Hargeysa oo Sannadkii Labaad Noqotay Magaalada Akhristayaasha ugu badani ka soo Booqdaan AqoonKaal.com

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Thursday, January 1, 2015 | 21 Jawaabood

« | »

Waxaana soo caga-cageynaysa Muqdisho oo akhristayaasheedu soo badanayaan ..

Website-ka AqoonKaal.com waxaa la asaasay March 17, 2006, ilaa xilligaas waxaan ku daabacay qoraallo la xiriirta aqoonta farsamada Teknoolojiyada, gaar ahaan cilmiga la xiriira computerka si ay uga faa’iidaan mujtamaca Soomaaliyeed.

Haddaba markii aan dib u jalleecay sannadkii la soo dhaafay ee 2014, islamarkaasna xisaabiyey magaalooyinka ay akhristayaasha ugu tirada badani ka soo booqdaan website-ka AqoonKaal.com, eegayna ku dhawaad 2000 (2kun) oo magaalo oo 2014 laga soo booqday AqoonKaal, waxaa iiga soo baxay in Hargeysa tahay magaalada koowaad ee akhristayaasha ugu badani ka soo boqdaan AqoonKaal.com.

Waxaa kaalinta labaad iyo saddexaad isku cayrsanaya London iyo Muqdisho. Kaalinta 4aad, 5aad iyo 6aad waxaa isku haysta Addis Ababa, Oslo iyo Nairobi.

Waxaa xiiso leh in magaalada Muqdisho oo 2013 gashay kaalinta 7aad in ay ah 2014 noqotay magaalada 3aad ee dadka ugu badani ka soo booqdaan AqoonKaal, taas oo muujinaysa xawliga koboca Muqdisho ee akhriska cilmi kororsiga AqoonKaal. Laakiin weli Hargeysa ayaa sidata guusha.

Hargeysa Magaalada Aqoonta

hargeysa

Maadaama 2013 iyo 2014 ay Hargeysa noqotay magaalada ay akhristayaasha ugu badan ka soo booqdaan bogga cilmiga computerka ee AqoonKaal, waxaa markaas Hargeysa tahay magaalada cilmiga iyo aqoon kororsiga ee sannadkan 2014.

Bahda AqoonKaal.com waxay u mahad celinayaan akhristayaasha website-ka ka soo booqda Hargeysa iyo guud ahaan akhristayaasha meel kasta oo ay ka joogaan adduunka.

Markale waxaan si gaar ah ugu mahad celinayaa akhristayaasha ku sugan Hargeysa siday uga qayb qaateen cilmi ka korodhsiga AqoonKaal.com.

Tirakoobkaas waxaan u adeegsadey Google Analytics. (Hoos ka akhri magaalooyinka kale ee akhristayaasha ugu badan ka soo booqdaan AqoonKaal iyo is barbar dhig 2013 iyo 2014).

hargeys2Sannadkii 2014 (Janaayo ilaa December)

  1. Hargeisa
  2. London
  3. Mogadishu
  4. Addis Ababa
  5. Oslo
  6. Nairobi
  7. Saint Paul Minnesota
  8. Stockholm
  9. Gothenburg
  10. Dublin
  11. Minneapolis
  12. Jeddah
  13. Magaalooyinka kale ee aan sidaas uga fogeyn waxaa ka mid ah: Birmingham, Mumbai, Sana’a, Helsinki, Khartoum, Dubai, Kampala, Toronto, Kuala Lumpur, Copenhagen, Borlange(Sweden), Vienna, Melbourne, Amsterdam, Zurich, Fort McMurry (Canada), Manchester, Sharjah, Johannesburg, Hyderabad, New Delhi, Cape Town, Istanbul, Chicago, Cairo, Columbus Ohio, Riyadh, New York, Frankfurt.. iyo ilaa 2000 oo magaalo oo dunida dacaladeeda ah…

Sannadkii 2013 (January  – September )

  1. Hargeisa
  2. Minneapolis
  3. London
  4. Nairobi
  5. Addis Ababa
  6. Goldsboro
  7. Mogadishu
  8. Gothenburg
  9. Stokholm
  10. Dubai
  11. Jeddah
  12. Kampala

Halkan ka akhri warbixintii 2013: https://aqoonkaal.com/hargeysa-kaalinta-koowaad/

Waxaan Allah ugu mahadinayaa in dad aad u farabadani aqoon ka korosadeen websiteka Aqoonkaal, waxa kale oo aan u mahad celinayaa akhristayaasha sida joogtada ah ula socda qoraalada iyo Video-yada aan ku daabaco AqoonKaal.com.

