Author Archive

Sidee Loo Doortaa Laptop Tayo Wanaagsan

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Thursday, August 1, 2024 | 91 Jawaabood

Waxyaabaha Muhiimka ah ee Laga fiiriyo ama Lagu xusho marka la iibsanayo Computer – Laptop

#AqoonKaal.com / Maxamed Cali

Ugu horayn inta aadan iibsan Laptop waxaa muhiim ah in aad ogtahay ujeedada aad u iibsaneyso iyo hawsha aad u adeegsan doonto:

  • Ma waxaad u adeegsaneysaa qoraalada caadiga ah,
  • Mase in aad ku duubto video ama ku agaasinto sawirro,
  • Ma waxaad rabtaa Laptop fudud oo aad safar u qaadan karto,
  • Mase Laptop feero weyn oo inta badan guriga uun aad ku adeegsato.

Haddii aad dooneyso Laptop aad u adeegsato hawlo fudud, sida Internet, Email, ama qoraallo caadi ah, waxaad iibsan kartaa computer raqiis ah, waana in aadan lacag iskaga khasaarin Laptop ku qalabaysan farsamo qaali ah oo aadan adeegsanayn.

Haddiise aad rabto Laptop aad u adeegsan karto hawlo culus, sida duubis/agaasimid Video, sawirro, naqshaddo, dhisme website, Gaming, iwm, markaa waa in aad xulato Laptop awood u leh oo hawshaas qaban kara.

Laptop ugu Wanaagsan

Mar haddii aan isla meel dhignay ujeedada aad u iibsaneyso Laptop, waxaan qoraalkan AqoonKaal.com ku eegi doonaa waxyaabaha muhiimka ah ee laga fiiriyo Laptop-ka si loo xusho farsamo ahaan, qurux ahaan, iyo tayo ahaanba kan ugu wanaagsan.

Haddii aad Amazon ka baarto Laptop, waxaad arki karta qoraal lagu taxay waxyaalaha uu Laptop-ku qalabaysan yahay, sida sawirka hoose ka muuqata. Markaa durbadiiba waxaad isweydiin kartaa: Waar-heedhe, adigaa yaab arkay’e, waxaan oo dhami maxay yihiin?

Marka aad si xeel dheer oo cilmi ah u fahamto waxyaabaha farsamo ahaan ugu haboon Laptop-ka, waxaad si kalsooni ah u xulan doontaa computer ku anfaca.

Waana kuwan waxyaabaha lagu xusho Laptop-ka.

Nooca Computerka (Operating System – OS)

  • Windows 10 ama 11 (64-bit), ama ka casrisan

Waxa ugu horeeya ee aad go’aan ka gaareyso waa nooca Computerka.Ma waxaad rabtaa Windows, MacOS (Apple), Linux, ama Chrome OS. Nooca Operating system waxaa haboon in uu yahay nooc aad hore u adeegsatey ama fahamsan tahay qaabka uu u shaqeeyo.

Chrome OS inkasta oo qiime raqiis ah lagu heli karo, wuxuu u baahan yahay in lagu xiriiriyo khadka Internetka markasta oo la adeegsanayo, faylashana waxaa lagu xafidanayaa meel internetka ah sida Google Drive (Cloud), iwm. Sababtaas ayaa ardayda jaamacaduhu ku jecel yihiin Chrome OS maadaama ay heli karaan khad Internet joogto ah.

Haddii aad dooraneyso Windows, waxaa ugu dambeeyey Windows 11, in kasta oo weli la adeegsado Windows 10.

FG: Hubi in Operating System-ka Windows yahay 64-bit – oo ah farsamo la xiriirta sida degdegga ah ee computerku u maarayn karo faylal iyo barnaamijyo badan oo isku mar la adeegsanayo, (ha iibsan noocii hore ee 32-bit, waayo waa gaabis.)

Windows in uu yahay 64-bit si aad u hubiso, raac habkan:

Riix Start / Settings / System / About. Markaas eeg qaybta: Device specifications, gaar ahaan: System type, bartaas ka hubi 64-bit Windows.

Intaas marka aan isla fahamney, oo aad ga’aansatay nooca OS ee computer-ka aad rabto, waxaan eegi doonaa waxyaabaha kale ee lagu xusho Laptop-ka.

Maskaxda Computerka – Processor (CPU)

  • 8.0 GHz Intel Core i9 CPU (Processor), 14th Gen. ama ka casrisan
compuut2

Processor ama CPU (oo laga soo gaabiyey Central Processing Unit) waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay maskaxda computerka oo kala hagta dhammaan amarrada uu computerku fulinayo hawlaha kala duwan. Sidaas daraadeed Processor waa qaybaha ugu muhiimsan computerka.

Waa in aad iska hubiso xawaaraha CPU Processor-ka (oo lagu cabbiro hal-beegga gigahertz – GHz). Tusaale ahaan 1.6GHz waxa ka sareeya 2GHz iyo 3GHz. Talo ahaan, Laptop-ka aad iibsaneyso waa in ugu yaraan uu ahaado 8 GHz CPU ama ka badan. Waa haddii aad hawl culus u adeegsaneyso Laptop-ka.

Shirkadaha ugu caansan ee sameeya Processor-ka waxaa kamid ah Intel iyo AMD. Waxaan qoraalkan si gaar ah ugu eegeynaa Intel CPU. Noocyadii hore ee Processor-ka waxaa ka mid ah Pentium, Celeron, Atom iyo Xeon.

