadda caadiga ah ee la booqdo marka WordPress qoraaallada lagu qorayo.

1. Markaas guji Plugin (oo ah dhanka bidix ee shaashadda WordPress, waana  qaybta kalkaaliyaasha WordPres).

2. Kaddib guji “Add New“, sida ka muuqata sawirka hoose:

3. Shaashadda soo baxda, barta bannaan ee wax laga baaro ku qor “Facebook Page Publish” (oo ah magaca barnaamijka aan doneysid in aad ku rakibtid WordPresska). Markaas riix batoonka “Search Plugins”.

  • FG: Halkaas bannaan waxaad ku qortaa Facebook Page Publish (ha ku qorin Facebook-gaaga ee ku qor sidan “Facebook Page Publish”, waad fahamtey ayaan filayaa.

4. Markaas riix barta “Install Now” ee shaashadda soo baxday –  waxaase ka horeeya in aad hubisid in barnaamijku yahay kan saxda ah oo aadan soo rogan kuwo kale oo u magac dhow. Tusaale ahaan qoraaga barnaamijkaas barbar dhig kan ku qoran bogga WordPress.org ee “Facebook Page Publish-2“.

  • FG: Waxaa dhici karta in lambarka (0.4.1) ku qoran sawirka hoose in uu ka duwan yahay kan kuu soo baxa (waayo waxaa dhici karta in barnaamijka la cusuboonaysiiyo). Arrimahaas marka aad hubisid riix linkiga “Install Now
  • FG: Waxaad adeegsataa Facebook Page Publish 2 (http://wordpress.org/plugins/facebook-page-publish-2/)

5. Shaashadda yar ee digniinta ah haddii aad hubtid in barnaamijku yahay kiiaad rabtey oo saxda ahaa, markaas riix batoonka “:OK”

6. Riix linkiga “Activate Plugin“.

7. Markaas barnaamijkii waxa uu markaas ku rakibmi doonaa WordPress-ka, waxana uu kamid noqonayaa barnaamijyada kalkaalaayaasha ah ee la shaqeynaya website-kaaga.

8. Markaas riix batoonka “Settings” ee dhanka bidix ee shaashadda WordPress, kaddib riix linkiga “Facebook Page Publish‘. Waxaa markaas soo bixi doona shaashadda laga agaasimi doono barnaamijka si ay uwada shaqeeyaan WordPress iyo Facebook.

9. Waxaad markaas u baahan tahay “application ID” iyo “application secret”, kuwaas oo fure u ah isku xiriirinta WordPress iyo Facebook.

10. Haddaba, barnaamijka “Facebook Page Publish” si looguu xiriiriyo Facebook, waa in aan samaysid habka loo yaqaan “Facebook application,” adiga oo booqanaya websitekan: http://www.facebook.com/developers/createapp.php

  • Waa Facebook oo waxaad ku geli doontaa sida caadiga ah e aad horu u geli jirtey (magaca iyo furaha kuu gaarka ahaa ku gal).

11. Markaas haddii aad hore u samaysay ‘Application‘ waxaa kuu soo bixi doona bog ay ku qoran yihiin “application ID” iyo “application secret”. Kuwaad ayaad u adeegsan kartaa barnaamka “Facebook Page Publish’. Haddiise aadan hore u samaysan waxaa markaas kuusoo bixi doona shaashad mid ah tanhoose. Markaas riix batoonka “Allow”

12. Guji batoonka “Create New App”

13. Ku qor cinwaan ka kamuuqan doona Application-kaaga ama cinwaanka websitekaaga, sida “Wararka AqoonKaal” (Waa tusaale halkaasi ee ku qor cinwaankii aad doontid), kaddib calaamadi barta muujineysa  inaad aqbashay barnaamijka facebook xeer adeegsigiiga, markaas riix batoonka “Continue”

Fiiro Gaar ah oo ku saabsan waxa lagu qorayo shaashadda hoose:

  • App Display Name: Waxaad halkaas kuqortaa qoraal cinwaan u noqon doona ‘aplication-ka’, sida “Bogga Wararka”
  • App Namespace: waxba hakuqorin (khasab ma aha inaad halkaas wax kuqortidi,mar dambe haddii aad u baahatid ayaad ku qori doontaa)
  • I gree ….: Meeshaash waxaad calaamadinaysaa haddii aad aqbashay xeerka adeegsiga facebook
  • Continue … Markaas riix batoonkaa

14. Xarfaha hubinta ku qor mesha bannaan, markaas riix batoonka “Submit”

15. Haddii aadan hore telefoonkaaga ugu xaqiijin Facebook, si loo xaqiijiyo in aad adigu leedahay magaca aad ku gashay Facebook, haddii aadan taas hore u samayn waxaa soo bixi doonta shaashadda lamid ah tan hoose oo ay tahay in aad telefoon gacanta (mobile phone) aad qortid.