Qore: Maxamed Cali Aaden (AqoonKaal)
Wixii talo iyo tusaale ah waxaad noogu soo hagaajin kartaan emailka: aqoonkaal@gmail.com

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Halkudheg:

Bookmark and Share

21 Jawaabood

  1. ZAKARIYE ABDI XEYDAR says:

    ASC,magaceyga waa zakariye cabdi xeyday waxana ku noolahay UAE-DUBAI Macalin waan ku salaamay marka hore ,marka xiga website-ku kor ayuu usii kacayaa maalinba maalinta kadanbeyso ee dardargaliya hoolaha aad bulshada u heysaan waayo bulsho badan ayaan ku xiran web-kaan oo aan aniga kamid ah,waxana booqdaa maalinkasta aqoonkaal si’aan u hubiyo wax cusub in lasoo galiyay iyo in kale.
    mida kale waxan u hanbalyeynaya magaalada hargeysa oo labo sano oo isku xigta kaalinta koowaad gashay,haddan u soo laabto magalada muqdisho oo dadka ugu badan kunool yihiin misane jaamacadaha ugu badan dalka ku yaalaan sababta ay koowaad u galiweysay waxa la oran karaa shirkadaha internet oo ku yaraay sanadihii hore lakin hadda waxa tagay shirkado badan oo internet, adeegyo wanaagsane soo bandhigay waana u jeedaan farqiga u dhaxeeyo sanadkii hore iyo sanadkaan, waxana rajeynayaa insha allah sanadka soo socdo inan kaaalinta koowaad ka cariirsano magalada hargeysa insha allah waxana arin wanaagsan mar hadii aqoonta lagu tartamaayo.wcs

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      ASC walaal Zakariye waad mahadsan tahay, insha Allah waa dardar gelinayaa websiteka, waana kaaga mahad celinayaa taladaada. Waana runtaa Muqdisho waa soo kobceysaa, faraq weyn ayaana u dhaxeeya sannadka 2014 iyo 2013.

  2. Faisal says:

    Aniga o ka mid ah Ardayda sida aad ka ugu xidhan Mareegta Aqoonkaal.com kuna sugan caasimada Somaliland E Hargeisa waanan ku faraxsanahay Hargeisa iyo xiisaha ay u hayso barashada CIlmiga COmputerka . Aad baanan ugu mahad Naqaynaa Macallinka Qaaliga ah Mohamed Ali .
    oo aan ALLE uga baryeynaa inuu miisaanka xasanaadka ugu daro .

    Hargeisa-somaliland

  3. ASC- mclin anoo kamid ah akhristayaash aqoonkaal waxaan aad uugu mahad celinayaa mclinka aadka uqaaliga ah ee maxamed cali oo noosoo gudbiya marwalba aqoon aad aanu uuga faa idaysano, waxaanan leeyahay, illahay miisaanka xasanaadkaaga ha kuu gudaro, waxaanu mclin kaa sugaynaa casharo cusub,waayo marwalba waxaan ee gaa in casharo cusub lagusoodaray website ka, mahad sanid mclin. waa jamal Hussein oo kunoo magalad Hargeisa ,aadna waan uugu faraxsanahay kaalintaanu galnay sanadkan . mahadsanid mclin

  4. Negeeye says:

    Salaamu Calaykum

    Aad baad u mahadsantihiin qorayaasha Aqoonkaal.com aqoonta bilaashka ah ee aad dadweynaha u haysaan.

    Waxa aan jeclaan lahaa in aan tilmaamo in sababta ugu weyn ee aad booqdayaashiinna u badani uga yimaadeen Hargeysa ay tahay:

    1. In Hargeysa ay tahay magaalada labaad ee Soomaaliya (diidmo u la ma jeedo) dad badan;
    2. In reer Hargeysa ay yihiin dad ilbax ah oo aqoonta raadsha;
    3. In shirkadaha isgaarsiinta ee Soomaaliya ugu waaweyni Hargeysa deggan yihiin, siiba kuwa internet ka baxsha. Telesom iyo SomTel oo xaruntooda weyni Hargeysa ku taallo waxaa internet ka ka soo jiita shirkado kale oo gobollo kale oo Soomaaliya ah ku yaal, sida Golis Telecom oo Puntland ah, Somtel Puntland, Orbit, iyo shirkado kale oo gobollada kale ee Soomaaliya ku yaal. Shirkadahaasi waxa ay adeegsadaan IP la wadaago kaas oo leh hal “route”, DNS kooduna yaal Hargeysa; haddii aad raadraac ku samayso (who is) IP gooda, waxa ay dhammaantood kuu sheegin in ay Hargeysa deggan yihiin walow ay dhab ahaan deggan yihiin magaalooyin kale oo Hargeysa aad uga fog. Weli waxa ay tani na tusin in ay Hargeysa tahay hooyada halabuurka farsamada cusub ee gobolka.

