Sidee Loo Diiwaan Gashadaa Magaca Website (Domain)?

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Monday, September 24, 2012 | 75 Jawaabood

« | »

Haddii aad dooneysid in aad website u samaysid shirkaddaada, ganacsigaaga ama dugsigaaga waxbarashada, ugu horayn waxaa muhiim ah in aad diiwaan gashatid magaca website-ka (Domain).

Arrintaas muhiimadeeda iyo meelaha laga diiwaan gashan karo magaca website-ka waxaan kaga bogan doonaa casharkan oo kamid ah casharrada AqoonKaal.com.

Ka hor  inta aynaan u  gudbin diiwaan gelinta, waxaan marka hore dul istaageynaa qeexidda iyo waxa uu yahay Domain.

Waa Maxay Domain?

Domain waa magaca rasmiga ah ee websiteku yeelan doono, sida AqoonKaal.com.

Tusaale ahaan, haddii aad dooneysid inaad guri dhisatid, waa in aad marka hore cabiratid booskii (bog-cad ama goof) aad ka dhisi lahayd guriga.  Waxaa taas ka sii horeeya in laguu diiwaan geliyo booskaas oo lagu qoro magacaaga si aad u yeelatid mulkiyadda meesha laga dhisi doono guriga. Markaas kaddib ayaa guriga la dhisayaa ama loo sameeyaa naqshadda si loo dhiso.

Marka taas la barbar dhigo website-ka, waa in ugu horayn la diiwaan gashado magaca website-ka (Domain), kaddibna la iibsado Martigeliye (Host) oo ah meeshii lagu xerayn lahaa macluumaadka website-ka, markaas kaddib in loo sameeyo naqshadda, sida in lagu dhiso barnaamijyada HTML, PHP,  WordPress iwm.

Muhiimadda Magaca Website-ka

Waxaa jira dhawr arrimood oo muhiim ka dhigaya xulashada iyo diiwaan gelinta magac website-ka oo aad adigu leedahay mulkayadiisa, waxaana ka mid ah:

  • Haddii magaca website-kaagu la mid yahay magaca shirkadaada waxa uu ka qayb qaadanayaa horumarinta, sumcadda, xayaysiiska iyo faafinta magaca shirkaddaada.
  • Haddii magaca aad xulatay uu yahay mid si fudud loo xasuusan karo, kana tarjumaya shirkaddaada waxaa markaas dadka u sahlanaanaya in ay si fudud u xasuustaan una soo booqdaan website-kaaga.
  • Haddii aad bedeshid shirkadda martigeliyaha (Host), waxaad markaas si fudud ula wareegi kartaa magaca website-ka, uguna guuri kartaa Marti-geliye cusub. Markaas dadkii hore u booqan jirey website-kaaga sidoodii  ayey u soo booqan doonaan maadaama uusan magacii is bedelin, waxa keliya oo is bedely waa marti-geliyaha.

Sidaas daraadeed, waxaa muhiim ah in aad diiwaan gashatid magac (Domain) ka tarjumaya ganacsigaaga, hay’adaada ama dugsigaaga waxbaashada.

Qiimaha diiwaan gelinta (Domain-ka) 

Diiwaan gelinta magaca website-ka waxaa xuddun  u ah ururka lagu magacaabo ICANN (iyo ccTLD) ayadoo loo sii marayo shirkadaha diiwaan gelinta website-yada.

Qiimaha lagu diiwaan geliyo magaca website (Domain) qiyaas ahaan waa $10 doolar ama dhawr-iyo-toban doolar sannadkiiba. Taasi waxay xuquuq kuu siinaysaa in magacaasi kuu diiwaan gashanaado muddo hal sano ah, waana in sannad kasta la cusboonaysiiyo, oo sida caadiga ah aad sannad kasta bixisid qiime la mid ah kii lagu diiwaan geliyey.

FG: Qiimaha halkan ku xusan waa is bedeli karaa.

FG. Qiimaha diiwaan gelinta waxa kale oo uu kuxiran yahay nooca magaca webste-ka, sida .COM, .NET, .ORG, .INFO iwm.