16. Telefoonkaaga si ugu xaqiijisid inaad leedahay facebook, riix linkiga “mobile phone‘ ee sawirka sare, waxaa markaas soo bixi doona shaashadda hoose oo aad ku qori doontid telefoonkaaga. Markaas riix batoonka “Confirm”.

  • FG: Haddii habkan telefoonka lagu xaqiijinayo uu kugu adkaado, fadlan marka hore booqo website-kan http://www.facebook.com/mobile/?settings halkaas  ka xaqiiji telefoonkaaga in aad waafajisay Facebook-gaaga, kaddib ku soo laabocasharkan si aad u sii wadid rakibaada barnaamijka.

17. TEXT ayaa kuugu soo dhacayaa telefoonkaaga, waxaana la socda fure (tiro iyo xarfo) ay tahay inaad ku qortid khaanadda soo baxday ee shaashadda Facebook-ga, sida ka muuqata sawirka hoose.

18. Xarfaha marka aad ku qortid shaashadda sida ka muuqata sawirka sare, markaas riix ‘Confirm‘, waxaa kuusoo bixi doona shaashad lamid ah tan hoose oo kuu sheegeysa in la xaqaiijiyey telefoonkaaga.

19. Iska xir shaashadda sare, kuna laabo shaashadii hore ee aad ku qoreysey magaca application. Markale ku qor cinwaanka, kaddib riix ‘Continue’

  • FG: Haddii habkaas sare ee telefoonka lagu xaqiijinayo uu kugu adkaado, fadlan marka hore booqo website-kan http://www.facebook.com/mobile/?settings halkaas soo xaqiiji telefoon in aad waafajisay Facebook-gaaga, kaddib ku soo laabo halkan si aad usii wadid rakibaada barnaamijka.

20. Waxaa soo bixi doona shaashadda hoose oo uu ku qoran yahay App ID iyo App Secret oo ah lambaradii aad dooneysey in aad waafajisid “Facebook Page Publish. Waxaa muhiim ah in barta “App Domain” aad ku qortid magaca websitekaaga oo u qoran sidan: websitekaaga.com, markaas dhanka hoose ee shaashadda barta Site URL ku qor website oo u qoran sidan: http://websitekaga.com. Markaas riix batoonka dhanka  “Save Changes”.

FG: Faahfaahin dheeraad ah ee qodobkan:

  • 20(a) – App Display Name: Halkaas waxaa kuqoran qoraalkii aad ku soo qorshay shaashadda (Tixraac qodobka 13aad ee sare)
  • 20(b) – App Namespace: Hadda waxba kuma qorin halkaas (mar dambe haddii aad u baahantid ayaad wax ku qori doonta, hadda meel bannaan ha ahaato)
  • 20(c) Contact Email: Waa in ay kuqornaataa emailkaaga saxda ah
  • 20(d) – App Domain: waxaad halkan ku qoreysaa websitekaaga oo u qoran sida (websitekaaga.com) – UFIIRSO halkaas: Tusaale website-ka aqoonkaal waxaan u qoray aqoonkaal.com oo aysan la socon www iyohttp midna, waa aqoonkaal.com oo keliya.
  • 20(e) – Category: Halkaas ka dooro qaybta uu ka mid yahay websitekaagu, sida News, Education, iwm
  • 20(f) – Site URL:  Halkaas ku qor website oo ay la socoto http:// , tusaale ahaan sida https://aqoonkaal.com
  • 20(g) – Markaas riix Save Changes.
FG: Fadlan akhri faahfaahinta sawirka ka hooseysa haddii khaladaad kuu soo baxo.

Faahfaahin: Marka la riixo batoonka sare ee Save Changes, haddii aan wax kasta si sax ah u qornayn, waxaa markaas dhici karta in aad aragtid khaladaaadka shaashadda ka soo bixi kara sida hoose ka muuqata:

Khaladka hoose oo la xiriira App Domain , macnaheeda waxaa weeye waxaad websiteka ka ilowdey .com, ama uma aadan qorin qaab la mid ah sida aan ku soo sharaxnay qodobka 22(d) oo ah sida aqoonkaal.com

Khaladka hoose waxa uu la xiriiraa Site URL:

Khaladkaas laxiriira Site URL, waxaa dhici karta in aadan marka hore arkin meesha lagu qorayo website-ka – Fadlan eeg meesha ay ku qoran tahay Website (sawirka hoose), bartaas marka la riixo ayaa waxaa soo bixi doona meel bannaan oo lagu qori karo website oo u qoran sida https://aqoonkaal.com.

