Gmailka oo Lagu soo Kordhiyey Nidaam Cusub oo Lagu kala Soocayo Emailada Muhiimka ah iyo Emailada kale ee ay soo diraan Websiteyada Xayaysiiska, Facebook, Twitter iwm

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Sunday, August 18, 2013 | 9 Jawaabood

« | »

AQOONKAAL.COM: Waxaa waayadan dambe aad u siyaadey emailada xayaysiiska ah ee kusoo dhacaya sanduuqa Emailka iyo kuwa ay soo diraan websiteyada ay bulshadu ku xiriiraan sida Facebook iyo Twitter. Arrintaas waxay caqabad ku noqotay in si fudud loo arko emailada muhiimka ah ee kuugu soo dhaca sanduuqa emailka. Haddaba si arrintaas loo maareeyo, oo loo kala sooco emailada, ayaa Gmail waxay dhawaan samaysan nidaam cusub oo xal u noqon kara.

Nidaamka cusub ee Gmail-ka lagu soo kordhiyey waa hab lagu kala agaasimayo Emailada kuu soo dhacaya, taas oo email kasta ay ku xeroon doonto qayb gaar ah oo ku haboon (ama Categories).

Arrintaasi waxay sahlaysaa in emailada muhiimka ah aysan ku dhex khaldamin emailada kale ee xayaysiiska ama emailada ka yimaada website-yada bulshada, sida Twitter, Facebook, Google+, LinkIn, iwm. Taasi waxay fududaynaysaa in emailada muhiimka ah ay ku xeroodaan qayb u gaar ah (Primary) halkaas oo si sahlan looga arki karo emailada cusub ee ku soo dhacay.

Nidaamkaas lagu kala agaasimayo emailada waxa uu ka kooban yahay qaybo ay emailadu ku xeroonayaan oo kala ah: Primary, Social, Promotions, Updates, Forums – Faahfaahinta qaybahaas iyo Sharaxaadooda hoos ayaan ku arki doonaa. Waxaana markaas shaashadda guud ee Gmailku u muuqan doontaa sida sawirkan:

Adeegyada cusub ee gmailka

Marka aad furtid Gmail-ka, haddii aysan qaybahaas cusub kuu muuqan, si aad u muujisid raac habkan:

  1. Guji calaamadan gmailgear0 waa shanka ee shaashadda Gmail-ka dhankeeda midig ee sare
  2. Kaddib guji Configure inbox
  3. Markaas calaamadi qaybta aad rabtid ay muuqato, sida Primary, Social, Promotions, Updates ama Forums.
  4. Guji batoonka Save

Sidee u muujiyaa Tabska cusub ee Gmailka

Qaybaha  lagu kala agaasimayo emailada  (ee Categories) waa meelaha ay sida tooska ah ugu xeroonayaan emailada la xiriira qayb kasta. Magaca qaybaha iyo nooca emailada ku xeroonaya waxaa ka mid ah:

  • Primary:  Waxaa ku xeroonaya emailada ay soo diraan asxaabta iyo qaraabada, iyo emailada kale ee aan ka muuqan qaybaha kale.
  • Promotions: Waxaa ku xeroon doona emailada la xiriira xayaysiiska ama laga soo diro websiteyada wax lagu xayaysiinayo.
  • Social:  Waxaa ku xeroonaya emailada laga soo diro websiteyada lagu xiriiro, sida emailada ka yimaada Twitter, Facebook, Google+, LinkIn iwm.
  • Updates:  Waxaa ku xeroonaya emailada ku saabsan xaqiijinta ama caddaymaha alaabta la gatay, sida rasiidka (receipts), iwm.
  • Forums:  Waxaa ku xeroonaya emailada ama dhambaalada ka yimaada website-yada lagu doodo ee loo yaqaan Forums, iwm.

Gmailka oo qaybo cusub ku kaal qaybsiday sanduuqa emailka

Sidee loo qariyaa ama loo muujiyaa Qaybaha (Categories)

Haddii aad doonaysid in aad muujisid ama qarisid qaybaha ay emailku ku xeroonayaan, marka aad furtid emailka raac habkan:

1. Guji barta calaamadda + ee ka muuqata dhanka midig ee qaybaha (Tabs)
gmailka5

2. Markaas shaashadda soo baxda ka calaamadi (si aad u muujisid) qaybtii aad doontid ama calaamadda ka masax (si aad u qarisid).
Sidee loo qariyaa Tabska cusub ee Gmailka

3. Kaddib guji Save

Sidee Gmailka looga dhigaa qaabkii hore ee emailadu kusoo dhacayeen halka sanduuq

Haddii aad u baahatid in aad Gmailka ka dhigtid qaabkii hore ee emailada oo dhammi ku soo dhacaan hal sanduuq (hal qayb), waxaad calaamadda ku reebtaa qaybta Primary, adigoo calaamadaha ka masaxaya dhammaan qaybaha kale (Social, Promotions, Updates iyo Forums). Markaas emailadu waxay kusoo dhici doonaan hal sanduuq ama hal qayb (Inbox).

Sidee email kusoo dhacay qayb loogu xawilaa qaybaha kale

Haddii loo baahdo in email kusoo dhacday qayb sida Primary in loo xawilo qayb kale sida Promotions, aad ayey taasi u sahlan tahay. Waxaa la samaynayaa in hagaha (mouse-ka) lagu jiido emailkaas oo loo jiido qaybtii la doono, sida ka muuqata sawirka hoose.