Domain Lagu Diiwaan geliyo Lacag la’aan

Waxaa jira shirkado martigeliya website-ka (Hosting) oo lacag la’aan ku diiwaan geliya ‘Domain-ka’ marka ayaga laga gato (ama laga kiraysto) martigeliyahooda.

Laakiin waxaa inta badan lagu taliyaa in aadan aqbalin taas, oo aad adigu si gaar ah u diiwaan gashatid magaca website-kaaga, kaddibna aad marti-geliye gaarkiisa u kiraysatid, sababtoo ah:

  • Marka adigu aad magaca website-ka diiwaan gashatid, waxaa mulkiyadda magacaas leh waa adiga. Laakiin haddii shirkadda martigeliyaha ah ay diiwaan geliso waxaa dhici karta in magacaas aadan mulkiyadiisa lahayn.
  • Sidoo kale waxaa dhici karta in aad mixnad iyo hawl adag kala kulantid haddii aad ka guureysey martigeliyahii kuu diiwaan geliyey magaca (domain-ka) oo ay kugu cuslaato inaad si fudud ugu guurtid martigeliye kale.
  • Mar haddii magaca (Domain-ka) uusan adiga kuu diiwaan gashanayn, waxaa dhici karta in shirkadda bilaash-ka kuugu diiwaan gelisey ay is bedesho oo tiraahdo waa in aad bixisaa lacag aad u badan, waayo iyaga ayaa magacooda lagu diiwaan geliyey.
  • Haddii shirkadda marti-geliyaha ah ee magaca kuu diiwaan gelisey ay tahay shirkad aan  la aqoon, oo markaas ay si degdeg ah suuqa uga baxdo, waxaa markaas dhici karta in magacii (Domain) website-kaagu uu sidaas baylah ku noqdo, farahaagana ka baxo. Haddiise uu meel kale kaaga diiwaan gashan yahay, markaas sifudud ayaad ugu wareegi kartaa martigeliyahii aad doontid.

Qodobadaas sare marka la tixgeliyo, waxaa muhiim ah in adigu aad diiwaan gashatid magaca(domain) website-kaaga si aad u yeelatid mulkiyadiisa, kana diiwaan gelisid shirkad aan kuu ahayn marti-geliye.

FG: Waxaa mar sii horeysey ila soo xiriiray nin doonayey in website loo naqshadeeyo, waxana uu ii sheegay in markii uu damcay in uu ka guuro marti-geliyihii websiteku hore ugu jirey ay ka xanibeen magacii, sababtoo ah domain-ka ayey markii hore lacag la’aan ugu diiwaan geliyeen, iyagoo xilligaas u sheegay haddii aad naga kiraysatid marti geliye waxaan lacag la’aan kugu siinaynaa doamin-ka.

Markii aan dabagal ku samaynay waxaa soo shaac baxay in magaca website-ku uu u diiwaan gashan yahay shirkadda marti-geliyaha ah.  Waxayna nagu qadatay muddo aad u dheer iyo xiriiro badan oo aan la samaynay shirkaddaas in domain-kii uu u soo wareego mulkiyadda ninkii odayg aahaa ee lahaa website-ka.

Taasi waxay kuu muujineysaa muhiimadda ay leedahay in aad adigu magacaaga ku diiwaan gashatid website-ka.

  • Qiyaas  marka website-kaga la barto, oo aad ku qoratid kaararka lagaala soo xiriiri karo, oo ku astaysid waraaqaha shirkaddaada oo dhan,  oo markaas oo magacii website-kaaga aad la soo wareegi kari weydid, ama uu farahaaga ka baxo. Ka taxadar taas.

