Video: Casharka 4aad ee OpenOffice: Nidaaminta iyo Samaynta Warqad Xisaabeed Guud
« Casharkii Hore | Casharka Xiga »
Casharkan waxaan ku baran doonaa sida loo sameeyo xaashi (sheet) xisaabeed cusub ee oo lagu qorayo xisaabta guud ee ka imanaya dhawr waraaqood.
Marka la adeegsanayo barnaamij xisaabeedka OpenOffice, waxaa marar badan loo baahdaa in la sameeyo dhawr xaashidood oo lagu qoro xisaabo kala duwan, kaddibna hal xaashi lagu soo koobo isku darka guud ee xisaabta ku qoran xaashiyaha kala duwan.
Waa nidaam aad u sahlan, laakiin faa’iido badan leh, loona adeegsan karo siyaabo kala duwan oo la xiriira ganacsiyada.
Tusaale ahaan haddii aad leedahay dukaan oo aad ku iibisid alaabo kala duwan, waxaad qayb kasta u samayn kartaa xaashi gooni ah, kaddibna waxaad samaynaysaa hal xaashi oo aad ku xiriirineysid isku darka lacagtii aad faa’iidey.
Sharaxaadda cashaarkan ka daawo Video hoos:
« Casharkii Hore | Casharka Xiga »
Faafin: AqoonKaal.com
Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook
ASCWW…..Walaal maxamed alle hakaa abaalmariyo waa casharo aad muhiim noogu ah,annagana alle hanaga yeelo kuwo fahma oo dadkeenana sii gaadhsiiya,adna alle aduun iyo aakhiro hakaa abaalmariyo.
ASCWW……….. Macalin maxamed aadbaan kuu salaamayaa,run ahaantii waxaad fududaysay hawlo badan oo aad u cususlaa oo ku adkayd ardayda qaar in ay bartaan dhibaatana kuhaysay sidayda oo kale
Ilaahay hakaa abaalmariyo dadaalka badan ee aad ku jirto walaal…
waxaan rabay inaa ii sheegto marka aad isticmaaleso windows7 qaabka loogu xeto folderkaga password macalin taasi ayaan rabay inaad ii sheegto waana ku salaamayaa macalin gud ngt
walaal ayaad ugumahadsantahay aqoonta aad nooga faaiideysey
asckm macali alle hakaa siiyo abaal kuu buuxiya miisaanka xasanaadka waxaana aad tahay macalin mudan in ay dadka cilmiga bartay ku daydaan sida sadaqada looga bixiyo cilmiga ee aysan ku waajin kaliya maalka abaalkaagana waad helidoontaa maalin aan maanta ahayn waxadna mudan tahay in aad taariikhda baal dahaba lagaaga sameeyo macalin
Asc
walaal waad kumahadsantahay sida wanagsan eed umada ugu faaiidaysay ilaahay aakhiro miisaankaaga wanaga hakuugudaro waxa wanaagsan eed qabanaysid aad ayaan uga faaiidaystay aqoontaada
waad mahadsantahay
asalamucalykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu
Macalimiinta cashar nooga faa iideya Aqoon waxan waydiin lahaa ayagoo mahadsan
casharada fiidiyooga ah side loo lood gareesan karaaa
Su ashaa in la iiga jwbo ayaan jeclaan lahaa
ASC Walaal Nuur Cabdullaahi walaal haddii aan su’aasha fahmey, oo aad ula jeedid sida Video loo daabaco, eeg casharkan http://aqoonkaal.com/tab-xeelad-1aad/
asc bacda salaam jazaakalaah kheyran. su’aal ayaan rabaa inaa weydiiyo macalin max’ed ali kheyr alle ha siiyee. i mean waxan rabaa inaan ogaado programka aad isticmaalayso dabcan office waxaan rabaa inaan u isticmaalo xisaabaadka oo aan aad u dhibsadey.. xaqiiqa sidaan baana ii fudud inaan u barto so. xageen ka helaa programkan ? sideen ku isticmaali karaa ? intee in le’eg bay qaadan barashadiisa ?..dhamaan boxka mala yareen karaa ?
Walaal eeg qaybta 1aad, waa barnaamijka openoffice meesha aad ka heli kartid