Waa Maxay Faraqa u Dhaxeeya Bcc iyo Cc ee Marka La Dirayo Emailka?

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Monday, March 10, 2014 | 18 Jawaabood

« | »

Tab iyo Xeelad: Su’aal & Jawaab:

Akhriste ka mid ah AqoonKaal.com ayaa isoo weydiiyey su’aashan “maxaa loola jeedaa Cc iyo Bcc markaad message u diraysid Email – ii faahfaahi”.

Haddaba, su’aashaas waxaan uga jawaabayaa si caam ah, si akhritayaasha oo dhammi uga kororsadaan aqoon guud ama cilmi kororsi.

outlk10

Jawaab:

Sida caadiga ah emailka marka la dirayo waxaa emailada dadka ay ku socoto lagu qori karaa saddex meelood midkood, oo kala ah:

To: waxaa lagu qoraa emailka qofka tooska ugu socoto.

Cc: oo laga soo gaabiyey “Carbon Copy” waxaa lagu qoraa emailada koobi ahaan loogu dirayo. Laakiin emailada lagu qoro barta Cc dhammaan dadka ay u tagto waa arkayaan inta email ee koobiga loo diray, oo ma kala qarsoona emailadaasi.

Bcc: oo laga soo gaabiyey “Blind Carbon Copy” waxaa lagu qoraa emailada koobi ahaan si qarsoodi ah loogu dirayo. Emailada lagu qoro Bcc ma arki karaan dadka kale ee emailkaasi u tagtay, waana qarsoon yihiin.

bccre1Cc: waxaad adeegsan kartaa haddii aad emailo u direysid dad is yaqaan ama aadan kala qarinayn.

Bcc: waxaad adeegsan kartaa haddii aad doonaysid in aad email u dirtid dhawr qof oo aan is aqoon, si markaas emailadoodu u ahaadaan kuwa qarsoon oo midna kan kale uusan emailkiisa arkayn.

Waxa kale sida caadiga ah Bcc loo adeegsadaa marka la dirayo emailo tiradaas ka badan, sida  (mailing list) oo dad badani kuugu jiraan si aad ugu dirtid email.

Waxaa xusid mudan in emailka ama emailada aad ku qortid barta To ay arki karaan ama ogaan karaan emailada ku qoran Cc iyo Bcc. Sidaas daraadeed marka aad emailada ku dirtid habka Bcc waa in emailkaaga oo keliya aad ku qortid barta To.

Soo Koobid:

To: Waxaa lagu qoraa emailka ama emailada dadka tooska loogu dirayo. Cc: waxaa lagu qoraa emailada koobi ahaan loogu dirayo laakiin aan lakala qarinayn dadka ay emailku ku socoto. Bcc: waxaa lagu qoraa emailada koobi ahaan loogu dirayo si qarsoodi ah, ama dad lakala qarinayo.

Qiimaha Iftiinka Aqoonta:

Maansadii Cabdillaahi Qarshe ka tiriyey iftiinka ay leedahay aqoonta, isagoo guubaabinayey in aqoonta la kororsado, waxna la barto, oo la aado goobaha waxbarashada, waxa uu maansadan kooban ku yiri:

  • Aqoon la’aani waa iftiin la’aan
  • Waa aqal iyo ilays la’aane
  • Ogaada ogaada, Iskuulada ogaada
  • Ogaada ogaada, walaalayaal ogaadaa

Waxaan rajaynayaa in qoraalkan aad ka faa’iiday aqoon kororsi guud.

Qore: Maxamed Cali (AqoonKaal.com)

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Bookmark and Share

18 Jawaabood

  1. Cabdicasiis Maxamed Afrax says:

    Macallinku aad ayuu u mahadsan yahay.
    dadaalkiisa iyo nafti-hurnimadiisa uu u hayo dadkiisa.

    Ilaahay ha kuu siyaadiyo cilmigaaga, hana kuu barakeeyo.

  2. mohamed ali says:

    macalin aad iyo aad ayanu kuugu mahad naqaynaa sida qiimaha iyo qaayaha leh ee aad ugu hagarbaxdo dadka somaliyeed waxaan umalaynayaa hadii qofka oo somaliya wuxuu yaqaano uu sidan oo kale uga faa iidaynlahaa dadkii inay dadkeenu bari hore kabixi lahayeen jahliga adigana illahay waxaanu kaaga baryaynaa inuu inuu cilmigaaga kuu barakeeyo oo ajar iyo xasanaad kaasiiyo

  3. Somaali says:

    Aad iyo aad ayaad macalin u mahadsantahay.
    Jazaakallaahu kheyral jazaa.

