Soo rogo Windows 10 ka hor July 29, 2016 – wixii ka dambeeya waxay noqon Lacag

Daabace: Mohamed Ali - AqoonKaal | Taariikh: Friday, July 24, 2015 | 11 Jawaabood

« | »

Haddii aad weli adeegsatid computer ku shaqeeya Windows 7 iyo Windows 8.1, waxaad fursad u haystaa ilaa laga gaarayo July 29, 2016 in aad lacag la’aan kusoo rogatid Windows 10.

Wixii ka dambeeya July 29, 2016 markaas Windows 10 waxay noqon doontaa lacag.

Sidaas daraadeed yeysan ku dhaafin fursaddaasi haddii aad adeegsatid Windows 7 ama Windows  8.1 si aad u cusboonaysid oo u soo rogatid Windows 10.

Wixii ka dambeeya July 29, 2016 haddii aad u baahatid in aad Windows 7 iyo Windows 8.1 u rogtid Windows 10 markaas waxaad bixin doontaa lacag kor u dhaafeysa $100 US doolar. (FG: Microsoft waxa uu farsamo-taageerida Windows 7 joogin doonaa January 14, 2020, sidaasna ay u mari doonto dariiqii Windows XP ee laga baxay adeegsigeeda.)

Haddaba booqo website-ka Windows 10, oo soo rogo inta aan la gaarin 29-ka July 2016.

FG:
Windows 10 waxay isku bah yihiin ama isku dhawyihiin Windows 8, laakiin waa ka casrisan tahay. Waxa ugu weyn ee ay kusoo kordhiyeen waa Start menu oo Windows 8 ka kharribnaa ayaa dib loo soo celiyey Windows 10.

Muhiimada ugu weyn waa in guud ahaan qaabka ay Windows 10 u shaqayso uu la jaan qaadayo computerada iyo barnaamijyada casriga ah.

SU’AAL:

Akhriste ayaa isoo weydiieye su’aashan:

“waad mahadsantihiin laakiin haddii aan soo degsado windows 10 ilaa meeqa sano ayay firii ama lacag laan aan isticmaali karaa??????????????”

Waxaan ugu jawaabey sidan:

Qiso ayaan maqli jirey nin aan weligiis been sheegin oo la oran jirey Gambool ayaa la yiri aan tijaabino, si taas loo sameeyo waxaa la soo qabtay dibi, dabna waa la shiday. Markaas ayaa Gambool waxaa lagu yiri orod oo cid yeblaayo u tag oo waxaad ku tiraahdaa hilib soo doonta dibiga waa qaleynaaye, mindiyahana waa la afaystay. Markuu farriintii gaarsiiyey, illeen waa wax la isla ogaaye, waxay weydiiyeen “hilibkii diyaar ma ahaa”. Wuxuu ku jawaabey “Haddaan dibi la xiray dantiis furrayn, dibigiina waa xirnaa, dabkiina waa shidnaa.”

Taas waxaan uga golleeyahay, Microsoft wuxuu si caam ah u sheegay in Windows 10 lacag la’aan lagu soo degsan karo wixii ka horeeya July 29, 2016. Sida looga bartayna Windows intii ay compurerka ku jirto waa shaqaynaysaa haddaan computerku xumaan.

Qore Maxamed Cali (AQOONKAAL.COM)

windowcloud

windows_update

 

« | »

Faafin: AqoonKaal.com

Qoraallada AqoonKaal kala soco: RRS | Email | Twitter | Facebook

Bookmark and Share

11 Jawaabood

  1. abukar says:

    walaal markaan rogtay window 10 waxaan waayay markiiba codkii computerka sideen ku xalanikara thanks

  2. abukar says:

    maya walaal waa 100% markii hore window 7 ayaa igu jiray wuuna shaqaynayay hada markaan usoo waregay window gan cusub ayaan codka waayay marka sound ka galana wuxuu ileyahay waa ok

  3. Zaak says:

    walaal maxamed horta waad mahadsan tahay in badan ayaad nacaawisay alaahy ayaan khayr ka helaysaa wll …..intaa kabacdi waxa aan ku waydiin lahaa wll waxa aan u baahanahy inaan barto si aan computerkayga aan u masaxi lahaa ama aan (formatting) ugu samayn lahaa iyo sida aan kan cusub ugu shubi lahaa iyo sida drives iyo loogu shubi lahaa wll waan kaaa jawaab sugayaa wll
    mahadsanid….!!

  4. jama hassan says:

    walaal aad baad umahadsantahay window 10 ka waan soo rogtay blse waxaad moodaa in uu culeysyahay marka maxaa ku xalinkaraa

  5. maxamed kalabood says:

    asc walal wad mahadsntaht saxib codsi waxn rabaa window af somli

  6. ASC dhamman maamulka Aqoonkaal .com
    bacda salan waxan jeclan lahaa inad iisheegtan laptop ayaa maraykanka LA IGA keenay oo waliba 3bilod lasoo isticmaly marka aan furay laptop kii waxan Ku araky cilad ah Audio/codka ayaa cross /isku tilaab saran tahy markan kudhuftana wuxu ileeyahy no Audio marka Windows 10 ayaa Ku jiraa marka lagu cilad saari karaa laptop kuna waa Tushiba se driver nooce ah ayuu kushaqaynka karaa
    WD mahadsantihin Aqoonkal

    • Mohamed Ali - AqoonKaal says:

      walaal si aan cillada u fahmo, maxaa dhacaya marka aad riixdid barta calaamada codka

  7. MOHAMED IBRAHIM says:

    walaal taladaaadu way I anfacday codkiina waan hagaajiyay ee Alle kheyr hakaaga abaal mariyo
    guulayso sxb

Qor Jawaabtaada