Intel Processor (CPU) noocyadiisa waxaa ka mid ah: Intel Core i3, Core i5, Core i7, iyo Core i9, oo siday u kala lambar weyn yihiin u kala qaalisan. Core i3 waa kan ugu awoodda yar, halka Core i9 yahay kan ugu awoodda weyn marka laga hadlayo xawaaraha uu computerku hawlaha ku fuliyo.

Nooca CPU ee computerka waxaad ka ogaan kartaa halkan:

Riix Start / Settings / System / About. Markaas eeg qaybta: Device specifications, gaar ahaan: Processor, bartaas ka eeg CPU.

Tusaale ahaan, haddii lagu kala dooran siiyo saddex Laptop oo leh processor-rada kala ah:

  • 1.6 GHz Intel Core i5 CPU, 7th Gen.
  • 3.5 GHz Intel Core i7 CPU, 12th Gen.
  • 8.0 GHz Intel Core i9 CPU, 14th Gen. – xulo kan, waayo waa kan ugu xawaare badan. “14th Gen” (14th Generation) waxay muujineysaa in uu yahay farsamada jiilka cusub ee Laptop-ka.

GPU (Graphics Card)

  • NVIDIA GeForce RTX 4070 ama ka casrisan

GPU (oo laga soo gaabiyey “Graphics Processing Unit“) hawsha uu qabto waxaa ka mid ah in uu dardargeliyo sida degdegga ee Laptop-ku u fuliyo hawlaha culus ee lagu agaasimayo, sida: duubista iyo habaynta video-yada iyo sawirrada. GPU la’antiis computerka si degdeg looguma adeegsan karo maaraynta sawirrada iyo video.

Shirkadaha sameeya GPU waxaa ka mid ah Intel, AMD, iyo Nvidia. Sida caadiga ah waxaa Computerka korkiisa lagu dhejiyaa shirkadda iyo nooca GPU. Tusaale ahaan waxaad arki kartaa calaamadda: NVIDIA GeForce RTX 4060 ama Intel Arc, iwm.

GPU awooddiisa waxaa lagu cabiraa halbeegga GB (Gigabyte), sida 8 GB, 16 GB, iwm.

Si aad u ogaato nooca GPU ee ku jira Windows Laptop: Riix Start, kaddibna ku qor Device Manager, waxaa soo baxaysa shaashadda Device Manager. Riix fallaadha ka horeysa barta Display adapters. Halkaas waxaad ku arkeysaa shirkadda samaysay iyo nooca GPU.

Dedicated vs Integrated GPU

Waxaa jira laba nooc oo GPU ah oo ay tahay in aad fahamto, fiiro gaar ahna u yeelato, waana Dedicated (oo loo yaqaan Discrete) iyo Integrated GPU.

Integrated GPU waxaa lagu lammaaniyaa barta CPU oo uu itaalka/awoodda la qaybsado, halka Dedicated (discrete) GPU uu yahay gaarkiisa oo aan lala qaybsanayn itaalka uu hawlaha degdeg ugu fulinayo. Sidaas daraadeed, waxaa habboon in Laptop-ka aad xulaneyso uu lahaado Dedicated (discrete) GPU.

Tusaale ahaan Haddii la isbarbar dhigo:

  • 8 GB NVIDIA GeForce RTX 3060, integrated GPU
  • 8 GB NVIDIA GeForce RTX 4060, discrete GPU – xulo kan, waayo tirada 4060 ayaa ka weyn, kana tayo badan, tirada kale oo ah 3060, sidoo kale waa Dedicated GPU.

Maxay ku kala duwan yihiin CPU iyo GPU

CPU wuxuu qabtaa hawlaha caadiga ah ee computerka, halka GPU uu si khaas ah ugu hawl-galo wixii la xiriira garaafik ee computerka sida Video iyo sawirrada, sidaas daraadeed labaduba waa lama huraan in ay ku jiraan computerka.

Computerada casriga ah waxaa u sii dheer NPU (Neural processing unit), oo si gaar ah u qabta hawlaha la xiriira AI (Artificial Intelligence) ee loo yaqaan maskaxda macmalka ah.

Marka la soo koobo: processor-ka CPU iyo GPU, oo ay weheliyaan RAM ku filan iyo NPU (Neural processing unit), waxay suurtageliyaan in computerka si qoto dheer loogu tijaabiyo AI. Sidaas daraadeed haddii ujeedada aad computerka u iibsaneyso ay tahay in aad ku tijaabiso AI, markaa waa in aad tixgeliso in computerka uu ku jiro NPU.

Hard Drive (Mugga Computerka)

  • 512 GB SSD (7200 rpm), ama ka mug weyn

Hard Drive oo ah qaybta kaydka computerka, waa meesha aad ku xafidayso qoraalada iyo macluumaadka aad ku kaydineyso Laptop-ka. Marka laga hadlayo qaabka ay u shaqeeyaan, waxaa jira laba nooc oo Hard Drive ah oo kala ah:

  • HDD (Hard Disk Drive): Noocan waxaa weli laga helaa computero badan, inta badana waa riqiis, laakiin waxa uu computerka ku siyaadiyaa miisaan, waana kululaadaa, wuxuuna leeyahay guux badan..
  • SSD (Solid-State Drive): Noocan waa ka guux yar yahay kan sare, islamarkaasna ka qabow yahay, laakiin waa ka qaalisan yahay. Xawaaraha ama sida degdegga ah ee Hard Drive-ku akhbaarta ku xafido waxay noqon kartaa 5,400rpm (revolutions per minute), ama kasii xawaare badan oo gaaraya 7,200rpm. Taas waa muhiim in aad ogaato marka aad iibsanayso computerka.