21. Marka aad riixid batoonka sare ee Save Changes, waxaa diyaar u tahay in aad ku laabatid WordPress, qaybtii aan kor kusoo aragnay ee shaashadda “Facebook Page Publish”. Koobi ka samee “application ID” iyo “application secret” ee ku qoran facebook, kuna qor meelaha u bannaan ee barnaamijka “Facebook Page Publish” ee WordPress-ka kalkaalaha u ah. Marka aad qortid App ID iyo App Secret,  riix batoonka qaybtaas ka hooseeya “Save Changes”.

22. Marka aad riixdid batoonka “Save Change’ waxa uu soo qormi doona digniin  muujineysa in ay tahay in la riixo batoonka “Grant Access rights‘ (eeg shaashadda sare), batoonkaas oo ogolaanaya in website-kaagu uu xiriir la samayn karo Facebook. Waxaa markaas soo bixi doona shashadda hoose, riix batoonka “Allow”. (Fadlan akhri faahfaahinta ka hooseysa sarika haddii muuqaalka hoose mid la mid ah kuu soo bixi waayo).

Faahfaahin qodobka sare: Haddii aadan hore Facebook uga samaayn “Application”, waxaa markaas dhici karta in ay kuu soo baxdo shaashad kaduwan tan sare o lamid ah sida ka muuqata sawirka hoose.

Waxaa markas soo bixi doona shaashadda hoose, taas oo ay tahay in aad ogolaatid barnaamijkaas oo aad riixid batoonka “Allow”.

23. Marka aad riixdid batoonka “Allow” ee kor ku xusan, waxaa  markaas shaashaddu ku laaban doontaa qaybta WordPress, taas oo ay ku qoran tahay in la aqbalay furayaashii aad qortay oo ay hadda is fahmayaan WordPress iyo Facebok.

24. Shaashaddaas qaybteda “Publishing” ka dooro bogga ama profile-ka Facebook ee aad dooneysid in ay toos uga soo baxaan qoraallada lagu daabaco WordPress-ka, islamarkaasna calaamadi in aad dooneysid in dhammaan qoraallada website ku ku daabacmaan facebook (all posts) ama in qaar kamid ah ay ka soo baxaan. Haddii aad dooneysid qaar waa inaad markaas calaaamadisid qaybta ama qaybaha aad gaar ahaan u dooneysid wixii lagu daabaco inay toos uga soo baxaan facebook. Markaas riix batoonka qaybtaas ka hooseeya “Save Changes”.

FG: Meesha bannaan ee ku hor qoran “Page or profile ID ee shaashada sare‘, waxaa hoos teeda ka qornaan doona magacyada facebook-gaaga ama boggaga facebook, marka aad riixid bartaas profile-ka waxaa meesha bannaan ku qormi doona lambarka ama ID-ga profile-kaaga. Haddii uu ku qormi waayo, markaas waa inaad adigu ku qortid, arrintu haday sidaas noqoto qaabka lagu ogaado ID-ga profile aad ku leedahay Facebook ka akhri dhanka hoose ee qormadan.

25. Waxa oo isla shaashaddaas dhankeeda hoose ka sii dooran kartaa nooca sawirka raaci dona qoraalada iwm, Markaas riix batoonka qaybtaas ka hooseeya “Save Changes”.

26. Marka aad qoraal daabacaysid waxaad dhanka midig ee shaashadda WordPress (meesha wax lagu daabaco dhankeeda midig eee Publish) waxaad ku arki doontaa “Publish to Facebook” oo calaamadsan, taas macnaheedu waxaa weeye marka aad riixdid batoonka Publish waxaa qoraalkaasi toos ugu daabaci doonaa Facebook-gaaga.

  • FG. Haddii aad dooneysid in qoraalka aad markaas daabacaysid uusan ka soo bixin Facebook, markaas waa inaad calaamadda ka baabi’is sanduuqa yar ee ku hor qoran barta “Publish to Facebook” (Eeg sawirka hoose).

27. Marka aad qoraal daabacdid kaddib, haddii aad qoraalka wax ka bedeshid oo aad dooneysid inaad cusboonaysiisid, islamarkaasna aad dooneysid in qoraalkaas marlabaad ku daabacid Facebook, waxaad  markale caalamadin kartaa barta “Post  again to Facebook” (khaanadda yar ee bartaas ka muuqata calaamadi),  kaddib riix “Update”.

Halkan marka aad soo gaartey waxaad ku guulaysatey in aad isku xiriirisay websitekaaga ku shaqeeya WordPress iyo Facebook aad leedahay, markaas wixii ka dambeeya marka qoraal lagu daabaco websitekaaga waxa uu toos ugu qormi doonaa Facebook-gaaga, halkaas oo ay toos ugala socon doonaan asbaaxtada.

Arrintaasi waxay kuu xafidi doontaa waqti badan, waayo wixii aad ku daabacdid website-kaagu toos ayay ugu qormi doonaan Facebook qaybta aad ku leedahay, halkaas oo ay dhici karto in qoraalkaagu uu gaaro dad badan.