Maxaa looga Baahan yahay Diiwaan Gelinta (Domain-ka)

Mar haddii aan isla fahamney muhiimadda inaad magaca website-kaaga si gaar ah u diiwaan gashatid, waxaad u baahan tahay in aad qaadid tallaabooyinka:

  • Ugu hrayn inaad ka fekertid magac wanaagsan ee website-kaagu yeelan doono. Kana fekertid dhawr magac waayo waxaa dhici karta in hore loo diiwaan gashaday magaca aad ku fekereysid.
  • Waa in aad go’aan ka gaartid nooca uu noqonayo domain-ka, waxa uu noqon karaa .COM, .NET, .ORG, iwm.
  • Waxaad markaas u baahan tahay in aad akoon ku leedahay PayPal ama aad leedahay Credit Card. Waana waxa ay aqbalaan badanaa diiwaan geliyaasha website-ka.
  • Marka aad diiwaan gelisid websiteka kaddib ayaad kiraysan doontaa marti-geliye ama Host. Waxaana markaas si toos ah la isugu xiriirin karaa magaca website-ka (domain-ka) iyo marti-geliyaha (Host) – Taas oo aan hawl badan qaadan, waxaa la adeegsadaa habka loo yaqaan DNS / Name Servers oo isku xiriirinaya Domain-ka iyo Host-tiga.
FG: Waxaa muhiim ah in emailka lagu qoro foomka marka la diiwan gelinayo magaca webka, waa in ay ahaato emailkaaga. Waayo qofka emailkaas leh ayaa magaca websiteka u wareejin kara meeshii uu doono. Sidaas daraadeed waa in aad magaca webka ku diiwaan gelisid email aad leedahay, sida emailka aad ku leedahay Hotmail, Yahoo, Gmail, FastMail iwm

Xaggee laga Diiwaan Geliyaa (Domain-ka)

Waxaa jira shirkado farabadan oo laga diiwaan geliyo magaca website-ka, waxaana loo yaqaan Diiwaan-geliyaal. Waxaana lagu kala xushaa sumacaddooda, adeeg wanaagooda iyo qiimaha ay ku diiwaan gelinayaan magaac website-ka.

AqoonkaalShirkadaha hoose waxay kamid yihiina kuwa laga diiwaan geliyo website-ka.

FG: Waxaa muhiim ah in aad xasuusnaatid waqtiga aad diiwaan gashatay magaca website-ka oo noqon kara hal sano, shan sano, toban sano iwm. Waana in aad xasuusnaatid waqtigaas waayo haddii aadan cusuboonaysiin waa kaa dhacayaa diiwaanku.
Waxaana jira koox ugaarsada magaca website-ku marka uu dhaco oo markaas hore ka diiwaan gashada, ayagoo u dan leh in ay websitekooda cusub u weeciyaan dadkii soo booqan jirey website-kaaga.
Sidaas daraadeed diiwaan gelinta oo keliya hawshu kuma istaageyso ee waa in sidoo kale la cusuboonaysiiyo magacac website-ka marka uu soo dhawaado waqtigiisu.
  • Talada Akhristayasha: Fadlan qaybta hoose ee Jawaabaha ku qor haddii ay jiraan macluumaad aad la wadaagi lahayd akhristayaasha ee kusaabsan diiwaan gelinta magac website-ka, ama waxa aad kala kulantay magac aad hore u diiwaan gashatay, ama diiwaan-geliye aad ku talin lahayd ama mid aad ka digi lahayd, iwm.

FG: Qiimaha diiwaan gelintuwaa is bedeli karaa.

Halkan marka aad soo gaartid, oo aad kuguulaysatid xulashada magaca website-ka, tallaabada xigta waa in aad kiraysatid meeshii aad akhbaarta website-ka ku xerayn lahayd, taas waxaad ka akhridaa casharka: Sidee Website-ka Loogu Xulan karaa Marti-geliye (Web Host) Wanaagsan.

Kalluun ha i-siin

ee waxaad i-bartaa

sida loo kalluumaysto.”

Macluumaad ku saabsan dhismaha Website-ka ka eeg halkan 

Qore: Maxamed Cali (AqoonKaal.com)

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Halkudheg:

Bookmark and Share

75 Jawaabood

  1. Dirie says:

    Asc bacda salaam jazaakallaahu khayral Jazaa wax badan ayaan sugaayay cashirkaan runtii Macalin Eng. mohamed.
    waana ku faraxasanahay in aan fursadaan nasiiyay
    allah ajar iyo xasanaad badan ha kaa siiyo anagana allaha nagu anfaco.