Waxaa la helaa computerro leh Hard Drive aad u mug weyn, tusaale ahaan, isbarbar dhig labadan:

  • HDD 750 GB hard drive (5400 rpm)
  • SSD 2TB hard drive (7200 rpm), kan dooro, waa 2 Terabyte.

RAM (Memory)

  • 16 GB DDR4 RAM, ama ka casrisan

RAM (Random Access Memory) waxaa loo yaqaan xusuusta computerka, waa tan suurta gelisa in isku mar la furi karo barnaamijyo badan, sidaas daraadeed ha iibsan computer ay xusuustiisu RAM ay ka yar tahay 8 GB.

Waxaa muhiim ah in uu yahay nooca loo yaqaan DDR4 RAM – waxaa ka horeeyey DDR3 oo ay ku lingaxan tahay SDRAM – farsamadaas oo suurtagal ka dhigeysa in computerku uusan isticmaalin koronto badan, si degdeg ahna u furaya barnaamijyada.

Si aad u ogaato RAM-ka Laptop, raac habkan:

Riix Start / Settings / System / About. Markaas eeg qaybta: Device specifications, gaar ahaan eeg: RAM.

Haddii lagu dooran siiyo labadan computer:

  • 8 GB DDR3 SDRAM, iyo
  • 16 GB DDR4 RAM – kan door, waayo isagaa si degdeg ah u furaya barnaamijyo badan.

 Shaashadda Computerka

Qaybaha ugu muhiimsan ee lagu xusho Laptop-ka waxaa ugu horeeya shaashadda (Screen), maadaama ay tahay meesha lagala soconayo hawlaha computerka. Sidaas daraadeed shaashaddu waa in ay noqoto mid qurxoon oo aan indhahu ku daalayn. Waana kuwan waxyaabaha muhiimka ah ee aad ka fiirineyso shaashadda:

Ballaca Shaashadda (Screen Size)

  • 15.6 inches

Shaashadda computerku waa meesha aad waqtiga ugu badan eegeyso marka aad computerka adeegsaneyso, sidaas daraadeed waa in aaad xulato shaashad ku qalabaysan aaladaha cusub.

Ballaca shaashadda Computerka aad dooranaayso waxay ku xiran tahay hawsha aad u adeegsanayso computerka. Tusaale ahaan:

  • 13 ilaa 14 inches: Waxa uu ku habboon yahay Laptop loogu talo safarka ama markasta aad qaadato,
  • 15 inches: waa noocyada ugu badan ee la xusho marka computerka aadan marar badan qaadanayn,
  • 17 ilaa 18 inches: waa shaashad ballaaran oo loo adeegsado computerada leh shaashadda ballaaran.
comput11

Qurubyada Shaashadda (Screen Resolution)

  • 1920 x 1080 pixels

Shaashadda computerku waxay ka samaysan tahay qurubyo yaryar oo loo yaqaan pixels. Quryada badan macnaheedu waa in shaashaada laga daalacan karo macluumaad badan. Sidaas daraadeed, waa in aad xaqiijiso in shaashadda qurubyadeedu aysan ka yaraan 1920 x 1080 pixels (oo loo soo gaabiyo 1080p).

Tusaale ahaan kaddii la isbarbar dhigo:

  • 1920 x 1080 pixels (1080p), iyo
  • 3840 x 2160 pixels (4K), dooro kan, haddii aan qiimaha lacagtu xad-dhaaf ahayn.

Taabashada Shaashadda (Touch Screen)

Marka aad dooraneyso in Laptop-ka shaashaddiisu ku shaqayso taabashada – “Touch Screen”, waa in aad tixgeliso qodobadan:

  • Bateri Degdeg u dhamayn: Computerka shaashaddiisu tahay “Touch Screen” waxa uu isticmaalaa koronto badan, taas oo yaraysa saacadaha uu ku shaqaynayo bateriga marka Laptop-ku uusan ku xiriirsanayn korontada.
  • Qiimaha lacagta: Sida caadiga ah “Touch Screen” ayaa ka lacag badan marka la barbardhigo nooc computerka aan ahayn “Touch Screen.”
  • Iftiinka bannaanka ka imanaya: Iftiinka cadceedda ama nalka ayaa dib kuugu soo laabanaya, taas oo aan u wanaagsanayn indhaha marka shaashadda la daalacanayo.

Sidaas daraadeed, haddii aysan muhiim kuu ahayn, shardi ma aha in shaashaddu tahay “Touch Screen”, balse haddii aad ku qabaneyso hawlo badan oo u baahan in gacanta lagu hago, sida farshaxan iwm markaa waa iibsan kartaa “Touch Screen.”