Waa maxay khaladkani [Error occured at line 774]

Dhawr qof oo raacay habka kor ku sharaxan ayaa isoo weydiiyey waxay ka samayn lahaayeen khaladka hoos ku qoran oo sababaya in barnaamijku uu si wanaagsan u xiriirsami waayo websiteka, khaladkaas oo ah sidan oo kale:

Some or all access permissions are missing. Please click the button Grant access rights! and authorize the plugin to post to your Facebook profile or page.
[Error occured at line 774]
Your page or profile’s access permissions could not be verified.

Cilladaas markii aan baaris ku sameeyey waxaa iiga soo baxay in xalkeedu sahlan yahay sida ku sharaxan qaybta talo-bixinta (forum) ee WordPress.org, taas oo ah sida hoos ku sharaxan.

Arrintani waxay u baahan tahay in Edit lagu sameeyo (ama wax laag bedelo) faylka fpp_index.php kaas oo ku dhex jiro qaybta plugins ee website-ka ama bartan:

wp-content/plugins/facebook-page-publish/fpp_index.php

  • FG: Faylkaas fpp_index.php si aad wax uga bedeshid, waxaad adeegsan kartaa FTP, sida FileZilla, si aad faylkaas dib ugu soo ceshatid computer-kaaga, kaddib adigoo adeegsanaya barnaamijka sida Notepad++ aad wax ka bedeshid xeerarkaas. (waxaad kale oo adeegsan kartaa Plugins .. Editor – eeg dhanka bidix ee shaashadda laga hago WordPress, laakiin waxaa sahlan habka FTP).
  • LAAKIIN waxaa muhiim ah in aad Back-up ama nuqul koobi ah oo dhamaystiran ka hayasatid ama ka samaysatid Website-kaaga qaybta faylasha iyo qaybat xogta (Database) ka hor inta aada wax ka bedeelin faylkan, si haddii khalad dhaco aad websiteka dib ugu celisid asalkiisii.

khalad_fpublish7

Markaas waxaad bedeshaa sadarka 663

$permissions = array('offline_access', 'share_item');

ku bedel sidan

$permissions = array('share_item');

Kaddib waxaad bedeshaa sadarka 594

preg_match('/^.+=\s*(.+)/', $access_token_url, $matches);

ku bedel sidan

preg_match('/access_token=(.*)&expires/', $access_token_url, $matches);

khalad_fpublish6

Qoraalku halkaas ayuu ku egyahay, balse sida aan kor ku soo xusnay waxaad u baahan kartaa Facebook-gaaga aqoonsigiisa ama ID. Haddaba  sida aad u ogaatid hoos ka akhri.

Bilowga qoraalkan waxaan ku soo aragnay sida loo sameeyo  “facebook.com/magacaaga – sida http://www.facebook.com/aqoonkaal , qaybta hoosena waa sida looogaan kafro ID-ga facebook.

Sidee ku ogaan kartaa ID-ga Facebook-gaaga:

Facebook profile iyo Facebook Fan Page kasta waxay leeyihiin teesare (ID) oo aqoonsi gaar ah u ah. Haddaba haddii aad dooneysid inaad Facebook ku xiriirisid aalad sida website iwm, waxaad u baahan doontaa Facebook ID (ee bogga Facebook Fan Page ID).

Haddii aadan bedelin linkiga Facebook-gaaga (Facebook URL) oo uu weli yahay sidii aad ku samaysay ee ah , Markaas si aad u aragtid ID-ga, riix barta “Profile” ee dhanka midig ee bogga Facebook. Markaas eeg linkiga browserka ku qoran oo u qoran qaab sidan hoose oo kale ah http://www.facebook.com/profile.php?id=123456789012123
Markaas ID-ga Facebook-gaagu waa tirada la socota linkiga (sida 123456789012123).

Haddii aad bedeshey Linkiga Facebook-gaaga, oo ka dhigtay sida http://www.facebook.com/aqoonkaal.com , markaas si aad u aragtid ID-ga, waxaad  riixdaa sawirka Profile-gaaga ee dhanka bidix ee Facebook-gaaga, markaas eeg linkiga browser-ka, waxaa ku qormi doonaa ID-ga Facebook profile-ka.

Sidoo kale haddii aad doneysid inaad ogaatid Faceboog Page ID, waxaad riixdaa sawirka profile-ka u ah bogga ama Facebook Page, markaas eeg linkiga ka muuqda Browswer-ka, halkaas ayaad ka arki doontaa ID-ga.

Ka warran khalad noocan ah:

Your Facebook Page Publish plugin reports an error. Please check your plugin settings

khalad_fpublish

Haddii khaladkaas sare kuusoo baxo, markaas waa in aad hubisid in uu si sax ah u qoran yahay ID-ga facebook-gaaga ama qaybta “Page or profile ID”, eeg sawirka hoose.

khalad_fpublish4

Waxaan rajaynyaa in casharkan aad ka faa’iidey. Fadlan u sii gudbi asxaabtaada.