  2. Jamaal says:

    Waa qormo aad u qiimo badan, waxaanna runtii jeclaan lahaa in inta dad badani ay ku mashquulsan yihiin qoridda waxyaalo aan dan u lahayn iyaga iyo akhristayaashoodaba, in ay diyaariyaan maqaallo kan oo kale ah. Aad ayaad ugu mahadsan tahay, Eng. Maxamed Cali, casharrada faa’iidada badan ee aad halkaan ku soo gudbisid.

    Shirkadda 1&1 waxaan arkay dad badan oo ka dayrinaya adeeggooda, inkastoo ay tahay dhanka hosting-ka oo xagga domains-ka wax dhib ah kama maqal.

    Waxaa kale oo shirkadaha domain name registration-ka, kuwa ugu caansan ka mid ah, oo aan anigu adeegsadaa Enom (www.enom.com) – waxyaalaha aan ugu bogayna waxaa ka mid ah Control Panel-kooda oo aad u fudud (usability ahaan).

  3. Bashir says:

    waa arin mudneyd ogaanshaheeda.aad ayaan ooga helay

    thanks to teacher

  4. abdikani says:

    Eng: maxamed cali aad ayaad u mahad san tahay illaahayna wax qayr badan ha kugu badalo insha allaah arimahada badan oo aad ka soo hadashay waa kuwo aad noo anfacaya waxa mahad leh allaha meeshaas ku gaar siiyay iyo sida aad taloyinka fiican iyo casharada fican noo sii sid insha allaah wixi aan u baahano ama dhib nala soo gud boonaado waan kuu soo gubisan dona nabaadiino.

  5. Abshir says:

    Asalaamu Calaykum Dhamaantiin,

    Waxay ahayd inaan mar hore barto Bogan, Waxaan ii muuqata in Qoraayada Bogan ay bulshada soomaaliyeed kusoo siyaadiyeen dhaqan cusub oo ah DEEQSINIMO dhanka Cilmiga ah, in lagu deeqo cilmi shuruud la’aan waa dhaqan ku adag Bulshadeena gaar ahan Xirfad layaasha Somalida, Waxaa Balan ah inaan Cilmigaan ka faa’iidaysto Bulshadana uga faa’iideeyo.

    WAXAAN IDINKA FILAYNAA INAAD KU DHIIRI GALISAAN XIRFADLAYAASHA IYO AQOONYAHANKA SOOMALIDA INAY SIDIINA OO KALE UGU FAA’IIDEEYAAN UMMADDA SOMALIA, IDINKANA WAXAA IDIN LEEYAHAY HALKAAS WADA DEEQSINIMADIINA ALLAAH CILMIGA HA’IDIIN SIYAADIYO.

  6. Kamil_Boy says:

    ASC Marka hore waan ku salaamay walaalkeen macalinkeena Maxamad Cali.
    Marka xigta dhamaan akhyaarta ku taxan webkan qiimaha leh waan salaamay, salaan kadib waa arin in la ogaado mudan maxaa yeelay kuma baraarugsanayn in hadii shirkadda kusiisay magaca bilaashka ah ay ka baxdo suuqa aad ku magac waayi meeshaas. Thanks alot.

  7. Salman qasaro says:

    Asc 100% waad mahad santihiin mahad celin kadib waxan dhihi la hayn hadaan nahnay aq ristayaasha in aad ka dhigtaan university wayo waxa jiro arday anan abodin jamacada si das awgeed si ay isku mid u naqdaan ardada jamacadaha dhigato iyo anagoo ah aqristayasha aqoon kaal wcs by sxb

  8. Zarqawi zaid says:

    Masha,alah ad bad umahadsantahay walal sida wanagsan e ad usoqortay qormadan jazakalah waa waxlobahnaa runti wanakufarxay

  9. Wad salamantahay macalin Maxamed Cali macalimu waxan raba inad ii sharaxdid sida akoon looga sameysto Paypal iyo isticmaalkiisa.waxan raba inan Domain an diwangashado waxan joga Muqdisho.Credit card malihi balse paypal ayaa iifudud jazakallah Khayran.