Iftiinka Shaashadda (Brightness)

  • 300 Nits

Qoraalka sare waxaan ku soo aragnay iftiin sida cadceedda oo ka imanaya bannaanka shaashadda. Waxaa kale oo jira iftiin ama dhalaal ka soo baxaya shaashadda Laptop-ka, waxaana lagu cabiraa hal-beegga loo yaqaan nits,(Eraygu waxa uu ka yimid kelmadda Laatiinka ah ee nitere, oo macneheedu yahay “iftiimin“).

Iftiinkaasi waxa uu si wanaagsan u muujiyaa midabka shaashadda ka soo dhalaalaya, oo ka qayb qaata hanaanka wanaagsan ee loo daalacan karo shaashadda. Muuqaal wanaagsan ayeyna kusoo baxayaan shaxanka iyo sawirra lagu daalacanayo computerka.

Haddaba haddii lagu dooran siiyo Laptop leh shaashad iftiinka kasoo baxayaa uu yahay:

  • 300 nits, iyo
  • 500 nits – dooro kan, waayo si wacan ayaa shaashaddu uga iftiimeysaa gudaha.

Nooca Shaashadda (Screen Type)

  • IPS ama OLED

Marka laga hadlayo tayada shaashadda Laptop-ka, waa in aad hubiso nooca shaashadda. Laptop-yada casriga ah shaashaddu waa nooca loo yaqaabn IPS ama OLED, oo macnaheedu yahay qurub kasta oo shaashadda ah waa iftiimayaa, waxaana arrintaasi xaqiijisaa khibrad wanaagga daalacashada shaashadda.

FG: Haddii shirkadda computerka aysan sheegin in nooca shaashaddu yahay IPS ama OLED, taas macnaheedu waa in shaashaddu aysan ahayn noocyadaas, waayo haddii kale waa ku faani lahaayeen in ay tahay nooca OLED ama IPS.

Haddaba, marka aad xulaneyso Laptop, tixgeli nooca shaashadda in uu yahay OLED ama IPS, gaar ahaan haddii aad computerka u adeegsaneyso agaasimida sawirrada iyo video.

Waqti-Shaashadda (Refresh Rate)

  • 60Hz, 120Hz

Refresh rate waa tirada inta jeer ee ilbiriqsi kasta ay shaashadu is cusboonaysiiso. Arrintaasi waxay ka qayb qaadataa in macluumaadka laga daalacanayo shaashadda markiiba la arki karo oo aysan gaabis ahayn.

Refresh rate waxaa lagu cabiraa halbeegga Hertz (Hz), sida 60 Hz. Haddii tiraddaasi yartahay computerku wuxuu noqonayaa gaabis (lagging), oo waqti la sugo in xogto ka soo muuqaneyso shaashadda. Arrintaa waxaa aad loo dareemi karaa marka Laptop-ka lagu agaasimayo sawirro ama video.

Waqtiga Bateriga (Battery Life)

Marka aad iibsanayso Laptop waxaa muhiim ah inaad ogaato inta saacadood ee baterigu shaqaynayo koronto la’aan.

Noocyada bateriga waxaa ka mid ah lithium-ion (Li-ion) iyo Nickel-cadmium. Baytariyada lithium-ion ayaa ah kuwa ugu caansan looguna isticmaalka badan yahay sababtoo ah cufnaanta tamarta sare, cimrigooda dheer, iyo miisaanka yar.

Waxaa xusid mudan in aad fahamto bateriga Laptop-ku koronto la’aan shaqaynayo uu noqon karo kalabar (1/2) inta shirkadda samaysay ay ku xayaysiiso. Tusaale ahaan, haddii ay dhehaan baterigu wuxuu shaqaynayaa 12 saacadood, ku talo gal in uu shaqayn karo 6 saacadood.

Keyboard (Teebka)

Keyboard ama Teebka computerku waa meelaha ugu muhiimsan maadaama ay tahay halka aad qoraalada kaga qoreysid.

Waxaa jira Keyboard loo yaqaan (Backlit) oo leh nal kasoo baxaya xarfaha gadaashooda, kaas oo haddii Laptop-ka lagu isticmaalayo meel aan iftiin badan lahayn (habeenkii), markaa nalkaasi uu iftiiminayo teebka oo si fudud loo arki karo. Laakiin iftiinkaasi wuxuu sabab u noqdaa in uu isticmaalo batari badan oo yaraynaya saacadaha Laptop ku shaqaynayo koronto la’aanta.

Nooca USB Ports

USB (oo laga soo gaabiyey Universal Serial Bus), waxana uu qaabilsan yahay isku xiriirinta kombayutarada iyo aaladaha kale sida korontada, fiilada Internetka, TV-ga, iyo wareejinta xogta.

USB Type-C: Computerada casriga ah waxay leeyihiin nooca USB ee loo yaqaan Type-C oo marka computerka lagu xiriiriyo si degdeg ah u gudbinaya xogta.

USB 3.0 ports: oo loo adeegsado in computerka si fudud loogu xiriirin karo aaladaha ay ka mid yihiin Camera iwm. Waana in computerku leeyahay dhawr meelood oo ah USB 3.0.

3.5mm Audio: oo ah meesha lagu xiriiriyo fiilada suurtagelisa in lagu dhegeyso ama lagu duubo codka.

HDMI 2.1: Waa oo awood u leh in uu maqal iyo muuqaal ku gudbiyo hal fiilo.

Micro SD card: Waa meesha lagu xiro kaadhka yar ee lagu xereeyo xogta.