FIIRO GAAR AH Jan 2016: barnaamijka sare waxaa dhici karta in uusan shaqayn. Waayo laba sano kabadan lama cusboonaysiin. Waxaad badalkiisa adeegsan kartaa barnaamijka https://wordpress.org/plugins/facebook/
Ama
https://wordpress.org/plugins/jetpack/

Tixraac:

Qore: Maxamed Cali (AqoonKaal)

https://aqoonkaal.com/

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Halkudheg:

Bookmark and Share

38 Jawaabood

  1. Dirie says:

    ASC macalin aad ayaad u mahadsan tahay waan ku faraxsanahay in aad dib noogu bilowday cashradii aadka u qiimaha badanaa, allah wanaag hakaaga abaal bariyo.
    waxaa iga su’aal ah :- casharadiii hore ee soo tixnaa waxaan ku baran jirnay qaab Video ah maxaa is badalay, anigu Video-ga ayaan aad u jeclahay. fadlan haday suurtagal tahay macalin qaabkaas noo soo celi .
    Mahadsanid.

  2. Ibrahim says:

    Thanks alot macalin waan kaaga mahad celinayaa casharkaan muhiimka ah ee aad waqti ku bixisay inaad naga jaahil bixiso.
    ALLAAH miisaanka Qeyrka ee aakhiro hakuugu daro AAMIIN

  3. Ikraam Cali says:

    Asalaama caleyum walaal Maxamed
    Jazaakalah, casharkaan iyo kuwo badan oo aan aniga kamid ahay dadka ku tixan, waxaan ku leenahay Allaah kaa abaalmariyo hana kuugu badallo wax qey qaba. Casharadii vedio-ga ahaa maxaa ku dhacay iyagana, kuwaasaa aad ula soconay, dad badana waan filayaa iney ila mid yihiin.
    Jazakaalaha Walaal Maxamed, waxaad tahay macalin ay ummadda u baahan tahay in aqoontiisa laga faa’iideysto.

  4. ali says:

    macalin aad iyo aad ayaan kaaga mahad celinayaa sida wanaagsen ee aad casharo mihiim u ah dadka somaaliyeed ugu soo gudbiso runtiina aad iyo aad ayaan ugahelay sida wanaagsan ee haday lahjadaada,habkafahanka,sharaxaada iyo sida aad videoga u dhistay maasha alaa.macalin fadlan waxaan kaa codsanayaa inaad laba video oo office 2007 aad kusharaxayso siiba exel 2007 e-mailahaan iigu soodir iyo waliba waxbadan oo aan aqoontayda IT kor ugu qaado hadaad ii soo raaciso runtii aad ayaan ugu farxi doonaa insha alaah. macali dadaalka wanaagsan ee aad ugu jirto in aad afkeena hooyo ilaahay wuxuu ku baray dadka somaliyeed aad wax ku barto ilaahay miisaanka xasanaadka khayr iyo wanaag hakuugu balalo aamiin

  5. abdul qaadir says:

    Asc macalin runtii aad aayn kaga mahdcelinayaa ilahayna misaankeeda haku siiyo maalinta Aaqirro runtii wax badan ayaan Kafaa iideeystay Casharaadii waxaan ula socdaa si Toos ah marka Macalin Su’aasha aan qabaa waxay tahay maxaa ku dhacay Maranaamijkii Video gaahaa ee aad wax nogu soo gudbin jiratay runtii Maranaamijkaas sitii inaad nala Joogto ayaan wax u fahmi jiray garaahn Anigu marke waxaan kaa Codsanayaa In maranaamijkaan oo Video ah aad Marlabaad Noogu soo Celiso Please

  6. Mbashiir says:

    Macalin ALLAAH waxaan kaaga baryayaa kheyr adduun iyo mid aakhiro intaba..

    Wallaahi Waan kuu soo duceeyaa sida qiimaha, kartida, iyo walaaltinimada leh ee aad aqoontii ALLAAH kugu deeqay aad adiguna annaga noogu deeqday Intaa kadib Macalin Waxaan aad ugu wareeray Facebook Page publish.
    Waxkasta sidaad tiri u samee baan u sameeyey webkygana waa ku xiray.

    Haddana markaan webka wax geliyo oo update ku sameeyo wuxuu looxa Word-press ka qeybtiisa sare ku soo qorayaa sidan. Your Facebook Page Publish plugin reports an error. Please check your plugin settings.

    Markaan settigns guji-yana wuxuu i geynayaa lambarkaa 24-ee casharkaan.

    Waxaana u malayn khaladku ka jiro meeshaas wax yar baan ku kala duwaneyn.