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal Paypal sida akoon looga samaysto waa qaab aad usahlan, marka aad websiteka Paypal gashid ayaad ka dooranaysaa in aad akoon cusub a furanaysid. Laakiin waxaad u baahan doontaa akoon bangi si markaas aad isugu xiririsid akoonka iyo paypaalka oo aad lacagta ku xawilan kartid, lacagta aad u adeegsanayso in aad ku iibsati ddomain.

  10. Ayuun says:

    Aad iyo aad ayaad u mahadsantahy macalim dadaalka iyo waqtigaaga qiimaha badan ee aad noo hurtay waxaan ku leenahay baarak Allahufiika mcalim waxaan kugu boorinayaa inaanad ka daalin barnaamijyadan aad wadid insha Allah si dadkeena soomaliyed u fahman casharadn oo asalkoodu ka yimid Af qalaad annagana waxa naga ballan ah in wixii cashar ah ee aad nooso gudbiso anu si gudino hadi ilahay yidhaa.
    Fadlan ha ka daalin dadaalka aad wadid lkn sii wad insha Allah macalim.

  11. asc marka macalin salaanka bacdi aadbaankugu mahad celinayaa maadama oo aan arkay ama aan daalacday fiidyowyo badan oo aadku dhisay soo website lkn waxaan in aan ku waydiiyo sidee baan isu diwaan galinkaraa hadaan doonaayo inaa domian isk adiwaan galiyo

  12. yasin cismaan says:

    ASCL .jasalaka lahu khayr .
    waa la iswaydiinaya malinta qiyaame waxa aad wakhtigaaga ku qabatay midna waa ka qoomamoon .midkalena waa ku farxi .

    ale ha kaa dhigo kuwii ku farxa .anagana kuwii ka faa’idaysta

  13. maxamed says:

    ilaahay miisaanka xasanaadka ha kuugu daro wanaaga aad samaysay

  14. ilaahay haku naxariistato walalo wax aad samaysa way badan oo dadkeenu u baahnaayeen oo ku saabsan cilmiga waxaankaaga socda khayr halaa ka sii wad aniga ahaan tay waad kaa faaiidaysta waxaanku haya abaal aad u weyn oo aanan ku gudi Karin walalo waad mahadsantahay

  15. walalo waxaan doonay in aanku waydiiyo suaal ku saabasan sida loogu xidho domainka website aad samaysamaysay iyo loo update gareeyo

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal Abdirahman mahadsanid, arrinta Domain-ka sida loogu xiriiriyo website-ka:

      1. Marka aad Hostiga (marti-geliyaha) kiraysatid waxay kuusoo dirayaan ama ku siinayaa waxa loo yaqaan “Name servers” ama “DNS servers” oo ah lambarro ku lingaxan magaca Host-tiga, sida NS1.WEBKAMARTIGELIYAHA.COM iyo NS2.WEBKAMARTIGELIYAHA.COM

      2. Markaas ayaad geleysaa shaashadda laga agaasimo Domainka (Dashboard-ka) ee shirkadda aad ka iibsatey Domain-ka, waxaadna eegtaa meesha laga maareeyo Domain-ka, tusaale ahaan waxaa ku qornaan kara “My Domains” ama “Domain Manager”, halkaas ayaad ka dooranaysaa lambaradii uu kuu soo direen shirkadda Domain-ka.

      3. Marka aad isku rakibtid domainka iyo hostiga waxaa dhacda in ay qaadato ilaa 24-saacadood in websiteku ku soo baxo – sida caadiga ah haddii websiteku cusubyahay waxay qaadanaysaa saacado in uu ku baaho internetka taas oo ku xiran khadka internetka ee hostiga. markaas ayey bilaabanaysaa naqshaynta websiteka.

      waan filayaa in aad fahamtey habkaas.

  16. Nasteex says:

    Sxb waan ku salaamay marka hore, marka xigtana saa’id ayaad u mahadsan tahay runtii.
    Maanta waxaa isiisay cashar aan Mudo badan sugaayay, waadna ku mahadsan tahay dadaal kaaga aa umadda Soomaaliyeed u dadaaleesid. Allah ajar iyo xasanaad kaa siiyo bro.