Waxyaabo Dheeraad ah oo Muhiim ah

Waxaad kale oo aad hubisaa in computerku leeyahay qaybahan:

Wi-Fi: oo ah aaladda suurtagal ka dhigeysa in computerku uu soo qabsan karo khadka Internetka ee silig-la’da (wireless) oo ah khad internet ah oo aan fiilo la adeegsanayn (silig-la’), waxaana farsamadaas noqon kartaa 802.11 b/g/n Wi-Fi.

Gigabit Ethernet port: oo ah meesha lagaga xiriirin karo fiilada khadka internet ah oo xawaare sare leh.

DVD/CD-ROM Drive: Laptop-yada casriga ah badankoodu ma leh meel loogu talo galay DVD/CD. (Sidaas daraadeed, ku xisaabtan in ay gabaabsi yihiin computerada leh DVD/CD maadaama xogta lagu xeraysan karo internetka sida Google Drive, DropBox, iwm.)

Mouse: Hage ama mouse wanaagsan oo gacan qabad leh ayaad u baahan kartaa.

Qoraalkaan AqoonKaal.com waxaan ku soo koobnay waxyaabaha muhiimka ah ee laga fiiriyo marka la xulanayo computer. Waxaan rajaynayaa in aad qoraalkaas ka faa’iidey, ama aqoon kororsi kaaga siyaadey.

Computer Laga iibiyey Canada/USA oo loola safrayo AFRIKA/Yurub

Laptop aad ka iibsatey Woqooyiga Ameerika haddii aad ula safrayso adduunka intiisa kale, waa in aad ogaato in korontada ay isticmaalaan Maraykanka iyo Canada ay tahay 110-volt, halka badanaa adduunka kale ay tahay 220 – 240 volts.

Computerada casriga ah badankoodu waa ku shaqeeyaan labada korontaba, laakiin waa in aad taas hubiso marka aad Laptop iibsaneyso .

Waxaadna ogaataa in godka korontada ee ku dhegan derbiga guryaha ee adduunka intiisa kale uu ka duwan yahay kuwa USA iyo Canada, sidaas daraadeed waxaad u baahan tahay “Universal Outlet Plug Adapter” taas oo lagu xiro afka hore ee fiilada korontada computerka si ay u gasho godka korontada ee derbiga.

FG: Marka aad iibsanaysid “Universal Travel Outlet Plug Adapter” waxaad dukaan-gadaha u sheegtaa in computerka aad ula safeyso Yurub/Afrika si aad u hesho mid ku haboon.

Hubi in computerku xamilayo korontada dalka aad u socoto ilaa 220 – 240V. Markaasna iibso birta fiilada lagu xiriirinayo ee aqbalaysta godka korontada ee dal ka baxsan USA iyo Canada haddaad computerka halkaas ka iibsatey.

  • FG: Korontada Soomaaliya waa 220-240 Volts (halka U.S./Canada ay ka tahay 110-120 Volts)

Laylis – Tijaabi Aqoontaada Xulashada Laptop

Sidii aan kor kusoo xusnay, marka aad booqato Amazon, oo ka baarto Laptop, waxaa kuu soo baxaya bog lagu soo koobayo farsamada qaybaha kala duwan ee Laptop-ku ka kooban yahay. Mar haddii aad qoraalka sare si cilmi ahaan u fahamtey, waxaad go’aan ka gaari kartaa nooca Laptop-ka.

Haddaba, Laylis ahaan, fadlan ka jawaab labada computer (Laptop A iyo Laptop B) kan aad dooran lahayd – adiga oo is barbar dhigaya farsamadooda:

  • LAPTOP A: 15.6” (2880 x 1800) OLED 550-nit 120Hz refresh rate Touch Display, Intel Core i9-13900H CPU, NVIDIA GeForce RTX 4060 GPU Graphics, 32GB RAM, 1TB SSD, Backlit Keyboard, Wi-Fi 6, Windows 11 Home.
  • LAPTOP B: 15.6” (1920 x 1080) FHD IPS 300-nit 60Hz refresh rate Touch Display, Intel Core i5-12450H CPU, NVIDIA GeForce GTX 1630 GPU Graphics, 16GB RAM, 1TB SSD, Wi-Fi 5, Windows 11 Home.

Fadlan jawaabtaada ku qor qaybta jawaabaha ee hoose, sharraxaad koobana ka bixi sababta aad u xulatay Laptop-ka aad dooratay.

Qore: Maxamed Cali – AqoonKaal

Faafin: AqoonKaal.com | daabacay July 2014 | updated: May 2016 | Updated: August 2024

Sidee u Noqon Kartaa Qoraa Isku Kalsoon oo Qora Buuggaag Tayo Leh

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Tuesday, August 1, 2023 | 5 Jawaabood

Muhiimadda Bilaabidda Qoraalka

Qof walba wuxuu hayaa sheeko uu ka dhigi karo buug. Laakiin qof kastaa kuma dhiirrado inuu wax qoro.

Arrintan waa mid aniga ila soo gudboonatey.

Computer waxaan wax ku qorayey mudd ka badan 30 sano, oo ka soo bilaabatay fasal computerka lagu barto oo aan ka qaatay Jaamacaddii Gaheyr ee Muqdisho.

