PADDING: Xeerka qoraalka ka durkinaya gudaha derbiga ku xeeran – Casharka 15aad
« Casharkii Hore | Casharka Xiga »
Casharkan oo ku xiriirsan casharkii hore waxaan ku baran doonaa xeerka PADDING oo ah xeer suurtagal ka dhigaya in qoraalka laga durkiyo derbiga ku xeeran, arrintaasi waxay ka qayb qaadataa in si fudud loo akhrin karo qoraallada ka muuqda shaashadda computer-ka.
Xeerka Padding waxa uu qaab ahaan la mid yahay sida xeerkii MARGIN, waxayna raacaan nidaam isku mid ah, mar haddii aad soo fahamtey xeerkii casharkii hore, markaas casharkani aad ayuu kuugu fududaanayaa.
Video-ga hoos ka daawo:
- FG. Haddii aad joogtid Shiinaha ka daawo YouKu (Halkan)
FG: Kelmedo Ubaahan ERAY BIXIN
Marka aad fahamtid qaabka ay u shaqeeyaan laba xeer (Casharkan iyo kii ka horeeyey) ee MARGIN iyo PADDING, maxaad labadaas kelmedood ku tarjumilahayd? MARGIN …?. iyo PADDING…. ?.. Fadlan tarumadaada hoos ku qor.. (Kelmed kasta Hal eray oo ugu macne dhow).
Xeerarka CSS
[sourcecode language=”css”]
p {
padding-top: 5px;
padding-right: 10px;
padding-bottom: 7px;
padding-left: 10px;
}
[/sourcecode]
Xeerarka HTML
[sourcecode language=”html”]
<!DOCTYPE html>
<html dir="ltr" lang="so">
<head>
<title>Cinwaanka Guud ee Websiteka</title>
<link rel="stylesheet" href="style.css" />
</head>
<body>
<p>Qoraallada lagu qorayo webka.</p>
</body>
</html>
[/sourcecode]
« Casharkii Hore | Casharka Xiga »
Faafin: AqoonKaal.com
Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook
Halkudheg: HTML
asc “margin” waxay ila tahay “cirif”
Padding =Gufayn ama Cufayn
Margin=Cidhif-madhan oo u baahan jaan-goyn.
asc dhamaan macalimiinta & hoolwadeenayaasha aqoonkaal waadmahad santihiin aad & aad siwanaagsan ayaan wax ugakororsada HTML & css
waxaan joogaa magaalada muqdisho gaar ahaan hoolwadaag /ceelhidi