  17. aamin omar abdilahi says:

    Maxamed Cali (AqoonKaal.com) aad iyo aad ayaan kugu mahad celinayaa alle ha ku daaayo in badan waxwalbana alle haku fududeeyo sidaad ardayda wax ugu fududayso

  18. asc, waa wax lagu farxi karo qaabkan aa wax ku wadiin, waana mid mudan in la’idinku dhiiro-galiyo

  19. mahmed says:

    Asca ilaahay liibaanta ha ku siiyo En; mahamed cali.

  20. Macallkeene wuxuu nuur u yahay inta afka somaaliga qori karto iyo inta akhriyi karto asxaanti saana o saana laakiin malihi Facebook waana kudaley sababtooah ingiska maqano soal buu iweydiyaa 1sikurat akoon magacyo change faro badan thank you teacher

  21. waad ku mahadsantahay casharkan aad maanta nabartay ee ah
    domainka
    ilaahy ajar iyo xasanad hakaa siiyooo
    miisaankaagay kuu fuulay

  22. magacaygu wa cabdilahi gure waxan ku noolahay magalada borama gobolka awdal

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal Abdilahi guure iyo akhyaarta kale ee Boorama kusoo dhawaada AqoonKaal.com.

  23. Abdihakiin says:

    waxaan rabay in aan wax ka ogaado tirada maalin kasta isoo booqato.

    Iyo inaan fiirin karo inta isoo booqato tiro ahaan in ay ii soo qormayaan

  24. Axmed Aar says:

    Asc Eng-mohamed Waad Ku Mahad San tahay Macalin Sida Wanag San Aad Inooga Faa’iideysid Casharada Ku Saabsan Computer Waliba Ayagoo Luqadeena Hooyo Ah.
    Mida Xigta Hadaa Iga Jaahil Bixin Kartid Sida Loo Isticmaaalo Paypal wan Fahmay balse aniga waxan doonayay inaa page Facebook ah Card u iibiyo si ay u kordhaan asxaabta ku jirto marka hadan dalbado kaso qaad ina bixiyo $10 maalin walba miye iga go’eysa mise 1 mar aya bixina kaliya ila tiradiisa ka kororto.
    Mise mar walba aya lega doonaya ina bixiyo $10 ila aan iska xiro brogaramkas jawab wacan. Insha allaah

    • Maxamed Cali says:

      Asc walaal Axmed Aar su’aasha si fiican uma fahmin: Ma waxaad dooneysaa inaad lacag ku bixisid sidii asxaabta aad ku leedahay Facebook kuugu kordhaan, yaad lacagta siineysaa oo kuu kordhinaya asxaabta? arrintaas haddi su’aashu tahay waxay iila muuqataa inaadan taas lacag iskaga bixin, waayo si fudud ayaad asxaabtaada ku kordhisan kartaa adigoo an lacag bixin waa haddii aad qortid qoraallo dadku ka faa’iidayaan ayagaa markaas asxaabtu isu sii sheegaya.

  25. Axmed Aar says:

    Mahad Sanid Eng- Waaa sax Sida Aad Sheegtay Page Aan biloyin ka hor sameyay oo 6,000 kor usii dhaafay ayaa jirto marka asxaab badan Oo pages sanado jiray laha aya wax iga weydiyen ina card u iibiyay maya ayana dhahay marka qaabka card aya fahmi wayay hadase maclumad wan ka fahmay mar labad mahad sanid bro jzakllahu kheyr.

  26. Abdikadir says:

    Asc
    Eng. Maxamed Cali aad ayaad u mahadsantahay waxaan Alle kaaga baryeynaa inuu kaa abaal siiyo dadaalka aad umada soomaaliyeed u hayso iyo ka qeyb qaadashada kor u qaadista tacliinta dadka soomaaliyeed iyo dhimista cadadka shaqa la’aanta da’ayarta soomaaliyeed meelkasta ay joogaan.
    Macalin waxaan ku waydiin lahaa adigoo mahadsan sideen ku bixin karaa lacagta diiwaan galinta hadii aan joogo soomaaliya maadaama anan paypal iyo wax lamid ah anan lahayn?