Taas oo jirta, weli waxaanan ku dhiirran ama waqtibadan iga qaata bogga bannaan ee buuggu ka bilowdo ama cutub kasta ka bilowdo. Laakiin waxaan bartay in sida kaliya ee aan uga gudbi karo cabsidaa ay tahay in aan bilaabo qoraalka.

Maqaalkan, waxaan kula wadaagi doonaa talo ku saabsan muhiimadda ay leedahay in la sugin ee bilaabo marka aad buug qorayso.

1. Ha sugin wakhtiga aad u malayneyso markii ku habboonaa.

Marna ma jiri doono wakhti hadda kaga habboon oo aad ku bilaabi karto qoritaanka buuggaaga. Mar walba waxaa jiri doonta marmarsiiyo si aadan bilaabin: Mashquul ayaan ahay, maanta kuma fiicna in aan bilaabo, iyo firaaqo ayaan helayaa berri.

Laakiin runtu waxay tahay, weligaa diyaar uma noqon doontid inta aad isku qancineysid marmarsiiyo. Marka ha sugin. Kaliya bilow.

2. Ku bilow wax yar.

Haddii aad dareemayso culays, wax yar ku bilow. U deji yool aad ku qorto 100 eray maalintii. Ama 700 oo kelmadood todobaadkii.

Markaad bilowdo qorista, waxaad la yaabi doontaa sida dhaqsaha leh ee ereyadu u bilaabaan una soo qulqulaan, ayaga oo si fudud uga soo maaxdaanaya maskaxdaada.

3. Ha ka baqin Qabyo-Qoraal liita.

Qabyo qoraalkaaga ugu horreeya wuxuu noqon doona mid tayo liita. Waa caadi. Qof kasta qabyo-qoraalka ugu horreeya waa mid tayo liita.

Muhiimaddu waa inaad sii wadato qorista. Waxaad u gudbi doontaa qoraal tayo leh.

4. Dib u eegis iyo tafatir.

Marka aad haysato qabyo-qoraalka koowaad, waxaad bilaabi kartaa inaad dib u eegto oo aad wax ka beddesho. Tani waa meesha aad ka dhigi doonto in buuggaagu yahay mid dhalaalaya oo tayo iyo faa’iido leh.

5. Ha quusan.

Qoritaanka buug waa shaqo adag. Waxaa jiri doona waqtiyo aad rabto inaad faraha ka qaado. Laakiin ha yeelin sidaas.

Balse guntiga dhiisha iskaga dhig. Qoraalka sii wad. Horey u soco.

6. La wadaag sheekadaada.

Markaad dhammayso qorista buuggaaga, la wadaag adduunka. Sheekadaadu ha dhiiri geliso kuwa kale.

Daabac buuggaaga adigoo adeegsanaya madbacadaha aad iskaa wax ugu daabacan karto (Self-Publishing) – ee loo yaqaan Print on Demand. (Eeg linkiyada hoose.)

Gabagabo

  • Qorista buug waa safar. Mar walba ma fududa, laakiin waa mid aad mireheeda guran karto, oo aad u qalantaa.
  • Haddii aad hayso sheeko aad dooneyso in aad dadka la wadaagto, ha sugin, ee bilow qorista. Maanta. Hadda.

Waxaan rajeynayaa in taladani ay kugu caawiso safarkaaga qoraal.

Talooyin dheeri ah:

  • Marka aad buug qoreysid, u deji yool macquul ah aad fulin karto.
  • Qaado nasasho markaad u baahato.
  • Adigu ha is barbar dhigin qorayaasha kale.
  • Kaliya sii qor. Yoolkana saar mowduuca buugga.

Waxaan kuu rajaynayaa guud. Waad samayn kartaa tan!

Self-Publishing – Print on Demand

Meelaha aad toos ugu daabaci karto buuggaagta waa badan yihiin, waxaana ka mid ah:

Qore: Maxamed Cali Aaden (AqoonKaal)

BTJ: ALIFBEETADA AF-SOOMAALIGA: Xuruufta Higgaadda Af-Soomaaliga Ku Baro Magacyada Xayawaanka

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Tuesday, October 25, 2022 | Jawaab

Buugga BTJ: Alifbeetada Af-Soomaaliga waxaa loogu talo galay in da’yartu ka bartaan Alifbeetada Af-Soomaaliga, taas oo uu sahlaysa in ay bartaan higgaadda, kaddibna akhriska.

Waxaa laga iibsan karaa: Amazon (riix halkan)

Buuggan waxaa ku qoran:

ALIFBEETADA AF-SOOMAALIGA: Waxay ka kooban tahay 21 shibbane iyo 5 shaqal.

MAGACYADA XAYAWAANKA: Xaraf kasta waxaa la socda magacyo xayawaan oo da’yarta u fududaynaya in ay isku mar bartaan Alifbeetada iyo magacyada xayawaanka.

QAAMUUS-YARE: Bogagga ugu dambeeya buuggan waxaa ku qoran magacyo xayawaan oo ku tarjuman Af-Soomaali iyo English.

Barashada cilmiga waxaa fure u ah akhriska. Akhriskana waxaa saldhig u ah la fahmo higgaadda oo asaaskeedu yahay Alifbeetada oo si wanaagsan loo barto. Buuggan ayaa da’yartu waxay ka baranayaan xuruufta Alifbeetada Af-Soomaaliga taas oo u horseedi doonta guul.