Adeegsiga Gmailka

Nidaamkan cusub ee Gmailka (oo ay leedahay shirkadda Google.com) ee ay ku soo siyaadisey adeegeeda waa hab suurtagal ka dhigaya in emailada muhiimka ah ay ku xeroodaan qayb u gaar ah. Waxaana markaas emailku noqon kartaa mid aan waqti badani kaaga bixin in aad ka dhex raadisid email muhiim ah.

gmailka9

Sida ka muuqata sawirka sare, waxaad si fudud ku arkaysaa tirada emailada cusub ee ku soo dhaca qayb kasta oo kamida ah khaanaha kala duwan ee Gmailka.

Agaasimidda Gmailka

Haddii aadan lahayn Gmail, waxaad email lacag la’aan ah ka samaysan kartaa http://gmail.com ama http://mail.google.com.

FG: Casharada ku cusub AqoonKaal.com waxaad toos ugala socon kartaa  https://www.facebook.com/Aqoonkaal.com  ama  https://twitter.com/aqoonkaal

Qore: Maxamed Cali (AqoonKaal.com)

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Bookmark and Share

9 Jawaabood

  1. xirsi cali says:

    sxb aad ayaad ugu mahad san tahay sida daacad nimada leh ee aad noolasocod siinayso isbadalada ku dhaca progrmska iyo baraha wada sheekeysiga —

    Gmailka oo Lagu soo Kordhiyey Nidaam Cusub oo Lagu kala Soocayo Emailada Muhiimka ah iyo Emailada kale ee ay soo diraan Websiteyada Xayaysiiska, Facebook, Twitter iwm—

    sxb caqabad iga heysata gmailkii aan istic mali jiray

    gmailku iyo walibana pasword ba waasax hadana wuxuu isoo qorayaa akoonka waxaa laag dhigay mid aan shaqaynayn.

  2. macalin maxamed aad ayaad u mhdsantahay waxa aan doonaya in aan ku weydiiyo facebook ayaan lahaaa waa uu iga
    xidhmay mid kale ayaan sameystay isna waa uu xidhmay
    marka maxaan sameeyaaa macalin

    • Maxamed Cali says:

      Maxaad u malaynaysaa in ay sababayaan in ay kaa xirmaan, usename iyo passworka miyaad ilowdey, habkii tii hore kaaga xiran tahay hab la mid ah miyaad samaysay, waayo ficilka aad samaysay hadduu yahay mid aan waafaqsanayn xeerkak Facebook markaas taasii waa sababi kartaa in la xiro accountiga, tan kale hubi computerkaagu in uu leeyahay anti virus, waayo qolyahay shuftada ayaa afduubi kara computerkaaga oo si khaldan markaas u adeegsan kara facebook-gaaga iyo gmailkaaga taas oo sababi karta in emailka iyo facebook-gaaga loo qaato mid shuftada internetka leeyihiin sidaasna lagaaga xiro. Marka iska hubi cidda kula adeegsata computerka, computerka aad adeegsatid ma mid yaal meelaha internernetka laga isticmaalo miyaa, kaas hadduu yahay ka taxadar.

  3. ok computerka aan isticmaalo waa mid aan aniga leeyahay
    antiveyrasna waa uu ku duubanyahay aniga oo ku jira ayaa waxa uu ii soo qoray sing up markaa ok ayaan iri markaa waa uu xirmay marka aan dib u furay waxa uu i weydiiyay cod waxa uu igu yidhi gali lanbarkaaga waxaa laguugu soo dirayaa codka waan galiyay waxba kuma aysan soo dirin

  4. tankale iminka waxa aan doonayay in aan sameeyo fb cusub
    waxa aan sameeyay 5 hotmail iyo 3 gmail dhamaantood mid walba waxa aan ku sameeyay fb midkasta waxa uu iweydiiyay cod aanan garaneyn marka qaab looga gudbo codka maad garan fb waan isku dhibqabnaaaaaaaaaaaaaaaa

    • Maxamed Cali says:

      Walaal Facebook (FB) waxa uu ku weydiinayo iyo shuruudiisa haddii aadan aqblin bartaas hore ugama socon kartid, marka raac shuruuda ay kuweydiiyaan, ogowna computer kasta waxa uu leeyahay IP Address oo ah cinwaan u khaas ah, marka emailka oo aad bedeshid macne masamayanyo mar haddii FB uu computerrkaas ka dareemay waxa uu ka dareemay oo sabatay in uu su’aalo xaqiijin ah ku weydiiyo.

      Arrintu waxay ku fududahay in aad raacdid tallaabooyinka FB kuweydiinayo raac, code hadduu kuusoodiro waa in teleefanku yahay mid aqbalaya Tex-ka. Waad fahamatey ayaan filayaa.

      Ogsoonow FB, Gmail iwm waxay adeegsadaan farsamo ay ku dareemaan haddii kombuyuutar uu wado XARAABO.

  5. nuur cabdulaahi says:

    Aad ayaad muhad santihiin cillmiga bulshada aad baraysaan waana ka faaiidaysan doona in sha allaah waxaan ahay araday cusub raba inuu ku xirmo Aqoon kal
    waxaan jooga puntland Garowe
    Thanks

  6. mustafe ismail says:

    su’aalahaa iyo jawaabaha aybixiyeen aqoonyanadu aad ayaan uga faaidaysay ,waxaan ku ogaaday carqalado badan oo aan la kulmi jiray

    thanks

Jawaab u qor cabdicasiis dhaqane