    Mahadsanid

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal mahadsanid ducadaada iyo dhiiri gelinta. Arrinta diiwaan gelinta website qof jooga Soomaaliya weli xal rasmi ah oo loo helay lama kulmin, waana sida aad sheegtay oo waxaa loo baahan yahay paypal. Mar sii horeysay ayaan arkay shirkad sheegtay in ay websiteyada diiwaan geliso taas oo sheegtay in xaruntoodu tahay Soomaaliya ama Kenya, laakiin magacii shirkaddaas iyo waxa ay ku diiwaan geliso ma hubo. Mahadsanid.

  27. shariif says:

    Asc..
    Macalinkeen(Max,ed Cali) alloow kaal si ka badan sida uu Aqoonkaal noogu kala dhig dhigay..
    Macalinka waxaan jeclahay inaan ku weydiiyo su,aal mowduuca ka baxsan oo ku saabsan sida (Audio file) MP3, PC -ka kuugu jira loogu transfeero (loo geeyo) website-ka adigoo isticmaalaya HTML ?

    • Maxamed Cali says:

      ASC Walaal mahadsanid, mp3 sida caadiga ah ayaa marka hore loo duubaa ( http://aqoonkaal.com/audacity/ ), markaas ayaa faylka codka ah ee MP3 waxaad ku xawileysaa websiteka adigoo adeegsanaya FTP, markaas ayaa codka link ahaan ugu xiriirinehysaa HTML.

  28. Deka says:

    Asc macalin.MashaAllah.Allah un baa ajarkaaga bixin kara.waayo wax badan ayaad noo faaideysay…jazkallahu….

    mahadsanid in badan.

  29. kamas says:

    asc walaal sideen u dooran karaa muuqaalka pageka koowaad

  30. abdirisak says:

    waxay mahad oo dhani u sugnaatay rabiga na abuurtay swtc waxaan mahada kale iska leh Eng oo si hagar la aan ah noogu deeqay cilmigiisa hadana ku qoray luqadayada somaliyed mahad celin kadib Eng waxaan rabaa inaan ku weydiyo waxaan rabaa webka inaan furta rabo kabatigisu inuu noqdo mid xajmi weyn oo uu qoralo ama sawiro iyo muqalo ku xambaaro yesho ma iga caawin karta xajmiga ugu weyn ee aan dalban karo
    mahadsanid

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      Asc, ugu horayn muuqaaladu ama video mug badan kaa qaadan mayaan haddaad gelisid Youtube, Vimeo iwm, kaddibna aad websiteka ku xiriiris ama embed qoraalada u dhexgelid videoyada.

      Waxaa mug badan qaata sawirada iyo codka ama audio in kasta oo codka qudhiisa la gelin karo https://soundcloud.com

      Waxaa culaysku ka yimaadaa waa marka dad badani soo booqdaan websiteka, marka mugga ka sokow waa in aad iibsatid server ogol dad badan in aysoo booqan karaan websiteka

  31. maxamed muumin ali says:

    macalin runti ad ayad u mahadsantahay dadalkaga dher sii wad ayan kuleenahay lkn waxan ubahna ayadoo video ah casharada mahadsanid

  32. asc dhaman asxbt meesha ku jirto waa idin salamaye marka xigto waxan rabne qof noga fadidey xage website sida loo aburo

  33. Ahmed Niikax says:

    Mansha Allah

  34. walal macalinkayga mohamed ali waxaan ku su aalayaa sideee baa acoon websiteka looogu samaystaa yacnii xayaysiiska inaan ku xidho ayaan rabaa aconkana aniga aan maamulo qaabkee loo samaysto xayaysiiskana loo saaran karo weebka aan leeyahay

  35. ali dhere says:

    Asc bahada aqoonta dhiibta waxan idin leyahay masha allh wa shukran

  36. Scl macalin kolay mudo aad u dheer ayaad wadeen hawshan aadka u mihiimka aha adiga iyo inta kaala shaqaysaba alle ha idinka abaal mariyo macalin waxan u baahnay inaan samaysto website anoo jooga somaliland somaliland markaa iga caawi xoogaa macluumaada mahadsanidin

  37. AAD AYAAN IDINKA MAHD CELAA QABKA AAD BARNAAMJIYADA NOGU SOO GUDBIDEEN

  38. B.N.Carale says:

    Ascww.walaal waad mahasantahay waxaan kaa cod sanayaa inaad ii iftiimiso.Waxaan rabaa inaan web cusub aan samaysto sidaas awgeed waxaan kaa doonayaa haduu alaidmo shirkada ugu qiimaha fiican iyo waxtar fiican uguna shaqo fiican ama adeeg fiican inaad iisoo qorto.Waadna mahadsantahay walaalkeey.