    Meesha aad leedahay KADOORO
    -all post
    -posst from selected categories
    -Nothing.

    Adiga waxaa kuugu yaal oo aad fallaadh cagaaran ku fiiqday ay ku qoranyihiin.
    -CASHARO
    -HTML
    -COMPUTERS
    oo aad fallaadha ku fiiqday HTML.
    ANIGA MEESHAAS WAXAA IIGU QORAN
    -uncategorized.
    Waxna kama dooran karo.

    adigase waxaa ka muuqda Menus-kii website-kaaga.

    Marka khaladku ma halkaasaa mise waa meel kale.

    Xattaa meeshay ku qorantahay
    -Page or profile ID wuxuu qorayaa Profile id-gaygii oo oo casaan ah. ma aqaan meel wax ka khaldanyihiin.

    Macalin icaawi wallaahi caawin baan uga baahnahay meeshaan.

    Mbashiir C.

    • Maxamed Cali says:

      Asalaamu Calaykmum; Walaal M bashiir C, waad ku mahadsan tahay qoraalkaaga.

      1. ugu horayn meesha “uncategorized” sababta ay sidaas kuugu tahay waa in aadan WordPress weli ka bedelin Categories oo asal ahaan waxaa uu ku yimaadaa qaybtaas ah uncategorized, waxaana qiyaasayaa in aadza markaas samayn qaybo kale. Waxaana laga sameeyaa POSTS / CATEGORIES… waan ain markaas wax lagu qoro qaybtaas si ay uga soo baxaan meesha aad xustay.

      2. Tan kale hubi in aad samaysay Apps oo ah Page, kaasna aad ka dooratay qaybta 24aad ee casharka.

      Intaas marka aad samaysid in aad ku guulaysatey iyo in kale jawaabta fadlan halkan ku soo qor. haddii aad ku guulaysateyna cillada aad saxday si ay akhristayaash akale uga faa’iidaan ku soo qor halkan adigoo mahaadsan.

      Mahadsanid.

  7. M.Bashiir C says:

    Weli ma aanan sixin.. waan sameeyey intad ii dirtay laakin waxaan kala garan waayey meesha wax lagu qorayo iyo waxa lagu qorayo.
    Markaan meeshii POSTS/ Categories Tagey waxaa iisoo baxay.
    Meel ”Name” Ku qorantahay.
    Meel “Slug” ku qorantahay.
    Meel ” Parent” ku qorantahay.
    Meel”Description” ku qorantahay.

    Marka macalin weli arrinku waa “Fas’aluu ahla dikr inkuntum laa taclamuun.”

    Markaan galo Facebook ee is iraahdo bal eeg Webkaaga in aad ku xiriirisay Facebok. waxaa ii soo baxaysa sidan.

    You are being redirected to the web app.

    Hoos-na wuxuu soo qorayaa
    Labo Altenatives oo kala ah.
    Go to App.
    Iyo Cancel.

    Haddaan ”Go to app.” Gujiyo toos buu website-kayga ii gaynayaa.

    Haddaan ”Cancel” Gujiyana Bogga Facebook-ga buu dib iiga celinayaa.

    Waxaan sixi karayna waan saxay.

    Marka weli wax iima hagaagin laakin wax banna waan isku dayey…

    Mahadsanid Macalin.

    • Maxamed Cali says:

      ASC: Walaal qaybta Posts/Categories waa meesha lagaga daro categories-ka ama qaybaha websiteka (Add New Category) – Halkaas waxaa lagu qoraa:

      Name: ku qor magaca qaybta sida News ama Maqaal, iwm

      Slug: Ku qor magac la mid ah kan aad ku qortay qaybta sare ee “Name”. Tusaale meeshii aad qaybta sare kaga qortay News qaybtaan ku qor news oo far yaryar ah

      Parent: Haddii qaybtaas aad sii hoos geyneysid qayb kale ayaa la adeegsadaa, tusaale News haddaad hoos geyneysid World ama Maqaal hoos geyneysid Faallo iwm, markaas keliya ayaa la adeegsadaa haddii kale hore uga soco

      Description: Waa qeexid loo samaynayo qaybta aad samaysay waxay ku saabsan tahay, marka badanaa faaruq ahaan ayaa looga tagayaa ama meel bannaan ayaa loo dhaafaa

      Markaas SAVE.

      Tan Facebook Page weli si wanagsan iiguma qeexna waxa kaa khaldan, fadlan markale bilow adigoo tallaabo tallaabo u raacaya qoraalka, markaas meesha uu kaaga istaago lambarkeeda iisoo qor. Mahadsanid

  8. Maasha Allaah runtii aad ayaan ugu farxay Walaahay sida wanaagsan ee daacadnimada leh ee aad noogu soo bandhigtay Aqoonta Macalin Maxamed.