BTJ Alifbeetada Af-Soomaaliga wuxuu waalidka iyo macallimiinta kaleba u fududaynayaa in ay carruurta baraan xuruufta alifbeetada Af-Soomaaliga, markaasna ay carruurtu si xiiso leh u baranayaan higgaadda Af-Soomaaliga oo saldhig u ah guul ay carruurtu ka gaaraan akhriska.

Maxaa ka xiiso badnaan kara in carruurtu ay isku mar bartaan alifbeetada iyo magacyada xayawaanka? Waa sababta aan buugga ugu qoray sawirro xayawaan iyo magacyadooda oo ay ku lammaansan yihiin xuruufta alifbeetada taas oo carruurta ka caawineysa in ay bartaan higgaadda Af-Soomaaliga.

Waxaan ku hanweynahay in buugga BTJ Alifbeetada Af-Soomaaliga uu fure u noqon doono in carruurta da’yarta ah ay bartaan higgaadda Afka-Soomaaliga iyo akhriska, taasina ay u horseedo guul noloshooda.

Sawirrada xayaanka ee ku qoran buugga muuqaalkoodu waa kan hoos ka muuqda, waana madow-iyo-caddaan oo si wanaagsan uga muuqanaya baalasha buugga.

Muuqaalka jaldiga hore iyo jaldiga dhabarka buugga waa kan hoos ka muuqda.

Waxaa laga iibsan karaa: Amazon (riix halkan)

Marka aad Cilmi Barato, Joogso oo Adeegso Cilmigii aad Baratay, Haddii Kale Wuxuu Noqonayaa Madadaalo

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Friday, September 10, 2021 | 1 Jawaab

Qormada Toddobaadka #AqoonKaal – Waxaa dhici karta in xilli noloshaada ah aad si daacad ah naftaada ula xisaabtanto, adiga oo is weydiinaya: Waa maxay faa’iidada aad gaartey maadaama aad muddo ku dadaalaaysey aqoon korosi. Adiga oo soo akhristay buugaag badan oo la xiriirta kobcinta iyo hurumarinta qofka, adiga oo daawaday videoyaal badan oo talo bixin ku saabsan sida loo maareeyo waqtiga iyo nolosha, oo aad ka qayb gashay kulamo iyo siminaaro looga hadlayey kobcinta garaadka qofka, adiga oo dhegeystay culimo badan oo aqoon sare u leh cilmiga dhisidda shakhsiyadda iyo horumarinta nafsad ahaaneed ee qofka.

Dhammaan arrimahaasi waa waxbarasho. Laakiin haddii aadan adeegsan, oo aadan nafsaddaada ku dabakhin, oo aysan jirin miro kaaga soo baxay oo kuu muuqda, waa in aad is weydiiso su’aasha ah: Xaqiiqo ahaan waa maxay arrintaasi? Jawaabtu waa“madadaalo”.

Haddii wixii aqoon ah ee aad baratay aadan u adeegsan noloshaada, oo aysan wax faa’iido ama horumar ah kugu soo kordhin, markaa waxbarashadaasi waxay ku sifoobeysaa in ay tahay “madadaalo” oo aad noloshaada ku maawelinayso.

Waa xaqiiqo in waxbarashada laga faa’iido, sidaas daraadeed marka aad waqti ku bixiso waxbarasho, waa in aad adeegsato wixii aad baratay, haddii aan taasi jirin, waxay noqoneysaa madadaalo. Tusaale ahaan, haddii aad saacado badan dhegeysato ama daawaqto video cilmi ah, oo wixii aad ka baratay aadan adeegsan, si kasta oo aad ugu malayneyso in aad wax baraneyso, xaqiiqo ahaan waxay arrintu noqoneysaa mid madadaalo ah.

Taas si aad uga gaashaaamato, waa in uu jiro hannaan ku hagaya oo waxbarashadii aad soo kasbatay ee maskaxdaada ku kaydsan aad u adeegsato noloshaada si aad u hesho faa’iidadeeda.

Aaladda kuu suurta gelineysa in cilmigii aad kasbatay aad si fudud u adeegsato waa xusuus qorka. Haddaba, ku diiwaangeli xusuus-qor dulucda wixii aad baratay iyo yoolka aad hiigsaneyso ee cilmigaasi kaa anfacayo.

Taas si aad uga miro dhaliso, si kooban xusuus qorka ugu diiwaan geli mucda casharka aad baratay. Arrintaasi waxay kuu suurta gelineysaa, marka aad kasbato cilmi cusub, in aad joogsato oo si xeel dheer u fiiriso jawaabta ku jirta ee ku gaarsiineysa xalka yoolka aad hiigsaneyso.

Sirta halkaa ku jirtaa waa in aad marka hore leedahay hadaf, oo aad fahamsan tahay in aqoon kororsigu yahay jaranjaradii aad ku gaari lahayd hadafkaaga. Ogow jaranjaradu waxay u baahan tahay ficil.

Taas marka aad fahamto, waxaad gaareysaa heer aad samayso ficil ku gaarsiiya xalka aad ka kasbatay waxbarashada, oo ficilkaasi noqdo jaranjaro kuu horseeda horumarin noloshaada.