    Qore Bile .

  39. saxardiid says:

    wll anigu waxaan rabaa inaa samaysto cinwaan ama pesonal website, marka seen usamaysan karaan hadaan rabo

    maxaase shuruudo ahoo laiihga baahanyahay

    wac

  40. safwaan cabdi says:

    hadii aan paypal iyo master card lahayn sidee aan ku furanayaa

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      waa shardi in aad leedahay credit card si aad u kiraysatid webhost ama domain

  41. Mohamed Abdirhman says:

    mahadsanid walaal, allaha kaa abaal mariyo waxa aad bulshada u haysid

  42. jama hassan says:

    asc mclin maxaned aqoonkaal waxaan rabaa in aad iifaa iideyso cridit card malihii sidee usameysan karaaa aad baad umahadsantahay

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      Asc walaal credit card waa shardi ka mid marka la diiwaan gashanayo domainka, waxaana sidaas loo yeelay in qofka leh credit card lagu furtay in uu yeelanayo masuuliyadda wixii lagu qoro webka.

  43. Abdirizaaq says:

    Waa mahadsantihiin

  44. ASC Macalin aad Baad UMahadsantahay Mobile Ma Lagu Isticmali Karaa
    #Websitka-marka-lasamaynayo

  45. maxamuud ismaaciil says:

    waxaanu ka fahanay casharo badan waad mahad santahay
    macalin

  46. dr mukhtaar says:

    asc waxaan halkaan ka slamaya maclinka maxmed cali iyo dhamaan bahda aqoonkaal dadka waad u faa idaysan idinka bilaash ugu faa idoyo waxaan kaa codsanyaa xagee credit card ka helayaa somalia ama igu dhow

  47. khaled nuur says:

    ASC.
    bacda salaan sidee baan intaan samaysto PayPal aan lacag ugu xawili karaa ugana soo qaadan karaa oon ugu xawili karaa xisaab bank somali ah aan ku leeyahay?
    supported somali banks by PayPal please[waiting…]

  48. Adam maxamed says:

    Waxan ugahelay aad iyo aad waa cashar muhiimadiisa leh waan kaaga mahadcelinayaa cilmiga aankafaaiday casharkaaga mahadsanid maxamed cali

  49. Farxiya says:

    Mahadsanid Markahore Engineere.
    Waxaan Ku weydiinayaa Sida ey ku suurta gashay In WebSite aad xustay ee iibiyaaan Magacyada(Domain) ka .
    Maxa waa jiro Shardiyo ama Xeerar loo maro In Domain Name La iibiyo?
    Plz waaa ii muhiim

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      asc, walaal meelaha ku xusan qoraalka waa goobo iibiya domainka, waxaa shardi ah waa in magaca aad rabtid in aad diiwaan gashato in aan qof hore u diiwaan gashan. Waxaa kale oo shardi ah aad lacagta ku bixiso credit card sannad kasta.

  50. Ayan Ahmed Zubeyr says:

    mansha Allah..

    waa website-ki ugu horeyay oo Soomali ledahay oo sidan aan uga faa’ido. aad baad u mahadsantihiin.

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      Mahadsanid walaal Ayan, waana ku faraxsanahay inaad websiteka ka faa’iidey aqoon kororsi.

  51. Abdkani says:

    Waxaad samaysay wax fiican oo loo baahnaa.
    ilaa 2012 kii ilaa maanta 2021 isku si ayaa loo baadhaa ciwaankan, walina loo sii baadhi doonaa marba cida ubaaahata, alle ajarkeeda ha ku siiyo

Qor Jawaabtaada