    Himad sare oo dhanka Komputarka ah ayaa i gelisay markii aan si fiican u akhristay Casharadaada,waxaana Jeclaa weligay in aan barto balse waan waayey dad aqoon sidaada oo kale u leh Cilmigan haddii ay jiraana uma soo bandhigaan sidaada oo kale.

    EEBE waxaan kaga baryey in uu ku siyaadiyo Cilmiga si dadka Shacabka ah aaad uga faa’ideyso Insha allaah.

  9. jamac ali says:

    aad iyo adban uga fa’adaysanay wll ilahay hakaa abaal mariyo inta iyo inkabadan waad noso wadaa insha’alaah

  10. xasan says:

    video ayaa fiicnaan lahaa sxb.

  11. zakaria says:

    macalin waad mahadsan tahay ee alle hakaa abaal mariyo sida wanaagsan oo aad noogu faaiideyneesid

  12. Faysal Cali says:

    asc Macalin Salan kadib wad ku mahadsantahy sida wacan ee aan hagar la’anta ah ee aad noogu fa ideyneysid waxa uu alle ku baray.
    Hadaba macalin waan isku daye in aan sameeyo barnaamijkan hasa ahaatee wan ku guul dareestay marka waxan doonayaa in aan iska kansalo Facebook page Publish isla markana ka tirtiro wepsaitkeyga marka talaabo nuuce ah ayaan qadayaa
    Tan kale markii aan doono in aan facebook waxa ku shere gareeyo wuu iga diidayaa waxa uuna igu xirayaa scorty Code wana mar walbo oo an isku dayo in aan wax shere soo dhaho marka ustaad arintaan sideen uga bixi karaa Jwb Mahdasnid

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal Faysal Cali mahadsanid. Barnaamijyada ah nooca loo yaqaan Widget aad ayey u sahlan tahay in laga masaxo websiteka. Waxaad riixdaa PLUGINS, markaas waxaad deactivae ku samaysaa barnaamijkaas, kaddib Delete ku samee ama masax.

      Su’aasha labaad si fiican uma fahmin ee markale iisoo faahfaahi adigoo mahadsan

  13. faysal Cali says:

    wcs Ustaadii waad mahadsantahy Su’asha 2 aad waxa wee markii aan isku daye in aan wepsaidkeyga ku xiro baramijka facebook publish wan sameyn waye taas badalkeeda waxa ay dhalisay in aan wepsaitkeyga marka aan gudaha ugalo oo aan isku daye in warbixin share ku soo dhaho facebook waxa uu iga horkenyaa Security Check anigon taa galina warbixinteyda facebook kuma daabacmeyso tan kale mar walbo oo aan magaca wepsaitkega aan ku qoro facebook waxa uu iweydiini Security Check waxana kuma shere garaen karo sitoos ahna uma geyn karo facebook caqabadana waxa ay ii timid kadib markii aan isku daye facebook publish in aan ku xiro wepsaitka ok macalin markale ayaan kaga mahad celinyaa sida wangsan ee aad nooga so jawabeysid baahideyna

  14. faysal cali says:

    Asc ustaad salan ka dib Barnamijkan Facebook Publish wan isku daye in aan websaidkeyga Aan ku xiro sidan horay kuugu shegay wana ii shaqeyn waaye Tan kale waxa uu uu diiday Barnamijkan in facebook aan wax ku Tag Gareeyo markan isku dayana waxa uu i weydiinyaa security check Marka Aniga waxan Aminsanahay In cilada ay iiga timid Facebook Publish Xitaa waan tiray hadana sidi uun buu yahay tan kale Magaca websaidkeyga Hadii Aan ku Qoro facebook gudihiisa Ama Commentska waxa uu iweydine security check Marka ciladan Sideen ku xalin karaa Waa cilad heysata Magaca wepsaidka Mahdasanid Ustaad wan kaga Mahdcilnyaa sif=da wanaaga badan ee aad waqtigaaga qaaliga ah aad iigu hurta Jwb

    • Maxamed Cali says:

      Walaal screen capture ka qaad arrintaas kuu soo qormaysa oo markaas linkiga sawirka screen capturka iisoo dir si aan u arko cilladdaas

  15. Abdikeni Mohammud says:

    asc macalin aadbaad ugu mahadsan tahay faaiidaynta aad noogu faaiidayso casharadan qaaliga ah runtii aadbaan uga xumahay maadama aan mar dhow arkay website kan waxay ahayn in aan mar hore helo website noocan ah oo kale hadana alhamdulilaah in badan baan kaa faaiiday Ajar iyo xasanaad Allaha ka siiyo

    • Cabdicasiis says:

      Walaalo Abdikariin Maxamuud
      Marka Hore Soo Dhawoow Marka Xiga
      Ha Hilmaamin In Aad Saaxiibadaa U Sheegtid Website-kan
      Si Ay Aqoon Uga Korarsadaan