Haddaba, Joogso marka aad cilmi barato, adeegso cilmigii aad baratay, iska weydii su’aalo wixii aad ka faa’iidey. Markaa xusuus-qor ku diiwaangasho mucda cilmiga aad baratay si ay kuugu noqoto xusuusin iyo tixraac.

xusuus qor

Maxamed Cali Aaden (@AqoonKaal)

Sida Loo Xisaabiyo Faa’iidada iyo Kharashka Kubaxa Shirkad Gaariga Xamuulka (Trucking Company)

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Wednesday, March 10, 2021 | 2 Jawaabood

#AQOONKAAL – Casharkan wuxuu kusaabsan yahay sida excel loogu xisaabiyo kharashka ku baxa shirkad xamuulka qaadda (Trucking Company) oo ka hawl galay Maraykanka. Faa’iida oo shaxan ama graph lagu muujinayo iyo kharashka bil kasta iyo sannadka xisaab xirka oo si toos loo xisaabinayo. CASHARKANI wuxuu qayb ka yahay Excel ku baro af soomaali.

Daawo

Sida Loo Sameeyo Mail Merge – Adeegsiga Excel iyo Word – TAB iyo XEELAD

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Wednesday, January 20, 2021 | Jawaab

#AqoonKaal – Mail Merge ku baro AfSoomaali – Casharkan waxaan ku baran doonaa sida liiska macaamiisha loogu diro warqad nidaamsan ayadoo la adeegsanayo MS Excel iyo MS Word.

Cilmiga Computerka Ku Baro Af-Soomaali waa qoraallo ku soo baxa websiteka AqoonKaal.

DAAWO:

Excel Ku Baro Af Soomaali – Qaybta 2aad: TAB iyo XEELAD

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Thursday, January 14, 2021 | 2 Jawaabood

#AqoonKaal – Casharka 2aad ee Excel ku baro Af Soomaali – wuxuu ku saabsan yahay farsamo ama Tab iyo Xeelad adeegsiga si Excel uu kuugu sahlanaado marka aad wax ku qoranayso ama xisaab ku qornayso.

#ExcelSomali

Cilmiga Computerka Ku Baro Af-Soomaali waa qoraallo ku soo baxa websiteka AqoonKaal.

WordPress Ku Baro Af-Soomaali (Qaybta 4aad) – Faylka Functions

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Monday, November 2, 2020 | 2 Jawaabood

Casharkan 4aad ee WordPress ku baro Af-Soomaali waxa uu ku saabsan yahay faylka functions.php muhiimadda uu leeyahay iyo sida la isugu xiriiriyo functions.php iyo style.css si markaas websiteku u yeesho muuqaal wanaagsan.

Casharkani waxa uu qayb ka yahay casharro xiriir ah oo kusoo baxa #AqoonKaal youtube.

Software iyo Microphone-ka Aan Adeegsado Markaan Duubayo Casharrada YouTube

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Saturday, September 19, 2020 | 1 Jawaab

Barnaamijyada aan adeegsado waxaa ka mid ah:

MICROPHONE:

Duubista codka video-ga waxaan u adeegsadaa:

BOYA BY-M1 Pro: Halkan ka eeg https://amzn.to/3g4fqhF (Amazon affiliate link).

SOFTWARE:

– Duubista: OBS: https://youtu.be/v2AIMWigwLA

– Hagaajinta (Edit): Davinchi Resolve 16: https://www.blackmagicdesign.com/prod…

– PowerPoint oo aan u adeegsado sharraxaada

– Sawirrada: InkScape : https://inkscape.org/ (free) iyo Gimp: https://www.gimp.org/ (free)

WordPress Ku Baro Af-Soomaali (Qaybta 3aad) – Xeerka isku lingaxa qaybaha faylku ka kooban yahay

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Thursday, September 17, 2020 | Jawaab

Casharka 3aad ee Naqshadda WordPress ku baro AF-Soomaali waxa u ku saabsan tahay xeer suurtagal ka dhiga in faylka oo loo kala jarjaray qaybo la isugu tolo si marka wax laga bedelo, tusaale ahaan madaxa sare ee faylasha, in markaa ay is bedelkayaan dhammaan faylasha ku xiriirsan.

Naqshadda WordPress Ku Baro Af-Soomaali (Qaybta 2aad) – Xeerka halbawlaha u ah WordPress

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Friday, September 4, 2020 | 2 Jawaabood

Qaybta 2aad ee WordPress ku baro Af-Soomaali waxay ku saabsan tahay xeer muhiim ah oo aan ku macnayneyno QOOL (Loop) oo ah xeerka loo adeegsado si qoraalada looga akhristo shaashadda.

Waa xeer ka halbawlaha u ah qaabka ay u shaqeeyaan qaybaha kala duwan ee WordPress. Waxaad ka akhrisan kartaa #AqoonKaal #WordPressSoomaali

Naqshadda WordPress Ku Baro Af-Soomaali (Qaybta 1aad)

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Monday, August 31, 2020 | Jawaab

Sida loo dhiso WordPress Website, qaybtan 2aad waxaan ku baran doonaa agaasimidda khaanadda lagu xeraynayo dhammaan faylasha naqshadda.

Waxa kale oo qaybtan ku xusan labada fayl ee kamid ah kuwa ugu muhiimsan dhismaha WordPress, oo ah index.php iyo style.css. #AqoonKaal kala soco qaybaha kale ee #WordPressSomali

Qore: Maxamed Cali