  5. Abdirazaq says:

    masha allah, maccalin aad baan kaaga mahad celinaya cilmiga aad noo faaideysid, aniga laftigayda in badan ayaan ku xidhanaa wax baddanna waan ka bartay alx. midda kale aan aad macallinka ugu hanbalineenaya waxay tahay website kaa oo ah mid aad u daggan offical ah. Inta badan website yada somalida markay in muddo ah shaqeeyaan qadka dhan way ka baxan. aad baan macallinka ugu hanbalineenaya ina website ku 10 sano aan wax iska bedelin sidiisana u shaqeeyo waa ilahahy mahddi. ilhahayna hanoo sii daayo cimrigiisa.
    Hargeisa na waxaan leeyahay hanbalyo guusha aad gaadheen magaaloyinka kalena waxaan leeyahay tartanka haka cajisina oo ku dedaala inaad 1 noqotan,
    wsc ww

  6. ali saleban says:

    scm macalin aad ayaan kuugu mahad naqaynaa waxaan ka baranay websitekan ma soo koobi karno gaar ahaan marka la eegi qaybta web designka oo aan ka bartay sida web loo dhiso macalin waxaan leeyahay wax aan kuugu abaal gudno magaranay ee ilaahay ha abaal siiyo adigana aqoontaada ha kuu barakeeyo

  7. abdihakiin ahmed says:

    asc
    salaan ka bacdi waxan u mahad celinayaa daadiyaha barnaamijkan mohamed ali
    aqoonta aanu ka faa’idaysan website-kan lama soo koobi karayo
    Markaa halkaas kasii wada da’daalkina
    waana idin mahad celinayaa mar labaad iyo mar sadexaad ba

  8. masha allah ustaad maxamed ali aadam kheyr badan allah ku siiyo abaalkaadii miisaanka qiyaamo alle hakuugu daro
    ustqadoow waxaan ku waydinaa hal su aal oo ah waxaan rabaa in computerkeyga anoo isticmaalaya aan shaashadda computerka duubo apps ka loo adeegsado iyo meesha aan ugu hagsago

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      Walaal waxaad adeegsan kartaa aaladaha loo yaqaan screen recorder sida camstudio ama camtasia studio.

  9. Waxaan aad ugu farax sanahay mohamed shaqada uu qabtay thank you my teacher waxan rabaa inaan barto computer accounting Marka waxaad ii sheegtaa buugaagta aan xooga saaro iyo inta aan ku baran karo ii soo sheeg shirkada aan rabo inan ka shaqeyo shaqadedu waxay ku saabsan tahay xisaabiye jwb

  10. Asc macalin aad ayaad umahadsantahay Alle hakaa abaalmariyo, macalin casharadi taxanaha ahaa ayáan uxiisnay ee hiray noogu siiwad, macalin casharada wordpress-ka waan sugoona mahadsanid.

  11. Amen says:

    sc macalin aad ayaad ugu mahadsan tahy wax walba oo aad noo qabatay oo aan la soo koobi karin ta kale waanu u xiiisnay casharadii taxanaha ahaa plz noo soo da daji Waad mahadsan tahy

  12. Waxan joga maglada jigjiga

  13. asc dhammaan akhyaarta shrfta leh runtiii website kani waa website aad iyo aad muhiim u ah lgana faa iday waxyaabo badan waan soo dhawaynayaa

  14. waxaan jooga mglda garowe

  15. mustafe Adam says:

    magacayga oo ah mustafe Adam waxaa aan ku noolahay magaalada hargiesa waxa aan amaan usoo jeedinayaa macalinka qaaliga ah ee mohamed ali ,macalin waxaanu ku leenahay ilaahay ajar iyo xasanaad ha kaa siiyo, waxaan ka codsanaynaa inaad no bilawdo cashara taxana ah oo ku saabsan WordPress.
    Thanks macalin

Jawaab u qor ali saleban