  4. Deeq Cali says:

    ASC
    aad iyo aad baad ugu mahadsan tahay macallin soogudbinta casharada qiimahay iyo tayada xanbaarsan ee aad marwalba diyaarka ula tahay dadkaaga soomaalyeed oo doonaya inay ka faa’iidaystaan aqoontaada aan laga haqabbeelayn.
    mar labaad iyo marseddexaad ba waad mahadsan tahay macallin Maxamed Cali.

  5. Jamal Aden says:

    Asc Macalin aad iyo aad ayaad u mahadsan tahey , aduun iyo aakhro ilahey hakaa abaal maro wanaag badan , bulshada waan u baahan nahey rag fahma qiimaha afkeena hooyo iyo horumarintiisa , allaaah aad iyo aad ayaan ugu farxay , u fahmey wax aanan aqoonin macalin waad mahadsan tahey

  6. azad adam says:

    asc bahda arday igula tixana beg kaan ee aynu wax ka wada barano wan idin lamay salan ka dib mahadoo dhan alle subxan wata cala’ bey u sugnatay ka dibn weaxn ku mahdineyna walah wax soo bartay ee ingu cawinaya aqontooda aad bey u mahad san yihiin da daal kooda ilaah hala garab galo run ahantii aniga waxan ahay ruux jecl in uu wax barto lakiin ay u diiday duruufah adag ee jira lakiin waxan kaga mahdinya fursadan qaliga ah ee isiiyen walaha web kan wax ku qora marka waxan dhihi lahay halkiina ksii wad dadaal kiina

  7. waa salaamantihiin dhamaantiin waana umahadcelinayaa macalimiinta aan wax kabarano

  8. Mohamed Al-azhari says:

    Allaaah bay mahad dhamaanteed usugnaatay, Intas kadib Xaqiiqdii Ustaad Mohamed Ali aad iyo aad baan ugu maqsuudnay casharadaan iyo tibxaxaanntoosan iyo dhamaan talooyinka aad nala garab taagantahay , Alle hakuu barakeeyo cilmigaagii MId qabuul Lehna Allaha kaaga dhigo , runtiii Waxaa farxad weyn noo ah inaanba wali Noolnahay oo dad naftood iyo waqtigooda noo huraya jiraan sidaadoo kale, waayo meel aan quusanay baan maanta maraynaaa .
    Ugu danbeyn ustaadii marlabaad iyo mar saddexaadba Waxaan kuleeyahay mahdsnd. Jazack Allah.

  9. macain aad baad u mahad santahy dadaalka aad dadkaaga ugu jirtdid si aad uku faa idayso aqoontaada waxaana ilahy kaaga baryaynaa in ilaahay aqoontaada kuu siyaadiyo insha ALLAH

  10. ahmed aadan says:

    maansha alaah waan u mahadi naqaya dhaman shaqala aqookaal

  11. macalinka waan u ducaynayaa waana u mahad naqayaa

    macali cilmiga ajarkiisa ALLE ha ku siiyo.

  12. Asc maclinku waa xubin muhiim u ah bulshada waa mudka hada iyo goorba utaagan bulshadiisa in uu jahliga kasaaro eeaqoonta uhorseedomclin waxan ku oraneyaa ilaahey hakaa awaal mariyo umada waxad bartay wax oogu siyaadi insha alllh

  13. aad baad umahadsanthy macalin sida aad noogu faa,iidaysay ilaahay hakuu barakeeyo aqoontaada iyo cimrigaagaba

  14. asc
    masha allaah macalin aad baad umahadsantahay sida hagar la,aanta ah ee inoogu faa ideeyso cilmiga aan lakoobikarin, mcln marwalibo waaad mahad santahay.
    jazaaka llaaah qeyr.

  15. asc macalikeyga qaaliga ah waxan jeclaan lahaay in aad inoosiiwadid cashiradii tixanaha ahaay ee webdesing ka .
    sida looguxiro webka hosteska ama loosii hormariyo.
    mahadsanid mcln.

  16. Ahmednor abdi sulub says:

    Mahadsanidiin dhamaantin bahda aqoonkaal

  17. mustafe says:

    macalin aad baad u mahadsan tahay
    thanks a lot

Jawaab u qor Ahmednor abdi sulub