      Alla_Mahad_Leh

  16. Abdihakiin says:

    Aniga waxaan ku wareer sanahay sidii aan magaca uga badalan lahaa facebook-ga waayo waxaan badalay tiro seddex jeer ah walina waxaan u baahnaa in aan iska badalo magaca laakin waa uu iga diidan yahay maxaan sameeyaa

    • Maxamed Cali says:

      Walaal fadlan soo qor tallaabooyinkaaad martay si aan kuula eegno oo markas talo ku haboon ka bixino insha Allah

  17. Abdifatah says:

    asc walaal waxaan idin weydiinaya facebook geyga ayaan magaciisa 3 jeer bedelay waxan raba in aan mar kale bedelo wuuiga diiday sidee loo bedelaa sido kale facebookeyga side ana isaga xiraa ama aan u balooga si aan u isticmaalin mar kale casharadas noo soo gudbiya

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal ogaantayda waxaa Facebook ogoll yahay dhawr jeer oo qura in magaca la bedelo, waxaan qiyaasayaa in magacyadii hore ee aad ka bedeshey aad ku noqon kartid (inkasta oo taas aanan tijaabin), sabata ay taas u sameeyaana waa in qofka lagu barto hal facebook oo uuusan markasta u bedbedelin. Mahadsanid.

  18. asc
    dhamaanti magacaygu waa mustafe mahamed awil
    waxaan jooga somaliland waliba hrgs
    macalin waxaan jeclaaa inaad ifahmsiiso
    sidee ayaa sawirka ugu diri karaa websis ka

    macalin aad baan kula socdaa wan ku soo ducay naya macalin
    ilaahay khayr hakaa siyo macalin

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal Mustafe marka hore mahadsanid. Sawirka waxaad ugu diri kartaa email adigoo lifaaq ahaan (attachment) ka dhigaya sawirka, markaas ayaad emailka websiteku leeyahay ku direysaa adigoo raacinaya haddii qoraal la socdo. Marka sida ugu fudud ee website loogu diri karo sawir waa in email ahaan aad ugu dirtid. Mahadsanid.

  19. cabdiqani says:

    aad ayaan u salaama hawlwadeenada
    webstytka aqoonkaal anigu waxan joogaa magaalada hargaysa magacayguna waa cabdi qani waxyaabo badan ayaan ka faaiiday websiytkan aqoonkaal waad mahadsantihiin subax walba waan soo booqdaa websiteykan

  20. Ikraam Cali says:

    Asc Barre Mohamed Cali,
    Markale mahadsanid inaad dib noogu bilowday casharaddii Aqoon Kaal. Oo ah bogga keliya ee aan markasta kaga boqono aqoonta kombiyuutaradda iwm. Macalin waxaan kaa codsanayaa shaqsiyan inaad xoogga noo saarto inaad markasta noo soo gudbiso isbadala dhinacaas ah iyo cusbooneeysiinta lugu sameeyo apps-yada.
    Allaah kaa abaal mariyo da daalkaaga!

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal Ikraam Cali mahadsanid talo bixintaada, insha Allah waan ku dadaali doonaa taladaas. Mahadsanid.

  21. c/laahi cali maxamed says:

    walaal adoo mahadsan casharkaan asagoo vidio ah ma noo keeni gartaa maxaa yeeelay xoogaa waan kujahwareernay

  22. cisi cali says:

    asc macalin bacda salaan aad iyo aad baad umahadsan tahay cilmiga gaaga iyo waqtigaaga qaaliga ahba
    muxuu qabtaa sidee se ushaqeeyaa progrmskan {d-linkmanger}
    macalin barta facebook isbadal ayalagu kordhinayaa naga soo caawi isbadalkaa

  23. scw,macalima aadbaad ugu mahadsan tahay, sida aadnooga tirtey,baahidii kubuyuutarka ee naheysay,awaalkaaga lama gudi karo lkn,waxaan kuleenahay,ajir,iyo xasanaad o aan lasoo koobi karin alah kusiyo,aakharane janada firdoowsal aclaa lah ku geliyo,runtii wax weyn ayaad noo qabatay

  24. ali says:

    asc
    salaan ka dib macalin aad baan kaaga mahad celinyaa sidan kartida iyo hufnaantaleh aad nagu fahansinsinysid wax inbadan oo nga midii aany ulahyn aqoon
    sualaha aan qabo dib baan kga sodirin madaba aan ku cusbahy webka ilaa hdana aadban ugu bogy akhrintisa
    mahad sanid

  25. Said Abdirasak says:

    Asc macalin Allah haku xifdiyo runti casharadada siiba HTML, webdesign iyo excel aad ayan uga faiiday waliba expert ayan ku noqday Allah kasokowna wa adiga dadaalka Allah misaanka xasanaadka hakugu daro.

Jawaab u qor mustafe mahamed awil